Suuradda Al-'Ankabut العنكبوت

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓمٓ ١

Alif Lām Mīm

1. Alif Laam-Miim 1.

أَحَسِبَ ٱلنَّاسُ أَن يُتۡرَكُوٓاْ أَن يَقُولُوٓاْ ءَامَنَّا وَهُمۡ لَا يُفۡتَنُونَ ٢

Ahasiban-nāsu an yutrakū an yaqūlū āmannā wahum lā yuftanūn

2. Ma waxay dadku moodaan in loogaga tegayo inay yidhaahdaan: “Waan rumeynay (Xaqa) iyagoo aan la imtixaameyn?

وَلَقَدۡ فَتَنَّا ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ فَلَيَعۡلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ صَدَقُواْ وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱلۡكَٰذِبِينَ ٣

Walaqad fatannal-ladhīna min qablihim falaya'lamannallāhul-ladhīna sadaqū walaya'lamannal-kādhibīn

3. Waxaanu imtixaannay kuwii ka horreeyey iyaga. Alle wuu muujin kuwa uu run ka yahay (Iimaanka), wuuna muujin beenlowyada.

أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَسۡبِقُونَاۚ سَآءَ مَا يَحۡكُمُونَ ٤

Am hasibal-ladhīna ya'malūnas-sayyi'āti an yasbiqūnā sā'a mā yahkumūn

4. Mise ma waxay moodaan kuwa fala xumaatooyinka 2 inay naga fakan karaan? Xumaa waxay xukumi.

مَن كَانَ يَرۡجُواْ لِقَآءَ ٱللَّهِ فَإِنَّ أَجَلَ ٱللَّهِ لَأٓتٖۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ ٥

Man kāna yarjū liqā'allāhi fa inna ajalallāhi la'ātin wahuwas-samī'ul-'alīm

5. Qofkii rajeyn la kulanka Alle, hubaal ajasha uu Alle (qoray) way imaan (ee ha isu diyaariyo). Alle waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.

وَمَن جَٰهَدَ فَإِنَّمَا يُجَٰهِدُ لِنَفۡسِهِۦٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَنِيٌّ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٦

Waman jāhada fa innamā yujāhidu linafsihī innallāha laghaniyyun 'anil-'ālamīn

6. Qofkii dadaala, wuxuu u dadaalayaa naftiisa. Hubaal, Alle waa ka deeqtoon yahay uumanka.

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَنُكَفِّرَنَّ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَلَنَجۡزِيَنَّهُمۡ أَحۡسَنَ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٧

Walladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti lanukaffiranna 'anhum sayyi'ātihim walanajziyannahum ahsanal-ladhī kānū ya'malūn

7. Kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaanu xaqiiq u asturi denbiyadooda, waxaana u abaal marin si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falayeen.

وَوَصَّيۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيۡهِ حُسۡنٗاۖ وَإِن جَٰهَدَاكَ لِتُشۡرِكَ بِي مَا لَيۡسَ لَكَ بِهِۦ عِلۡمٞ فَلَا تُطِعۡهُمَآۚ إِلَيَّ مَرۡجِعُكُمۡ فَأُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ٨

Wawassaynal-insāna biwālidayhi husnan wa in jāhadāka litushrika bī mā laysa laka bihī 'ilmun falā tuti'humā ilayya marji'ukum fa unabbi'ukum bimā kuntum ta'malūn

8. Waxaan ku waajibannay aadmiga inuu wanaajiyo oo baarri u ahaado labadiisa waalid, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso (cibaadada) waxaad u heysan cilmi 3, ha ku adeecin. Waa Xaggayga noqodkiinnu, waxaana idiin sheegi (oo idinka abaal marin) waxaad camal fali jirteen (oo dhan).

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَنُدۡخِلَنَّهُمۡ فِي ٱلصَّٰلِحِينَ ٩

Walladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti lanudkhilannahum fis-sālihīn

9. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, Waxaanu gelin iyaga la jirka suubbanayaasha (Jannada sare).

وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ فَإِذَآ أُوذِيَ فِي ٱللَّهِ جَعَلَ فِتۡنَةَ ٱلنَّاسِ كَعَذَابِ ٱللَّهِۖ وَلَئِن جَآءَ نَصۡرٞ مِّن رَّبِّكَ لَيَقُولُنَّ إِنَّا كُنَّا مَعَكُمۡۚ أَوَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِأَعۡلَمَ بِمَا فِي صُدُورِ ٱلۡعَٰلَمِينَ ١٠

Waminan-nāsi man yaqūlu āmannā billāhi fa idhā ūdhiya fillāhi ja'ala fitnatan-nāsi ka'adhābillāhi wala'in jā'a nasrum mir rabbika layaqūlunna innā kunnā ma'akum awalaysallāhu bi a'lama bimā fī sudūril-'ālamīn

10. Waxaa ka mid ah dadka kuwo yidhaahda: Waxaanu rumeynay Alle, markiise lagu dhibaateeyo Alle darti, mooda fidmada dadka sida Cadaabka Alle, hadduuna ka yimaado gargaar xagga Rabbigaa, waxay (munaafiqiinta) hubaal odhan: Waxaanu aheyn la jirkiin. Miyuusan Alle ahayn kan dhab u Ogsoon waxa ku jira laabaha (dadka).

وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَيَعۡلَمَنَّ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ ١١

Walaya'lamannallāhul-ladhīna āmanū walaya'lamannal-munāfiqīn

11. Xaqiiq, Alle wuu muujin kuwa rumeeyey, wuuna muujin munaafiqiinta.

وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّبِعُواْ سَبِيلَنَا وَلۡنَحۡمِلۡ خَطَٰيَٰكُمۡ وَمَا هُم بِحَٰمِلِينَ مِنۡ خَطَٰيَٰهُم مِّن شَيۡءٍۖ إِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ ١٢

Waqālal-ladhīna kafarū lilladhīna āmanut-tabi'ū sabīlanā walnahmil khatāyākum wamā hum bihāmilīna min khatāyāhum min shay'in innahum lakādhibūn

12. Kuwa gaalooba waxay ku yidhaahdaan kuwa rumeeyey: Soo raaca jidkayaga waxaan idinka qaadi denbiyadiinna 4. Ma aha kuwo ka qaadi denbiyadooda waxba; xaqiiq, waa beenlawyo.

وَلَيَحۡمِلُنَّ أَثۡقَالَهُمۡ وَأَثۡقَالٗا مَّعَ أَثۡقَالِهِمۡۖ وَلَيُسۡـَٔلُنَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ عَمَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ ١٣

Walayahmilunna athqālahum wa athqālam ma'a athqālihim walayus'alunna yawmal-qiyāmati 'ammā kānū yaftarūn

13. Waxay qaadi culaysyadooda 5, iyo culaysyo kale oo la jira culaysyadooda, waxaana la weydiin Maalinta Qiyaamaha waxay been abuuran jireen.

وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ فَلَبِثَ فِيهِمۡ أَلۡفَ سَنَةٍ إِلَّا خَمۡسِينَ عَامٗا فَأَخَذَهُمُ ٱلطُّوفَانُ وَهُمۡ ظَٰلِمُونَ ١٤

Walaqad arsalnā nūhan ilā qawmihī falabitha fīhim alfa sanatin illā khamsīna 'āman fa akhadhahumut-tūfānu wahum zālimūn

14. Waxaanu dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna dhex joogay kun sano oo dhimman konton sano, waxaana qaaday Duufaan iyagoo ah daalimiin.

فَأَنجَيۡنَٰهُ وَأَصۡحَٰبَ ٱلسَّفِينَةِ وَجَعَلۡنَٰهَآ ءَايَةٗ لِّلۡعَٰلَمِينَ ١٥

Fa anjaynāhu wa ashābas-safīnati waja'alnāhā āyatal lil-'ālamīn

15. Markaasaan badbaadinnay (Nuux) iyo kuwii kula jiray Doonnida, waxaana uga yeelnay calaamo 6 'digniin' ummadaha.

وَإِبۡرَٰهِيمَ إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱتَّقُوهُۖ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ ١٦

Wa ibrāhīma idh qāla liqawmihi'budullāha wattaqūhu dhālikum khayrul lakum in kuntum ta'lamūn

16. (Waxaana soo dirnay) Ibraahiim markuu ku lahaa qolodiisii: Caabuda Alle (Keliya) oo ka cabsada (iskana jira xuma falka), arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.

إِنَّمَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡثَٰنٗا وَتَخۡلُقُونَ إِفۡكًاۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَمۡلِكُونَ لَكُمۡ رِزۡقٗا فَٱبۡتَغُواْ عِندَ ٱللَّهِ ٱلرِّزۡقَ وَٱعۡبُدُوهُ وَٱشۡكُرُواْ لَهُۥٓۖ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ ١٧

Innamā ta'budūna min dūnillāhi awthānan watakhluqūna ifkan innal-ladhīna ta'budūna min dūnillāhi lā yamlikūna lakum rizqan fabtaghū 'indallāhir-rizqa wa'budūhu washkurū lahū ilayhi turja'ūn

17. Waxaad uun caabuddaan asnaam halkii Alle, oo been abuur sameysaan. Kuwaad caabuddaan Alle sokadi idiin ma hanan karaan risiq, ee ka doonta risiqa Alle agtiis (oo keliya) oo caabuda Isagoo Keliya oo ku mahdiya. Xaggiisaa la idiin soo celin.

وَإِن تُكَذِّبُواْ فَقَدۡ كَذَّبَ أُمَمٞ مِّن قَبۡلِكُمۡۖ وَمَا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ ١٨

Wa in tukaddhibū faqad kaddhaba umamum min qablikum wamā 'alar-rasūli illal-balāghul-mubīn

18. Haddaad beenisaan (Xaqa), waxaa beeniyey ummado idinka horreeyey. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad 'ee Diinta Alle' 7.

أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ كَيۡفَ يُبۡدِئُ ٱللَّهُ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥٓۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ ١٩

Awalam yaraw kayfa yubdi'ullāhul-khalqa thumma yu'īduhū inna dhālika 'alallāhi yasīr

19. Miyeyna u fiirsan sida Alle u billaaba abuuridda (uunka), haddana u soo celin? Hubaal arrinkaasi Alle wuu u fudud yahay.

قُلۡ سِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ بَدَأَ ٱلۡخَلۡقَۚ ثُمَّ ٱللَّهُ يُنشِئُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأٓخِرَةَۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ ٢٠

Qul sīrū fil-ardi fanzurū kayfa bada'al-khalqa thummallāhu yunshi'un-nash'atal-ākhirata innallāha 'alā kulli shay'in qadīr

20. Dheh: Mara dhulka oo fiiriya sida (Alle) u billaabay uunka, haddana Alle u ahaysiinayo abuuridda dambe. Hubaal, Alle wax walba wuu Karaa.

يُعَذِّبُ مَن يَشَآءُ وَيَرۡحَمُ مَن يَشَآءُۖ وَإِلَيۡهِ تُقۡلَبُونَ ٢١

Yu'addhibu man yashā'u wayarhamu man yashā'u wa ilayhi tuqlabūn

21. Wuxuu cadaabi qofkuu doono, oo u naxariisan qofkuu doono, Xaggiisaana la idiin celin.

وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِۖ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٖ ٢٢

Wamā antum bimu'jizīna fil-ardi walā fis-samā'i wamā lakum min dūnillāhi min waliyyin walā nasīr

22. Idinku ma ku fakan kartaan dhulka iyo cirka midna, mana lihidin Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.

وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَلِقَآئِهِۦٓ أُوْلَٰٓئِكَ يَئِسُواْ مِن رَّحۡمَتِي وَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ ٢٣

Walladhīna kafarū bi'āyātillāhi waliqā'ihī ulā'ika ya'isū mir rahmatī wa ulā'ika lahum 'adhābun alīm

23. Kuwa ku gaalooba Aayadaha Alle iyo la Kulankiisa, kuwaasi waxay ka quusteen Naxariistayda, waxaana kuwaa u sugnaaday cadaab xanuun badan.

فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱقۡتُلُوهُ أَوۡ حَرِّقُوهُ فَأَنجَىٰهُ ٱللَّهُ مِنَ ٱلنَّارِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ ٢٤

Famā kāna jawāba qawmihī illā an qāluqtulūhu aw harriqūhu fa anjāhullāhu minan-nāri inna fī dhālika la'āyātil liqawmin yu'minūn

24. Ma ahayn jawaabtii qolodiisii waxaan aheyn inay yidhaahdeen: 'Dila isaga ama guba'. Markaasuu Alle ka badbaadiyey dabkii. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn.

وَقَالَ إِنَّمَا ٱتَّخَذۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡثَٰنٗا مَّوَدَّةَ بَيۡنِكُمۡ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ ثُمَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكۡفُرُ بَعۡضُكُم بِبَعۡضٖ وَيَلۡعَنُ بَعۡضُكُم بَعۡضٗا وَمَأۡوَىٰكُمُ ٱلنَّارُ وَمَا لَكُم مِّن نَّٰصِرِينَ ٢٥

Waqāla innamat-takhadhtum min dūnillāhi awthānam mawaddata baynikum fil-hayawātid-dunyā thumma yawmal-qiyāmati yakfuru ba'dukum biba'din wayal'anu ba'dukum ba'dan wama'wākumun-nāru wamā lakum min nāsirīn

25. Wuxuu (Ibraahiim) ku yidhi: Waxaad u samaysateen (caabudid darteed) asnaam Alle sokadi, jaceylka dhexdiinna ah waa oo keliya inta nolosha adduunkan ah, Maalinta Qiyaamahase, wuxuu qaarkiinba dafiri qaarka kale, oo qaarkiin lacnadi qaarka kale, hoygiinnuna waa Naar, mana jiro wax idiin soo gargaari.

۞ فَـَٔامَنَ لَهُۥ لُوطٞۘ وَقَالَ إِنِّي مُهَاجِرٌ إِلَىٰ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ٢٦

Fa'āmana lahū lūtun waqāla innī muhājirun ilā rabbī innahū huwal-'azīzul-hakīm

26. Waxaa rumeeyey Luud. Wuxuuna (Ibraahiim) yidhi: Waxaan u haajirayaa xagga Rabbigay. Hubaal, Alle waa Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.

وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَجَعَلۡنَا فِي ذُرِّيَّتِهِ ٱلنُّبُوَّةَ وَٱلۡكِتَٰبَ وَءَاتَيۡنَٰهُ أَجۡرَهُۥ فِي ٱلدُّنۡيَاۖ وَإِنَّهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ٢٧

Wawahabnā lahū ishāqa waya'qūba waja'alnā fī dhurriyyatihin-nubuwwata wal-kitāba wa ātaynāhu ajrahū fid-dunyā wa innahū fil-ākhirati laminas-sālihīn

27. Waxaanu u hibeynay Isxaaq iyo Yac- quub, oo waxaan ka yeelnay Nabinnimada iyo Kitaabka inay ahaadaan ubadkiisa dhexdooda, Waxaana ku siinnay abaal- gudkiisa adduunkan, Aakhirana wuxuu hubaal ka mid yahay inta wanaagsan.

وَلُوطًا إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ إِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مَا سَبَقَكُم بِهَا مِنۡ أَحَدٖ مِّنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٢٨

Walūtan idh qāla liqawmihī innakum lata'tūnal-fāhishata mā sabaqakum bihā min ahadim minal-'ālamīn

28. (Waxaan kaloo soo dirnay) Luud, markuu ku lahaa qolodiisii: Waxaad la timaaddeen xumaan uusanba idiinka horrayn axad ka mid ah ummadaha.

أَئِنَّكُمۡ لَتَأۡتُونَ ٱلرِّجَالَ وَتَقۡطَعُونَ ٱلسَّبِيلَ وَتَأۡتُونَ فِي نَادِيكُمُ ٱلۡمُنكَرَۖ فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوۡمِهِۦٓ إِلَّآ أَن قَالُواْ ٱئۡتِنَا بِعَذَابِ ٱللَّهِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ٢٩

A'innakum lata'tūnar-rijāla wataqta'ūnas-sabīla wata'tūna fī nādīkumul-munkara famā kāna jawāba qawmihī illā an qālu'tinā bi'adhābillāhi in kunta minas-sādiqīn

29. Ma waxaad idinku u galmoonaysaan ragga, oo aad goynaysaan jidka 8, oo kula imaanaysaan Munkar (shirki, gaalnimo, xumaano) kulamadiinna dhexdood, Mase aheyn jawaabtii qoonkiisii waxaan ahayn inay yidhaahdeen: Noo keen Cadaabka Alle haddaad run sheegeyso.

قَالَ رَبِّ ٱنصُرۡنِي عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡمُفۡسِدِينَ ٣٠

Qāla rabbinsurnī 'alal-qawmil-mufsidīn

30. (Luud) wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar qolodan wax fasaadiya.

وَلَمَّا جَآءَتۡ رُسُلُنَآ إِبۡرَٰهِيمَ بِٱلۡبُشۡرَىٰ قَالُوٓاْ إِنَّا مُهۡلِكُوٓاْ أَهۡلِ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِۖ إِنَّ أَهۡلَهَا كَانُواْ ظَٰلِمِينَ ٣١

Walammā jā'at rusulunā ibrāhīma bil-bushrā qālū innā muhlikū ahli hādhihil-qaryati inna ahlahā kānū zālimīn

31. Markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd) ula yimaadeen Ibraahiim bishaarada 9 waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu halaagaynaa dadka magaaladan (Sodom), waayo dadkeedu waa daalimiin (gar ma qaatayaal).

قَالَ إِنَّ فِيهَا لُوطٗاۚ قَالُواْ نَحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَن فِيهَاۖ لَنُنَجِّيَنَّهُۥ وَأَهۡلَهُۥٓ إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ كَانَتۡ مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ ٣٢

Qāla inna fīhā lūtan qālū nahnu a'lamu biman fīhā lanunajjiyannahū wa ahlahū illamra'atahū kānat minal-ghābirīn

32. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaa ku sugan Luud. Waxay yidhaahdeen: Innaga baa kaa ogsoon cidda dhexdeeda ah, waanu badbaadin (Luud) iyo ehelkiisaba - marka laga reebo marwadiisa, waxay ahaan mid ku harta gadaal 'cadaabka' 10.

وَلَمَّآ أَن جَآءَتۡ رُسُلُنَا لُوطٗا سِيٓءَ بِهِمۡ وَضَاقَ بِهِمۡ ذَرۡعٗاۖ وَقَالُواْ لَا تَخَفۡ وَلَا تَحۡزَنۡ إِنَّا مُنَجُّوكَ وَأَهۡلَكَ إِلَّا ٱمۡرَأَتَكَ كَانَتۡ مِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ ٣٣

Walammā an jā'at rusulunā lūtan sī'a bihim wadāqa bihim dhar'an waqālū lā takhaf walā tahzan innā munajjūka wa ahlaka illamra'ataka kānat minal-ghābirīn

33. Markay Rusushayadii 'malaa’igta ahayd' u timid Luud wuu ka murugooday 11, oo cidhiidhi dareemay dartood; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan hana murugoon. Waanu ku badbaadin adiga iyo ahelkaaga- ba marka laga reebo marwadaada, waxay ahaan mid ka mid ah kuwaa ku hari gadaal.

إِنَّا مُنزِلُونَ عَلَىٰٓ أَهۡلِ هَٰذِهِ ٱلۡقَرۡيَةِ رِجۡزٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ بِمَا كَانُواْ يَفۡسُقُونَ ٣٤

Innā munzilūna 'alā ahli hādhihil-qaryati rijzam minas-samā'i bimā kānū yafsuqūn

34. Waxaanu ku soo dejin dadka magaaladan cadaab kaga iman samada caasintooda darteed.

وَلَقَد تَّرَكۡنَا مِنۡهَآ ءَايَةَۢ بَيِّنَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ ٣٥

Walaqat taraknā minhā āyata bayyinatal liqawmin ya'qilūn

35. Waxaana uga tagnay halkaa calaamo cad (haraaga burburkii magaaladaa) ciddii garasho leh.

وَإِلَىٰ مَدۡيَنَ أَخَاهُمۡ شُعَيۡبٗا فَقَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ وَٱرۡجُواْ ٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ ٣٦

Wa ilā madyana akhāhum shu'ayban faqāla yāqawmi'budullāha warjul-yawmal-ākhira walā ta'thaw fil-ardi mufsidīn

36. Reer Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb, wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle Keliya oo (ku) rajeeya (cibaadadiinna abaal marinta) Maalinta Aakhiro, hana ku bi'innina arlada fasahaad.

فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلرَّجۡفَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دَارِهِمۡ جَٰثِمِينَ ٣٧

Fakaddhabūhu fa akhadhathumur-rajfatu fa asbahū fī dārihim jāthimīn

37. Wayse beeniyeen, markaasaa waxaa qabtay dhul gariir daran (iyo qarax weyn), waxayna noqdeen kuwo (baqti) ah oo degaankooda daadsan.

وَعَادٗا وَثَمُودَاْ وَقَد تَّبَيَّنَ لَكُم مِّن مَّسَٰكِنِهِمۡۖ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَصَدَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّبِيلِ وَكَانُواْ مُسۡتَبۡصِرِينَ ٣٨

Wa'ādan wathamūda waqat tabayyana lakum mim masākinihim wazayyana lahumush-shaytānu a'mālahum fasaddahum 'anis-sabīli wakānū mustabsirīn

38.Oo (waxaan halaagnay) Caad iyo Thamuud. (Halaaggooduna) wuxuu idiinka muuqdaa guryahoodii. Wuxuu shaydaan u qurxiyey camalladoodii (xumaa) oo ka duway Jidka, inkastoo ay ahaayeen dad il bax ah 12.

وَقَٰرُونَ وَفِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَۖ وَلَقَدۡ جَآءَهُم مُّوسَىٰ بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَٱسۡتَكۡبَرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا كَانُواْ سَٰبِقِينَ ٣٩

Waqārūna wafir'awna wahāmāna walaqad jā'ahum mūsā bil-bayyināti fastakbarū fil-ardi wamā kānū sābiqīn

39. Qaaruun, Fircoon iyo Haamaanna (waa la halaagay). Wuxuuna Muuse ula yimid Aayado cad cad, waxayse ku kibreen arlada, mana aheyn kuwo ka baxsan kara (Cadaabkayaga).

فَكُلًّا أَخَذۡنَا بِذَنۢبِهِۦۖ فَمِنۡهُم مَّنۡ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِ حَاصِبٗا وَمِنۡهُم مَّنۡ أَخَذَتۡهُ ٱلصَّيۡحَةُ وَمِنۡهُم مَّنۡ خَسَفۡنَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ وَمِنۡهُم مَّنۡ أَغۡرَقۡنَاۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيَظۡلِمَهُمۡ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ ٤٠

Fakullan akhadhnā bidhambihī faminhum man arsalnā 'alayhi hāsiban waminhum man akhadhathus-sayhatu waminhum man khasafnā bihil-arda waminhum man aghraqnā wamā kānallāhu liyazlimahum walākin kānū anfusahum yazlimūn

40. Mid walbaa (oo ka mid ah) waxaan ku qaadnay denbigiisa, waxaa ka mid ahaa kuwo aan u dirnay dabeyl daran 13, waxaa ka mid ahaa kuwo uu qabsaday qarax weyn 14, waxaa ka mid ahaa mid aan la goynay dhulka 15; waxaana ka mid ahaa kuwo aan harqinnay 16. Mana aheyn Alle inuu dulmiyey, iyagaase nafahooda dulminayay.

مَثَلُ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَوۡلِيَآءَ كَمَثَلِ ٱلۡعَنكَبُوتِ ٱتَّخَذَتۡ بَيۡتٗاۖ وَإِنَّ أَوۡهَنَ ٱلۡبُيُوتِ لَبَيۡتُ ٱلۡعَنكَبُوتِۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ ٤١

Mathalul-ladhīnat-takhadhū min dūnillāhi awliyā'a kamathalil-'ankabūtit-takhadhat baytan wa inna awhanal-buyūti labaytul-'ankabūti law kānū ya'lamūn

41. Tusaalaha kuwa sameysta awliyo (ay caabudaan) Alle sokadi waa sida tusaalaha caadho taasoo yeelatay guri, waxaana ugu liita guryaha, guriga caadhada; hadday og yihiin.

إِنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ مِن شَيۡءٖۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ٤٢

Innallāha ya'lamu mā yad'ūna min dūnihī min shay'in wahuwal-'azīzul-hakīm

42. Hubaal, Alle wuu ogsoon yahay waxay baryaan Isaga sokadi. Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.

وَتِلۡكَ ٱلۡأَمۡثَٰلُ نَضۡرِبُهَا لِلنَّاسِۖ وَمَا يَعۡقِلُهَآ إِلَّا ٱلۡعَٰلِمُونَ ٤٣

Watilkal-amthālu nadribuhā lin-nāsi wamā ya'qiluhā illal-'ālimūn

43. Tusaalooyinkan waxaan u soo gudbinnaa dadka, cidise ma fahanto aan aheyn kuwa cilmiga leh.

خَلَقَ ٱللَّهُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ ٤٤

Khalaqallāhus-samāwāti wal-arda bil-haqqi inna fī dhālika la'āyatal lil-mu'minīn

44. Alle wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamo mu'miniinta.

ٱتۡلُ مَآ أُوحِيَ إِلَيۡكَ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَأَقِمِ ٱلصَّلَوٰةَۖ إِنَّ ٱلصَّلَوٰةَ تَنۡهَىٰ عَنِ ٱلۡفَحۡشَآءِ وَٱلۡمُنكَرِۗ وَلَذِكۡرُ ٱللَّهِ أَكۡبَرُۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تَصۡنَعُونَ ٤٥

Utlu mā ūhiya ilayka minal-kitābi wa aqimis-salawāta innas-salawāta tanhā 'anil-fahshā'i wal-munkari waladhikrullāhi akbaru wallāhu ya'lamu mā tasna'ūn

45. Akhri (Nabi Muxammadow) waxa laguu soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka), oogna salaadda. hubaal, salaaddu waxay ka reebtaa (qofka) xumaanta iyo munkarka (falalka la naco). Xusidda Alle baa xaqiiq weyn. Alle wuu Og yahay waxaad sameyneysaan.

۞ وَلَا تُجَٰدِلُوٓاْ أَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ إِلَّا بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ إِلَّا ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡهُمۡۖ وَقُولُوٓاْ ءَامَنَّا بِٱلَّذِيٓ أُنزِلَ إِلَيۡنَا وَأُنزِلَ إِلَيۡكُمۡ وَإِلَٰهُنَا وَإِلَٰهُكُمۡ وَٰحِدٞ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ ٤٦

Walā tujādilū ahlal-kitābi illā billatī hiya ahsanu illal-ladhīna zalamū minhum waqūlū āmannā billadhī unzila ilaynā wa unzila ilaykum wa ilāhunā wa ilāhukum wāhidun wanahnu lahū muslimūn

46. Ha la doodinina ehlu Kitaabka si wanaagsan maahee, marka laga reebo kuwooda dulmiga fala, dhahana: Waxaanu rumeysannahay waxa nalagu soo dejiyey iyo waxa la idinku soo dejiyey oo Waxyi ah; Ilaahayaga iyo Ilaahiinnuna waa Mid Keliya, innaguna Isagaan u hoggaansannahay.

وَكَذَٰلِكَ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَۚ فَٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يُؤۡمِنُونَ بِهِۦۖ وَمِنۡ هَٰٓؤُلَآءِ مَن يُؤۡمِنُ بِهِۦۚ وَمَا يَجۡحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا ٱلۡكَٰفِرُونَ ٤٧

Wakadhālika anzalnā ilaykal-kitāba falladhīna ātaynāhumul-kitāba yu'minūna bihī wamin hā'ulā'i man yu'minu bihī wamā yajhadu bi'āyātinā illal-kāfirūn

47. Sidaasaan kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka). Kuwa aanu siinnay Kitaabka (ee gartay) way rumeysan yihiin, kuwaana (Carabta iyo qeyrkoodba) waxaa ka mid ah kuwo rumeysan, mana diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn gaalada (macangagga ah).

وَمَا كُنتَ تَتۡلُواْ مِن قَبۡلِهِۦ مِن كِتَٰبٖ وَلَا تَخُطُّهُۥ بِيَمِينِكَۖ إِذٗا لَّٱرۡتَابَ ٱلۡمُبۡطِلُونَ ٤٨

Wamā kunta tatlū min qablihī min kitābin walā takhuttuhū biyamīnika idhal lartābal-mubtilūn

48. Ma aadna akhriyin horti (Nabiyow) wax Kitaab ah, mana aad ku qorin gacantaada midig, markaas kuwa ehlu baadilka ahi way shakiyi lahaayeen.

بَلۡ هُوَ ءَايَٰتُۢ بَيِّنَٰتٞ فِي صُدُورِ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَۚ وَمَا يَجۡحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا ٱلظَّٰلِمُونَ ٤٩

Bal huwa āyātu bayyinātun fī sudūril-ladhīna ūtul-'ilma wamā yajhadu bi'āyātinā illaz-zālimūn

49. Waase Aayado cad cad Qur’aanku oo ku sugan laabaha kuwa la siiyey cilmiga. Ma diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

وَقَالُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ ءَايَٰتٞ مِّن رَّبِّهِۦۚ قُلۡ إِنَّمَا ٱلۡأٓيَٰتُ عِندَ ٱللَّهِ وَإِنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٞ مُّبِينٌ ٥٠

Waqālū lawlā unzila 'alayhi āyātum mir rabbihī qul innamal-āyātu 'indallāhi wa innamā ana nadhīrum mubīn

50. Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Maxaa calaamooyin (mucjisooyin) loogaga soo dejin waayey xagga Rabbigiis? Dheh: Calaamooyinka sideedaba waa uun xagga Alle, aniguse waxaan uun ahay dige cad.

أَوَلَمۡ يَكۡفِهِمۡ أَنَّآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ يُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَرَحۡمَةٗ وَذِكۡرَىٰ لِقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ ٥١

Awalam yakfihim annā anzalnā 'alaykal-kitāba yutlā 'alayhim inna fī dhālika larahmatan wadhikrā liqawmin yu'minūn

51. Miyaanay ku fillayn inaan kugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) loo akhriyo? Xaqiiq, arrinkani waxaa ugu sugan naxariis iyo waano ciddii rumayn.

قُلۡ كَفَىٰ بِٱللَّهِ بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡ شَهِيدٗاۖ يَعۡلَمُ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ وَكَفَرُواْ بِٱللَّهِ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ ٥٢

Qul kafā billāhi baynī wabaynakum shahīdan ya'lamu mā fis-samāwāti wal-ardi walladhīna āmanū bil-bātili wakafarū billāhi ulā'ika humul-khāsirūn

52. Dheh: Alle baa ku filan markhaati ahaan aniga iyo idinka noo dhexeeya. Wuxuu Ogsoon yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. kuwase rumeysan waxyaalaha aan jirin ee beenta ah oo ku gaalooba Alle, waa kuwaa uun kuwa iyagu khasaari (ee ku dambeyn hoog iyo halaag).

وَيَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَلَوۡلَآ أَجَلٞ مُّسَمّٗى لَّجَآءَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ وَلَيَأۡتِيَنَّهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ ٥٣

Wayasta'jilūnaka bil-'adhābi walawlā ajalum musammal lajā'ahumul-'adhābu walaya'tiyannahum baghtatan wahum lā yash'urūn

53. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, haddii aanay lahaan lahayn muddo go'an, wuu u iman lahaa cadaabka. Wuxuuna ugu iman kedis iyagoo aan dareemayn.

يَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةُۢ بِٱلۡكَٰفِرِينَ ٥٤

Yasta'jilūnaka bil-'adhābi wa inna jahannama lamuhītatu bil-kāfirīn

54. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, oo hubaal Naarta waxay ku hareersan tahay gaalada.

يَوۡمَ يَغۡشَىٰهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِن فَوۡقِهِمۡ وَمِن تَحۡتِ أَرۡجُلِهِمۡ وَيَقُولُ ذُوقُواْ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ٥٥

Yawma yaghshāhumul-'adhābu min fawqihim wamin tahti arjulihim wayaqūlu dhūqū mā kuntum ta'malūn

55. Maalinta marka cadaabka ka dabooli (gaalada) dushooda iyo lugahooda hoostoodaba, wuxuuna Alle ku odhan: Dhadhamiya waxaad camal xun fali jirteen.

يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّ أَرۡضِي وَٰسِعَةٞ فَإِيَّٰيَ فَٱعۡبُدُونِ ٥٦

Yā'ibādiyal-ladhīna āmanū inna ardī wāsi'atun fa iyyāya fa'budūn

56. Addoomahayga (Xaqa) rumeeyow! dhulkaygu wuu ballaaran yahaye, ee Anigoo (Keliya) i caabuda.

كُلُّ نَفۡسٖ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۖ ثُمَّ إِلَيۡنَا تُرۡجَعُونَ ٥٧

Kullu nafsin dhā'iqatul-mawti thumma ilaynā turja'ūn

57. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri. Xaggayagaana la idiin soo celin.

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَنُبَوِّئَنَّهُم مِّنَ ٱلۡجَنَّةِ غُرَفٗا تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ نِعۡمَ أَجۡرُ ٱلۡعَٰمِلِينَ ٥٨

Walladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti lanubawwi'annahum minal-jannati ghurafan tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā ni'ma ajrul-'āmilīn

58. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxaanu ka siin hoy rugaha sare ee Jannada dhexdeeda, ay webiyadu hoostoodu qul-qulaan iyagoo ku waaraya weligood, Wanaagsanaa abaalka kuwa camal fiican fasha.

ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ ٥٩

Alladhīna sabarū wa'alā rabbihim yatawakkalūn

59. Ee ah kuwa samra oo Rabbigood ku kalsoon oo tala saarta.

وَكَأَيِّن مِّن دَآبَّةٖ لَّا تَحۡمِلُ رِزۡقَهَا ٱللَّهُ يَرۡزُقُهَا وَإِيَّاكُمۡۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ ٦٠

Waka'ayyim min dābbatil lā tahmilu rizqahallāhu yarzuquhā wa iyyākum wahuwas-samī'ul-'alīm

60. Badanaa noole dhul socod ah oo aan xambaarsaneyn risiqeeda, Alle baa arsaaqa iyo idinkaba. Alle Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.

وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۖ فَأَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ ٦١

Wala'in sa'altahum man khalaqas-samāwāti wal-arda wasakkharash-shamsa wal-qamara layaqūlunnallāhu fa annā yu'fakūn

61. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa? Waxay odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay?

ٱللَّهُ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُ لَهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ ٦٢

Allāhu yabsutur-rizqa liman yashā'u min 'ibādihī wayaqdiru lahū innallāha bikulli shay'in 'alīm

62. Alle wuxuu u waasiciyaa risiqa kuu doono ee ka mid ah addoomahiisa, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal, Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.

وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّن نَّزَّلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِ مَوۡتِهَا لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۚ قُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ ٦٣

Wala'in sa'altahum man nazzala minas-samā'i mā'an fa ahyā bihil-arda mim ba'di mawtihā layaqūlunnallāhu qulil-hamdu lillāhi bal aktharuhum lā ya'qilūn

63. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa iska leh Allaah. Badankooduse wax ma gartaan.

وَمَا هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَآ إِلَّا لَهۡوٞ وَلَعِبٞۚ وَإِنَّ ٱلدَّارَ ٱلۡأٓخِرَةَ لَهِيَ ٱلۡحَيَوَانُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ ٦٤

Wamā hādhihil-hayawātud-dunyā illā lahwun wala'ibun wa innad-dāral-ākhirata lahiyal-hayawānu law kānū ya'lamūn

64. Ma aha noloshatan adduunku waxaan aheyn madaddaalo iyo ciyaar. Oo hubaal Daarta dambeysa - taasi weeyaan nolosha dhabta ah (ee waarista), waase hadday og yihiin.

فَإِذَا رَكِبُواْ فِي ٱلۡفُلۡكِ دَعَوُاْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ فَلَمَّا نَجَّىٰهُمۡ إِلَى ٱلۡبَرِّ إِذَا هُمۡ يُشۡرِكُونَ ٦٥

Fa idhā rakibū fil-fulki da'awullāha mukhlisīna lahud-dīna falammā najjāhum ilal-barri idhā hum yushrikūn

65. Markay koraan doonyaha, waxay baryaan Alle (Keliya), iyagoo u keli yeelaya cibaadada, markase uu nabad ku keeno barriga, markaasay u shariik yeelaan.

لِيَكۡفُرُواْ بِمَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ وَلِيَتَمَتَّعُواْۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ ٦٦

Liyakfurū bimā ātaynāhum waliyatamatta'ū fasawfa ya'lamūn

66. Sidaasay uga abaal dhacaan waxaanu siinnay, sidaas darteed ha iska raaxeysteen 17, wayse ogaan doonaan (cidhibteeda).

أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا جَعَلۡنَا حَرَمًا ءَامِنٗا وَيُتَخَطَّفُ ٱلنَّاسُ مِنۡ حَوۡلِهِمۡۚ أَفَبِٱلۡبَٰطِلِ يُؤۡمِنُونَ وَبِنِعۡمَةِ ٱللَّهِ يَكۡفُرُونَ ٦٧

Awalam yaraw annā ja'alnā haraman āminan wayutakhattafun-nāsu min hawlihim afabil-bātili yu'minūna wabini'matillāhi yakfurūn

67. Miyeyna arkayn (gaaladii Quraysheed) inaanu yeellay (dejinnay) Xaram Aamin ah, halka dadka laga dafo hareerahooda 18? Ee ma baadil (shirki) bay rumeyn, oo ku gaaloobi Nicmadda Alle (Towxiidka)?

وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوۡ كَذَّبَ بِٱلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُۥٓۚ أَلَيۡسَ فِي جَهَنَّمَ مَثۡوٗى لِّلۡكَٰفِرِينَ ٦٨

Waman azlamu mimmaniftarā 'alallāhi kadhiban aw kaddhaba bil-haqqi lammā jā'ahū alaysa fī jahannama mathwal lil-kāfirīn

68. Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle ama beeniya Xaqa markuu u yimid? Miyaanay ahayn Naarta hoyga gaalada?

وَٱلَّذِينَ جَٰهَدُواْ فِينَا لَنَهۡدِيَنَّهُمۡ سُبُلَنَاۚ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَمَعَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ ٦٩

Walladhīna jāhadū fīnā lanahdiyannahum subulanā wa innallāha lama'al-muhsinīn

69. Kuwase aad ugu dadaala Arrinkayaga (diinta oo ku camal fala), waxaanu ku hanuunin Jidadkayaga (lagu nabad galo). Oo Alle wuxuu la jiraa sama falayaasha.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-'Ankabut?

Suuradda Al-'Ankabut waxay leedahay 69 aayadood. Waa suuradda 29 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-'Ankabut ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-'Ankabut waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-'Ankabut juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-'Ankabut waxay ku jirtaa juz' 20, 21.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-'Ankabut?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.