Suuradda Al-'Adiyat العاديات

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلۡعَٰدِيَٰتِ ضَبۡحٗا ١

Wal-'ādiyāti dabhā

1. Waxaan ku dhaartay ordayaasha dheereeya iyagoo qaylyi (fardaha dagaalka, iwm).

فَٱلۡمُورِيَٰتِ قَدۡحٗا ٢

Fal-mūriyāti qadhā

2. Iyo kuwa kiciya dhimbilaha dabka.

فَٱلۡمُغِيرَٰتِ صُبۡحٗا ٣

Fal-mughīrāti subhā

3. Iyo kuwa (cadowga) weerara subaxa horeba,

فَأَثَرۡنَ بِهِۦ نَقۡعٗا ٤

Fa atharna bihī naq'ā

4. Ee boodhka kiciya,

فَوَسَطۡنَ بِهِۦ جَمۡعًا ٥

Fawasatna bihī jam'ā

5. Ee bartanka u gala kulanka 'cadowga';

إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لِرَبِّهِۦ لَكَنُودٞ ٦

Innal-insāna lirabbihī lakanūd

6. Hubaal! Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi (Allaah).

وَإِنَّهُۥ عَلَىٰ ذَٰلِكَ لَشَهِيدٞ ٧

Wa innahū 'alā dhālika lashahīd

7. Isaga baana taasi ka markhaati ah.

وَإِنَّهُۥ لِحُبِّ ٱلۡخَيۡرِ لَشَدِيدٌ ٨

Wa innahū lihubbil-khayri lashadīd

8. Oo hubaal waa ku daran yahay Jaceylka maalka.

۞ أَفَلَا يَعۡلَمُ إِذَا بُعۡثِرَ مَا فِي ٱلۡقُبُورِ ٩

Afalā ya'lamu idhā bu'thira mā fil-qubūr

9. Ma wuusan ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo.

وَحُصِّلَ مَا فِي ٱلصُّدُورِ ١٠

Wahussila mā fis-sudūr

10. Waxa ku jirana laabaha la caddeeyo.

إِنَّ رَبَّهُم بِهِمۡ يَوۡمَئِذٖ لَّخَبِيرُۢ ١١

Inna rabbahum bihim yawma'idhil lakhabīr

11. Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal (arrimahooda oo dhan).

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-'Adiyat?

Suuradda Al-'Adiyat waxay leedahay 11 aayadood. Waa suuradda 100 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-'Adiyat ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-'Adiyat waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-'Adiyat juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-'Adiyat waxay ku jirtaa juz' 30.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-'Adiyat?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.