Suuradda Ash-Shams الشمس

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلشَّمۡسِ وَضُحَىٰهَا ١

Wash-shamsi waduhāhā

1. Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo caddaanta barqadeeda;

وَٱلۡقَمَرِ إِذَا تَلَىٰهَا ٢

Wal-qamari idhā talāhā

2. Iyo dayaxa markuu raaco (qorraxda).

وَٱلنَّهَارِ إِذَا جَلَّىٰهَا ٣

Wan-nahāri idhā jallāhā

3. Iyo maalinta markay muujiso (arlada) oo ifiso.

وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَغۡشَىٰهَا ٤

Wallayli idhā yaghshāhā

4. Iyo habeenka markuu daboolo arlada (oo madoobaado).

وَٱلسَّمَآءِ وَمَا بَنَىٰهَا ٥

Was-samā'i wamā banāhā

5. Iyo samada iyo siduu (Alle) u dhisay;

وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا طَحَىٰهَا ٦

Wal-ardi wamā tahāhā

6 Iyo arlada iyo siduu (Alle) u fidshay,

وَنَفۡسٖ وَمَا سَوَّىٰهَا ٧

Wanafsin wamā sawwāhā

7. Iyo nafta iyo siduu (Alle) u ekeeyey.

فَأَلۡهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقۡوَىٰهَا ٨

Fa alhamahā fujūrahā wataqwāhā

8. Markaas kala garansiiyey xumaheeda iyo toosnideeda,

قَدۡ أَفۡلَحَ مَن زَكَّىٰهَا ٩

Qad aflaha man zakkāhā

9. Waxaa liibaani qofka (ka) daahiriya naftiisa (shirki iyo macaasi).

وَقَدۡ خَابَ مَن دَسَّىٰهَا ١٠

Waqad khāba man dassāhā

10. Waxaa khasaari qofka xumeeya naftiisa.

كَذَّبَتۡ ثَمُودُ بِطَغۡوَىٰهَآ ١١

Kaddhabat thamūdu bitaghwāhā

11. Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti.

إِذِ ٱنۢبَعَثَ أَشۡقَىٰهَا ١٢

Idhimba'atha ashqāhā

12. Markuu soo baxay koodii uga sharka badnaa (si uu hasha u dilo).

فَقَالَ لَهُمۡ رَسُولُ ٱللَّهِ نَاقَةَ ٱللَّهِ وَسُقۡيَٰهَا ١٣

Faqāla lahum rasūlullāhi nāqatallāhi wasuqyāhā

13. Markaasuu Rasuulkii Alle (Nabi Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Alle (ha dilana) oo siiya waraabkeeda.

فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمۡدَمَ عَلَيۡهِمۡ رَبُّهُم بِذَنۢبِهِمۡ فَسَوَّىٰهَا ١٤

Fakaddhabūhu fa'aqarūhā fadamdama 'alayhim rabbuhum bidhambihim fasawwāhā

14. Wayse beeniyeen oo boqna gooyeen hashii (dileen). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey denbigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii).

وَلَا يَخَافُ عُقۡبَٰهَا ١٥

Walā yakhāfu 'uqbāhā

15. Kama uuna cabsado cidhibteeda 1.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Ash-Shams?

Suuradda Ash-Shams waxay leedahay 15 aayadood. Waa suuradda 91 ee Qur'aanka.

Suuradda Ash-Shams ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Ash-Shams waa suurad Makki ah.

Suuradda Ash-Shams juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Ash-Shams waxay ku jirtaa juz' 30.

Ma dhageysan karaa Suuradda Ash-Shams?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.