Baro Islaamka

Casharka 8 ee 8

Ma la qasbaa qof inuu Islaamo?

Quraanka

لَآ إِكۡرَاهَ فِي ٱلدِّينِۖ قَد تَّبَيَّنَ ٱلرُّشۡدُ مِنَ ٱلۡغَيِّۚ فَمَن يَكۡفُرۡ بِٱلطَّٰغُوتِ وَيُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ فَقَدِ ٱسۡتَمۡسَكَ بِٱلۡعُرۡوَةِ ٱلۡوُثۡقَىٰ لَا ٱنفِصَامَ لَهَاۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ﴿٢٥٦﴾

256. Ma jirto wax isku khasbid ah (aqbalaadda) diinta. Hanuunka waa mid si cad uga muuqda habowga. Ee qofkii ku gaalooba Daaquudka oo rumeeya Alle, wuxuu ku dhagey guntin adag oo aan go’ayn. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

Al-Baqarah 2:256Ka akhri Quraanka

وَقُلِ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّكُمۡۖ فَمَن شَآءَ فَلۡيُؤۡمِن وَمَن شَآءَ فَلۡيَكۡفُرۡۚ إِنَّآ أَعۡتَدۡنَا لِلظَّٰلِمِينَ نَارًا أَحَاطَ بِهِمۡ سُرَادِقُهَاۚ وَإِن يَسۡتَغِيثُواْ يُغَاثُواْ بِمَآءٖ كَٱلۡمُهۡلِ يَشۡوِي ٱلۡوُجُوهَۚ بِئۡسَ ٱلشَّرَابُ وَسَآءَتۡ مُرۡتَفَقًا ﴿٢٩﴾

29. Dheh: Xaqu wuxuu ka ahaaday xagga Rabbigiin, ee qofkii doonaa ha rumeeyo, qofkii doonaana ha gaaloobo; Waxaan Annagu u diyaarinnay daalimiinta Naar ay gidaarradeedu koobi, hadday dalbadaan gargaar biyood waxaa loogu gargaari biyo daamur oo kale ah oo soli wajiyadooda. Xumaa cabbitaanka, oo u xumaa meel xusul la dhigo.

Al-Kahf 18:29Ka akhri Quraanka

وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ لَأٓمَنَ مَن فِي ٱلۡأَرۡضِ كُلُّهُمۡ جَمِيعًاۚ أَفَأَنتَ تُكۡرِهُ ٱلنَّاسَ حَتَّىٰ يَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ ﴿٩٩﴾

99. Hadduu doono Rabbigaa, way rumayn lahaayeen waxa dhulka jooga oo dhan kulligood. Ee ma waxaad adigu khasbi dadka jeer ay noqdaan mu’miniin.

Yunus 10:99Ka akhri Quraanka

Dhammaan casharrada