Casharka 7 ee 8
Maxaa dhaca dhimashada kadib?
Quraanka
كُلُّ نَفۡسٖ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوۡنَ أُجُورَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۖ فَمَن زُحۡزِحَ عَنِ ٱلنَّارِ وَأُدۡخِلَ ٱلۡجَنَّةَ فَقَدۡ فَازَۗ وَمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَآ إِلَّا مَتَٰعُ ٱلۡغُرُورِ ﴿١٨٥﴾
185. Naf walba waxay dhadhamin dhimasho, waxaa uun la idiin oofin ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada wuu liibaanay. Ma aha nolosha adduunka waxaan ahayn raaxo lagu dagmo.
يَوۡمَئِذٖ يَصۡدُرُ ٱلنَّاسُ أَشۡتَاتٗا لِّيُرَوۡاْ أَعۡمَٰلَهُمۡ ﴿٦﴾ فَمَن يَعۡمَلۡ مِثۡقَالَ ذَرَّةٍ خَيۡرٗا يَرَهُۥ ﴿٧﴾ وَمَن يَعۡمَلۡ مِثۡقَالَ ذَرَّةٖ شَرّٗا يَرَهُۥ ﴿٨﴾
6. Maalintaas dadku wuxuu u soo dareeri rac rac si loo tusiyo 'jazaha' acmaashooda. 7. Ee qofkii fala samaan le’eg saxar wuu arki, 8. Qofkii falana xumaan le’eg saxar wuu arki.
وَٱتَّقُواْ يَوۡمٗا تُرۡجَعُونَ فِيهِ إِلَى ٱللَّهِۖ ثُمَّ تُوَفَّىٰ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا كَسَبَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ ﴿٢٨١﴾
281. Iska jirana Maalin (Qiyaamada) la idiin soo celin xagga Alle. markaas naf walba loogu oofin si dhan waxay kasabtay iyagoo aan la dulmineyn.
Sunnada
Jaabir Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, maxay yihiin labad waajibiya wuxuu yiri: Qofka dhinta isagoon Ilaahay u shariig yeelayn Janaduu galin, Qofkase dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya Naartuu galin.
Sharaxaad
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin ayaa weydiiyey labada sifo ee midi waajibinayso galida Janada, midna waajibinayso galida Naarta? Nabigu nabad iyo naxariis Allah siiyee wuxuu ugu jawaabay: in sifada waajibinaysa galida janada ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay kaligi caabudaya oo aan u shariig yeelin. Sifada waajibinaysa galida naartana ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay u shariig yeelaya, oo u yeela Ilaahay wax la mida ama u dhigma xaga Ilaahnimadiisa, rabinimadiisa, magacyadiisa iyo sifooyinkiisa.