Suuradda Al-Furqan الفرقان

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

تَبَارَكَ ٱلَّذِي نَزَّلَ ٱلۡفُرۡقَانَ عَلَىٰ عَبۡدِهِۦ لِيَكُونَ لِلۡعَٰلَمِينَ نَذِيرًا ١

Tabārakal-ladhī nazzalal-furqāna 'alā 'abdihī liyakūna lil-'ālamīna nadhīrā

1. Waxaa Barako iyo Khayr badan Kan (Alle) ee ku soo dejiyey Al-Furqaan 1 addoonkiisa 2 si uu ugu noqdo caalamka dige.

ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَمۡ يَتَّخِذۡ وَلَدٗا وَلَمۡ يَكُن لَّهُۥ شَرِيكٞ فِي ٱلۡمُلۡكِ وَخَلَقَ كُلَّ شَيۡءٖ فَقَدَّرَهُۥ تَقۡدِيرٗا ٢

Alladhī lahū mulkus-samāwāti wal-ardi walam yattakhidh waladan walam yakul lahū sharīkun fil-mulki wakhalaqa kulla shay'in faqaddarahū taqdīrā

2. (Alle) ee iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, aan yeelan wiil (ilmo) oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Mulkiga (iyo Maamulka uunka). abuurayna wax walba, oo u qaddaray si qiyaasan oo isku jaan go'an.

وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةٗ لَّا يَخۡلُقُونَ شَيۡـٔٗا وَهُمۡ يُخۡلَقُونَ وَلَا يَمۡلِكُونَ لِأَنفُسِهِمۡ ضَرّٗا وَلَا نَفۡعٗا وَلَا يَمۡلِكُونَ مَوۡتٗا وَلَا حَيَوٰةٗ وَلَا نُشُورٗا ٣

Wattakhadhū min dūnihī ālihatal lā yakhluqūna shay'an wahum yukhlaqūna walā yamlikūna li anfusihim darran walā naf'an walā yamlikūna mawtan walā hayawātan walā nushūrā

3. Waxay yeesheenna Alle sokadi ilaahyo aan waxba abuuri karin iyagase la abuuray, oo aan u hanan karin nafahooda wax dhib ama dheef ah, oo aan laheyn wax awood ah (ay ku sababaan) dhimasho, ama noolaansho, ama soo nooleyn meydadka.

وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ إِفۡكٌ ٱفۡتَرَىٰهُ وَأَعَانَهُۥ عَلَيۡهِ قَوۡمٌ ءَاخَرُونَۖ فَقَدۡ جَآءُو ظُلۡمٗا وَزُورٗا ٤

Waqālal-ladhīna kafarū in hādhā illā ifkuniftarāhu wa a'ānahū 'alayhi qawmun ākharūna faqad jā'ū zulman wazūrā

4. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: “Kanu (Qur’aanka) ma aha waxaan aheyn been uu isagu (Muxammad) hal abuurtay, oo ay dad kale ku kaalmeeyeen. Waxay dhab ahaan la yimaadeen gef iyo been abuur.”

وَقَالُوٓاْ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ ٱكۡتَتَبَهَا فَهِيَ تُمۡلَىٰ عَلَيۡهِ بُكۡرَةٗ وَأَصِيلٗا ٥

Waqālū asātīrul-awwalīnaktatabahā fahiya tumlā 'alayhi bukratan wa asīlā

5. Waxay yidhaahdeen: “Waa sheekooyinkii dadkii hore - waa uu soo qortay, marka waxaa loo soo yeedhiyaa subax iyo galabba.

قُلۡ أَنزَلَهُ ٱلَّذِي يَعۡلَمُ ٱلسِّرَّ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّهُۥ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ٦

Qul anzalahul-ladhī ya'lamus-sirra fis-samāwāti wal-ardi innahū kāna ghafūrar rahīmā

6. (Nabiyow) dheh: “Waxaa (Qur’aankan) soo dejiyey (Allaah ee ah) Kan ogsoon sirta samooyinka iyo arlada. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

وَقَالُواْ مَالِ هَٰذَا ٱلرَّسُولِ يَأۡكُلُ ٱلطَّعَامَ وَيَمۡشِي فِي ٱلۡأَسۡوَاقِ لَوۡلَآ أُنزِلَ إِلَيۡهِ مَلَكٞ فَيَكُونَ مَعَهُۥ نَذِيرًا ٧

Waqālū māli hādhar-rasūli ya'kulut-ta'āma wayamshī fil-aswāqi lawlā unzila ilayhi malakun fayakūna ma'ahū nadhīrā

7. Waxay (gaaladii) yidhaahdeen:“Muxuu yahay arrinka Rasuulkan uu u cuni cunto, una socon suuqyada (sidayada oo kale). Maxaa malag loola soo diri waayey ee ahaada mid la jirki wax u diga?

أَوۡ يُلۡقَىٰٓ إِلَيۡهِ كَنزٌ أَوۡ تَكُونُ لَهُۥ جَنَّةٞ يَأۡكُلُ مِنۡهَاۚ وَقَالَ ٱلظَّٰلِمُونَ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا رَجُلٗا مَّسۡحُورًا ٨

Aw yulqā ilayhi kanzun aw takūnu lahū jannatun ya'kulu minhā waqālaz-zālimūna in tattabi'ūna illā rajulam mashūrā

8. “Ama (maxaa) looga soo dejin waayey xagga samada khaznad maal (ka buuxo uu kaga maarmo xoogsiga), ama u ahaato beer uu wax ka cuno? Waxayna daalimiintu yidhaahdeen: Ma raacdaan (Mu’miniintoy) waxaan aheyn nin sixran.”

ٱنظُرۡ كَيۡفَ ضَرَبُواْ لَكَ ٱلۡأَمۡثَٰلَ فَضَلُّواْ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ سَبِيلٗا ٩

Unzur kayfa darabū lakal-amthāla fadallū falā yastatī'ūna sabīlā

9. Eeg siday kuugu yeeleen tusaalooyin 3, oo ay u lumeen, una karin (qaadidda) Jid (Toosan).

تَبَارَكَ ٱلَّذِيٓ إِن شَآءَ جَعَلَ لَكَ خَيۡرٗا مِّن ذَٰلِكَ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ وَيَجۡعَل لَّكَ قُصُورَۢا ١٠

Tabārakal-ladhī in shā'a ja'ala laka khayram min dhālika jannātin tajrī min tahtihal-anhāru wayaj'al laka qusūrā

10. Waxaa barako iyo khayr badan Kan (Alle) ee hadduu doono ku siin wax ka khayr badan taasi - jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, wuxuuna ku siin daaro waaweyn (Jannada gudaheeda).

بَلۡ كَذَّبُواْ بِٱلسَّاعَةِۖ وَأَعۡتَدۡنَا لِمَن كَذَّبَ بِٱلسَّاعَةِ سَعِيرًا ١١

Bal kaddhabū bis-sā'ati wa a'tadnā liman kaddhaba bis-sā'ati sa'īrā

11. Waxayse beeniyeen Saacadda (Qiyaame), waxaana u diyaarinnay qofkii beeniya Saacadda dab huraya.

إِذَا رَأَتۡهُم مِّن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ سَمِعُواْ لَهَا تَغَيُّظٗا وَزَفِيرٗا ١٢

Idhā ra'athum mim makāni ba'īdin sami'ū lahā taghayyuzan wazafīrā

12. Markay (Naartu) ka aragto meel fog, waxay ka maqlaan cadho daran iyo cartan.

وَإِذَآ أُلۡقُواْ مِنۡهَا مَكَانٗا ضَيِّقٗا مُّقَرَّنِينَ دَعَوۡاْ هُنَالِكَ ثُبُورٗا ١٣

Wa idhā ulqū minhā makānan dayyiqam muqarranīna da'aw hunālika thubūrā

13. Marka lagu tuuro dhexdeeda meel cidhiidhi ah iyagoo isku xidhan, waxay u yeedhan halkaa halaag 4.

لَّا تَدۡعُواْ ٱلۡيَوۡمَ ثُبُورٗا وَٰحِدٗا وَٱدۡعُواْ ثُبُورٗا كَثِيرٗا ١٤

Llā tad'ul-yawma thubūran wāhidan wad'ū thubūran kathīrā

14. (Waxaa la odhan): Ha u yeedhannina maanta halaag keliya, ee u yeedha halaag badan 5.

قُلۡ أَذَٰلِكَ خَيۡرٌ أَمۡ جَنَّةُ ٱلۡخُلۡدِ ٱلَّتِي وُعِدَ ٱلۡمُتَّقُونَۚ كَانَتۡ لَهُمۡ جَزَآءٗ وَمَصِيرٗا ١٥

Qul adhālika khayrun am jannatul-khuldil-latī wu'idal-muttaqūna kānat lahum jazā'an wamasīrā

15. Dheh: Ma taasaa wanaagsan - mise Jannada waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale)? Taasi waa u abaal marin iyo aayo wanaagsan.

لَّهُمۡ فِيهَا مَا يَشَآءُونَ خَٰلِدِينَۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ وَعۡدٗا مَّسۡـُٔولٗا ١٦

Llahum fīhā mā yashā'ūna khālidīna kāna 'alā rabbika wa'dam mas'ūlā

16. Waxay leeyihiin gudaheeda (Jannada) waxay doonaan iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa 6.

وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ وَمَا يَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ فَيَقُولُ ءَأَنتُمۡ أَضۡلَلۡتُمۡ عِبَادِي هَٰٓؤُلَآءِ أَمۡ هُمۡ ضَلُّواْ ٱلسَّبِيلَ ١٧

Wayawma yahshuruhum wamā ya'budūna min dūnillāhi fayaqūlu a'antum adlaltum 'ibādī hā'ulā'i am hum dallus-sabīl

17. (Xus) Maalintuu soo kulmin (gaalada) iyo waxay caabudayeen Alle sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinkaa lumiyey addoomahaygaan, mise iyagaa iskood uga lumay Jidka (Toosan ee Islaamka)?.”

قَالُواْ سُبۡحَٰنَكَ مَا كَانَ يَنۢبَغِي لَنَآ أَن نَّتَّخِذَ مِن دُونِكَ مِنۡ أَوۡلِيَآءَ وَلَٰكِن مَّتَّعۡتَهُمۡ وَءَابَآءَهُمۡ حَتَّىٰ نَسُواْ ٱلذِّكۡرَ وَكَانُواْ قَوۡمَۢا بُورٗا ١٨

Qālū subhānaka mā kāna yambaghī lanā an nattakhidha min dūnika min awliyā'a walākim matta'tahum wa ābā'ahum hattā nasudh-dhikra wakānū qawmā būrā

18. Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adigaa (Allow) iska leh oo ka hufan (xumaan)! Naguma habboona inaan yeelanno awliyo (gargaarayaal) Adiga ka sokow, waxaadse u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, waxayna ahaayeen qolo hoogay oo ba'ay.

فَقَدۡ كَذَّبُوكُم بِمَا تَقُولُونَ فَمَا تَسۡتَطِيعُونَ صَرۡفٗا وَلَا نَصۡرٗاۚ وَمَن يَظۡلِم مِّنكُمۡ نُذِقۡهُ عَذَابٗا كَبِيرٗا ١٩

Faqad kaddhabūkum bimā taqūlūna famā tastatī'ūna sarfan walā nasran waman yazlim minkum nudhiqhu 'adhāban kabīrā

19. Sidaasay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kartaan is furasho iyo gargaar midna. Ciddiina wax dulmida 7 oo idinka mid ah waxaanu dhadhansiin cadaab weyn.

وَمَآ أَرۡسَلۡنَا قَبۡلَكَ مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ إِلَّآ إِنَّهُمۡ لَيَأۡكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَيَمۡشُونَ فِي ٱلۡأَسۡوَاقِۗ وَجَعَلۡنَا بَعۡضَكُمۡ لِبَعۡضٖ فِتۡنَةً أَتَصۡبِرُونَۗ وَكَانَ رَبُّكَ بَصِيرٗا ٢٠

Wamā arsalnā qablaka minal-mursalīna illā innahum laya'kulūnat-ta'āma wayamshūna fil-aswāqi waja'alnā ba'dakum liba'din fitnatan atasbirūna wakāna rabbuka basīrā

20. Ma aan dirinna hortaa adiga (Nabiyow) wax Rusul ah oo aan cunayn cunnada, soconayna suuqyada (shaqeysanayn). Waxaana uga yeelnay qaarkiinba qaar kale imtixaan ee ma samreysaan? Rabbigaa waa Mid Arka (oo u jeeda wax walba).

۞ وَقَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَرۡجُونَ لِقَآءَنَا لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ أَوۡ نَرَىٰ رَبَّنَاۗ لَقَدِ ٱسۡتَكۡبَرُواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ وَعَتَوۡ عُتُوّٗا كَبِيرٗا ٢١

Waqālal-ladhīna lā yarjūna liqā'anā lawlā unzila 'alaynal-malā'ikatu aw narā rabbanā laqadistakbarū fī anfusihim wa'ataw 'utuwwan kabīrā

21. Kuwa aan rajeynayn la Kulankayaga waxay yidhaahdeen: “Maxaa malaa’ig na loogu soo diri waayey ama (maan) aragno Rabbigayo (Alle)?” Xaqiiq way isla weynaadeen (kibreen) oo ka madax adeygeen (Xaqa) madax adayg weyn.

يَوۡمَ يَرَوۡنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ لَا بُشۡرَىٰ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُجۡرِمِينَ وَيَقُولُونَ حِجۡرٗا مَّحۡجُورٗا ٢٢

Yawma yarawnal-malā'ikata lā bushrā yawma'idhil lil-mujrimīna wayaqūlūna hijram mahjūrā

22. Maalinta ay arki malaa’igta 8 uma ahaan doonto farxad Maalintaas denbiilayaasha, waxayna (malaa’igtu) odhan: “Waa wax idinka xarriman 'jannada' oo gebigeedaba idinka reebban 9.

وَقَدِمۡنَآ إِلَىٰ مَا عَمِلُواْ مِنۡ عَمَلٖ فَجَعَلۡنَٰهُ هَبَآءٗ مَّنثُورًا ٢٣

Waqadimnā ilā mā 'amilū min 'amalin faja'alnāhu habā'am manthūrā

23. Waxaanu hor keeni 10 waxay (mushrikiinta, gaalada) ay camal san faleen, oo ka yeeli (qiimo la'aan) sida boor hawada ku baabba’ay.

أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِ يَوۡمَئِذٍ خَيۡرٞ مُّسۡتَقَرّٗا وَأَحۡسَنُ مَقِيلٗا ٢٤

Ashābul-jannati yawma'idhin khayrum mustaqarran wa ahsanu maqīlā

24. Ehlu-Jannuhuse waxay Maalintaas ku sugnaan rug halka u khayr badan iyo meel harsimaysi iyo raaxo wanaagsan.

وَيَوۡمَ تَشَقَّقُ ٱلسَّمَآءُ بِٱلۡغَمَٰمِ وَنُزِّلَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ تَنزِيلًا ٢٥

Wayawma tashaqqaqus-samā'u bil-ghamāmi wanuzzilal-malā'ikatu tanzīlā

25. (Xus) Maalinta marka samada dillaac la furmi oo daruuro "cad ka soo baxayaan' 11, lana soo dejin malaa’gta soo dejin.

ٱلۡمُلۡكُ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡحَقُّ لِلرَّحۡمَٰنِۚ وَكَانَ يَوۡمًا عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ عَسِيرٗا ٢٦

Al-mulku yawma'idhinil-haqqu lir-rahmāni wakāna yawman 'alal-kāfirīna 'asīrā

26. Boqortooyada Maalintaas waxaa run ahaan iska leh Raxmaanka (Allaah), oo maalin daran bay u ahaan gaalada.

وَيَوۡمَ يَعَضُّ ٱلظَّالِمُ عَلَىٰ يَدَيۡهِ يَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي ٱتَّخَذۡتُ مَعَ ٱلرَّسُولِ سَبِيلٗا ٢٧

Wayawma ya'adduz-zālimu 'alā yadayhi yaqūlu yālaytanit-takhadhtu ma'ar-rasūli sabīlā

27.Oo (ka digtoonaada) Maalinta uu garmaqaataha qaniini doono gacmihiisa (shallayti iyo qoomamo) darteed isagoo leh: “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayey jidka 'toosan' Rasuulka 12.

يَٰوَيۡلَتَىٰ لَيۡتَنِي لَمۡ أَتَّخِذۡ فُلَانًا خَلِيلٗا ٢٨

Yāwaylatā laytanī lam attakhidh fulānan khalīlā

28. Alla Hoogay oo ba'aye! Maxaan hebel saaxiib uga yeeshay 13.

لَّقَدۡ أَضَلَّنِي عَنِ ٱلذِّكۡرِ بَعۡدَ إِذۡ جَآءَنِيۗ وَكَانَ ٱلشَّيۡطَٰنُ لِلۡإِنسَٰنِ خَذُولٗا ٢٩

Llaqad adallanī 'anidh-dhikri ba'da idh jā'anī wakānash-shaytānu lil-insāni khadhūlā

29. Wuxuu iga habaabiyey waanada 14, intuu ii yimid kaddib. Shaydaanna wuxuu abad uga tagaa qofka meel xun 15 oo hungo ah.

وَقَالَ ٱلرَّسُولُ يَٰرَبِّ إِنَّ قَوۡمِي ٱتَّخَذُواْ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانَ مَهۡجُورٗا ٣٠

Waqālar-rasūlu yārabbi inna qawmit-takhadhū hādhal-qur'āna mahjūrā

30. Wuxuu Rasuulkuna odhan: “Rabbiyow! Dadkeygii waxay ka yeesheen Qur’aankan wax laga tagey 16.

وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوّٗا مِّنَ ٱلۡمُجۡرِمِينَۗ وَكَفَىٰ بِرَبِّكَ هَادِيٗا وَنَصِيرٗا ٣١

Wakadhālika ja'alnā likulli nabiyyin 'aduwwam minal-mujrimīna wakafā birabbika hādiyan wanasīrā

31. Sidaasaan ugu yeellay Nabi walba cadow ka mid ah denbiilayaasha. Ku filan Rabbigaa Hanuuniye iyo Hiilliye uu ahaado.

وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡلَا نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلۡقُرۡءَانُ جُمۡلَةٗ وَٰحِدَةٗۚ كَذَٰلِكَ لِنُثَبِّتَ بِهِۦ فُؤَادَكَۖ وَرَتَّلۡنَٰهُ تَرۡتِيلٗا ٣٢

Waqālal-ladhīna kafarū lawlā nuzzila 'alayhil-qur'ānu jumlatan wāhidatan kadhālika linuthabbita bihī fu'ādaka warattalnāhu tartīlā

32. Gaaladu waxay yidhaahdeen: Maxaa Qur'aanka loogu soo dejin waayey mar keliya isagoo dhan”? Sidaasu waa si aan ugu sugno laabtaada 17, waxaana u soo Waxyoonnay oo kuugu akhrinnay qayb qayb si aayar ah iyo tartiib.

وَلَا يَأۡتُونَكَ بِمَثَلٍ إِلَّا جِئۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ وَأَحۡسَنَ تَفۡسِيرًا ٣٣

Walā ya'tūnaka bimathalin illā ji'nāka bil-haqqi wa ahsana tafsīrā

33. Ma jirtona dood ay (gaalada) kuula iman, balse waxaannu kuu keeni (mid) Xaq ah oo ka fasiraad wanaagsan (oo burin waxay ku doodayaan).

ٱلَّذِينَ يُحۡشَرُونَ عَلَىٰ وُجُوهِهِمۡ إِلَىٰ جَهَنَّمَ أُوْلَٰٓئِكَ شَرّٞ مَّكَانٗا وَأَضَلُّ سَبِيلٗا ٣٤

Alladhīna yuhsharūna 'alā wujūhihim ilā jahannama ulā'ika sharrum makānan wa adallu sabīlā

34. Kuwaa (gaalada ah ee) laysugu soo kulmin (iyagoo ku socda) wejiyadooda xagga Naarta, kuwaas baa ugu meeqaan xun, kana sii habowsan Jidka (Islaamka).

وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ وَجَعَلۡنَا مَعَهُۥٓ أَخَاهُ هَٰرُونَ وَزِيرٗا ٣٥

Walaqad ātaynā mūsal-kitāba waja'alnā ma'ahū akhāhu hārūna wazīrā

35. Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) waxaana ka yeellay la jirkiis walaalkiis Haaruun wasiir ahaan.

فَقُلۡنَا ٱذۡهَبَآ إِلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا فَدَمَّرۡنَٰهُمۡ تَدۡمِيرٗا ٣٦

Faqulnadhhabā ilal-qawmil-ladhīna kaddhabū bi'āyātinā fadammarnāhum tadmīrā

36. Waxaana nidhi: Aada qoladaa beeniyey Aayadahayaga, markaasaan baabbi’innay (qolodii Fircoon) baabbi’in dhan.

وَقَوۡمَ نُوحٖ لَّمَّا كَذَّبُواْ ٱلرُّسُلَ أَغۡرَقۡنَٰهُمۡ وَجَعَلۡنَٰهُمۡ لِلنَّاسِ ءَايَةٗۖ وَأَعۡتَدۡنَا لِلظَّٰلِمِينَ عَذَابًا أَلِيمٗا ٣٧

Waqawma nūhil lammā kaddhabur-rusula aghraqnāhum waja'alnāhum lin-nāsi āyatan wa a'tadnā liz-zālimīna 'adhāban alīmā

37. Qolodii Nuuxna, markay beeniyeen Rusushii baan harqinnay ugana yeellay dadka calaamo. Waxaana u diyaarinnay daalimiinta (gar diidka) cadaab daran.

وَعَادٗا وَثَمُودَاْ وَأَصۡحَٰبَ ٱلرَّسِّ وَقُرُونَۢا بَيۡنَ ذَٰلِكَ كَثِيرٗا ٣٨

Wa'ādan wathamūda wa ashābar-rassi waqurūnā bayna dhālika kathīrā

38. Sidaan Caad (u halaagnay) iyo Thamuud iyo qoladii Ar-Rass 18 iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan.

وَكُلّٗا ضَرَبۡنَا لَهُ ٱلۡأَمۡثَٰلَۖ وَكُلّٗا تَبَّرۡنَا تَتۡبِيرٗا ٣٩

Wakullan darabnā lahul-amthāla wakullan tabbarnā tatbīrā

39. Dhammaan waxaanu siinnay oo u yeelnay tusaalooyin (mase rumeyn), dhammaanna waanu halaagnay halaagid.

وَلَقَدۡ أَتَوۡاْ عَلَى ٱلۡقَرۡيَةِ ٱلَّتِيٓ أُمۡطِرَتۡ مَطَرَ ٱلسَّوۡءِۚ أَفَلَمۡ يَكُونُواْ يَرَوۡنَهَاۚ بَلۡ كَانُواْ لَا يَرۡجُونَ نُشُورٗا ٤٠

Walaqad ataw 'alal-qaryatil-latī umtirat mataras-saw'i afalam yakūnū yarawnahā bal kānū lā yarjūna nushūrā

40. Waxay (wax badan) soo ag mareen magaaladii (Sodom) ee lagu halaagay roobka xun. Ee miyaanay ku arag (indhahooda)? Mayee waxaanay rajeyneyn in la soo bixin doono iyagoo nool dhimasho kaddib 'oo la xisaabin' 19.

وَإِذَا رَأَوۡكَ إِن يَتَّخِذُونَكَ إِلَّا هُزُوًا أَهَٰذَا ٱلَّذِي بَعَثَ ٱللَّهُ رَسُولًا ٤١

Wa idhā ra'awka in yattakhidhūnaka illā huzuwan ahādhal-ladhī ba'athallāhu rasūlā

41. Markay ku arkaan (gaalada) kaama dhigtaan (Nabiyow) waxaan ahayn jees-jees (iyagoo leh): Ma kan baa kan uu Alle u soo diray Rasuul ahaan?

إِن كَادَ لَيُضِلُّنَا عَنۡ ءَالِهَتِنَا لَوۡلَآ أَن صَبَرۡنَا عَلَيۡهَاۚ وَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ حِينَ يَرَوۡنَ ٱلۡعَذَابَ مَنۡ أَضَلُّ سَبِيلًا ٤٢

In kāda layudillunā 'an ālihatinā lawlā an sabarnā 'alayhā wasawfa ya'lamūna hīna yarawnal-'adhāba man adallu sabīlā

42. Wuxuu u dhowaaday inuu naga lumiyo ilaahyadayada, haddaanan ku samrin oo sugnaanin. Wayse ogaan markay arkaan cadaabka kan ka lunsan Jidka (Toosan).

أَرَءَيۡتَ مَنِ ٱتَّخَذَ إِلَٰهَهُۥ هَوَىٰهُ أَفَأَنتَ تَكُونُ عَلَيۡهِ وَكِيلًا ٤٣

Ara'ayta manit-takhadha ilāhahū hawāhu afa'anta takūnu 'alayhi wakīlā

43. Ka warran kan isagu ka yeesha hawadiisa ilaahiisa? Ma waxaad adigu u noqon wakiil?

أَمۡ تَحۡسَبُ أَنَّ أَكۡثَرَهُمۡ يَسۡمَعُونَ أَوۡ يَعۡقِلُونَۚ إِنۡ هُمۡ إِلَّا كَٱلۡأَنۡعَٰمِ بَلۡ هُمۡ أَضَلُّ سَبِيلًا ٤٤

Am tahsabu anna aktharahum yasma'ūna aw ya'qilūna in hum illā kal-an'āmi bal hum adallu sabīlā

44. Mise waxaad mooddaa inay badankoo- du wax maqli ama wax fahmi? Ma aha waxaan xoolo oo kale ahayn 20, iyagaabase ka sii lunsan jid ahaan.

أَلَمۡ تَرَ إِلَىٰ رَبِّكَ كَيۡفَ مَدَّ ٱلظِّلَّ وَلَوۡ شَآءَ لَجَعَلَهُۥ سَاكِنٗا ثُمَّ جَعَلۡنَا ٱلشَّمۡسَ عَلَيۡهِ دَلِيلٗا ٤٥

Alam tara ilā rabbika kayfa maddaz-zilla walaw shā'a laja'alahū sākinan thumma ja'alnash-shamsa 'alayhi dalīlā

45. Miyaadan arag sida Rabbigaa u fidiyo hadhka? Hadduu doonona wuxuu ka yeeli lahaa mid xasilan 'taagan', markaasaan uga yeelnay qorraxda tilmaan ay leedahay 21.

ثُمَّ قَبَضۡنَٰهُ إِلَيۡنَا قَبۡضٗا يَسِيرٗا ٤٦

Thumma qabadnāhu ilaynā qabdan yasīrā

46. Markaasaan u soo qabannaa xaggayaga qabasho aayar ah oo yar 22.

وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِبَاسٗا وَٱلنَّوۡمَ سُبَاتٗا وَجَعَلَ ٱلنَّهَارَ نُشُورٗا ٤٧

Wahuwal-ladhī ja'ala lakumul-layla libāsan wan-nawma subātan waja'alan-nahāra nushūrā

47. (Alle) waa Kan idiin ka yeelay habeenka hu' 23, hurdadana nasasho, kana dhigay maalinta foof 24.

وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ ٱلرِّيَٰحَ بُشۡرَۢا بَيۡنَ يَدَيۡ رَحۡمَتِهِۦۚ وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ طَهُورٗا ٤٨

Wahuwal-ladhī arsalar-riyāha bushrā bayna yaday rahmatihī wa anzalnā minas-samā'i mā'an tahūrā

48. Waa Kan soo dira dabeylaha bishaaro ahaan ka horreeya Raxmaddiisa (roobka), Waxaana ka soo dejinnaa daruuraha biyo daahir ah.

لِّنُحۡـِۧيَ بِهِۦ بَلۡدَةٗ مَّيۡتٗا وَنُسۡقِيَهُۥ مِمَّا خَلَقۡنَآ أَنۡعَٰمٗا وَأَنَاسِيَّ كَثِيرٗا ٤٩

Llinuhya bihī baldatam maytan wanusqiyahū mimmā khalaqnā an'āman wa anāsiyya kathīrā

49. Si aan ugu nooleyno dhul dhintay, oo ugu waraabinno waxaan abuurnay oo duunyo iyo dad badanba leh.

وَلَقَدۡ صَرَّفۡنَٰهُ بَيۡنَهُمۡ لِيَذَّكَّرُواْ فَأَبَىٰٓ أَكۡثَرُ ٱلنَّاسِ إِلَّا كُفُورٗا ٥٠

Walaqad sarrafnāhu baynahum liyaddhakkarū fa abā aktharun-nāsi illā kufūrā

50. Waana u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka, biyaha) bal inay waansamaan 25, wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn gaalnimo.

وَلَوۡ شِئۡنَا لَبَعَثۡنَا فِي كُلِّ قَرۡيَةٖ نَّذِيرٗا ٥١

Walaw shi'nā laba'athnā fī kulli qaryatin nadhīrā

51. Haddaan doonno, waxaan u soo diri laheyn magaalo walba dige 26.

فَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَجَٰهِدۡهُم بِهِۦ جِهَادٗا كَبِيرٗا ٥٢

Falā tuti'il-kāfirīna wajāhidhum bihī jihādan kabīrā

52. Ee ha adeecin gaalada, kulana dadaal dadaal weyn (gaarsiinta Qur'aanka ee u muujiya Xaqa si dhan, buriyana baadilka).

۞ وَهُوَ ٱلَّذِي مَرَجَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ هَٰذَا عَذۡبٞ فُرَاتٞ وَهَٰذَا مِلۡحٌ أُجَاجٞ وَجَعَلَ بَيۡنَهُمَا بَرۡزَخٗا وَحِجۡرٗا مَّحۡجُورٗا ٥٣

Wahuwal-ladhī marajal-bahrayni hādhā 'adhbun furātun wahādhā milhun ujājun waja'ala baynahumā barzakhan wahijram mahjūrā

53. (Alle) waa Kan isku dara labada badood, kan waa macaan lagu oon baxo, kanna waa qadhaadh (afka huriya), Wuxuuna yeelay xayir iyo xijaab kala dhex yaal.

وَهُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ مِنَ ٱلۡمَآءِ بَشَرٗا فَجَعَلَهُۥ نَسَبٗا وَصِهۡرٗاۗ وَكَانَ رَبُّكَ قَدِيرٗا ٥٤

Wahuwal-ladhī khalaqa minal-mā'i basharan faja'alahū nasaban wasihran wakāna rabbuka qadīrā

54. Waa Kan ka abuuray dadka biyo, markaas u yeelay xigto iyo xididba. Rabbigaa waa Mid Wax Walba Kara.

وَيَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُهُمۡ وَلَا يَضُرُّهُمۡۗ وَكَانَ ٱلۡكَافِرُ عَلَىٰ رَبِّهِۦ ظَهِيرٗا ٥٥

Waya'budūna min dūnillāhi mā lā yanfa'uhum walā yadurruhum wakānal-kāfiru 'alā rabbihī zahīrā

55. Waxayse caabudaan Alle sokadi, waxaan wax tari karin, waxna yeeli karin, gaalna waa sheydaan kalkaal ka soo hor jeeda Rabbigi.

وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا مُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا ٥٦

Wamā arsalnāka illā mubasshiran wanadhīrā

56. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn inaad bishaareeye iyo dige ahaato.

قُلۡ مَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍ إِلَّا مَن شَآءَ أَن يَتَّخِذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلٗا ٥٧

Qul mā as'alukum 'alayhi min ajrin illā man shā'a an yattakhidha ilā rabbihī sabīlā

57. Dheh: “Idinkuma weydiisto wax ajar ah ( gaarsiinta Dhambaalkan), qofkiise dooni inuu ka yeesho Rabbigi xaggiisa waddo (ha samo falo)".

وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱلۡحَيِّ ٱلَّذِي لَا يَمُوتُ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِهِۦۚ وَكَفَىٰ بِهِۦ بِذُنُوبِ عِبَادِهِۦ خَبِيرًا ٥٨

Watawakkal 'alal-hayyil-ladhī lā yamūtu wasabbih bihamdihī wakafā bihī bidhunūbi 'ibādihī khabīrā

58. Tala saarona Allaah, Noolaha (Daa’inka) ah aan dhiman, kuna tasbiixso Ammaanahiisa. Rabbi ku Filan ogaanshaha denbiyada addoomahiisa.

ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا فِي سِتَّةِ أَيَّامٖ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِۖ ٱلرَّحۡمَٰنُ فَسۡـَٔلۡ بِهِۦ خَبِيرٗا ٥٩

Alladhī khalaqas-samāwāti wal-arda wamā baynahumā fī sittati ayyāmin thummastawā 'alal-'arshir-rahmānu fas'al bihī khabīrā

59. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya lix maalmood, markaas kor ahaaday Carshiga (si u qalanta Weynadiisa). Naxariis Badanaha wax ka weydii mid Xog ogaal ah.

وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱسۡجُدُواْۤ لِلرَّحۡمَٰنِ قَالُواْ وَمَا ٱلرَّحۡمَٰنُ أَنَسۡجُدُ لِمَا تَأۡمُرُنَا وَزَادَهُمۡ نُفُورٗا۩ ٦٠

Wa idhā qīla lahumusjudū lir-rahmāni qālū wamar-rahmānu anasjudu limā ta'murunā wazādahum nufūrā

60. Marka lagu yidhaahdo: “U sujuuda Raxmaanka.Waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Muxuu yahay Ar-Raxmaan? Ma waxaan u sujuudeynaa waxaad nagu amreyso? Wuxuuna u kordhiyaa didmo.

تَبَارَكَ ٱلَّذِي جَعَلَ فِي ٱلسَّمَآءِ بُرُوجٗا وَجَعَلَ فِيهَا سِرَٰجٗا وَقَمَرٗا مُّنِيرٗا ٦١

Tabārakal-ladhī ja'ala fis-samā'i burūjan waja'ala fīhā sirājan waqamaram munīrā

61. Waxaa khayr iyo barako badan Kan 'Alle' ee u yeelay samada xiddigo waaweyn, yeelayna dhexdeeda nal 'qorrax' iyo dayax ifiya.

وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ خِلۡفَةٗ لِّمَنۡ أَرَادَ أَن يَذَّكَّرَ أَوۡ أَرَادَ شُكُورٗا ٦٢

Wahuwal-ladhī ja'alal-layla wan-nahāra khilfatal liman arāda an yaddhakkara aw arāda shukūrā

62. Waa Isaga (Alle) Kan uga yeelay habeenka iyo maalinta is dhaaf qofkii raba inuu waano qaato ama raba inuu ku mahdiyo (Alle).

وَعِبَادُ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلَّذِينَ يَمۡشُونَ عَلَى ٱلۡأَرۡضِ هَوۡنٗا وَإِذَا خَاطَبَهُمُ ٱلۡجَٰهِلُونَ قَالُواْ سَلَٰمٗا ٦٣

Wa'ibādur-rahmānil-ladhīna yamshūna 'alal-ardi hawnan wa idhā khātabahumul-jāhilūna qālū salāmā

63. Addoomaha Raxmaanka (Alle) waa kuwa ku mara dhulka miyir 27, markay maangaabyada kula hadlaan (ereyo xun) ku yidhaahda salaamaa 'nabadgelyo' 28.

وَٱلَّذِينَ يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمۡ سُجَّدٗا وَقِيَٰمٗا ٦٤

Walladhīna yabītūna lirabbihim sujjadan waqiyāmā

64. Waa kuwa ku dhaxa habeenkii iyagoo u sujuudsan Rabbigood oo u taagan 'salaad'.

وَٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا ٱصۡرِفۡ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَۖ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ غَرَامًا ٦٥

Walladhīna yaqūlūna rabbanasrif 'annā 'adhāba jahannama inna 'adhābahā kāna gharāmā

65. Kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga duw cadaabka Jahannama, hubaal! Cadaabkeedu waa wax joogta ah.

إِنَّهَا سَآءَتۡ مُسۡتَقَرّٗا وَمُقَامٗا ٦٦

Innahā sā'at mustaqarran wamuqāmā

66. Hubaal waa hoy xun iyo meel baas ee la dego.

وَٱلَّذِينَ إِذَآ أَنفَقُواْ لَمۡ يُسۡرِفُواْ وَلَمۡ يَقۡتُرُواْ وَكَانَ بَيۡنَ ذَٰلِكَ قَوَامٗا ٦٧

Walladhīna idhā anfaqū lam yusrifū walam yaqturū wakāna bayna dhālika qawāmā

67. Waa kuwa markay wax bixiyaan aan xad gudbin ama aan wax ciriiryin, oo intaas dhexdooda ku toosnaada.

وَٱلَّذِينَ لَا يَدۡعُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ وَلَا يَقۡتُلُونَ ٱلنَّفۡسَ ٱلَّتِي حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَلَا يَزۡنُونَۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ يَلۡقَ أَثَامٗا ٦٨

Walladhīna lā yad'ūna ma'allāhi ilāhan ākhara walā yaqtulūnan-nafsal-latī harramallāhu illā bil-haqqi walā yaznūna waman yaf'al dhālika yalqa athāmā

68. Ee ah kuwa aan baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle, oo aan ku dilin nafta uu Alle xarrimay waxaan ahayn xaq, oo aan zineyzan (dhilleysan), qofkii falana waxaa, wuxuu la kulmi eedsiin denbiguu galay ah.

يُضَٰعَفۡ لَهُ ٱلۡعَذَابُ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَيَخۡلُدۡ فِيهِۦ مُهَانًا ٦٩

Yudā'af lahul-'adhābu yawmal-qiyāmati wayakhlud fīhī muhānā

69. Waxaa loo laba laabi Cadaabka Maalin- ta Qiyaamaha, wuuna ku dhex waari isagoo dulleysan.

إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ عَمَلٗا صَٰلِحٗا فَأُوْلَٰٓئِكَ يُبَدِّلُ ٱللَّهُ سَيِّـَٔاتِهِمۡ حَسَنَٰتٖۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ٧٠

Illā man tāba wa āmana wa'amila 'amalan sālihan fa ulā'ika yubaddilullāhu sayyi'ātihim hasanātin wakānallāhu ghafūrar rahīmā

70. Qofkii tawbad keena oo rumeeya (Xaqa) oo sama fala mooyee, kuwaas wuxuu Alle ugu beddeli xumohoodii xasanaad. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

وَمَن تَابَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَإِنَّهُۥ يَتُوبُ إِلَى ٱللَّهِ مَتَابٗا ٧١

Waman tāba wa'amila sālihan fa innahū yatūbu ilallāhi matābā

71. Qofkii tawbad keena oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laaban (oo tawbad keeni) xagga Alle laabasho (towbad) wanaagsan.

وَٱلَّذِينَ لَا يَشۡهَدُونَ ٱلزُّورَ وَإِذَا مَرُّواْ بِٱللَّغۡوِ مَرُّواْ كِرَامٗا ٧٢

Walladhīna lā yashhadūnaz-zūra wa idhā marrū bil-laghwi marrū kirāmā

72. Waa kuwa aan furin markhaati been ah, markay maqlaanna wax uun hadal macno darro ah ku mara sharaf (ka jeesada).

وَٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِّرُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ لَمۡ يَخِرُّواْ عَلَيۡهَا صُمّٗا وَعُمۡيَانٗا ٧٣

Walladhīna idhā dhukkirū bi'āyāti rabbihim lam yakhirrū 'alayhā summan wa'umyānā

73. Waa kuwa marka lagu waaniyo Aayadaha Rabbigood aan uga dhul dhicin dhega la’aan iyo indho la’aan.

وَٱلَّذِينَ يَقُولُونَ رَبَّنَا هَبۡ لَنَا مِنۡ أَزۡوَٰجِنَا وَذُرِّيَّٰتِنَا قُرَّةَ أَعۡيُنٖ وَٱجۡعَلۡنَا لِلۡمُتَّقِينَ إِمَامًا ٧٤

Walladhīna yaqūlūna rabbanā hab lanā min azwājinā wadhurriyyātinā qurrata a'yunin waj'alnā lil-muttaqīna imāmā

74. Waa kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga sii xaasaskayaga iyo ubadkayaga waxay indhaheenna ku farxaan 29, noogana yeel kuwa Alle ka cabsada Iimaam (ay ku daydaan).

أُوْلَٰٓئِكَ يُجۡزَوۡنَ ٱلۡغُرۡفَةَ بِمَا صَبَرُواْ وَيُلَقَّوۡنَ فِيهَا تَحِيَّةٗ وَسَلَٰمًا ٧٥

Ulā'ika yujzawnal-ghurfata bimā sabarū wayulaqqawna fīhā tahiyyatan wasalāmā

75. Kuwaasi waxaa lagu abaal marin dabaqyo sare 'jannada gudaheeda' 30 samirkoodii dartiis, waxayna kula kulmi dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare.

خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ حَسُنَتۡ مُسۡتَقَرّٗا وَمُقَامٗا ٧٦

Khālidīna fīhā hasunat mustaqarran wamuqāmā

76. Iyagoo ku dhex waaraya weligood, wanaagsanaa hoy iyo degmo ahaan.

قُلۡ مَا يَعۡبَؤُاْ بِكُمۡ رَبِّي لَوۡلَا دُعَآؤُكُمۡۖ فَقَدۡ كَذَّبۡتُمۡ فَسَوۡفَ يَكُونُ لِزَامَۢا ٧٧

Qul mā ya'ba'u bikum rabbī lawlā du'ā'ukum faqad kaddhabtum fasawfa yakūnu lizāmā

77. Dheh: “Rabbigay dan idiinma galeen haddaydaan barideen 31. Haatanse waad beeniseen (Xaqa). Wuxuuna ahaan mid idin laasuma 'cadaabka' 32.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Aayado caan ah

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-Furqan?

Suuradda Al-Furqan waxay leedahay 77 aayadood. Waa suuradda 25 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-Furqan ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-Furqan waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Furqan juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Furqan waxay ku jirtaa juz' 18, 19.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-Furqan?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.