Ducada hindhisada iyo jawaabteeda

Waxa uu yidhaahdo qofka hindhisa, iyo waxa uu ugu jawaabo qofka maqla.

1 Hal mar

Macnaha iyo isha

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu hindhisayo Gacantiisa ama Maradiisa ayuu saari jiray Afkiisa oo ku yarayn jiray Codkiisa.

Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo Axmed Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu ahaa haduu hindhisayo:

marka 1aad: Gacantiisa ama Maradiisa ayuu Afka saari jiray, si aanu uga soo bixin Afkiisa ama Sankiisa wax dadka la fadhiya dhiba.

Marka 2aad: Codkiisa ayuu hoos u dhigi jiray oo kor uma qaadi. jirin.

Faa'iidooyin

  • Xadiiskaan waxaa ku cad dhaqankii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu u hindhisi jiray iyo in looga daydo arinkaas.
  • Waa Suno in Afka iyo Sanka la saaro Maro ama Masar iyo wixii la mid ah markuu Qofku hindhisayo, si aanay uga soo bixin wax dhiba Qofka la fadhiya.
  • Xadiiska waxaa ku sugan in la rabo in Codka hoos loo dhigo marka la hindhisaayo, waana kaamilnimada aadaabta iyo akhlaaqda wanaagsan.

Ka akhri HadeethEnc.com

Su'aalo

Maxaa ku jira boggan?

Ducada hindhisada: mid kasta oo Carabi ah, la socda macnihiisa, xadiiska uu ka yimid, darajadiisa iyo sharraxaad.

Tarjumaaduhu xaggee ka yimaadeen?

Waxay ka yimaadeen HadeethEnc.com, Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga ee la Turjumay. Xadiis kasta waxa loo soo bandhigaa sida ay u daabaceen, oo leh ishiisa iyo darajadiisa, iyo xiriirin asalka ah.

Ma heli karaa xasuusin maalinle ah?

Haa. Barnaamijka bilaashka ah ee Qabas ee Android wuxuu ku xasuusiyaa adkaarta subaxa iyo fiidka maalin kasta, wuxuuna leeyahay isla tiriyahan.