Suuradda Al-Qasas القصص

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

طسٓمٓ ١

Tā Sīn Mīm

1. Daa siin Miim 1.

تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ ٢

Tilka āyātul-kitābil-mubīn

2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee cad.

نَتۡلُواْ عَلَيۡكَ مِن نَّبَإِ مُوسَىٰ وَفِرۡعَوۡنَ بِٱلۡحَقِّ لِقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ ٣

Natlū 'alayka min naba'i mūsā wafir'awna bil-haqqi liqawmin yu'minūn

3. Waxaan kugu akhrin wax ka mid ah warkii Muuse iyo Fircoon oo xaq ah ciddii rumayn.

إِنَّ فِرۡعَوۡنَ عَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَجَعَلَ أَهۡلَهَا شِيَعٗا يَسۡتَضۡعِفُ طَآئِفَةٗ مِّنۡهُمۡ يُذَبِّحُ أَبۡنَآءَهُمۡ وَيَسۡتَحۡيِۦ نِسَآءَهُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ ٤

Inna fir'awna 'alā fil-ardi waja'ala ahlahā shiya'an yastad'ifu tā'ifatam minhum yudhabbihu abnā'ahum wayastahyī nisā'ahum innahū kāna minal-mufsidīn

4. Hubaal, Fircoon waa isku sare yeelay dhulka, wuxuuna ka yeelay dadkeedii kooxo, isagoo dulleysan (dulmin) koox ka mid ah (reer Israa’iil), gowracaya wiilashooda, una deynaya nolol haweenkooda (si ay ugu adeegtaan). hubaal, wuxuu ka mid ahaa kuwa wax fasaadiya (xumo wadeenka).

وَنُرِيدُ أَن نَّمُنَّ عَلَى ٱلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَنَجۡعَلَهُمۡ أَئِمَّةٗ وَنَجۡعَلَهُمُ ٱلۡوَٰرِثِينَ ٥

Wanurīdu an namunna 'alal-ladhīnastud'ifū fil-ardi wanaj'alahum a'immatan wanaj'alahumul-wārithīn

5. Waxaana doonnay inaan u galno wanaag kuwii loo arkay daciif ee lagu dulleysanayey arlada, kana yeello hooggaamiyayaal, oo ka yeello iyaga dhaxlayaasha (arlada Masar).

وَنُمَكِّنَ لَهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَنُرِيَ فِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَ وَجُنُودَهُمَا مِنۡهُم مَّا كَانُواْ يَحۡذَرُونَ ٦

Wanumakkina lahum fil-ardi wanuriya fir'awna wahāmāna wajunūdahumā minhum mā kānū yahdharūn

6. Oo aan ku awood siinno arlada oo tusinno Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ka digtoonaayeen 2.

وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰٓ أُمِّ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَرۡضِعِيهِۖ فَإِذَا خِفۡتِ عَلَيۡهِ فَأَلۡقِيهِ فِي ٱلۡيَمِّ وَلَا تَخَافِي وَلَا تَحۡزَنِيٓۖ إِنَّا رَآدُّوهُ إِلَيۡكِ وَجَاعِلُوهُ مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ٧

Wa awhaynā ilā ummi mūsā an ardi'īhi fa idhā khifti 'alayhi fa alqīhi fil-yammi walā takhāfī walā tahzanī innā rāddūhu ilayki wajā'ilūhu minal-mursalīn

7. Waxaan u waxyoonnay Muuse hooyadi (Annagoo leh): Nuuji (Muuse), markaadse u cabsato ku tuur webiga (Niil), ha cabsan, hana murugoon. Annagaa kuu soo celin, oo ka yeeli mid ka mid ah Rususha (Alle).

فَٱلۡتَقَطَهُۥٓ ءَالُ فِرۡعَوۡنَ لِيَكُونَ لَهُمۡ عَدُوّٗا وَحَزَنًاۗ إِنَّ فِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَ وَجُنُودَهُمَا كَانُواْ خَٰطِـِٔينَ ٨

Fal-taqatahū ālu fir'awna liyakūna lahum 'aduwwan wahazanan inna fir'awna wahāmāna wajunūdahumā kānū khāti'īn

8. Waxaa soo qaatay reer Fircoon isagoo u noqon cadow iyo (sabab u keenta ciil iyo) murugo. Hubaal Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ahaayeen kuwo gef badan.

وَقَالَتِ ٱمۡرَأَتُ فِرۡعَوۡنَ قُرَّتُ عَيۡنٖ لِّي وَلَكَۖ لَا تَقۡتُلُوهُ عَسَىٰٓ أَن يَنفَعَنَآ أَوۡ نَتَّخِذَهُۥ وَلَدٗا وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ ٩

Waqālatimra'atu fir'awna qurratu 'aynil lī walaka lā taqtulūhu 'asā an yanfa'anā aw nattakhidhahū waladan wahum lā yash'urūn

9. Marwadii Fircoon waxay tidhi: Waa il qabawsigeenna aniga iyo adigaba. Ha dilina, waa intaasoo uu na anfaco ama aan ka dhiganno wiil, iyagoon dareensaneyn 3.

وَأَصۡبَحَ فُؤَادُ أُمِّ مُوسَىٰ فَٰرِغًاۖ إِن كَادَتۡ لَتُبۡدِي بِهِۦ لَوۡلَآ أَن رَّبَطۡنَا عَلَىٰ قَلۡبِهَا لِتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٠

Wa asbaha fu'ādu ummi mūsā fārighan in kādat latubdī bihī lawlā ar rabatnā 'alā qalbihā litakūna minal-mu'minīn

10. Wuxuu ahaaday qalbigii Muuse hooyadi mid maran 4, waxay ku sigatay inay kashifto (arrinkiisa) haddaanaan adkaynin qalbigeeda si ay uga mid ahaato mu’miniinta.

وَقَالَتۡ لِأُخۡتِهِۦ قُصِّيهِۖ فَبَصُرَتۡ بِهِۦ عَن جُنُبٖ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ ١١

Waqālat li ukhtihī qussīhi fabasurat bihī 'an junubin wahum lā yash'urūn

11. Waxay ku tidhi walaashiis (Miriam): Raad raac, waxayna ka eegeysay dhinac fog si qarsoodi ah iyagoon dareemeyn.

۞ وَحَرَّمۡنَا عَلَيۡهِ ٱلۡمَرَاضِعَ مِن قَبۡلُ فَقَالَتۡ هَلۡ أَدُلُّكُمۡ عَلَىٰٓ أَهۡلِ بَيۡتٖ يَكۡفُلُونَهُۥ لَكُمۡ وَهُمۡ لَهُۥ نَٰصِحُونَ ١٢

Waharramnā 'alayhil-marādi'a min qablu faqālat hal adullukum 'alā ahli baytin yakfulūnahū lakum wahum lahū nāsihūn

12. Waxaanu horey u qaddarnay inuu diido nuujiso (kale) oo dhan 5, markaasay (walaashiis timid oo) tidhi: Ma idin tusaa reer idiin daryeelaya, oo iyagu u roonaan.

فَرَدَدۡنَٰهُ إِلَىٰٓ أُمِّهِۦ كَيۡ تَقَرَّ عَيۡنُهَا وَلَا تَحۡزَنَ وَلِتَعۡلَمَ أَنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ١٣

Faradadnāhu ilā ummihī kay taqarra 'aynuhā walā tahzana walita'lama anna wa'dallāhi haqqun walākinna aktharahum lā ya'lamūn

13. Waxaan ku soo celinnay hooyadiis si ay u il qabawsato oo u murugoon, una ogaato in wacadka Alle Xaq yahay, dadka badankiisuse ma ogsoona.

وَلَمَّا بَلَغَ أَشُدَّهُۥ وَٱسۡتَوَىٰٓ ءَاتَيۡنَٰهُ حُكۡمٗا وَعِلۡمٗاۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ١٤

Walammā balagha ashuddahū wastawā ātaynāhu hukman wa'ilman wakadhālika najzil-muhsinīn

14. Markuu (Muuse) tabar galay oo buuxsamay (caqli ahaan), Waxaanu siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

وَدَخَلَ ٱلۡمَدِينَةَ عَلَىٰ حِينِ غَفۡلَةٖ مِّنۡ أَهۡلِهَا فَوَجَدَ فِيهَا رَجُلَيۡنِ يَقۡتَتِلَانِ هَٰذَا مِن شِيعَتِهِۦ وَهَٰذَا مِنۡ عَدُوِّهِۦۖ فَٱسۡتَغَٰثَهُ ٱلَّذِي مِن شِيعَتِهِۦ عَلَى ٱلَّذِي مِنۡ عَدُوِّهِۦ فَوَكَزَهُۥ مُوسَىٰ فَقَضَىٰ عَلَيۡهِۖ قَالَ هَٰذَا مِنۡ عَمَلِ ٱلشَّيۡطَٰنِۖ إِنَّهُۥ عَدُوّٞ مُّضِلّٞ مُّبِينٞ ١٥

Wadakhalal-madīnata 'alā hīni ghaflatim min ahlihā fawajada fīhā rajulayni yaqtatilāni hādhā min shī'atihī wahādhā min 'aduwwihī fastaghāthahul-ladhī min shī'atihī 'alal-ladhī min 'aduwwihī fawakazahū mūsā faqadā 'alayhi qāla hādhā min 'amalish-shaytāni innahū 'aduwwum mudillum mubīn

15. Wuxuu soo galay magaalada gooray war la' yihiin dadkeedu 6, markaasuu wuxuu kula kulmay halkaa labo nin oo diriraya - midi ka mid yahay qoladiisa 7, kan kalena ka tirsan yahay cadowgiisa. Ninkii qoladiisa ahaa baa uga kaalmo warsaday oo qeyshaday xagga kii ahaa cadowgiisa, markaasuu Muuse feedhay mar keliya oo kaw kaga siiyey. (Muuse) wuxuu yidhi: kanu waa camal Shaydaan, hubaal waa cadow, wax dhumiya oo cad.

قَالَ رَبِّ إِنِّي ظَلَمۡتُ نَفۡسِي فَٱغۡفِرۡ لِي فَغَفَرَ لَهُۥٓۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ ١٦

Qāla rabbi innī zalamtu nafsī faghfir lī faghafara lahū innahū huwal-ghafūrur-rahīm

16. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dulmiyey naftayda ee ii denbi dhaaf, wuuna u denbi dhaafay. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.

قَالَ رَبِّ بِمَآ أَنۡعَمۡتَ عَلَيَّ فَلَنۡ أَكُونَ ظَهِيرٗا لِّلۡمُجۡرِمِينَ ١٧

Qāla rabbi bimā an'amta 'alayya falan akūna zahīral lil-mujrimīn

17. (Muuse) wuxuu yidhi:Rabbiyow!Waxaad igu galladeysatay darteed (oo denbi dhaaf ah), marnaba dib dambe uguma noqon doono caawiye denbiilayaasha.

فَأَصۡبَحَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ خَآئِفٗا يَتَرَقَّبُ فَإِذَا ٱلَّذِي ٱسۡتَنصَرَهُۥ بِٱلۡأَمۡسِ يَسۡتَصۡرِخُهُۥۚ قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰٓ إِنَّكَ لَغَوِيّٞ مُّبِينٞ ١٨

Fa asbaha fil-madīnati khā'ifan yataraqqabu fa idhal-ladhistansarahū bil-amsi yastasrikhuhū qāla lahū mūsā innaka laghawiyyum mubīn

18. Wuxuu ku sugnaa magaalada isagoo cabsanaya, digtoon, mise kii gargaarka warsaday maalintii hore baa u qeyshanaya inuu u soo hiilliyo (mar kale). (Muuse) wuxuu ku yidhi: Adigu waxaad tahay baadiyeeye iska cad.

فَلَمَّآ أَنۡ أَرَادَ أَن يَبۡطِشَ بِٱلَّذِي هُوَ عَدُوّٞ لَّهُمَا قَالَ يَٰمُوسَىٰٓ أَتُرِيدُ أَن تَقۡتُلَنِي كَمَا قَتَلۡتَ نَفۡسَۢا بِٱلۡأَمۡسِۖ إِن تُرِيدُ إِلَّآ أَن تَكُونَ جَبَّارٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا تُرِيدُ أَن تَكُونَ مِنَ ٱلۡمُصۡلِحِينَ ١٩

Falammā an arāda an yabtisha billadhī huwa 'aduwwul lahumā qāla yāmūsā aturīdu an taqtulanī kamā qatalta nafsā bil-amsi in turīdu illā an takūna jabbāran fil-ardi wamā turīdu an takūna minal-muslihīn

19. Markuu se doonay inuu qabto (oo wax yeelo) kii cadowga u ahaa, wuxuu yidhi: Muusow! Ma waxaad dooneysaa inaad I disho sidaad u dishayba naf (kale) shalay? Ma dooneysid waxaan aheyn inaad ka noqoto macangag isla weyn arlada, mana dooneysid inaad ka mid ahaato kuwa wax hagaajiya 8.

وَجَآءَ رَجُلٞ مِّنۡ أَقۡصَا ٱلۡمَدِينَةِ يَسۡعَىٰ قَالَ يَٰمُوسَىٰٓ إِنَّ ٱلۡمَلَأَ يَأۡتَمِرُونَ بِكَ لِيَقۡتُلُوكَ فَٱخۡرُجۡ إِنِّي لَكَ مِنَ ٱلنَّٰصِحِينَ ٢٠

Wajā'a rajulum min aqsal-madīnati yas'ā qāla yāmūsā innal-mala'a ya'tamirūna bika liyaqtulūka fakhruj innī laka minan-nāsihīn

20. Nin baa ka yimid magaalada xaggeeda shishe isagoo rooraya. Wuxuu yidhi: Muusow! Xildhibaannadii waxay ku tashanayaan inay ku dilaan ee baxso, waxaan anigu xaqiiq kuu ahay daacade.

فَخَرَجَ مِنۡهَا خَآئِفٗا يَتَرَقَّبُۖ قَالَ رَبِّ نَجِّنِي مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ ٢١

Fakharaja minhā khā'ifan yataraqqabu qāla rabbi najjinī minal-qawmiz-zālimīn

21. Markaasuu (Muuse) ka baxay (magaalada) isagoo cabsanaya, digtoon. Wuxuuna yidhi: Rabbiyow! Iga badbaadi qolodaa daalimiinta (gar diidka) ah.

وَلَمَّا تَوَجَّهَ تِلۡقَآءَ مَدۡيَنَ قَالَ عَسَىٰ رَبِّيٓ أَن يَهۡدِيَنِي سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ ٢٢

Walammā tawajjaha tilqā'a madyana qāla 'asā rabbī an yahdiyanī sawā'as-sabīl

22. Markuu u jahaystay xagga (arlada) Madyan wuxuu yidhi: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo dhabbo Toosan.

وَلَمَّا وَرَدَ مَآءَ مَدۡيَنَ وَجَدَ عَلَيۡهِ أُمَّةٗ مِّنَ ٱلنَّاسِ يَسۡقُونَ وَوَجَدَ مِن دُونِهِمُ ٱمۡرَأَتَيۡنِ تَذُودَانِۖ قَالَ مَا خَطۡبُكُمَاۖ قَالَتَا لَا نَسۡقِي حَتَّىٰ يُصۡدِرَ ٱلرِّعَآءُۖ وَأَبُونَا شَيۡخٞ كَبِيرٞ ٢٣

Walammā warada mā'a madyana wajada 'alayhi ummatam minan-nāsi yasqūna wawajada min dūnihimumra'atayni tadhūdāni qāla mā khatbukumā qālatā lā nasqī hattā yusdirar-ri'ā'u wa abūnā shaykhun kabīr

23. Markuu soo gaaray biyihii Madyan wuxuu ka helay halkaa koox rag ah oo waraabsanaya (xoolahooda), sokadooda wuxuu ka helay labo haween ah oo horaya (xoolahooda). (Muuse) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiinnu yahay? Waxay yidhaahdeen: Ma waraabinno (xoolaheenna) jeeray raacata- du fulaan oo kaxeystaan (xoolahooda), aabbaheenna waa oday weyn oo da' ah.

فَسَقَىٰ لَهُمَا ثُمَّ تَوَلَّىٰٓ إِلَى ٱلظِّلِّ فَقَالَ رَبِّ إِنِّي لِمَآ أَنزَلۡتَ إِلَيَّ مِنۡ خَيۡرٖ فَقِيرٞ ٢٤

Fasaqā lahumā thumma tawallā ilaz-zilli faqāla rabbi innī limā anzalta ilayya min khayrin faqīr

24. Markaasuu u waraabiyey (xoolahoodii), wuxuuna u jeesaday oo aaday xagga meel har leh, oo yidhi: Rabbiyow! Waxaad I siiso oo khayr ah waan u baahnahay.

فَجَآءَتۡهُ إِحۡدَىٰهُمَا تَمۡشِي عَلَى ٱسۡتِحۡيَآءٖ قَالَتۡ إِنَّ أَبِي يَدۡعُوكَ لِيَجۡزِيَكَ أَجۡرَ مَا سَقَيۡتَ لَنَاۚ فَلَمَّا جَآءَهُۥ وَقَصَّ عَلَيۡهِ ٱلۡقَصَصَ قَالَ لَا تَخَفۡۖ نَجَوۡتَ مِنَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّٰلِمِينَ ٢٥

Fajā'athu ihdāhumā tamshī 'alastihyā'in qālat inna abī yad'ūka liyajziyaka ajra mā saqayta lanā falammā jā'ahū waqassa 'alayhil-qasasa qāla lā takhaf najawta minal-qawmiz-zālimīn

25. Markaasaa labadii gabdhood middood u timid iyadoo u soconaysa si xishood leh oo tidhi: Aabbahay baa kuu yeedhaya si uu kuu siiyo abaalgudka waraabintii darteed aad noo waraabisay (xoolahayaga). Markuu u yimid 9 oo uga warramay wixii qisooyin dhacay, wuxuu yidhi: Ha cabsan. Waad ka badbaadday qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.

قَالَتۡ إِحۡدَىٰهُمَا يَٰٓأَبَتِ ٱسۡتَـٔۡجِرۡهُۖ إِنَّ خَيۡرَ مَنِ ٱسۡتَـٔۡجَرۡتَ ٱلۡقَوِيُّ ٱلۡأَمِينُ ٢٦

Qālat ihdāhumā yā'abatista'jirhu inna khayra manista'jartal-qawiyyul-amīn

26. Waxay tidhi middood (labadii gabdhood): Aabbow ijaaro! Hubaal waxaa u fiican cid la ijaarto xoog badanaha, aaminka ah 10.

قَالَ إِنِّيٓ أُرِيدُ أَنۡ أُنكِحَكَ إِحۡدَى ٱبۡنَتَيَّ هَٰتَيۡنِ عَلَىٰٓ أَن تَأۡجُرَنِي ثَمَٰنِيَ حِجَجٖۖ فَإِنۡ أَتۡمَمۡتَ عَشۡرٗا فَمِنۡ عِندِكَۖ وَمَآ أُرِيدُ أَنۡ أَشُقَّ عَلَيۡكَۚ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ٢٧

Qāla innī urīdu an unkihaka ihdabnatayya hātayni 'alā an ta'juranī thamāniya hijajin fa in atmamta 'ashran famin 'indika wamā urīdu an ashuqqa 'alayka satajidunī in shā'allāhu minas-sālihīn

27. (Shucayb - Jethro) wuxuu yidhi: Waxaan rabaa inaan kuu guuriyo mid ka mid ah labadaydaan gabdhood, waxaase shardi ah inaad ii shaqeyso siddeed sano, haddiise aad buuxiso toban, waxay ahaan (axsaan) xaggaaga ah, ma doonayo inaan ku dhibo. Haddii Alle idmo, waxaad heli (igu ogaan) inaan ka mid ahay kuwa wanaagsan.

قَالَ ذَٰلِكَ بَيۡنِي وَبَيۡنَكَۖ أَيَّمَا ٱلۡأَجَلَيۡنِ قَضَيۡتُ فَلَا عُدۡوَٰنَ عَلَيَّۖ وَٱللَّهُ عَلَىٰ مَا نَقُولُ وَكِيلٞ ٢٨

Qāla dhālika baynī wabaynaka ayyamal-ajalayni qadaytu falā 'udwāna 'alayya wallāhu 'alā mā naqūlu wakīl

28. (Muuse) wuxuu yidhi: Sidaasi waa (ballan) dhexdeenna ah aniga iyo adiga midkaan labada muddo oofiyo, ma jiri doonto wax laygu colaadiyo, Alle baana ka damiin 'markhaati' ah waxaanu sheegeyno.

۞ فَلَمَّا قَضَىٰ مُوسَى ٱلۡأَجَلَ وَسَارَ بِأَهۡلِهِۦٓ ءَانَسَ مِن جَانِبِ ٱلطُّورِ نَارٗاۖ قَالَ لِأَهۡلِهِ ٱمۡكُثُوٓاْ إِنِّيٓ ءَانَسۡتُ نَارٗا لَّعَلِّيٓ ءَاتِيكُم مِّنۡهَا بِخَبَرٍ أَوۡ جَذۡوَةٖ مِّنَ ٱلنَّارِ لَعَلَّكُمۡ تَصۡطَلُونَ ٢٩

Falammā qadā mūsal-ajala wasāra bi ahlihī ānasa min jānibit-tūri nāran qāla li ahlihimkuthū innī ānastu nāral la'allī ātīkum minhā bikhabarin aw jadhwatim minan-nāri la'allakum tastalūn

29. Markuu dhammaystay Muuse muddadii (toban sano), oo la tagay reerkiisii iyagoo jidka haya (u socda Masar) buu wuxuu ka arkay dhinaca buurta (Duur) dab, wuxuu ku yidhi reerkiisii: “Suga, waxaan arkay dab, waa intaasoo aan idiinka keeno war ama dhimibil dab ah inaad kulaashaan.

فَلَمَّآ أَتَىٰهَا نُودِيَ مِن شَٰطِيِٕ ٱلۡوَادِ ٱلۡأَيۡمَنِ فِي ٱلۡبُقۡعَةِ ٱلۡمُبَٰرَكَةِ مِنَ ٱلشَّجَرَةِ أَن يَٰمُوسَىٰٓ إِنِّيٓ أَنَا ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٣٠

Falammā atāhā nūdiya min shātiy'il-wādil-aymani fil-buq'atil-mubārakati minash-shajarati an yāmūsā innī anallāhu rabbul-'ālamīn

30. Markuu yimid halkii (dabka), cod baa ka dhawaaqay dhanka midig ee togga ee rugta barakaysan ee geedka 11 leh: “Muusow! Waxaan Anigu ahay Allaah, Rabbigii uumanka.

وَأَنۡ أَلۡقِ عَصَاكَۚ فَلَمَّا رَءَاهَا تَهۡتَزُّ كَأَنَّهَا جَآنّٞ وَلَّىٰ مُدۡبِرٗا وَلَمۡ يُعَقِّبۡۚ يَٰمُوسَىٰٓ أَقۡبِلۡ وَلَا تَخَفۡۖ إِنَّكَ مِنَ ٱلۡأٓمِنِينَ ٣١

Wa an alqi 'asāka falammā ra'āhā tahtazzu ka annahā jānnun wallā mudbiran walam yu'aqqib yāmūsā aqbil walā takhaf innaka minal-āminīn

31. Ee tuur ushaada. Markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa oo la moodo mas, buu isgaddiyey, mana soo dhugan gadaal. (Waxaa la yidhi): Muusow! Kaalay soo dhowow, hana cabsan, adigu waxaad tahay mid ka mid ah kuwa aaminka ah.

ٱسۡلُكۡ يَدَكَ فِي جَيۡبِكَ تَخۡرُجۡ بَيۡضَآءَ مِنۡ غَيۡرِ سُوٓءٖ وَٱضۡمُمۡ إِلَيۡكَ جَنَاحَكَ مِنَ ٱلرَّهۡبِۖ فَذَٰنِكَ بُرۡهَٰنَانِ مِن رَّبِّكَ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦٓۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ ٣٢

Usluk yadaka fī jaybika takhruj baydā'a min ghayri sū'in wadmum ilayka janāhaka minar-rahbi fadhānika burhānāni mir rabbika ilā fir'awna wamala'ihī innahum kānū qawman fāsiqīn

32. Geli gacantaada goshaada, waxay noqon durbaba caddaan cudur la’aan, ku nabna gacantaada garabkaaga si ay kaaga ba’do cabsida (aad ka qaadday maska, sidoo kalena gacantaadu waxay u noqon sideedii hore). Marka kuwakani waa labo caddaymo xagga Rabbigaa looga soo diray Fircoon iyo xildhibaannadiisa, waa qolo caasiyaal ahe.

قَالَ رَبِّ إِنِّي قَتَلۡتُ مِنۡهُمۡ نَفۡسٗا فَأَخَافُ أَن يَقۡتُلُونِ ٣٣

Qāla rabbi innī qataltu minhum nafsan fa akhāfu an yaqtulūn

33. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan dilay nin ka mid ah, waxaan ka cabsan inay i dilaan.

وَأَخِي هَٰرُونُ هُوَ أَفۡصَحُ مِنِّي لِسَانٗا فَأَرۡسِلۡهُ مَعِيَ رِدۡءٗا يُصَدِّقُنِيٓۖ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ ٣٤

Wa akhī hārūnu huwa afsahu minnī lisānan fa arsilhu ma'iya rid'an yusaddiqunī innī akhāfu an yukaddhibūn

34. Walaalkay Haaruun baana iga faseexsan carrab (hadal ahaan) ee ila dir garab ahaan si uu ii rumeeyo. Waxaan ka cabsan inay I beeniyaan.

قَالَ سَنَشُدُّ عَضُدَكَ بِأَخِيكَ وَنَجۡعَلُ لَكُمَا سُلۡطَٰنٗا فَلَا يَصِلُونَ إِلَيۡكُمَا بِـَٔايَٰتِنَآۚ أَنتُمَا وَمَنِ ٱتَّبَعَكُمَا ٱلۡغَٰلِبُونَ ٣٥

Qāla sanashuddu 'adudaka bi akhīka wanaj'alu lakumā sultānan falā yasilūna ilaykumā bi'āyātinā antumā wamanit-taba'akumal-ghālibūn

35. (Alle) Wuxuu yidhi: Waxaan ku adkeyn cududdaada walaalkaa, waxaana idiin yeeli awood (xujo) marka idinma gaar siin karaan (wax dhib ah), Aayadahayaga dartood, idinka iyo intii idin raacda baa adkaan.

فَلَمَّا جَآءَهُم مُّوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَا بَيِّنَٰتٖ قَالُواْ مَا هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّفۡتَرٗى وَمَا سَمِعۡنَا بِهَٰذَا فِيٓ ءَابَآئِنَا ٱلۡأَوَّلِينَ ٣٦

Falammā jā'ahum mūsā bi'āyātinā bayyinātin qālū mā hādhā illā sihrum muftaran wamā sami'nā bihādhā fī ābā'inal-awwalīn

36.Markuu Muuse ula yimid Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdeen: Kani ma aha waxaan ahayn sixir la been abuurtay, mana aanaan ku maqal waxakan oo kale aabbayashayadii hore dhexdood.

وَقَالَ مُوسَىٰ رَبِّيٓ أَعۡلَمُ بِمَن جَآءَ بِٱلۡهُدَىٰ مِنۡ عِندِهِۦ وَمَن تَكُونُ لَهُۥ عَٰقِبَةُ ٱلدَّارِۚ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلظَّٰلِمُونَ ٣٧

Waqāla mūsā rabbī a'lamu biman jā'a bil-hudā min 'indihī waman takūnu lahū 'āqibatud-dāri innahū lā yuflihuz-zālimūn

37. Muuse wuxuu yidhi: Rabbigay baa dhab u ogsoon kan kala yimid hanuun Xaggiisa iyo kan lahaan cidhibta wanaagsan ee Daarta 12. Hubaal daalimiintu ma liibaanaan.

وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَأُ مَا عَلِمۡتُ لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرِي فَأَوۡقِدۡ لِي يَٰهَٰمَٰنُ عَلَى ٱلطِّينِ فَٱجۡعَل لِّي صَرۡحٗا لَّعَلِّيٓ أَطَّلِعُ إِلَىٰٓ إِلَٰهِ مُوسَىٰ وَإِنِّي لَأَظُنُّهُۥ مِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ ٣٨

Waqāla fir'awnu yā'ayyuhal-mala'u mā 'alimtu lakum min ilāhin ghayrī fa awqid lī yāhāmānu 'alat-tīni faj'al lī sarhal la'allī attali'u ilā ilāhi mūsā wa innī la azunnuhū minal-kādhibīn

38. Fircoonna wuxuu yidhi: Xildhibaannow! Anigu idiin ma ogi inaad leedihiin ilaah kale aan ahayn aniga, ee ii huri dab Haamaanow lagu dul shido dhoobada 13, markaa ii samee sar aad u dheer, si aan u soo eego ilaaha Muuse; waxaan qabaa inuu ka mid yahay beenlowyada.

وَٱسۡتَكۡبَرَ هُوَ وَجُنُودُهُۥ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَظَنُّوٓاْ أَنَّهُمۡ إِلَيۡنَا لَا يُرۡجَعُونَ ٣٩

Wastakbara huwa wajunūduhū fil-ardi bighayril-haqqi wazannū annahum ilaynā lā yurja'ūn

39. Waxay isku kibriyeen isaga iyo askartiisuba arlada xaq darro, waxayna moodeen inaan Xaggeenna loo soo celinayn.

فَأَخَذۡنَٰهُ وَجُنُودَهُۥ فَنَبَذۡنَٰهُمۡ فِي ٱلۡيَمِّۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلظَّٰلِمِينَ ٤٠

Fa akhadhnāhu wajunūdahū fanabadhnāhum fil-yammi fanzur kayfa kāna 'āqibatuz-zālimīn

40. Markaasaan qabannay isaga iyo askartiisiiba oo ku tuurnay badda 14, ee fiiri siday ahayd cidhibtii daalimiinta.

وَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَئِمَّةٗ يَدۡعُونَ إِلَى ٱلنَّارِۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ لَا يُنصَرُونَ ٤١

Waja'alnāhum a'immatan yad'ūna ilan-nāri wayawmal-qiyāmati lā yunsarūn

41. Waxaanu ka yeelnay madax 15 wax ugu yeedha Naarta, Maalinta Qiyaamana looma gargaaro.

وَأَتۡبَعۡنَٰهُمۡ فِي هَٰذِهِ ٱلدُّنۡيَا لَعۡنَةٗۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ هُم مِّنَ ٱلۡمَقۡبُوحِينَ ٤٢

Wa atba'nāhum fī hādhihid-dunyā la'natan wayawmal-qiyāmati hum minal-maqbūhīn

42. Waxaan raacinnay adduunyadan Lacnad, Maalinta Qiyaamahana waxay ka mid ahaan kuwa (laga yaqyaqsado) falalkooda xun (ee laga dheereeyey Naxariista Alle).

وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ مِنۢ بَعۡدِ مَآ أَهۡلَكۡنَا ٱلۡقُرُونَ ٱلۡأُولَىٰ بَصَآئِرَ لِلنَّاسِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لَّعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ ٤٣

Walaqad ātaynā mūsal-kitāba mim ba'di mā ahlaknal-qurūnal-ūlā basā'ira lin-nāsi wahudan warahmatal la'allahum yatadhakkarūn

43. Waxaana dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kaddib markaan halaagnay qaaruumihii hore, isagoo tusmooyin u ah dadka, iyo hanuun iyo naxariis inay xusuustaan (oo ku waantoobaan).

وَمَا كُنتَ بِجَانِبِ ٱلۡغَرۡبِيِّ إِذۡ قَضَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَى ٱلۡأَمۡرَ وَمَا كُنتَ مِنَ ٱلشَّٰهِدِينَ ٤٤

Wamā kunta bijānibil-gharbiyyi idh qadaynā ilā mūsal-amra wamā kunta minash-shāhidīn

44. Adigu (Nabi Muxammadow) ma aad joogin dhinaca galbeed (ee buurta), markaan siinnay Muuse amarka (Nabinnimada), mana aad ka mid aheyn kuwa ahaa goob joogga.

وَلَٰكِنَّآ أَنشَأۡنَا قُرُونٗا فَتَطَاوَلَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡعُمُرُۚ وَمَا كُنتَ ثَاوِيٗا فِيٓ أَهۡلِ مَدۡيَنَ تَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِنَا وَلَٰكِنَّا كُنَّا مُرۡسِلِينَ ٤٥

Walākinnā ansha'nā qurūnan fatatāwala 'alayhimul-'umuru wamā kunta thāwiyan fī ahli madyana tatlū 'alayhim āyātinā walākinnā kunnā mursilīn

45. Waxaanse abuurnay Facyo (is xigsada Muuse kaddib) waxaana ku dheeraaday cumrigii 16. Adiguna ma aheyn mid dhex joogay reer Madyan, adigoo u akhrinaya Aayadahayaga. Annaga baase ku soo dirnay 'Rusuul ahaan' 17.

وَمَا كُنتَ بِجَانِبِ ٱلطُّورِ إِذۡ نَادَيۡنَا وَلَٰكِن رَّحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَ لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أَتَىٰهُم مِّن نَّذِيرٖ مِّن قَبۡلِكَ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ ٤٦

Wamā kunta bijānibit-tūri idh nādaynā walākir rahmatam mir rabbika litundhira qawmam mā atāhum min nadhīrim min qablika la'allahum yatadhakkarūn

46. Ma aad joogin dhinca Buurta (Duur) markaan u dhawaaqnay Muuse. (Waxaase laguu soo diray) naxariis ahaan xagga Rabbigaa si aad ugu digto qolo uusan u imaan dige hortaa inay xusuustaan (oo waantoobaan).

وَلَوۡلَآ أَن تُصِيبَهُم مُّصِيبَةُۢ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡ فَيَقُولُواْ رَبَّنَا لَوۡلَآ أَرۡسَلۡتَ إِلَيۡنَا رَسُولٗا فَنَتَّبِعَ ءَايَٰتِكَ وَنَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٤٧

Walawlā an tusībahum musībatu bimā qaddamat aydīhim fayaqūlū rabbanā lawlā arsalta ilaynā rasūlan fanattabi'a āyātika wanakūna minal-mu'minīn

47. Haddaysan jirin in markay ku dhacdo masiibo waxay gacmahoodu geysteen ( oo denbiyo ah) darteed, markaasna ay yidhaahdaan: Rabbigayow! Maxaad noogu soo diri weyday Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga oo aan uga mid ahaanno mu’miniinta (waa la ciqaabi lahaa).

فَلَمَّا جَآءَهُمُ ٱلۡحَقُّ مِنۡ عِندِنَا قَالُواْ لَوۡلَآ أُوتِيَ مِثۡلَ مَآ أُوتِيَ مُوسَىٰٓۚ أَوَلَمۡ يَكۡفُرُواْ بِمَآ أُوتِيَ مُوسَىٰ مِن قَبۡلُۖ قَالُواْ سِحۡرَانِ تَظَٰهَرَا وَقَالُوٓاْ إِنَّا بِكُلّٖ كَٰفِرُونَ ٤٨

Falammā jā'ahumul-haqqu min 'indinā qālū lawlā ūtiya mithla mā ūtiya mūsā awalam yakfurū bimā ūtiya mūsā min qablu qālū sihrāni tazāharā waqālū innā bikullin kāfirūn

48. Markiise uu Xaqa uga yimid Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Maxaa loo siin waayey wax la mid ah wixii la siiyey Muuse? Ma waysan ku gaaloobin wixii la siiyey Muuse awal hore? Waxay yidhaahdeen:“Waa labo sixir (Towraadda iyo Qur’aanka) oo is kaalmaystay 18. Waxayna yidhaahdeen: Innagu dhammaan waan ku gaalownay.

قُلۡ فَأۡتُواْ بِكِتَٰبٖ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ هُوَ أَهۡدَىٰ مِنۡهُمَآ أَتَّبِعۡهُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٤٩

Qul fa tū bikitābim min 'indillāhi huwa ahdā minhumā attabi'hu in kuntum sādiqīn

49. Dheh: Ka keena Kitaab (kale) xagga Alle, oo ka hanuun wanaagsan labadooda aan raacee haddaad run sheegaysaan.

فَإِن لَّمۡ يَسۡتَجِيبُواْ لَكَ فَٱعۡلَمۡ أَنَّمَا يَتَّبِعُونَ أَهۡوَآءَهُمۡۚ وَمَنۡ أَضَلُّ مِمَّنِ ٱتَّبَعَ هَوَىٰهُ بِغَيۡرِ هُدٗى مِّنَ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ ٥٠

Fa il lam yastajībū laka fa'lam annamā yattabi'ūna ahwā'ahum waman adallu mimmanit-taba'a hawāhu bighayri hudam minallāhi innallāha lā yahdil-qawmaz-zālimīn

50. Haddayna ku ajiibin, ogow inay uun raacaan hawadooda. Yaana ka dhunsanaan badan mid raaca hawadiisa hanuun la’aan xagga Alle? Hubaal, Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.

۞ وَلَقَدۡ وَصَّلۡنَا لَهُمُ ٱلۡقَوۡلَ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ ٥١

Walaqad wassalnā lahumul-qawla la'allahum yatadhakkarūn

51. Waxaan si xidhiidhsan (oo qayb qayb ah) u soo gaarsiinnay Qowlka (Qur’aanka), inay xusuustaan (oo waantoobaan).

ٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِهِۦ هُم بِهِۦ يُؤۡمِنُونَ ٥٢

Alladhīna ātaynāhumul-kitāba min qablihī hum bihī yu'minūn

52. Kuwaannu siinnay Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) ka hor kani (Qur'aanka) - baa rumeyn 19 waxa ku soo arooray (Qur’aanka).

وَإِذَا يُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِهِۦٓ إِنَّهُ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّنَآ إِنَّا كُنَّا مِن قَبۡلِهِۦ مُسۡلِمِينَ ٥٣

Wa idhā yutlā 'alayhim qālū āmannā bihī innahul-haqqu mir rabbinā innā kunnā min qablihī muslimīn

53. Marka loo akhriyona (Qur'aanka), waxay yidhaahdaan: Waanu rumaysannahay. hubaal, waa Xaq ka yimid Rabbigayo. Waxaanu ahayn isaga ka horba Muslimiin.

أُوْلَٰٓئِكَ يُؤۡتَوۡنَ أَجۡرَهُم مَّرَّتَيۡنِ بِمَا صَبَرُواْ وَيَدۡرَءُونَ بِٱلۡحَسَنَةِ ٱلسَّيِّئَةَ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ ٥٤

Ulā'ika yu'tawna ajrahum marratayni bimā sabarū wayadra'ūna bil-hasanatis-sayyi'ata wamimmā razaqnāhum yunfiqūn

54. Kuwaas waxaa la siin ajarkooda labo jeer samirkoodii darti, waxayna ku qaabilaan wixii xumaan ah samaan, waxaan ku irsaaqnona wax ka bixiyaan.

وَإِذَا سَمِعُواْ ٱللَّغۡوَ أَعۡرَضُواْ عَنۡهُ وَقَالُواْ لَنَآ أَعۡمَٰلُنَا وَلَكُمۡ أَعۡمَٰلُكُمۡ سَلَٰمٌ عَلَيۡكُمۡ لَا نَبۡتَغِي ٱلۡجَٰهِلِينَ ٥٥

Wa idhā sami'ul-laghwa a'radū 'anhu waqālū lanā a'mālunā walakum a'mālukum salāmun 'alaykum lā nabtaghil-jāhilīn

55. Markay maqlaanna hadal macno darro ah way ka jeesadaan, oo yidhaahdaan: Waxaanu leennahay camalladayada, idinkuna waxaad leedihiin camalladiinna. Nabad gelyo 20, ma rabno (dhaqanka) jaahiliinta.

إِنَّكَ لَا تَهۡدِي مَنۡ أَحۡبَبۡتَ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَهۡدِي مَن يَشَآءُۚ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ ٥٦

Innaka lā tahdī man ahbabta walākinnallāha yahdī man yashā'u wahuwa a'lamu bil-muhtadīn

56. Adigu (Nabi Muxammadow) Ma hanuu- nin kartid ciddaad jecleysato, Alle baase hanuuniya qofkuu doono. Isagaana dhab u ogsoon kuwa hanuunsan.

وَقَالُوٓاْ إِن نَّتَّبِعِ ٱلۡهُدَىٰ مَعَكَ نُتَخَطَّفۡ مِنۡ أَرۡضِنَآۚ أَوَلَمۡ نُمَكِّن لَّهُمۡ حَرَمًا ءَامِنٗا يُجۡبَىٰٓ إِلَيۡهِ ثَمَرَٰتُ كُلِّ شَيۡءٖ رِّزۡقٗا مِّن لَّدُنَّا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ٥٧

Waqālū in nattabi'il-hudā ma'aka nutakhattaf min ardinā awalam numakkil lahum haraman āminan yujbā ilayhi thamarātu kulli shay'ir rizqam mil ladunnā walākinna aktharahum lā ya'lamūn

57.Waxay (gaaladii Makkaad) yidhaahdeen: Haddaan kula raacno hanuunka, waxaa nalaga dafi dhulkayaga 21. Ma waannaan dejin Xaram aammin ah, oo midho nooc walba leh la keeno - risiq Xaggayaga ah, badankooduse ma oga.

وَكَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةِۭ بَطِرَتۡ مَعِيشَتَهَاۖ فَتِلۡكَ مَسَٰكِنُهُمۡ لَمۡ تُسۡكَن مِّنۢ بَعۡدِهِمۡ إِلَّا قَلِيلٗاۖ وَكُنَّا نَحۡنُ ٱلۡوَٰرِثِينَ ٥٨

Wakam ahlaknā min qaryati batirat ma'īshatahā fatilka masākinuhum lam tuskam mim ba'dihim illā qalīlan wakunnā nahnul-wārithīn

58. Badanaa intaan magaalo halaagnay, ku kibirtay nolosheeda (caasiday Alle iyo Rusushiisa). Marka waa kuwan guryahoodii aan la degin iyaga kadambow in yar ma ahee 22 waana Annaga dhaxlayaasha (u hadha).

وَمَا كَانَ رَبُّكَ مُهۡلِكَ ٱلۡقُرَىٰ حَتَّىٰ يَبۡعَثَ فِيٓ أُمِّهَا رَسُولٗا يَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِنَاۚ وَمَا كُنَّا مُهۡلِكِي ٱلۡقُرَىٰٓ إِلَّا وَأَهۡلُهَا ظَٰلِمُونَ ٥٩

Wamā kāna rabbuka muhlikal-qurā hattā yab'atha fī ummihā rasūlan yatlū 'alayhim āyātinā wamā kunnā muhlikil-qurā illā wa ahluhā zālimūn

59. Ma aha Rabbigaana mid halaaga magaalooyinka jeer uu u diro magaalada u hooyada ah (xaruntooda) Rasuul u akhrinaya Aayadahayaga. Ma halaagno magaalooyinka haddayan aheyn dadkeedu daalimiin (gar ma qaatayaal).

وَمَآ أُوتِيتُم مِّن شَيۡءٖ فَمَتَٰعُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَزِينَتُهَاۚ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ ٦٠

Wamā ūtītum min shay'in famatā'ul-hayawātid-dunyā wazīnatuhā wamā 'indallāhi khayrun wa abqā afalā ta'qilūn

60. Waxa la idin siiyona oo wuxuun ah waa uun sahay nolosha adduunkan iyo quruxdeeda, waxase (Aakhirada) Alle agtiis ah baa khayr roon oo daa’insan. Ee mawaydaan fahmeyn?

أَفَمَن وَعَدۡنَٰهُ وَعۡدًا حَسَنٗا فَهُوَ لَٰقِيهِ كَمَن مَّتَّعۡنَٰهُ مَتَٰعَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا ثُمَّ هُوَ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ مِنَ ٱلۡمُحۡضَرِينَ ٦١

Afaman wa'adnāhu wa'dan hasanan fahuwa lāqīhi kamam matta'nāhu matā'al-hayawātid-dunyā thumma huwa yawmal-qiyāmati minal-muhdarīn

61. Ma mid aan u ballan qaadnay ballan qaad wanaagsan (Janno) oo la kulmi, baa la mid ah mid aan siinnay sahayda nolosha adduunkan (ee dhammaaneysa), markaas Maalinta Qiyaamaha ka mid noqon kuwa la soo xaadirnayo (la keenayo cadaabka)?

وَيَوۡمَ يُنَادِيهِمۡ فَيَقُولُ أَيۡنَ شُرَكَآءِيَ ٱلَّذِينَ كُنتُمۡ تَزۡعُمُونَ ٦٢

Wayawma yunādīhim fayaqūlu ayna shurakā'iyal-ladhīna kuntum taz'umūn

62. (Ka dig) Maalinta uu (Alle) u yeedhi (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad ila wadaajiseen (cibaadada) oo aad u heysateen inay yihiin shurakadeyda?

قَالَ ٱلَّذِينَ حَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقَوۡلُ رَبَّنَا هَٰٓؤُلَآءِ ٱلَّذِينَ أَغۡوَيۡنَآ أَغۡوَيۡنَٰهُمۡ كَمَا غَوَيۡنَاۖ تَبَرَّأۡنَآ إِلَيۡكَۖ مَا كَانُوٓاْ إِيَّانَا يَعۡبُدُونَ ٦٣

Qālal-ladhīna haqqa 'alayhimul-qawlu rabbanā hā'ulā'il-ladhīna aghwaynā aghwaynāhum kamā ghawaynā tabarra'nā ilayka mā kānū iyyānā ya'budūn

63. Kuwa uu Qawlka ku dhaboobi 23 (in la cadaabo) waxay odhan: “Rabbiyow! Kuwaani waa kuwaan habaabinnay. Waxaan u habaabinnay sidaan u habownay. Waxaan ka nahay barii Adiga hortaada. Ma aheyn innaga waxay caabudayeen 24.

وَقِيلَ ٱدۡعُواْ شُرَكَآءَكُمۡ فَدَعَوۡهُمۡ فَلَمۡ يَسۡتَجِيبُواْ لَهُمۡ وَرَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَۚ لَوۡ أَنَّهُمۡ كَانُواْ يَهۡتَدُونَ ٦٤

Waqīlad'ū shurakā'akum fada'awhum falam yastajībū lahum wara'awul-'adhāba law annahum kānū yahtadūn

64. Waxaana lagu odhan: U yeedha Ilaahaydiinnii aad shurakada kala dhigteen (Alle), markaasay u yeedhan, mase ajiibayaan, waxayna arki cadaabka. Markaasay shallaayaan hadday uun hanuuni lahaayeen.

وَيَوۡمَ يُنَادِيهِمۡ فَيَقُولُ مَاذَآ أَجَبۡتُمُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ٦٥

Wayawma yunādīhim fayaqūlu mādhā ajabtumul-mursalīn

65. (Xus) Maalinta uu (Alle) u yeedhi oo odhan: Maxaad ugu jawaabteen Rusushii?

فَعَمِيَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلۡأَنۢبَآءُ يَوۡمَئِذٖ فَهُمۡ لَا يَتَسَآءَلُونَ ٦٦

Fa'amiyat 'alayhimul-ambā'u yawma'idhin fahum lā yatasā'alūn

66. Markaasay waayi xujooyin 25 maalintaas, waxnana isma weydiinayaan.

فَأَمَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَعَسَىٰٓ أَن يَكُونَ مِنَ ٱلۡمُفۡلِحِينَ ٦٧

Fa ammā man tāba wa āmana wa'amila sālihan fa'asā an yakūna minal-muflihīn

67. Qofkii ka tawbad keena (shirkiga iyo macaasida) oo (Xaqa) rumeeya oo raaca oo fala camallo wanaagsan (nolosha adduunkan) waa intaasoo uu ka mid ahaado liibaanayaasha.

وَرَبُّكَ يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُ وَيَخۡتَارُۗ مَا كَانَ لَهُمُ ٱلۡخِيَرَةُۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ ٦٨

Warabbuka yakhluqu mā yashā'u wayakhtāru mā kāna lahumul-khiyaratu subhānallāhi wata'ālā 'ammā yushrikūn

68. Rabbigaa wuxuu abuuraa wuxuu doono oo doortaa, ma leh iyaguse doorashada. Wuu ka hufan yahay Alle (ceeb iyo nuqsaan) oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada.

وَرَبُّكَ يَعۡلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمۡ وَمَا يُعۡلِنُونَ ٦٩

Warabbuka ya'lamu mā tukinnu sudūruhum wamā yu'linūn

69. Rabbigaa waa Ogsoon yahay waxay qarin laabahooda iyo waxay muujinba.

وَهُوَ ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ لَهُ ٱلۡحَمۡدُ فِي ٱلۡأُولَىٰ وَٱلۡأٓخِرَةِۖ وَلَهُ ٱلۡحُكۡمُ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ ٧٠

Wahuwallāhu lā ilāha illā huwa lahul-hamdu fil-ūlā wal-ākhirati walahul-hukmu wa ilayhi turja'ūn

70. Waa Allaah (Macbuudka Xaqa ah), ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, Isagaa leh ammaan oo idil iyo mahad tan hore (aduuunka) iyo tan dambe (Aakhirada), Isagaana leh Xukunka, Xaggiisaana idinkoo idil la idiin soo celin.

قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِن جَعَلَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمُ ٱلَّيۡلَ سَرۡمَدًا إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ مَنۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِ يَأۡتِيكُم بِضِيَآءٍۚ أَفَلَا تَسۡمَعُونَ ٧١

Qul ara'aytum in ja'alallāhu 'alaykumul-layla sarmadan ilā yawmil-qiyāmati man ilāhun ghayrullāhi ya'tīkum bidiyā'in afalā tasma'ūn

71. Dheh: bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo habeenka joogto tan iyo maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Alle oo idiin keeni kara iftiin, miyeydaan wax maqleyn?.

قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِن جَعَلَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمُ ٱلنَّهَارَ سَرۡمَدًا إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ مَنۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِ يَأۡتِيكُم بِلَيۡلٖ تَسۡكُنُونَ فِيهِۚ أَفَلَا تُبۡصِرُونَ ٧٢

Qul ara'aytum in ja'alallāhu 'alaykumun-nahāra sarmadan ilā yawmil-qiyāmati man ilāhun ghayrullāhi ya'tīkum bilaylin taskunūna fīhi afalā tubsirūn

72. Dheh: Bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo dharaarta joogto tan iyo Maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Alle oo idiin keeni kara habeen aad ku xasishaan, mawaydaan wax arkayn?

وَمِن رَّحۡمَتِهِۦ جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ لِتَسۡكُنُواْ فِيهِ وَلِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ ٧٣

Wamir rahmatihī ja'ala lakumul-layla wan-nahāra litaskunū fīhi walitabtaghū min fadlihī wala'allakum tashkurūn

73. Waxaa ka mid ah Naxariista Alle inuu idiin yeelay habeenka si aad ugu nasataan, iyo maalinta si aad u doonataan Deeqdiisa, iyo inaad u mahad naqdaan.

وَيَوۡمَ يُنَادِيهِمۡ فَيَقُولُ أَيۡنَ شُرَكَآءِيَ ٱلَّذِينَ كُنتُمۡ تَزۡعُمُونَ ٧٤

Wayawma yunādīhim fayaqūlu ayna shurakā'iyal-ladhīna kuntum taz'umūn

74. (Ka dig) Maalinta aan u yeedhi (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad u heysateen inay yihiin shurakadeyda ee aad ila wadaajiseen cibaadada?

وَنَزَعۡنَا مِن كُلِّ أُمَّةٖ شَهِيدٗا فَقُلۡنَا هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡ فَعَلِمُوٓاْ أَنَّ ٱلۡحَقَّ لِلَّهِ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ ٧٥

Wanaza'nā min kulli ummatin shahīdan faqulnā hātū burhānakum fa'alimū annal-haqqa lillāhi wadalla 'anhum mā kānū yaftarūn

75. Waxaanu ka soo saari ummad walba markhaati, oo odhan: Keena xujadiinna. Markaasay ogaan inuu Garta leeyahay Alle (Keliya), wayna waayi waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo ah).

۞ إِنَّ قَٰرُونَ كَانَ مِن قَوۡمِ مُوسَىٰ فَبَغَىٰ عَلَيۡهِمۡۖ وَءَاتَيۡنَٰهُ مِنَ ٱلۡكُنُوزِ مَآ إِنَّ مَفَاتِحَهُۥ لَتَنُوٓأُ بِٱلۡعُصۡبَةِ أُوْلِي ٱلۡقُوَّةِ إِذۡ قَالَ لَهُۥ قَوۡمُهُۥ لَا تَفۡرَحۡۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡفَرِحِينَ ٧٦

Inna qārūna kāna min qawmi mūsā fabaghā 'alayhim wa ātaynāhu minal-kunūzi mā inna mafātihahū latanū'u bil-'usbati ulil-quwwati idh qāla lahū qawmuhū lā tafrah innallāha lā yuhibbul-farihīn

76. Xaqiiq, wuxuu Qaaruun ka mid ahaa qolodii Muuse, wuuse ka fallaagoobay, waxaana ka siinnay kaydadka (maalka) wax aad u tiro badan heer furayaashoodu cusleyneysay jirka rag xoog leh. Markay qolodiisii ku yidhaahdeen: Ha farax taraarin (kibrin), Alle ma jecla kuwa farxa (kibree).

وَٱبۡتَغِ فِيمَآ ءَاتَىٰكَ ٱللَّهُ ٱلدَّارَ ٱلۡأٓخِرَةَۖ وَلَا تَنسَ نَصِيبَكَ مِنَ ٱلدُّنۡيَاۖ وَأَحۡسِن كَمَآ أَحۡسَنَ ٱللَّهُ إِلَيۡكَۖ وَلَا تَبۡغِ ٱلۡفَسَادَ فِي ٱلۡأَرۡضِۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُفۡسِدِينَ ٧٧

Wabtaghi fīmā ātākallāhud-dāral-ākhirata walā tansa nasībaka minad-dunyā wa ahsin kamā ahsanallāhu ilayka walā tabghil-fasāda fil-ardi innallāha lā yuhibbul-mufsidīn

77. Oo ku doono waxa (khayr ah) uu Alle ku siiyey Daarta Aakhiro, hana halmaamin qaybtaada ah adduunka, oo sama fal sida uuba Alle kuugu sama falay. Ha la doonin fasahaad arlada. Alle ma jecla kuwa wax fasaadiya.

قَالَ إِنَّمَآ أُوتِيتُهُۥ عَلَىٰ عِلۡمٍ عِندِيٓۚ أَوَلَمۡ يَعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ قَدۡ أَهۡلَكَ مِن قَبۡلِهِۦ مِنَ ٱلۡقُرُونِ مَنۡ هُوَ أَشَدُّ مِنۡهُ قُوَّةٗ وَأَكۡثَرُ جَمۡعٗاۚ وَلَا يُسۡـَٔلُ عَن ذُنُوبِهِمُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ ٧٨

Qāla innamā ūtītuhū 'alā 'ilmin 'indī awalam ya'lam annallāha qad ahlaka min qablihī minal-qurūni man huwa ashaddu minhu quwwatan wa aktharu jam'an walā yus'alu 'an dhunūbihimul-mujrimūn

78. Wuxuu yidhi: Waxaa la igu siiyey maalkan oo keliya aqoonteyda. Miyuusan ogayn inuu Alle halaagay horti qaaruumo, kuwo isaga ka xoog badan oo ka badan waxay isu keeneen. Lamana weydiiyo denbiyadooda denbiilayaasha.

فَخَرَجَ عَلَىٰ قَوۡمِهِۦ فِي زِينَتِهِۦۖ قَالَ ٱلَّذِينَ يُرِيدُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا يَٰلَيۡتَ لَنَا مِثۡلَ مَآ أُوتِيَ قَٰرُونُ إِنَّهُۥ لَذُو حَظٍّ عَظِيمٖ ٧٩

Fakharaja 'alā qawmihī fī zīnatihī qālal-ladhīna yurīdūnal-hayawātad-dunyā yālayta lanā mithla mā ūtiya qārūnu innahū ladhū hazzin 'azīm

79. Markaasuu u soo baxay qolodiisii isagoo xarragoonaya oo ay u dhan tahay quruxdiisii. Kuwii doonayey nolosha adduunkan waxay yidhaahdeen: “Wayoo waye, haddaanu lahaan lahayn wax la mid ah waxa Qaaruun la siiyey? Isagu runtii wuu nasiib badan yahay.

وَقَالَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ وَيۡلَكُمۡ ثَوَابُ ٱللَّهِ خَيۡرٞ لِّمَنۡ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗاۚ وَلَا يُلَقَّىٰهَآ إِلَّا ٱلصَّٰبِرُونَ ٨٠

Waqālal-ladhīna ūtul-'ilma waylakum thawābullāhi khayrul liman āmana wa'amila sālihan walā yulaqqāhā illas-sābirūn

80. Kuwii se la siiyey cilmiga waxay yidhaahdeen: Magaciin bi'i waaye! Abaalka Alle (ee Aakhirada) baa u wanaagsan kuwa (Xaqa) rumeeyey oo sama fala, lamana waafajiyo waxaan ahayn kuwa samra.

فَخَسَفۡنَا بِهِۦ وَبِدَارِهِ ٱلۡأَرۡضَ فَمَا كَانَ لَهُۥ مِن فِئَةٖ يَنصُرُونَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُنتَصِرِينَ ٨١

Fakhasafnā bihī wabidārihil-arda famā kāna lahū min fi atin yansurūnahū min dūnillāhi wamā kāna minal-muntasirīn

81. Markaasaan la goynay isagii (Qaaruun) iyo daartiisiiba dhulka. Mana uusan helin koox u gargaarta Alle ka sokow, mana ahayn mid is difaaci kara.

وَأَصۡبَحَ ٱلَّذِينَ تَمَنَّوۡاْ مَكَانَهُۥ بِٱلۡأَمۡسِ يَقُولُونَ وَيۡكَأَنَّ ٱللَّهَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُۖ لَوۡلَآ أَن مَّنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡنَا لَخَسَفَ بِنَاۖ وَيۡكَأَنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلۡكَٰفِرُونَ ٨٢

Wa asbahal-ladhīna tamannaw makānahū bil-amsi yaqūlūna wayka'annallāha yabsutur-rizqa liman yashā'u min 'ibādihī wayaqdiru lawlā am mannallāhu 'alaynā lakhasafa binā wayka'annahū lā yuflihul-kāfirūn

82. Kuwii u hanqal taagayey (meeqaan la mid) meeqaankiisa maalintii horreysay waxay billaabeen inay yidhaahdaan: Shaki ma leh waa Alle Kan u fidiya risiqa qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa ama ku cidhiidhiya. Haddii aysan jirteen in Alle yahay mid noo Roonaan badan, wuxuu nala goyn lahaa dhulka (sidoo kale). Shaki ma leh, ma liibaanto gaalo.

تِلۡكَ ٱلدَّارُ ٱلۡأٓخِرَةُ نَجۡعَلُهَا لِلَّذِينَ لَا يُرِيدُونَ عُلُوّٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فَسَادٗاۚ وَٱلۡعَٰقِبَةُ لِلۡمُتَّقِينَ ٨٣

Tilkad-dārul-ākhiratu naj'aluhā lilladhīna lā yurīdūna 'uluwwan fil-ardi walā fasādan wal-'āqibatu lil-muttaqīn

83. Taasi ah Daarta Aakhiro (Jannada) waxaanu dhaxalsiin kuwa aan ku dooneyn sarreyn dhulka, aanna ku falin fasahaad. Cidhibta wanaagsanna waxaa leh kuwa iska jira'xumaha ee dhowra amarrada Alle".

مَن جَآءَ بِٱلۡحَسَنَةِ فَلَهُۥ خَيۡرٞ مِّنۡهَاۖ وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَلَا يُجۡزَى ٱلَّذِينَ عَمِلُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ إِلَّا مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٨٤

Man jā'a bil-hasanati falahū khayrum minhā waman jā'a bis-sayyi'ati falā yujzal-ladhīna 'amilus-sayyi'āti illā mā kānū ya'malūn

84.Qofkii la yimaada wanaag 26, wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (Janno), qofkiise la yimaada xumaan (shirki iyo macaasi), laguma abaal mariyo kuwa fala camallada xun waxaa ahayn waxay falayeen (wax la mid ah oo xumaan ah).

إِنَّ ٱلَّذِي فَرَضَ عَلَيۡكَ ٱلۡقُرۡءَانَ لَرَآدُّكَ إِلَىٰ مَعَادٖۚ قُل رَّبِّيٓ أَعۡلَمُ مَن جَآءَ بِٱلۡهُدَىٰ وَمَنۡ هُوَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ ٨٥

Innal-ladhī farada 'alaykal-qur'āna larādduka ilā ma'ādin qur rabbī a'lamu man jā'a bil-hudā waman huwa fī dalālim mubīn

85. Hubaal (Alle ee) kugu faral yeelay Qur’aanka wuxuu dib kuugu soo celin Xagga halkii ballantu ahayd 27. Dheh: Rabbigay baa cid kasta ka ogsoon kan la yimid hanuun iyo kan ku sugan habow cad.

وَمَا كُنتَ تَرۡجُوٓاْ أَن يُلۡقَىٰٓ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبُ إِلَّا رَحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَۖ فَلَا تَكُونَنَّ ظَهِيرٗا لِّلۡكَٰفِرِينَ ٨٦

Wamā kunta tarjū an yulqā ilaykal-kitābu illā rahmatam mir rabbika falā takūnanna zahīral lil-kāfirīn

86. Ma aad aheyn (Nabiyow) mid rajeyn in lagugu soo dejiyo Kitaabka (Qur’aanka), hase yeeshee waa Naxariis xagga Rabbigaa ah. Ee ha noqonin mid garab siiya gaalada 28.

وَلَا يَصُدُّنَّكَ عَنۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ بَعۡدَ إِذۡ أُنزِلَتۡ إِلَيۡكَۖ وَٱدۡعُ إِلَىٰ رَبِّكَۖ وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ ٨٧

Walā yasuddunnaka 'an āyātillāhi ba'da idh unzilat ilayka wad'u ilā rabbika walā takūnanna minal-mushrikīn

87. Oo yeysan kaa jeedin Aayadaha Alle kaddib marka lagagu soo dejiyey, uguna yeedh 'dadka' xagga Rabbigaa, oo ha ka mid noqonnin Mushrikiinta.

وَلَا تَدۡعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۘ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۚ كُلُّ شَيۡءٍ هَالِكٌ إِلَّا وَجۡهَهُۥۚ لَهُ ٱلۡحُكۡمُ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ ٨٨

Walā tad'u ma'allāhi ilāhan ākhara lā ilāha illā huwa kullu shay'in hālikun illā wajhahū lahul-hukmu wa ilayhi turja'ūn

88. Ha baryin (caabudin) la jirka Alle ilaah kale. Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Wax waliba way halaagsami Wejgiisa maahee 29. Isagaa leh xukunka, Xaggiisaana la idiin soo celin.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Aayado caan ah

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-Qasas?

Suuradda Al-Qasas waxay leedahay 88 aayadood. Waa suuradda 28 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-Qasas ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-Qasas waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Qasas juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Qasas waxay ku jirtaa juz' 20.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-Qasas?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.