Casharka 5 ee 5
Waa maxay Xajku?
Quraanka
إِنَّ أَوَّلَ بَيۡتٖ وُضِعَ لِلنَّاسِ لَلَّذِي بِبَكَّةَ مُبَارَكٗا وَهُدٗى لِّلۡعَٰلَمِينَ ﴿٩٦﴾ فِيهِ ءَايَٰتُۢ بَيِّنَٰتٞ مَّقَامُ إِبۡرَٰهِيمَۖ وَمَن دَخَلَهُۥ كَانَ ءَامِنٗاۗ وَلِلَّهِ عَلَى ٱلنَّاسِ حِجُّ ٱلۡبَيۡتِ مَنِ ٱسۡتَطَاعَ إِلَيۡهِ سَبِيلٗاۚ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِيٌّ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ ﴿٩٧﴾
96. Xaqiiq, Gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) waa midka ku yaal Bakkah , barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha . 97. Waxaa ku dhex yaal (Kacbada) calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. U xajinta beytkana (Kacbada) waa xil saaran dadka dar Alle, qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggiisa . Qofkii beeniya (faral ahaanta Xajka), hubaal Alle wuu ka kaaftoon yahay uumanka.
وَأَذِّن فِي ٱلنَّاسِ بِٱلۡحَجِّ يَأۡتُوكَ رِجَالٗا وَعَلَىٰ كُلِّ ضَامِرٖ يَأۡتِينَ مِن كُلِّ فَجٍّ عَمِيقٖ ﴿٢٧﴾
27. Ogeysiina dadka Xajka, waxay kuugu imaan lug iyo iyagoo fuushan rukuub kasta (oo munaasib ah), waxay ka imaan tub kasta oo fog.
Sunnada
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay isagoo dhahaya: "qofka Ilaahay darti u xajiya ee aan dumarka la haasaawin ee aan fusuq la imaan wuxuu soo noqdaa isagoo danbi ka ah sida Maalintii Hooyadi dhashay.
Sharaxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka Ilaahay darti u Xajiya ee aan Rafas la imaan, Rafaskuna waa Galmada iyo wax yaabaha ka horeeya sida dhunkashada, iyo salaaxida, waxaa kaloo lagu macneeyaa Rafaska hadalka xun, Qofkaasoo aan samayn fisqi, iyo ficil macsiya iyo xumaan. Fusuqa waxaa ka mida in lagu dhoco wax yaabaha ka reeban Qofka Muxrimka ah, Qofkaasi wuxuu Xajkiisa ka soo laabtaa isagoo loo dambi dhaafay, oo ah sida Ilmuhu markuu dhasho aanu danbi u lahayn.
Socodka waa dhammaaday
Hambalyo!
Shanta tiir ee Islaamka
Socdaallada la dhammeeyay: 1 ee 6
Bilow socodka xigaWaxa Muslimiintu rumeysan yihiin