Suuradda Al-Balad البلد

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

لَآ أُقۡسِمُ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ ١

Lā uqsimu bihādhal-balad

1. Waxaan ku dhaartay magaaladan (Makkah ee xurmadda leh).

وَأَنتَ حِلُّۢ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ ٢

Wa anta hillu bihādhal-balad

2. Waa kuu xalaal (Nabiyow inaad saacad ku dagaallanto) magaaladan 1 (aad horey u degganeyd).

وَوَالِدٖ وَمَا وَلَدَ ٣

Wawālidin wamā walad

3. Waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo wiilkiisa 'Ismaaciil' 2.

لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِي كَبَدٍ ٤

Laqad khalaqnal-insāna fī kabad

4. Waxaan abuurnay aadmiga isagoo dhib iyo howl (kala kulmi nolosha adduunka).

أَيَحۡسَبُ أَن لَّن يَقۡدِرَ عَلَيۡهِ أَحَدٞ ٥

Ayahsabu al lan yaqdira 'alayhi ahad

5. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn?

يَقُولُ أَهۡلَكۡتُ مَالٗا لُّبَدًا ٦

Yaqūlu ahlaktu mālal lubadā

6. Wuxuu leeyahay (isagoo ku faani): Waxaan lumiyey maal tiro badan.

أَيَحۡسَبُ أَن لَّمۡ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ ٧

Ayahsabu al lam yarahū ahad

7. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag?

أَلَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ عَيۡنَيۡنِ ٨

Alam naj'al lahū 'aynayn

8. Miyaannaan u yeelin labo indhood?.

وَلِسَانٗا وَشَفَتَيۡنِ ٩

Walisānan washafatayn

9. Iyo carrab iyo labo bishimood?

وَهَدَيۡنَٰهُ ٱلنَّجۡدَيۡنِ ١٠

Wahadaynāhun-najdayn

10. oo aan tusin labada jidood (khayrka iyo sharka)?.

فَلَا ٱقۡتَحَمَ ٱلۡعَقَبَةَ ١١

Falaqtahamal-'aqabah

11. Ee muu ka gudbo jidka buurta ah?

وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡعَقَبَةُ ١٢

Wamā adrāka mal-'aqabah

12. Maxaa ku ogeysiiyey (waxa looga gudbo) jidka buurta ah?

فَكُّ رَقَبَةٍ ١٣

Fakku raqabah

13. Waa addoon la xoreeyo.

أَوۡ إِطۡعَٰمٞ فِي يَوۡمٖ ذِي مَسۡغَبَةٖ ١٤

Aw it'āmun fī yawmin dhī masghabah

14. Ama siinta cunno maalin gaajo (abaar) jirto.

يَتِيمٗا ذَا مَقۡرَبَةٍ ١٥

Yatīman dhā maqrabah

15. Agoon kuu dhow.

أَوۡ مِسۡكِينٗا ذَا مَتۡرَبَةٖ ١٦

Aw miskīnan dhā matrabah

16. Ama miskiin dhulka yaal.

ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلصَّبۡرِ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلۡمَرۡحَمَةِ ١٧

Thumma kāna minal-ladhīna āmanū watawāsaw bis-sabri watawāsaw bil-marhamah

17. Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeeyey, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo samirka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta).

أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ ١٨

Ulā'ika ashābul-maymanah

18. Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada).

وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا هُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ ١٩

Walladhīna kafarū bi'āyātinā hum ashābul-mash'amah

19. Kuwase ku gaalooba Aayadahayaga waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka).

عَلَيۡهِمۡ نَارٞ مُّؤۡصَدَةُۢ ٢٠

'Alayhim nārum mu'sadah

20. Waxaa lagu dabooli dushooda Naar (dab aan dameyn ah).

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-Balad?

Suuradda Al-Balad waxay leedahay 20 aayadood. Waa suuradda 90 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-Balad ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-Balad waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Balad juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Balad waxay ku jirtaa juz' 30.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-Balad?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.