طسٓۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡقُرۡءَانِ وَكِتَابٖ مُّبِينٍ ١
Tā Sīn tilka āyātul-qur'āni wakitābim mubīn
1. Daa Siin 1. Kuwaanu waa Aayadaha Qur'aanka oo Kitaab cad ah.
Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
طسٓۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡقُرۡءَانِ وَكِتَابٖ مُّبِينٍ ١
Tā Sīn tilka āyātul-qur'āni wakitābim mubīn
1. Daa Siin 1. Kuwaanu waa Aayadaha Qur'aanka oo Kitaab cad ah.
هُدٗى وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ ٢
Hudan wabushrā lil-mu'minīn
2. U ah hanuun iyo bishaaro mu’miniinta.
ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ يُوقِنُونَ ٣
Alladhīna yuqīmūnas-salawāta wayu'tūnaz-zakawāta wahum bil-ākhirati hum yūqinūn
3. Ee ah kuwa ooga salaadda oo bixiya Sakada, ahna kuwo iyagu Aakhiro yaqiinsan.
إِنَّ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ زَيَّنَّا لَهُمۡ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَهُمۡ يَعۡمَهُونَ ٤
Innal-ladhīna lā yu'minūna bil-ākhirati zayyannā lahum a'mālahum fahum ya'mahūn
4. Xaqiiq kuwaan rumeyn Aakhirada, waxaan u qurxinnay acmaashooda, waana ku jaha wareersan yihiin habowgooda.
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَهُمۡ سُوٓءُ ٱلۡعَذَابِ وَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ هُمُ ٱلۡأَخۡسَرُونَ ٥
Ulā'ikal-ladhīna lahum sū'ul-'adhābi wahum fil-ākhirati humul-akhsarūn
5. Kuwaa waa kuwa mudan cadaab xun (adduunkan), Aakhirana iyaga uun baa ugu khasaare badan.
وَإِنَّكَ لَتُلَقَّى ٱلۡقُرۡءَانَ مِن لَّدُنۡ حَكِيمٍ عَلِيمٍ ٦
Wa innaka latulaqqal-qur'āna mil ladun hakīmin 'alīm
6. Wuxuu adigu (Rasuul Allow) kaaga yimaadaa Qur'aankan xagga Mid Xakiim ah, wax kasta Ogsoon (Allaah).
إِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِأَهۡلِهِۦٓ إِنِّيٓ ءَانَسۡتُ نَارٗا سَـَٔاتِيكُم مِّنۡهَا بِخَبَرٍ أَوۡ ءَاتِيكُم بِشِهَابٖ قَبَسٖ لَّعَلَّكُمۡ تَصۡطَلُونَ ٧
Idh qāla mūsā li ahlihī innī ānastu nāran sa'ātīkum minhā bikhabarin aw ātīkum bishihābin qabasil la'allakum tastalūn
7. (Xus) markuu Muuse ku yidhi ehelkiisii: “Waxaan arkaa dab, Waxaan idiinka keeni war 2 ama waxaan idiinka keeni dhimbilo dab ah inaad kulaashaan.
فَلَمَّا جَآءَهَا نُودِيَ أَنۢ بُورِكَ مَن فِي ٱلنَّارِ وَمَنۡ حَوۡلَهَا وَسُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٨
Falammā jā'ahā nūdiya am būrika man fin-nāri waman hawlahā wasubhānallāhi rabbil-'ālamīn
8. Markiise uu yimid, cod baa dhawaaqay leh: “Waa la barakeeyey waxa dabka agti ah iyo waxa hareera joogaba, xurmona waxaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan) Allaah, Rabbiga uumanka oo dhan.
يَٰمُوسَىٰٓ إِنَّهُۥٓ أَنَا ٱللَّهُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ٩
Yāmūsā innahū anallāhul-'azīzul-hakīm
9. “Muusow! Xaqiiq waa Aniga Allaah, Adkaadaha Sare, Xikmadda Badan.
وَأَلۡقِ عَصَاكَۚ فَلَمَّا رَءَاهَا تَهۡتَزُّ كَأَنَّهَا جَآنّٞ وَلَّىٰ مُدۡبِرٗا وَلَمۡ يُعَقِّبۡۚ يَٰمُوسَىٰ لَا تَخَفۡ إِنِّي لَا يَخَافُ لَدَيَّ ٱلۡمُرۡسَلُونَ ١٠
Wa alqi 'asāka falammā ra'āhā tahtazzu ka annahā jānnun wallā mudbiran walam yu'aqqib yāmūsā lā takhaf innī lā yakhāfu ladayyal-mursalūn
10. “Oo tuur ushaada; markiise uu arkay iyadoo dhaq-dhaqaaqaysa sidii mas, buu dib isu rogay oo carar is dhigay, dibna umuu soo jaleecin. Muusow! Ha cabsan, kuma cabsadaan agtayda Rusushu.
إِلَّا مَن ظَلَمَ ثُمَّ بَدَّلَ حُسۡنَۢا بَعۡدَ سُوٓءٖ فَإِنِّي غَفُورٞ رَّحِيمٞ ١١
Illā man zalama thumma baddala husnā ba'da sū'in fa innī ghafūrur rahīm
11. Ciddiise dulma fasha markaas wanaag ku beddesha xumaan kaddib, Anigu waxaan ahay Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
وَأَدۡخِلۡ يَدَكَ فِي جَيۡبِكَ تَخۡرُجۡ بَيۡضَآءَ مِنۡ غَيۡرِ سُوٓءٖۖ فِي تِسۡعِ ءَايَٰتٍ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَقَوۡمِهِۦٓۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمٗا فَٰسِقِينَ ١٢
Wa adkhil yadaka fī jaybika takhruj baydā'a min ghayri sū'in fī tis'i āyātin ilā fir'awna waqawmihī innahum kānū qawman fāsiqīn
12. Gali gacantaada goshaada, waxay soo bixi durbaba caddaan (baras iyo) cudur la’aan. (kuwakani waa) qaar ka mid ah sagaalka calaamadood (aad ula tegi doonto) Fircoon iyo qolodiisa. Xaqiiq, waa qolo fallaago ah.
فَلَمَّا جَآءَتۡهُمۡ ءَايَٰتُنَا مُبۡصِرَةٗ قَالُواْ هَٰذَا سِحۡرٞ مُّبِينٞ ١٣
Falammā jā'athum āyātunā mubsiratan qālū hādhā sihrum mubīn
13. Markiise Aayadahayaga cad ay u yimaadeen (Fircoon iyo qolodiisii), waxay yidhaahdeen: Kani waa sixir cad.
وَجَحَدُواْ بِهَا وَٱسۡتَيۡقَنَتۡهَآ أَنفُسُهُمۡ ظُلۡمٗا وَعُلُوّٗاۚ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُفۡسِدِينَ ١٤
Wajahadū bihā wastayqanathā anfusuhum zulman wa'uluwwan fanzur kayfa kāna 'āqibatul-mufsidīn
14. Way dafireen Aayadahaa dulmi iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii xume 'iyo fasahaad' wadeenka.
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ وَسُلَيۡمَٰنَ عِلۡمٗاۖ وَقَالَا ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي فَضَّلَنَا عَلَىٰ كَثِيرٖ مِّنۡ عِبَادِهِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٥
Walaqad ātaynā dāwūda wasulaymāna 'ilman waqālal-hamdu lillāhil-ladhī faddalanā 'alā kathīrim min 'ibādihil-mu'minīn
15. Waxaan dhab ahaan siinnay Daawuud iyo Sulaymaan cilmi. Waxay yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga faddilay in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah.
وَوَرِثَ سُلَيۡمَٰنُ دَاوُۥدَۖ وَقَالَ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ عُلِّمۡنَا مَنطِقَ ٱلطَّيۡرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيۡءٍۖ إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡمُبِينُ ١٦
Wawaritha sulaymānu dāwūda waqāla yā'ayyuhan-nāsu 'ullimnā mantiqat-tayri wa ūtīnā min kulli shay'in inna hādhā lahuwal-fadlul-mubīn
16. Wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, waxaana wax nalaga siiyey wax walba 3. Hubaal, kani waa Fadli 'Alle baxsho' oo cad.
وَحُشِرَ لِسُلَيۡمَٰنَ جُنُودُهُۥ مِنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ وَٱلطَّيۡرِ فَهُمۡ يُوزَعُونَ ١٧
Wahushira lisulaymāna junūduhū minal-jinni wal-insi wat-tayri fahum yūza'ūn
17. Waxaa loo soo kulmiyey Sulaymaan askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan.
حَتَّىٰٓ إِذَآ أَتَوۡاْ عَلَىٰ وَادِ ٱلنَّمۡلِ قَالَتۡ نَمۡلَةٞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّمۡلُ ٱدۡخُلُواْ مَسَٰكِنَكُمۡ لَا يَحۡطِمَنَّكُمۡ سُلَيۡمَٰنُ وَجُنُودُهُۥ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ ١٨
Hattā idhā ataw 'alā wādin-namli qālat namlatun yā'ayyuhan-namludkhulū masākinakum lā yahtimannakum sulaymānu wajunūduhū wahum lā yash'urūn
18. ilaa, markay yimaadeen toggii qudhaanjada, qudhaanjo baa waxay tidhi: “Qudhaanjooy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn.
فَتَبَسَّمَ ضَاحِكٗا مِّن قَوۡلِهَا وَقَالَ رَبِّ أَوۡزِعۡنِيٓ أَنۡ أَشۡكُرَ نِعۡمَتَكَ ٱلَّتِيٓ أَنۡعَمۡتَ عَلَيَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَيَّ وَأَنۡ أَعۡمَلَ صَٰلِحٗا تَرۡضَىٰهُ وَأَدۡخِلۡنِي بِرَحۡمَتِكَ فِي عِبَادِكَ ٱلصَّٰلِحِينَ ١٩
Fatabassama dāhikam min qawlihā waqāla rabbi awzi'nī an ashkura ni'matakal-latī an'amta 'alayya wa'alā wālidayya wa an a'mala sālihan tardāhu wa adkhilnī birahmatika fī 'ibādikas-sālihīn
19. Markaasuu (Sulaymaan) muusooday, isagoo ku qosli hadalkeeda, oo yidhi: Rabbiyow! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan falo camal san aad ka raalli tahay, oo igu geli 4 Naxariistaada addoomahaaga wanaagsan dhexdooda 5.
وَتَفَقَّدَ ٱلطَّيۡرَ فَقَالَ مَالِيَ لَآ أَرَى ٱلۡهُدۡهُدَ أَمۡ كَانَ مِنَ ٱلۡغَآئِبِينَ ٢٠
Watafaqqadat-tayra faqāla māliya lā aral-hudhuda am kāna minal-ghā'ibīn
20. Wuxuu (Sulaymaan) kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki la'ahay hud-hudkii 6, mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan?
لَأُعَذِّبَنَّهُۥ عَذَابٗا شَدِيدًا أَوۡ لَأَاْذۡبَحَنَّهُۥٓ أَوۡ لَيَأۡتِيَنِّي بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ ٢١
La u'addhibannahū 'adhāban shadīdan aw la adhbahannahū aw laya'tiyannī bisultānim mubīn
21. Waxaan ciqaabi ciqaab daran ama waan gowrici ama wuxuu ii keeni xujo cad.
فَمَكَثَ غَيۡرَ بَعِيدٖ فَقَالَ أَحَطتُ بِمَا لَمۡ تُحِطۡ بِهِۦ وَجِئۡتُكَ مِن سَبَإِۭ بِنَبَإٖ يَقِينٍ ٢٢
Famakatha ghayra ba'īdin faqāla ahattu bimā lam tuhit bihī waji'tuka min saba'i binaba'in yaqīn
22.Mase maqnaan muddo dheer, (wuxuuna joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin, waxaana kaaga keenay Saba 7 war la hubo.
إِنِّي وَجَدتُّ ٱمۡرَأَةٗ تَمۡلِكُهُمۡ وَأُوتِيَتۡ مِن كُلِّ شَيۡءٖ وَلَهَا عَرۡشٌ عَظِيمٞ ٢٣
Innī wajattumra'atan tamlikuhum wa ūtiyat min kulli shay'in walahā 'arshun 'azīm
23.Waxaan helay haweeney 8 xukumeysa, oo la siiyey wax walba 'oo mulki adduun ah' 9, waxayna leedahay Carshi Weyn.
وَجَدتُّهَا وَقَوۡمَهَا يَسۡجُدُونَ لِلشَّمۡسِ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَصَدَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّبِيلِ فَهُمۡ لَا يَهۡتَدُونَ ٢٤
Wajattuhā waqawmahā yasjudūna lish-shamsi min dūnillāhi wazayyana lahumush-shaytānu a'mālahum fasaddahum 'anis-sabīli fahum lā yahtadūn
24. Waxaan helay iyada iyo dadkeeda oo u sujuudaya qorraxda halkii Alle, wuxuuna u qurxiyey shaydaan camalladooda (xun), oo ka duway Jidka (Toosan ee Islaamka), marka ma ay hanuunsana.
أَلَّاۤ يَسۡجُدُواْۤ لِلَّهِ ٱلَّذِي يُخۡرِجُ ٱلۡخَبۡءَ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَيَعۡلَمُ مَا تُخۡفُونَ وَمَا تُعۡلِنُونَ ٢٥
Allā yasjudū lillāhil-ladhī yukhrijul-khab'a fis-samāwāti wal-ardi waya'lamu mā tukhfūna wamā tu'linūn
25. May u sujuudaan Alle ee soo bixiya waxa ku qarsoon samooyinka iyo arlada oo Ogsoon waxaad qarisaan, iyo waxaad muujisaanba.
ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ۩ ٢٦
Allāhu lā ilāha illā huwa rabbul-'arshil-'azīm
26. Allaah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Weyn.
۞ قَالَ سَنَنظُرُ أَصَدَقۡتَ أَمۡ كُنتَ مِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ ٢٧
Qāla sananzuru asadaqta am kunta minal-kādhibīn
27. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Waanu eegi inaad run sheegi ama inaad ka mid tahay beenlowyada.
ٱذۡهَب بِّكِتَٰبِي هَٰذَا فَأَلۡقِهۡ إِلَيۡهِمۡ ثُمَّ تَوَلَّ عَنۡهُمۡ فَٱنظُرۡ مَاذَا يَرۡجِعُونَ ٢٨
Idhhab bikitābī hādhā fa alqih ilayhim thumma tawalla 'anhum fanzur mādhā yarji'ūn
28. Qaad warqaddaydaan oo u dhiib, kana soo laabo, markaas fiiri waxay (jawaab) soo celiyaan”.
قَالَتۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ إِنِّيٓ أُلۡقِيَ إِلَيَّ كِتَٰبٞ كَرِيمٌ ٢٩
Qālat yā'ayyuhal-mala'u innī ulqiya ilayya kitābun karīm
29. Waxay tidhi: Mudanayaal! Waxaa la iigu dhiibay halkaan waraaq sharaf leh.
إِنَّهُۥ مِن سُلَيۡمَٰنَ وَإِنَّهُۥ بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٣٠
Innahū min sulaymāna wa innahū bismillāhir-rahmānir-rahīm
30. Waxaa soo diray Sulaymaan, (waxaana ku yaal): Bismillaahir Raxmaanir Raxiim.
أَلَّا تَعۡلُواْ عَلَيَّ وَأۡتُونِي مُسۡلِمِينَ ٣١
Allā ta'lū 'alayya wa tūnī muslimīn
31. Ha iska kay weyneynina oo ii imaada idinkoo hoggaansan oo Muslimiin ah.
قَالَتۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ أَفۡتُونِي فِيٓ أَمۡرِي مَا كُنتُ قَاطِعَةً أَمۡرًا حَتَّىٰ تَشۡهَدُونِ ٣٢
Qālat yā'ayyuhal-mala'u aftūnī fī amrī mā kuntu qāti'atan amran hattā tashhadūn
32. Waxay tidhi: Mudanayaal! Iga siiya talo arrinkaygaan. Anigu ma gooyo talo jeer aad goob joog tihiin 10.
قَالُواْ نَحۡنُ أُوْلُواْ قُوَّةٖ وَأُوْلُواْ بَأۡسٖ شَدِيدٖ وَٱلۡأَمۡرُ إِلَيۡكِ فَٱنظُرِي مَاذَا تَأۡمُرِينَ ٣٣
Qālū nahnu ulū quwwatin wa ulū ba sin shadīdin wal-amru ilayki fanzurī mādhā ta'murīn
33. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu nahay kuwo xoog leh oo dagaal aqoon daran leh iyo geesinnimo, amarkase adigaa leh; ee ka fiirso waxaad amreyso.
قَالَتۡ إِنَّ ٱلۡمُلُوكَ إِذَا دَخَلُواْ قَرۡيَةً أَفۡسَدُوهَا وَجَعَلُوٓاْ أَعِزَّةَ أَهۡلِهَآ أَذِلَّةٗۚ وَكَذَٰلِكَ يَفۡعَلُونَ ٣٤
Qālat innal-mulūka idhā dakhalū qaryatan afsadūhā waja'alū a'izzata ahlihā adhillatan wakadhālika yaf'alūn
34. Waxay tidhi: Hubaal! Boqorradu, markay (ku) galaan magaalo (xoog) waa kharribaan, oo ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwa hoos ah. Sidaasayna falaan.
وَإِنِّي مُرۡسِلَةٌ إِلَيۡهِم بِهَدِيَّةٖ فَنَاظِرَةُۢ بِمَ يَرۡجِعُ ٱلۡمُرۡسَلُونَ ٣٥
Wa innī mursilatun ilayhim bihadiyyatin fanāziratu bima yarji'ul-mursalūn
35. Waxaanse u diri hadiyad oo sugi waxay (jawaab) la soo noqdaan ergaydu.
فَلَمَّا جَآءَ سُلَيۡمَٰنَ قَالَ أَتُمِدُّونَنِ بِمَالٖ فَمَآ ءَاتَىٰنِۦَ ٱللَّهُ خَيۡرٞ مِّمَّآ ءَاتَىٰكُمۚ بَلۡ أَنتُم بِهَدِيَّتِكُمۡ تَفۡرَحُونَ ٣٦
Falammā jā'a sulaymāna qāla atumiddūnani bimālin famā ātānillāhu khayrum mimmā ātākum bal antum bihadiyyatikum tafrahūn
36. Markii (ergaygii oo sida hadiyadda) u yimid Sulaymaan, wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu deeqeysaan maal? Waxa se uu I siiyey Alle baa ka khayr badan waxa uu idin siiyey. Waxaadse idinku ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna.
ٱرۡجِعۡ إِلَيۡهِمۡ فَلَنَأۡتِيَنَّهُم بِجُنُودٖ لَّا قِبَلَ لَهُم بِهَا وَلَنُخۡرِجَنَّهُم مِّنۡهَآ أَذِلَّةٗ وَهُمۡ صَٰغِرُونَ ٣٧
Irji' ilayhim falana'tiyannahum bijunūdil lā qibala lahum bihā walanukhrijannahum minhā adhillatan wahum sāghirūn
37. U celi iyaga, waxaan ula imaaneynaa ciidammo aysan awood u lahayn inay ka hor tagaan, waxaana ka saari magaalada iyagoo dullaysan oo ku jira xaalad liidasho.
قَالَ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَؤُاْ أَيُّكُمۡ يَأۡتِينِي بِعَرۡشِهَا قَبۡلَ أَن يَأۡتُونِي مُسۡلِمِينَ ٣٨
Qāla yā'ayyuhal-mala'u ayyukum ya'tīnī bi'arshihā qabla an ya'tūnī muslimīn
38. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Mudanayaal! Kiinnee baa ii keeni carshigeeda ka hor inta aanay ii imaan iyagoo hoggaansan oo Muslimiin ah?”
قَالَ عِفۡرِيتٞ مِّنَ ٱلۡجِنِّ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبۡلَ أَن تَقُومَ مِن مَّقَامِكَۖ وَإِنِّي عَلَيۡهِ لَقَوِيٌّ أَمِينٞ ٣٩
Qāla 'ifrītum minal-jinni ana ātīka bihī qabla an taqūma mim maqāmika wa innī 'alayhi laqawiyyun amīn
39. Cifriit ka mid ah jinka baa wuxuu yidhi: Anigaa kuu keenaya ka hor intaad ka kicin golahaaga, oo xaqiiq waxaan anigu ahay mid xoog u leh oo aamin ah.
قَالَ ٱلَّذِي عِندَهُۥ عِلۡمٞ مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ أَنَا۠ ءَاتِيكَ بِهِۦ قَبۡلَ أَن يَرۡتَدَّ إِلَيۡكَ طَرۡفُكَۚ فَلَمَّا رَءَاهُ مُسۡتَقِرًّا عِندَهُۥ قَالَ هَٰذَا مِن فَضۡلِ رَبِّي لِيَبۡلُوَنِيٓ ءَأَشۡكُرُ أَمۡ أَكۡفُرُۖ وَمَن شَكَرَ فَإِنَّمَا يَشۡكُرُ لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ رَبِّي غَنِيّٞ كَرِيمٞ ٤٠
Qālal-ladhī 'indahū 'ilmum minal-kitābi ana ātīka bihī qabla an yartadda ilayka tarfuka falammā ra'āhu mustaqirran 'indahū qāla hādhā min fadli rabbī liyabluwanī a'ashkuru am akfuru waman shakara fa innamā yashkuru linafsihī waman kafara fa inna rabbī ghaniyyun karīm
40. Mid haystay cilmi Kitaabka ah 11 wuxuu yidhi: Anigaa kuugu keenaya il biriqsi gudaheed. Markuu (Sulaymaan) arkay isagoo barbarkiisa yaal (carshigeedii), wuxuu yidhi: Kani waa fadliga Rabbigay - si uu ii imtixaano inaan ku mahdiyo ama aan ka abaal dhaco. Qofkii (Alle) ku mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkiina ka abaal dhaca, hubaal Rabbigay waa mid kaaftoon, sharaf Badan.
قَالَ نَكِّرُواْ لَهَا عَرۡشَهَا نَنظُرۡ أَتَهۡتَدِيٓ أَمۡ تَكُونُ مِنَ ٱلَّذِينَ لَا يَهۡتَدُونَ ٤١
Qāla nakkirū lahā 'arshahā nanzur atahtadī am takūnu minal-ladhīna lā yahtadūn
41. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Dooriya carshigeeda si aan u aragno inay garato, mise inay noqoto mid aan garanayn.
فَلَمَّا جَآءَتۡ قِيلَ أَهَٰكَذَا عَرۡشُكِۖ قَالَتۡ كَأَنَّهُۥ هُوَۚ وَأُوتِينَا ٱلۡعِلۡمَ مِن قَبۡلِهَا وَكُنَّا مُسۡلِمِينَ ٤٢
Falammā jā'at qīla ahākadhā 'arshuki qālat ka annahū huwa wa ūtīnal-'ilma min qablihā wakunnā muslimīn
42. Markay timid baa waxaa lagu yidhi: Ma sidan baa Carshigaagu?. Waxay tidhi: Waxaadba mooddaa isagii. (Sulaymaan wuxuu yidhi): Waxaana nala siiyey cilmi horteed, waxaanu nahay Muslimiin.
وَصَدَّهَا مَا كَانَت تَّعۡبُدُ مِن دُونِ ٱللَّهِۖ إِنَّهَا كَانَتۡ مِن قَوۡمٖ كَٰفِرِينَ ٤٣
Wasaddahā mā kānat ta'budu min dūnillāhi innahā kānat min qawmin kāfirīn
43. Waxaa (Xaqa) ka jeediyey waxay caabudeysey Alle sokadi, waxay ka mid aheyd qolo gaalo ah 12.
قِيلَ لَهَا ٱدۡخُلِي ٱلصَّرۡحَۖ فَلَمَّا رَأَتۡهُ حَسِبَتۡهُ لُجَّةٗ وَكَشَفَتۡ عَن سَاقَيۡهَاۚ قَالَ إِنَّهُۥ صَرۡحٞ مُّمَرَّدٞ مِّن قَوَارِيرَۗ قَالَتۡ رَبِّ إِنِّي ظَلَمۡتُ نَفۡسِي وَأَسۡلَمۡتُ مَعَ سُلَيۡمَٰنَ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٤٤
Qīla lahadkhulis-sarha falammā ra'athu hasibathu lujjatan wakashafat 'an sāqayhā qāla innahū sarhum mumarradum min qawārīra qālat rabbi innī zalamtu nafsī wa aslamtu ma'a sulaymāna lillāhi rabbil-'ālamīn
44. Waxaa lagu yidhi: Gal Daarta 13, markay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaasay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Anigu waxaan dulmiyey naftayda, haddase islaamay oo waxaan si dhan isugu dhiibay la jirka Sulaymaan Alle, Rabbiga uumanka.
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمۡ صَٰلِحًا أَنِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ فَإِذَا هُمۡ فَرِيقَانِ يَخۡتَصِمُونَ ٤٥
Walaqad arsalnā ilā thamūda akhāhum sālihan ani'budullāha fa idhā hum farīqāni yakhtasimūn
45. Waxaan u dirnay (reer) Thamuud walaalkood Saalix, wuxuu yidhi: Caabuda Alle (Keliya). Mise waxay noqdeen labo kooxood (gaalo iyo mu’miniin) doodaya 14.
قَالَ يَٰقَوۡمِ لِمَ تَسۡتَعۡجِلُونَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبۡلَ ٱلۡحَسَنَةِۖ لَوۡلَا تَسۡتَغۡفِرُونَ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ ٤٦
Qāla yāqawmi lima tasta'jilūna bis-sayyi'ati qablal-hasanati lawlā tastaghfirūnallāha la'allakum turhamūn
46. (Saalix) wuxuu yidhi: “Tolkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaanta halkii samaanta 15? Maxaad uga dalbi weydeen Denbi Dhaaf Alle inuu idiin naxariisto?
قَالُواْ ٱطَّيَّرۡنَا بِكَ وَبِمَن مَّعَكَۚ قَالَ طَٰٓئِرُكُمۡ عِندَ ٱللَّهِۖ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ تُفۡتَنُونَ ٤٧
Qālut-tayyarnā bika wabimam ma'aka qāla tā'irukum 'indallāhi bal antum qawmun tuftanūn
47.Waxay yidhahdeen: Waan ku shareysan- nay adiga iyo kuwa kula jira. Wuxuu yidhi: "Waxa idinku dhaca (khayr ama shar) waa Alle agti 16; waxaadse tihiin qolo la imtaxaanayo.”
وَكَانَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ تِسۡعَةُ رَهۡطٖ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ ٤٨
Wakāna fil-madīnati tis'atu rahtin yufsidūna fil-ardi walā yuslihūn
48. Waxaa magaalada 17 ku sugnaa sagaal nin 18, ku fala fasahaad arlada aan wax hagaajin.
قَالُواْ تَقَاسَمُواْ بِٱللَّهِ لَنُبَيِّتَنَّهُۥ وَأَهۡلَهُۥ ثُمَّ لَنَقُولَنَّ لِوَلِيِّهِۦ مَا شَهِدۡنَا مَهۡلِكَ أَهۡلِهِۦ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ ٤٩
Qālū taqāsamū billāhi lanubayyitannahū wa ahlahū thumma lanaqūlanna liwaliyyihī mā shahidnā mahlika ahlihī wa innā lasādiqūn
49. Waxay yidhaahdeen: Isku dhaarsada Alle inaan ku qaadno weerar kedo ah (Saalix) iyo ehelkiisa goor habeen ah, markaas waxaan ku odhan xigtadiisa dhow 19: Maa aanu joogin meeshuu ku halaagsamay ehelkiisu,run baynuna sheegi.
وَمَكَرُواْ مَكۡرٗا وَمَكَرۡنَا مَكۡرٗا وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ ٥٠
Wamakarū makran wamakarnā makran wahum lā yash'urūn
50. Waxay tabeeyeen tab, Annaguna waxaanu tabeennay tab, iyagoo aan dareemayn.
فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ مَكۡرِهِمۡ أَنَّا دَمَّرۡنَٰهُمۡ وَقَوۡمَهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٥١
Fanzur kayfa kāna 'āqibatu makrihim annā dammarnāhum waqawmahum ajma'īn
51. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii tabtooda inaan baabbi’innay iyaga iyo dadkoodii oo dhan.
فَتِلۡكَ بُيُوتُهُمۡ خَاوِيَةَۢ بِمَا ظَلَمُوٓاْۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ ٥٢
Fatilka buyūtuhum khāwiyata bimā zalamū inna fī dhālika la'āyatal liqawmin ya'lamūn
52. Waana kuwaas guryahoodii iyagoo maran oo burbur ku sugan dulmigoodii darti. Hubaal, arrinkaa waxaa ugu sugan calaamo ciddii wax garan.
وَأَنجَيۡنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ ٥٣
Wa anjaynal-ladhīna āmanū wakānū yattaqūn
53. Waxaanu badbaaddinnay kuwii (xaqa) rumeeyey oo ka dhowrsanayey (shirkiga iyo macaasida).
وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ وَأَنتُمۡ تُبۡصِرُونَ ٥٤
Walūtan idh qāla liqawmihī ata'tūnal-fāhishata wa antum tubsirūn
54. (Waxaana dirnay) Luud markuu ku lahaa qolodiisii: Ma waxaad la imanaysaan faaxisho 20 idinkoo arka 21?
أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ شَهۡوَةٗ مِّن دُونِ ٱلنِّسَآءِۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ تَجۡهَلُونَ ٥٥
A'innakum lata'tūnar-rijāla shahwatam min dūnin-nisā'i bal antum qawmun tajhalūn
55. Ma waxaad u tageysaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Waxaadse tihiin qolo jaahiliin ah aan garan (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada).
۞ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُوٓاْ أَخۡرِجُوٓاْ ءَالَ لُوطٖ مِّن قَرۡيَتِكُمۡۖ إِنَّهُمۡ أُنَاسٞ يَتَطَهَّرُونَ ٥٦
Famā kāna jawāba qawmihī illā an qālū akhrijū āla lūtim min qaryatikum innahum unāsun yatatahharūn
56.Mase ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: “Ka saara reer Luud magaaladiinna, waa dad is daahirine.
فَأَنجَيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ قَدَّرۡنَٰهَا مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ ٥٧
Fa anjaynāhu wa ahlahū illamra'atahū qaddarnāhā minal-ghābirīn
57. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisii marwadiisii maahee. Waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haray gadaal (ee la halaagay).
وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِم مَّطَرٗاۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلۡمُنذَرِينَ ٥٨
Wa amtarnā 'alayhim mataran fasā'a matarul-mundharīn
58. Waxaana ku soo daadinnay korkooda roob (dhagaxyo naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.
قُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ وَسَلَٰمٌ عَلَىٰ عِبَادِهِ ٱلَّذِينَ ٱصۡطَفَىٰٓۗ ءَآللَّهُ خَيۡرٌ أَمَّا يُشۡرِكُونَ ٥٩
Qulil-hamdu lillāhi wasalāmun 'alā 'ibādihil-ladhīnastafā āllahu khayrun ammā yushrikūn
59. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, nabadna ha ahaato addoomahiisa uu doortay dushooda. Ma Alle baa wanaagsan, mise kuwa (ilaahyada beenta ah) ay la wadaajiyaan cibaadada shariigyo ahaan?
أَمَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَنۢبَتۡنَا بِهِۦ حَدَآئِقَ ذَاتَ بَهۡجَةٖ مَّا كَانَ لَكُمۡ أَن تُنۢبِتُواْ شَجَرَهَآۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ بَلۡ هُمۡ قَوۡمٞ يَعۡدِلُونَ ٦٠
Amman khalaqas-samāwāti wal-arda wa anzala lakum minas-samā'i mā'an fa ambatnā bihī hadā'iqa dhāta bahjatim mā kāna lakum an tumbitū shajarahā a'ilāhum ma'allāhi bal hum qawmun ya'dilūn
60. Mayee, (Alle baa wanaagsan) ee ah Kan abuuray cirarka iyo dhulka, oo idiinka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo aan ku soo bixinno beero cajab leh oo bilic iyo barwaaqo badan; Ma aha wax aad kartaan inaad soo saartaan geedahooda. Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Mayee, waa qolo ka weecata (Xaqa oo la wadaajiya Alle cibaadada cid kale oo la mid dhiga).
أَمَّن جَعَلَ ٱلۡأَرۡضَ قَرَارٗا وَجَعَلَ خِلَٰلَهَآ أَنۡهَٰرٗا وَجَعَلَ لَهَا رَوَٰسِيَ وَجَعَلَ بَيۡنَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ حَاجِزًاۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ٦١
Amman ja'alal-arda qarāran waja'ala khilālahā anhāran waja'ala lahā rawāsiya waja'ala baynal-bahrayni hājizan a'ilāhum ma'allāhi bal aktharuhum lā ya'lamūn
61. (Waxaa wanaagsan Alle ee) ka dhigay dhulka meel la dego oo ka yeelay dhexdiisa webiyo, oo u yeelay buuro suga, yeelayna dhexdooda labada badood xidh. Ee ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Mayee, badankood garasho ma leh.
أَمَّن يُجِيبُ ٱلۡمُضۡطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكۡشِفُ ٱلسُّوٓءَ وَيَجۡعَلُكُمۡ خُلَفَآءَ ٱلۡأَرۡضِۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ قَلِيلٗا مَّا تَذَكَّرُونَ ٦٢
Amman yujībul-mudtarra idhā da'āhu wayakshifus-sū'a wayaj'alukum khulafā'al-ardi a'ilāhum ma'allāhi qalīlam mā tadhakkarūn
62. (Waxaa Wanaagsan Alle ee ah) Kan ajiiba dhibbanaha markuu baryo oo ka qaada dhibka, idinkana yeela kuwa u hadha (oo isku beddela) dhulka 22. Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Yaraa intaad xusuusataan (oo waantowdaan).
أَمَّن يَهۡدِيكُمۡ فِي ظُلُمَٰتِ ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِ وَمَن يُرۡسِلُ ٱلرِّيَٰحَ بُشۡرَۢا بَيۡنَ يَدَيۡ رَحۡمَتِهِۦٓۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ تَعَٰلَى ٱللَّهُ عَمَّا يُشۡرِكُونَ ٦٣
Amman yahdīkum fī zulumātil-barri wal-bahri waman yursilur-riyāha bushrā bayna yaday rahmatihī a'ilāhum ma'allāhi ta'ālallāhu 'ammā yushrikūn
63. (Waxaa wanaagsan Alle ee ah) Kan idin haga markaad ku dhex jirtaan mugdiyada berriga iyo badda oo ah Kan soo dira dabeylaha ceelalyo ahaan bishaara sida ka horreeya Raxmaddiisa (roobka)? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Waa ka sarreeyaa Alle waxay la wadaajiyaan cibaadada (oo la mid dhigaan).
أَمَّن يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥ وَمَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۗ أَءِلَٰهٞ مَّعَ ٱللَّهِۚ قُلۡ هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٦٤
Amman yabda'ul-khalqa thumma yu'īduhū waman yarzuqukum minas-samā'i wal-ardi a'ilāhum ma'allāhi qul hātū burhānakum in kuntum sādiqīn
64. (Alle ee ah) Kan billaaba asal ahaan abuurka, haddana soo celin, ee ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Dheh: Keena Xujadiinna, haddaad run sheegaysaan.
قُل لَّا يَعۡلَمُ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ ٱلۡغَيۡبَ إِلَّا ٱللَّهُۚ وَمَا يَشۡعُرُونَ أَيَّانَ يُبۡعَثُونَ ٦٥
Qul lā ya'lamu man fis-samāwāti wal-ardil-ghayba illallāhu wamā yash'urūna ayyāna yub'athūn
65. Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada oo ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Alle ma’ahee, mana ay oga goorta la soo bixin.
بَلِ ٱدَّٰرَكَ عِلۡمُهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ مِّنۡهَاۖ بَلۡ هُم مِّنۡهَا عَمُونَ ٦٦
Balid-dāraka 'ilmuhum fil-ākhirati bal hum fī shakkim minhā bal hum minhā 'amūn
66. Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Waxaybase ka qabaan shaki, wayna ka indha la' yihiin xaggeeda.
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَءِذَا كُنَّا تُرَٰبٗا وَءَابَآؤُنَآ أَئِنَّا لَمُخۡرَجُونَ ٦٧
Waqālal-ladhīna kafarū a'idhā kunnā turāban wa ābā'unā a'innā lamukhrajūn
67. Kuwa gaalooba waxay dhahaan: Ma markaan noqonno carro, innaga iyo aabba- yaashayo, miyaa nala soo bixin (mar kale)?
لَقَدۡ وُعِدۡنَا هَٰذَا نَحۡنُ وَءَابَآؤُنَا مِن قَبۡلُ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ ٦٨
Laqad wu'idnā hādhā nahnu wa ābā'unā min qablu in hādhā illā asātīrul-awwalīn
68. Waxaa naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore.
قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ ٦٩
Qul sīrū fil-ardi fanzurū kayfa kāna 'āqibatul-mujrimīn
69. Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya siday aheyd cidhibtii denbiilayaasha.
وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَلَا تَكُن فِي ضَيۡقٖ مِّمَّا يَمۡكُرُونَ ٧٠
Walā tahzan 'alayhim walā takun fī dayqim mimmā yamkurūn
70. Ee ha u murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay dhagar dhigi darteed.
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٧١
Wayaqūlūna matā hādhal-wa'du in kuntum sādiqīn
71. Waxay yidhaahdaan: Waa goorma yaboohaasi haddaad run sheegaysaan?
قُلۡ عَسَىٰٓ أَن يَكُونَ رَدِفَ لَكُم بَعۡضُ ٱلَّذِي تَسۡتَعۡجِلُونَ ٧٢
Qul 'asā an yakūna radifa lakum ba'dul-ladhī tasta'jilūn
72. Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxaad rabtaan in la soo dedjiyo (Cadaabka).
وَإِنَّ رَبَّكَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَشۡكُرُونَ ٧٣
Wa inna rabbaka ladhū fadlin 'alan-nāsi walākinna aktharahum lā yashkurūn
73. Hubaalna Rabbigaa waa u Roon yahay dadka, badankooduse ma mahad naqaan.
وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَعۡلَمُ مَا تُكِنُّ صُدُورُهُمۡ وَمَا يُعۡلِنُونَ ٧٤
Wa inna rabbaka laya'lamu mā tukinnu sudūruhum wamā yu'linūn
74. Xaqiiq Rabbigaa waa Og yahay waxay laabahoodu qarin iyo waxay muujinba.
وَمَا مِنۡ غَآئِبَةٖ فِي ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٍ ٧٥
Wamā min ghā'ibatin fis-samā'i wal-ardi illā fī kitābim mubīn
75. Ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad 23.
إِنَّ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ يَقُصُّ عَلَىٰ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ أَكۡثَرَ ٱلَّذِي هُمۡ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ ٧٦
Inna hādhal-qur'āna yaqussu 'alā banī isrā'īla aktharal-ladhī hum fīhi yakhtalifūn
76. Xaqiiq, Qur’aankani wuxuu kaga warrami reer Israa’iil badi waxay isku hayeen oo ay isku khilaafsanaayeen.
وَإِنَّهُۥ لَهُدٗى وَرَحۡمَةٞ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ ٧٧
Wa innahū lahudan warahmatul lil-mu'minīn
77. Xaqiiqna, waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta.
إِنَّ رَبَّكَ يَقۡضِي بَيۡنَهُم بِحُكۡمِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡعَلِيمُ ٧٨
Inna rabbaka yaqdī baynahum bihukmihī wahuwal-'azīzul-'alīm
78. Hubaal Rabbigaa wuxuu ugu kala garsoori dhexdooda xukunkiisa, waana Adkaadaha, wax kasta Ogsoon.
فَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۖ إِنَّكَ عَلَى ٱلۡحَقِّ ٱلۡمُبِينِ ٧٩
Fatawakkal 'alallāhi innaka 'alal-haqqil-mubīn
79. Ee talo saaro Alle; hubaal, waxaad ku sugan tahay Xaq Cad.
إِنَّكَ لَا تُسۡمِعُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَلَا تُسۡمِعُ ٱلصُّمَّ ٱلدُّعَآءَ إِذَا وَلَّوۡاْ مُدۡبِرِينَ ٨٠
Innaka lā tusmi'ul-mawtā walā tusmi'us-summad-du'ā'a idhā wallaw mudbirīn
80. Adigu dhabtii wax ma maqashiin kartid meytida, mana maqashiin kartid dhagoolaha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan.
وَمَآ أَنتَ بِهَٰدِي ٱلۡعُمۡيِ عَن ضَلَٰلَتِهِمۡۖ إِن تُسۡمِعُ إِلَّا مَن يُؤۡمِنُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُم مُّسۡلِمُونَ ٨١
Wamā anta bihādil-'umyi 'an dalālatihim in tusmi'u illā man yu'minu bi'āyātinā fahum muslimūn
81. Oo ma thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu Muslimiin ah (Alle u hoggaansan).
۞ وَإِذَا وَقَعَ ٱلۡقَوۡلُ عَلَيۡهِمۡ أَخۡرَجۡنَا لَهُمۡ دَآبَّةٗ مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ تُكَلِّمُهُمۡ أَنَّ ٱلنَّاسَ كَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا لَا يُوقِنُونَ ٨٢
Wa idhā waqa'al-qawlu 'alayhim akhrajnā lahum dābbatam minal-ardi tukallimuhum annan-nāsa kānū bi'āyātinā lā yūqinūn
82. Markuu Qawlka (Cadaabka) ku fulo dushooda 24, Waxaan uga soo bixin Neef (dugaag) arlada la hadleysa inay dadku ahaayeen kuwo aan yaqiinsaneyn Aayadahayaga.
وَيَوۡمَ نَحۡشُرُ مِن كُلِّ أُمَّةٖ فَوۡجٗا مِّمَّن يُكَذِّبُ بِـَٔايَٰتِنَا فَهُمۡ يُوزَعُونَ ٨٣
Wayawma nahshuru min kulli ummatin fawjam mimman yukaddhibu bi'āyātinā fahum yūza'ūn
83. (Oo ka dig) Maalintaan ka soo saari ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga iyagoo is cidhiidhyi.
حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُو قَالَ أَكَذَّبۡتُم بِـَٔايَٰتِي وَلَمۡ تُحِيطُواْ بِهَا عِلۡمًا أَمَّاذَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ٨٤
Hattā idhā jā'ū qāla akaddhabtum bi'āyātī walam tuhītū bihā 'ilman ammādhā kuntum ta'malūn
84. Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinkoon ku koobin cilmi, maxaadse fali jirteen?
وَوَقَعَ ٱلۡقَوۡلُ عَلَيۡهِم بِمَا ظَلَمُواْ فَهُمۡ لَا يَنطِقُونَ ٨٥
Wawaqa'al-qawlu 'alayhim bimā zalamū fahum lā yantiqūn
85.Waxaa ku fuli Qowlkii 'Cadaabka' 25, dulmigoodii darti, marka ma hadlayaan.
أَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا جَعَلۡنَا ٱلَّيۡلَ لِيَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ ٨٦
Alam yaraw annā ja'alnal-layla liyaskunū fīhi wan-nahāra mubsiran inna fī dhālika la'āyātil liqawmin yu'minūn
86. Mawaysan arkayn inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan, Maalintana iftiin? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn (Xaqa).
وَيَوۡمَ يُنفَخُ فِي ٱلصُّورِ فَفَزِعَ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَّا مَن شَآءَ ٱللَّهُۚ وَكُلٌّ أَتَوۡهُ دَٰخِرِينَ ٨٧
Wayawma yunfakhu fis-sūri fafazi'a man fis-samāwāti waman fil-ardi illā man shā'allāhu wakullun atawhu dākhirīn
87. (Ka dig) Maalinta buunka la afuufi, oo ay argagixi kuwa ku sugan cirarka iyo kuwa ku sugan dhulka cidduu Alle doono mooyee, kullina waxay u imaan iyagoo dullaysan.
وَتَرَى ٱلۡجِبَالَ تَحۡسَبُهَا جَامِدَةٗ وَهِيَ تَمُرُّ مَرَّ ٱلسَّحَابِۚ صُنۡعَ ٱللَّهِ ٱلَّذِيٓ أَتۡقَنَ كُلَّ شَيۡءٍۚ إِنَّهُۥ خَبِيرُۢ بِمَا تَفۡعَلُونَ ٨٨
Wataral-jibāla tahsabuhā jāmidatan wahiya tamurru marras-sahābi sun'allāhil-ladhī atqana kulla shay'in innahū khabīru bimā taf'alūn
88. Waxaad arkaysaa buurahii aad u maleyn wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Alle ee hagaajiyey wax waliba. Hubaal, waa u Xog ogaal waxaad fashaan.
مَن جَآءَ بِٱلۡحَسَنَةِ فَلَهُۥ خَيۡرٞ مِّنۡهَا وَهُم مِّن فَزَعٖ يَوۡمَئِذٍ ءَامِنُونَ ٨٩
Man jā'a bil-hasanati falahū khayrum minhā wahum min faza'in yawma'idhin āminūn
89. Qofkii la yimaada wanaag 26 wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (Janno), argagaxa Maalinta (Qiyaamena) waa ka aamin.
وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَكُبَّتۡ وُجُوهُهُمۡ فِي ٱلنَّارِ هَلۡ تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ٩٠
Waman jā'a bis-sayyi'ati fakubbat wujūhuhum fin-nāri hal tujzawna illā mā kuntum ta'malūn
90. Qofkiise la yimaada xumaan 27 waxaa loogu tuuri weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku abaal marin waxaan ahayn waxaad fasheen (wax la mid ah oo xumaan ah)?
إِنَّمَآ أُمِرۡتُ أَنۡ أَعۡبُدَ رَبَّ هَٰذِهِ ٱلۡبَلۡدَةِ ٱلَّذِي حَرَّمَهَا وَلَهُۥ كُلُّ شَيۡءٖۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ ٩١
Innamā umirtu an a'buda rabba hādhihil-baldatil-ladhī harramahā walahū kullu shay'in wa umirtu an akūna minal-muslimīn
91. Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan 28 (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Waxaana la I amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta (kuwa isu dhiiba Alle ee u hoggaansan).
وَأَنۡ أَتۡلُوَاْ ٱلۡقُرۡءَانَۖ فَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهۡتَدِي لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَقُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ ٩٢
Wa an atluwal-qur'āna famanihtadā fa innamā yahtadī linafsihī waman dalla faqul innamā ana minal-mundhirīn
92. Iyo inaan akhriyo Qur’aanka. Qofkii hanuuna, wuxuu uun u hanuunaa naftiisa, qofkiise lumaa, dheh: Anigu waxaan ahay uun mid ka mid ah digayaasha.
وَقُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ سَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ فَتَعۡرِفُونَهَاۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ ٩٣
Waqulil-hamdu lillāhi sayurīkum āyātihī fata'rifūnahā wamā rabbuka bighāfilin 'ammā ta'malūn
93. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle. Wuxuu idin tusi calaamoo- yinkiisa, waadna garan doontaan. Ma aha Rabbigaa mid moog waxaad falaysaan.
Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.
Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.
Suuradda An-Naml waxay leedahay 93 aayadood. Waa suuradda 27 ee Qur'aanka.
Suuradda An-Naml waa suurad Makki ah.
Suuradda An-Naml waxay ku jirtaa juz' 19, 20.
Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.