Suuradda Yasin يس

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

يسٓ ١

Yā Sīn

1. Yaasiin 1.

وَٱلۡقُرۡءَانِ ٱلۡحَكِيمِ ٢

Wal-qur'ānil-hakīm

2. Waxaan ku dhaartay Qur’aanka, Xikmadda Badan.

إِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ٣

Innaka laminal-mursalīn

3. Hubaal adigu (Muxammadow) waxaad ka mid tahay (Rususha Alle) soo diray.

عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ ٤

'Alā sirātim mustaqīm

4. Waxaad ku sugan tahay Jid Toosan.

تَنزِيلَ ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ ٥

Tanzīlal-'azīzir-rahīm

5. (Qur’aankani waa) Waxyi ka soo degay (xagga Alle) Adkaadaha, Naxariista Badan.

لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أُنذِرَ ءَابَآؤُهُمۡ فَهُمۡ غَٰفِلُونَ ٦

Litundhira qawmam mā undhira ābā'uhum fahum ghāfilūn

6. Inaad u digto qolo aan aabbayaashood loo digin, ee iyagu ah kuwo dhoohan.

لَقَدۡ حَقَّ ٱلۡقَوۡلُ عَلَىٰٓ أَكۡثَرِهِمۡ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ ٧

Laqad haqqal-qawlu 'alā aktharihim fahum lā yu'minūn

7. Waxaa dhab ahaan ku rumoobay badankood Qowlka (Cadaabka), marka ma ay rumeeyaan (Xaqa).

إِنَّا جَعَلۡنَا فِيٓ أَعۡنَٰقِهِمۡ أَغۡلَٰلٗا فَهِيَ إِلَى ٱلۡأَذۡقَانِ فَهُم مُّقۡمَحُونَ ٨

Innā ja'alnā fī a'nāqihim aghlālan fahiya ilal-adhqāni fahum muqmahūn

8. (Waa sida) inaan yeelnay mareegyo bir ah luqumahooda oo gaadha ilaa gararkooda, sidaa awgeed madaxyadooda kor u taagan yihiin 2.

وَجَعَلۡنَا مِنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ سَدّٗا وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ سَدّٗا فَأَغۡشَيۡنَٰهُمۡ فَهُمۡ لَا يُبۡصِرُونَ ٩

Waja'alnā mim bayni aydīhim saddan wamin khalfihim saddan fa aghshaynāhum fahum lā yubsirūn

9. Waxaan yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, waana arag daboolnay marka ma arkaan (Xaqa).

وَسَوَآءٌ عَلَيۡهِمۡ ءَأَنذَرۡتَهُمۡ أَمۡ لَمۡ تُنذِرۡهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ ١٠

Wasawā'un 'alayhim a'andhartahum am lam tundhirhum lā yu'minūn

10. Waa isugu mid haddaad u digto ama aad u digin, (marna) ma rumeeyaan (Xaqa).

إِنَّمَا تُنذِرُ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلذِّكۡرَ وَخَشِيَ ٱلرَّحۡمَٰنَ بِٱلۡغَيۡبِۖ فَبَشِّرۡهُ بِمَغۡفِرَةٖ وَأَجۡرٖ كَرِيمٍ ١١

Innamā tundhiru manit-taba'adh-dhikra wakhashiyar-rahmāna bil-ghaybi fabasshirhu bimaghfiratin wa ajrin karīm

11.Waxaad uun u digi (oo ay anfaci digadu) kan raaca Qur’aanka oo ka baqa Raxmaan- ka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree denbi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh (Janno).

إِنَّا نَحۡنُ نُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَنَكۡتُبُ مَا قَدَّمُواْ وَءَاثَٰرَهُمۡۚ وَكُلَّ شَيۡءٍ أَحۡصَيۡنَٰهُ فِيٓ إِمَامٖ مُّبِينٖ ١٢

Innā nahnu nuhyil-mawtā wanaktubu mā qaddamū wa āthārahum wakulla shay'in ahsaynāhu fī imāmim mubīn

12. Xaqiiq waa Annaga kuwa nooleyn meytida, oo qora waxay hormarsadaan iyo raadadkoodaba (waxay gadaal uga soo tagaan khayr ama shar). Wax walba waxaynu ku koobnay 3 (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka).

وَٱضۡرِبۡ لَهُم مَّثَلًا أَصۡحَٰبَ ٱلۡقَرۡيَةِ إِذۡ جَآءَهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ ١٣

Wadrib lahum mathalan ashābal-qaryati idh jā'ahal-mursalūn

13. Waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markay u yimaadeen Rusushii (loo soo diray).

إِذۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهِمُ ٱثۡنَيۡنِ فَكَذَّبُوهُمَا فَعَزَّزۡنَا بِثَالِثٖ فَقَالُوٓاْ إِنَّآ إِلَيۡكُم مُّرۡسَلُونَ ١٤

Idh arsalnā ilayhimuthnayni fakaddhabūhumā fa'azzaznā bithālithin faqālū innā ilaykum mursalūn

14. Markaan u dirnay Xaggooda labo (xertii Ciise ah), markaasay labadiiba beeniyeen, markaasaan ku xoojinnay mid seddexaad, waxayna yidhaahdeen: Waxaanu nahay Rusul xaggiinna loo soo diray.

قَالُواْ مَآ أَنتُمۡ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا وَمَآ أَنزَلَ ٱلرَّحۡمَٰنُ مِن شَيۡءٍ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا تَكۡذِبُونَ ١٥

Qālū mā antum illā basharum mithlunā wamā anzalar-rahmānu min shay'in in antum illā takdhibūn

15.Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan ahayn dad nala mid ah, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan.

قَالُواْ رَبُّنَا يَعۡلَمُ إِنَّآ إِلَيۡكُمۡ لَمُرۡسَلُونَ ١٦

Qālū rabbunā ya'lamu innā ilaykum lamursalūn

16. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Rabbigayo waa Og yahay inaan nahay Rusul xaggiinna loo soo diray.

وَمَا عَلَيۡنَآ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ ١٧

Wamā 'alaynā illal-balāghul-mubīn

17. Nama saarna waxaan ahayn gaarsiin cad (ee Diinta Alle - Islaamka).

قَالُوٓاْ إِنَّا تَطَيَّرۡنَا بِكُمۡۖ لَئِن لَّمۡ تَنتَهُواْ لَنَرۡجُمَنَّكُمۡ وَلَيَمَسَّنَّكُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٞ ١٨

Qālū innā tatayyarnā bikum la il lam tantahū lanarjumannakum walayamassannakum minnā 'adhābun alīm

18. Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Waan idin shareysannay, haddaydaan joojin (waxaad waddaan), waan idin dhagaxyeyn waxaana idinka taaban xaggayaga cadaab xanuun badan.

قَالُواْ طَٰٓئِرُكُم مَّعَكُمۡ أَئِن ذُكِّرۡتُمۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٞ مُّسۡرِفُونَ ١٩

Qālū tā'irukum ma'akum a'in dhukkirtum bal antum qawmum musrifūn

19. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin (waana sababta shirkigiinna iyo xume falkiinna), ma in la idin waaniyey darteed 4? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudub badan.

وَجَآءَ مِنۡ أَقۡصَا ٱلۡمَدِينَةِ رَجُلٞ يَسۡعَىٰ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱتَّبِعُواْ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ٢٠

Wajā'a min aqsal-madīnati rajulun yas'ā qāla yāqawmit-tabi'ul-mursalīn

20. Waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin rooraya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha;

ٱتَّبِعُواْ مَن لَّا يَسۡـَٔلُكُمۡ أَجۡرٗا وَهُم مُّهۡتَدُونَ ٢١

Ittabi'ū mal lā yas'alukum ajran wahum muhtadūn

21. Raaca kuwo aan idin weydiisan wax abaal gud ah, oo hanuunsan.

وَمَالِيَ لَآ أَعۡبُدُ ٱلَّذِي فَطَرَنِي وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ ٢٢

Wamāliya lā a'budul-ladhī fataranī wa ilayhi turja'ūn

22. Maxaan u caabudeynin (Alle Keliya) ee ah kan i abuuray? Xaggiisaana la idin soo celin.

ءَأَتَّخِذُ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةً إِن يُرِدۡنِ ٱلرَّحۡمَٰنُ بِضُرّٖ لَّا تُغۡنِ عَنِّي شَفَٰعَتُهُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَا يُنقِذُونِ ٢٣

A'attakhidhu min dūnihī ālihatan in yuridnir-rahmānu bidurril lā tughni 'annī shafā'atuhum shay'an walā yunqidhūn

23. Ma waxaan yeeshaa (Alle) sokadi ilaahyo (kale), hadduu Raxmaanku (Alle) ila doono dhibaato, ayan i tareyn garab siintoodu waxba, oo aan awoodinba inay i badbaadiyaan?

إِنِّيٓ إِذٗا لَّفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ ٢٤

Innī idhal lafī dalālim mubīn

24. Markaa xaqiiq waxaan ku suganahay habow cad.

إِنِّيٓ ءَامَنتُ بِرَبِّكُمۡ فَٱسۡمَعُونِ ٢٥

Innī āmantu birabbikum fasma'ūn

25. Hubaal anigu waxaan rumeeyey Rabbigiin, ee i maqla.

قِيلَ ٱدۡخُلِ ٱلۡجَنَّةَۖ قَالَ يَٰلَيۡتَ قَوۡمِي يَعۡلَمُونَ ٢٦

Qīladkhulil-jannata qāla yālayta qawmī ya'lamūn

26. Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan 5.

بِمَا غَفَرَ لِي رَبِّي وَجَعَلَنِي مِنَ ٱلۡمُكۡرَمِينَ ٢٧

Bimā ghafara lī rabbī waja'alanī minal-mukramīn

27. Sida Rabbigay iigu denbi dhaafay, oo uu iiga mid yeelay kuwa la sharfay!

۞ وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَىٰ قَوۡمِهِۦ مِنۢ بَعۡدِهِۦ مِن جُندٖ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا كُنَّا مُنزِلِينَ ٢٨

Wamā anzalnā 'alā qawmihī mim ba'dihī min jundim minas-samā'i wamā kunnā munzilīn

28. Kuma aanu soo dejin qolodiisii gadaashi wax ciidan ah aan kaga keennay samada, mana aanu falno sidaas.

إِن كَانَتۡ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَإِذَا هُمۡ خَٰمِدُونَ ٢٩

In kānat illā sayhatan wāhidatan fa idhā hum khāmidūn

29. Waxay ahayd dhawaaq qaylo keliya ah, markaasay wada baseen.

يَٰحَسۡرَةً عَلَى ٱلۡعِبَادِۚ مَا يَأۡتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ ٣٠

Yāhasratan 'alal-'ibādi mā ya'tīhim mir rasūlin illā kānū bihī yastahzi'ūn

30. Maxay qoomamo u ahaatay addoomaha! Ma jiro Rasuul u yimaada aanay ku jeesjeesin.

أَلَمۡ يَرَوۡاْ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا قَبۡلَهُم مِّنَ ٱلۡقُرُونِ أَنَّهُمۡ إِلَيۡهِمۡ لَا يَرۡجِعُونَ ٣١

Alam yaraw kam ahlaknā qablahum minal-qurūni annahum ilayhim lā yarji'ūn

31. Miyeyna ogaan intee baan facyo halaagnay hortood, aan xaggooda u soo noqonayn?

وَإِن كُلّٞ لَّمَّا جَمِيعٞ لَّدَيۡنَا مُحۡضَرُونَ ٣٢

Wa in kullul lammā jamī'ul ladaynā muhdarūn

32. Kulligoodna iyagoo dhan Hortayadaa la keeni.

وَءَايَةٞ لَّهُمُ ٱلۡأَرۡضُ ٱلۡمَيۡتَةُ أَحۡيَيۡنَٰهَا وَأَخۡرَجۡنَا مِنۡهَا حَبّٗا فَمِنۡهُ يَأۡكُلُونَ ٣٣

Wa āyatul lahumul-ardul-maytatu ahyaynāhā wa akhrajnā minhā habban faminhu ya'kulūn

33. Waxaa Calaamo u ah arlada meydka ah aanu nooleyno, kana soo saarno hadhuudh ay wax ka cunaan.

وَجَعَلۡنَا فِيهَا جَنَّٰتٖ مِّن نَّخِيلٖ وَأَعۡنَٰبٖ وَفَجَّرۡنَا فِيهَا مِنَ ٱلۡعُيُونِ ٣٤

Waja'alnā fīhā jannātim min nakhīlin wa a'nābin wafajjarnā fīhā minal-'uyūn

34. Waxaana yeellay dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, oo ka burqinnay dhexdeeda ilo (biyo ah).

لِيَأۡكُلُواْ مِن ثَمَرِهِۦ وَمَا عَمِلَتۡهُ أَيۡدِيهِمۡۚ أَفَلَا يَشۡكُرُونَ ٣٥

Liya'kulū min thamarihī wamā 'amilathu aydīhim afalā yashkurūn

35. Si ay wax uga cunaan midhahiisa, mana ayan sameyn gacmahoodu 6. Ee Ma waysan (Alle u) mahad naqeyn?

سُبۡحَٰنَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡأَزۡوَٰجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنۢبِتُ ٱلۡأَرۡضُ وَمِنۡ أَنفُسِهِمۡ وَمِمَّا لَا يَعۡلَمُونَ ٣٦

Subhānal-ladhī khalaqal-azwāja kullahā mimmā tumbitul-ardu wamin anfusihim wamimmā lā ya'lamūn

36. Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo ka hufan (xumaan, Alle ee) abuuray noocyada dhammaan wuxuu dhulka soo saaro, iyo nafahooda iyo waxa aysan ogayn.

وَءَايَةٞ لَّهُمُ ٱلَّيۡلُ نَسۡلَخُ مِنۡهُ ٱلنَّهَارَ فَإِذَا هُم مُّظۡلِمُونَ ٣٧

Wa āyatul lahumul-laylu naslakhu minhun-nahāra fa idhā hum muzlimūn

37. waxaa Calaamo ugu sugan habeenka, aan ka soo saarno maalinta, oo markaas ay mugdi galaan.

وَٱلشَّمۡسُ تَجۡرِي لِمُسۡتَقَرّٖ لَّهَاۚ ذَٰلِكَ تَقۡدِيرُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ ٣٨

Wash-shamsu tajrī limustaqarril lahā dhālika taqdīrul-'azīzil-'alīm

38. Qorraxdu waxay ku oroddaa rugo ay leedahay. (Arrin)kaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.

وَٱلۡقَمَرَ قَدَّرۡنَٰهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَٱلۡعُرۡجُونِ ٱلۡقَدِيمِ ٣٩

Wal-qamara qaddarnāhu manāzila hattā 'āda kal-'urjūnil-qadīm

39. Dayaxa waxaanu u qaddarnay heerar uu maro ilaa uu soo noqdo mar kale sida laan timireed qallalan oo gabowday.

لَا ٱلشَّمۡسُ يَنۢبَغِي لَهَآ أَن تُدۡرِكَ ٱلۡقَمَرَ وَلَا ٱلَّيۡلُ سَابِقُ ٱلنَّهَارِۚ وَكُلّٞ فِي فَلَكٖ يَسۡبَحُونَ ٤٠

Lash-shamsu yambaghī lahā an tudrikal-qamara walal-laylu sābiqun-nahāri wakullun fī falakin yasbahūn

40. Looma oggola qorraxda inay haleesho dayaxa, habeenkuna ma ka hor maro maalinta. Dhammaan waxay ku dabaashaan mareeg (garangar) dhexdi.

وَءَايَةٞ لَّهُمۡ أَنَّا حَمَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُمۡ فِي ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ ٤١

Wa āyatul lahum annā hamalnā dhurriyyatahum fil-fulkil-mashhūn

41. Waxaa Calaamo ugu filan inaan ku qaadnay ubadkoodii 7 Doonidii buuxday.

وَخَلَقۡنَا لَهُم مِّن مِّثۡلِهِۦ مَا يَرۡكَبُونَ ٤٢

Wakhalaqnā lahum mim mithlihī mā yarkabūn

42. Waxaana uga abuurnay wax caynkeed ah waxay fuulaan.

وَإِن نَّشَأۡ نُغۡرِقۡهُمۡ فَلَا صَرِيخَ لَهُمۡ وَلَا هُمۡ يُنقَذُونَ ٤٣

Wa in nasha' nughriqhum falā sarīkha lahum walā hum yunqadhūn

43. Haddaan doonnona waanu harqin, markaa ma helaan wax u soo gurmada, lamana badbaadiyo.

إِلَّا رَحۡمَةٗ مِّنَّا وَمَتَٰعًا إِلَىٰ حِينٖ ٤٤

Illā rahmatam minnā wamatā'an ilā hīn

44. Naxariis Xaggayaga ah mooyee iyo raaxo ilaa muddo ah.

وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّقُواْ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيكُمۡ وَمَا خَلۡفَكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ ٤٥

Wa idhā qīla lahumut-taqū mā bayna aydīkum wamā khalfakum la'allakum turhamūn

45. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo: Iska jira waxa ah hortiinna iyo waxa ah gadaashiinna 8 si la idiinkugu naxariisto 'ma maqlaan' 9.

وَمَا تَأۡتِيهِم مِّنۡ ءَايَةٖ مِّنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِمۡ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ ٤٦

Wamā ta'tīhim min āyatim min āyāti rabbihim illā kānū 'anhā mu'ridīn

46. Uma timaaddo calaamad ka mid ah calaamooyinka Rabbigood, wayse ka sii jeesadaan.

وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ أَنفِقُواْ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَنُطۡعِمُ مَن لَّوۡ يَشَآءُ ٱللَّهُ أَطۡعَمَهُۥٓ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ ٤٧

Wa idhā qīla lahum anfiqū mimmā razaqakumullāhu qālal-ladhīna kafarū lilladhīna āmanū anut'imu mal law yashā'ullāhu at'amahū in antum illā fī dalālim mubīn

47. Marka lagu yidhaahdo: Wax ka bixiya waxa uu Alle idinku irsaaqay, kuwa gaalooba waxay ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeeyey: Ma waxaan quudinnaa`mid hadduu doono Alle uu quudin lahaa? Idinku kuma sugnidin waxaan ahayn habow cad.

وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٤٨

Wayaqūlūna matā hādhal-wa'du in kuntum sādiqīn

48.Waxay (gaaladu) odhan: Goormay gooddintani fuli, haddaad run sheegaysaan?

مَا يَنظُرُونَ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ تَأۡخُذُهُمۡ وَهُمۡ يَخِصِّمُونَ ٤٩

Mā yanzurūna illā sayhatan wāhidatan ta'khudhuhum wahum yakhissimūn

49. Ma sugayaan (gaaladu) wax kale aan aheyn hal Qaylo 10, qabaneysa iyagoo murmi.

فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ تَوۡصِيَةٗ وَلَآ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِمۡ يَرۡجِعُونَ ٥٠

Falā yastatī'ūna tawsiyatan walā ilā ahlihim yarji'ūn

50. Markaas ma karaan dardaaran, ehelkoodiina uma soo noqdaan.

وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَإِذَا هُم مِّنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ إِلَىٰ رَبِّهِمۡ يَنسِلُونَ ٥١

Wanufikha fis-sūri fa idhā hum minal-ajdāthi ilā rabbihim yansilūn

51. Buunkaa la aafuufi 11, mise kolkaa bay qubuurahooda ka soo yaaci iygoo u degdegaya xagga Rabbigood.

قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا مَنۢ بَعَثَنَا مِن مَّرۡقَدِنَاۜۗ هَٰذَا مَا وَعَدَ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَصَدَقَ ٱلۡمُرۡسَلُونَ ٥٢

Qālū yāwaylanā mam ba'athanā mim marqadinā hādhā mā wa'adar-rahmānu wasadaqal-mursalūn

52. Waxay odhan: Hoognaye! Yaa naga soo kiciyey meeshayadii aan hurudnay? (Waxaa lagu odhan): Kanu waa wuxuu Raxmaan- ku ballan qaaday, Rusushuna run bay sheegeen.

إِن كَانَتۡ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَإِذَا هُمۡ جَمِيعٞ لَّدَيۡنَا مُحۡضَرُونَ ٥٣

In kānat illā sayhatan wāhidatan fa idhā hum jamī'ul ladaynā muhdarūn

53. Ma ahaaneyso wax kale aan aheyn hal Qaylo keliya, Mise kolkaa! Waxay dham- maan ahaan kuwo Hortayada la keeno.

فَٱلۡيَوۡمَ لَا تُظۡلَمُ نَفۡسٞ شَيۡـٔٗا وَلَا تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ٥٤

Fal-yawma lā tuzlamu nafsun shay'an walā tujzawna illā mā kuntum ta'malūn

54. Marka Maanta (Qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, la idinkana abaal marin maayo waxaad camal fasheen mooyee.

إِنَّ أَصۡحَٰبَ ٱلۡجَنَّةِ ٱلۡيَوۡمَ فِي شُغُلٖ فَٰكِهُونَ ٥٥

Inna ashābal-jannatil-yawma fī shughulin fākihūn

55. Hubaal ehlu-jannuhu, waxay maalintaas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi xaasaskooda) iyagoo faraxsan.

هُمۡ وَأَزۡوَٰجُهُمۡ فِي ظِلَٰلٍ عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ مُتَّكِـُٔونَ ٥٦

Hum wa azwājuhum fī zilālin 'alal-arā'iki muttaki'ūn

56. Iyaga iyo xaasaskoodu waxay ku sugnaan hoosas harac ah, iyagoo ku dangiigsanaan sariiro sare.

لَهُمۡ فِيهَا فَٰكِهَةٞ وَلَهُم مَّا يَدَّعُونَ ٥٧

Lahum fīhā fākihatun walahum mā yadda'ūn

57. Waxay ku lahaan midho gudaheeda waxayna lahaan waxay doonaanba.

سَلَٰمٞ قَوۡلٗا مِّن رَّبّٖ رَّحِيمٖ ٥٨

Salāmun qawlam mir rabbir rahīm

58. Salaam (Nabad ahaada): waa qowl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan (Allaah Kor ahaaye).

وَٱمۡتَٰزُواْ ٱلۡيَوۡمَ أَيُّهَا ٱلۡمُجۡرِمُونَ ٥٩

Wamtāzul-yawma ayyuhal-mujrimūn

59. Soocma maanta denbiilayaashow 12!

۞ أَلَمۡ أَعۡهَدۡ إِلَيۡكُمۡ يَٰبَنِيٓ ءَادَمَ أَن لَّا تَعۡبُدُواْ ٱلشَّيۡطَٰنَۖ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوّٞ مُّبِينٞ ٦٠

Alam a'had ilaykum yābanī ādama al lā ta'budush-shaytāna innahū lakum 'aduwwum mubīn

60. Miyaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad.

وَأَنِ ٱعۡبُدُونِيۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ ٦١

Wa ani'budūnī hādhā sirātum mustaqīm

61. Iyo inaad i caabudaan Aniga (Allaah Keliya) wa kaa Jidka Toosane.

وَلَقَدۡ أَضَلَّ مِنكُمۡ جِبِلّٗا كَثِيرًاۖ أَفَلَمۡ تَكُونُواْ تَعۡقِلُونَ ٦٢

Walaqad adalla minkum jibillan kathīran afalam takūnū ta'qilūn

62. Wuxuu (Shaydaan) dhab ahaan habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Ee miyeydaan aheyn kuwo wax garta?

هَٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ ٦٣

Hādhihī jahannamul-latī kuntum tū'adūn

63. Waa tan Jahannamadii la idiinku gooddinayey.

ٱصۡلَوۡهَا ٱلۡيَوۡمَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ ٦٤

Islawhal-yawma bimā kuntum takfurūn

64. Ee gala oo ku gubta (Naarta) maanta gaalnimadiinnii darteed.

ٱلۡيَوۡمَ نَخۡتِمُ عَلَىٰٓ أَفۡوَٰهِهِمۡ وَتُكَلِّمُنَآ أَيۡدِيهِمۡ وَتَشۡهَدُ أَرۡجُلُهُم بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ ٦٥

Al-yawma nakhtimu 'alā afwāhihim watukallimunā aydīhim watashhadu arjuluhum bimā kānū yaksibūn

65. Maanta Waxaynu dabooli afafkooda, waxaa nala hadli gacmahooda, waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasbadeen (oo denbiyo ah darteed).

وَلَوۡ نَشَآءُ لَطَمَسۡنَا عَلَىٰٓ أَعۡيُنِهِمۡ فَٱسۡتَبَقُواْ ٱلصِّرَٰطَ فَأَنَّىٰ يُبۡصِرُونَ ٦٦

Walaw nashā'u latamasnā 'alā a'yunihim fastabaqus-sirāta fa annā yubsirūn

66. Haddaan doonno, waxaan malaasay- naa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan 13?

وَلَوۡ نَشَآءُ لَمَسَخۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ مَكَانَتِهِمۡ فَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ مُضِيّٗا وَلَا يَرۡجِعُونَ ٦٧

Walaw nashā'u lamasakhnāhum 'alā makānatihim famastatā'ū mudiyyan walā yarji'ūn

67. Haddaan doonnona, waxaan ku masakhaynaa halkooda, markaas ma kara- yaan tagitaan iyo soo noqosho midna 14.

وَمَن نُّعَمِّرۡهُ نُنَكِّسۡهُ فِي ٱلۡخَلۡقِۚ أَفَلَا يَعۡقِلُونَ ٦٨

Waman nu'ammirhu nunakkishu fil-khalqi afalā ya'qilūn

68. Qofkaan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee miyeyna wax fahmeyn?

وَمَا عَلَّمۡنَٰهُ ٱلشِّعۡرَ وَمَا يَنۢبَغِي لَهُۥٓۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ وَقُرۡءَانٞ مُّبِينٞ ٦٩

Wamā 'allamnāhush-shi'ra wamā yambaghī lahū in huwa illā dhikrun waqur'ānum mubīn

69. Ma aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan cad.

لِّيُنذِرَ مَن كَانَ حَيّٗا وَيَحِقَّ ٱلۡقَوۡلُ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ ٧٠

Lliyundhira man kāna hayyan wayahiqqal-qawlu 'alal-kāfirīn

70. Si uu ugu digo kan nool (mu'miniinta) oo Weedha (Cadaabka) ugu rumowdo gaalada.

أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا خَلَقۡنَا لَهُم مِّمَّا عَمِلَتۡ أَيۡدِينَآ أَنۡعَٰمٗا فَهُمۡ لَهَا مَٰلِكُونَ ٧١

Awalam yaraw annā khalaqnā lahum mimmā 'amilat aydīnā an'āman fahum lahā mālikūn

71. Miyeyna arkaynin inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxay Gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin?

وَذَلَّلۡنَٰهَا لَهُمۡ فَمِنۡهَا رَكُوبُهُمۡ وَمِنۡهَا يَأۡكُلُونَ ٧٢

Wadhallalnāhā lahum faminhā rakūbuhum waminhā ya'kulūn

72. Oo aan u laylinnay, sidaa awgeed waxna way adeegsadaan rukuub ahaan, waxna wax ka cunaan.

وَلَهُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ وَمَشَارِبُۚ أَفَلَا يَشۡكُرُونَ ٧٣

Walahum fīhā manāfi'u wamashāribu afalā yashkurūn

73. Waxaana ugu sugan manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Miyayna mahadineyn?

وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةٗ لَّعَلَّهُمۡ يُنصَرُونَ ٧٤

Wattakhadhū min dūnillāhi ālihatal la'allahum yunsarūn

74. Waxayse yeesheen Alle ka sokow ilaahyo kale si ay ugu gargaaraan.

لَا يَسۡتَطِيعُونَ نَصۡرَهُمۡ وَهُمۡ لَهُمۡ جُندٞ مُّحۡضَرُونَ ٧٥

Lā yastatī'ūna nasrahum wahum lahum jundum muhdarūn

75. Ma karaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada 15.

فَلَا يَحۡزُنكَ قَوۡلُهُمۡۘ إِنَّا نَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَ ٧٦

Falā yahzunka qawluhum innā na'lamu mā yusirrūna wamā yu'linūn

76. Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxay u falaan qarsoodiga iyo waxay caddaystaanba.

أَوَلَمۡ يَرَ ٱلۡإِنسَٰنُ أَنَّا خَلَقۡنَٰهُ مِن نُّطۡفَةٖ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٞ مُّبِينٞ ٧٧

Awalam yaral-insānu annā khalaqnāhu min nutfatin fa idhā huwa khasīmum mubīn

77. Miyuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay dhibic mino ah. Mise waa col iska cad oo dood badan 16.

وَضَرَبَ لَنَا مَثَلٗا وَنَسِيَ خَلۡقَهُۥۖ قَالَ مَن يُحۡيِ ٱلۡعِظَٰمَ وَهِيَ رَمِيمٞ ٧٨

Wadaraba lanā mathalan wanasiya khalqahū qāla man yuhyil-'izāma wahiya ramīm

78. Wuxuu soo qaatay tusaale uu Annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamay abuurkiisa. Wuxuu yidhi: Yaa nooleyn lafo baaliyoobay 17?

قُلۡ يُحۡيِيهَا ٱلَّذِيٓ أَنشَأَهَآ أَوَّلَ مَرَّةٖۖ وَهُوَ بِكُلِّ خَلۡقٍ عَلِيمٌ ٧٩

Qul yuhyīhal-ladhī ansha'ahā awwala marratin wahuwa bikulli khalqin 'alīm

79. Dheh: Waxaa nooleyn Kan ifka keenay kolkii horeba. Isagaana (Alle) u Xog ogaal ah uunka oo idil.

ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلشَّجَرِ ٱلۡأَخۡضَرِ نَارٗا فَإِذَآ أَنتُم مِّنۡهُ تُوقِدُونَ ٨٠

Alladhī ja'ala lakum minash-shajaril-akhdari nāran fa idhā antum minhu tūqidūn

80. Waa Kan idiinka yeelay geedka cagaaran dab oo markaas aad hursataan.

أَوَلَيۡسَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يَخۡلُقَ مِثۡلَهُمۚ بَلَىٰ وَهُوَ ٱلۡخَلَّٰقُ ٱلۡعَلِيمُ ٨١

Awalaysal-ladhī khalaqas-samāwāti wal-arda biqādirin 'alā an yakhluqa mithlahum balā wahuwal-khallāqul-'alīm

81. Miyuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale 18? Haaheey, Waana Abuuraha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.

إِنَّمَآ أَمۡرُهُۥٓ إِذَآ أَرَادَ شَيۡـًٔا أَن يَقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ ٨٢

Innamā amruhū idhā arāda shay'an an yaqūla lahū kun fayakūn

82. Amarkiisu markuu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, waana yahay.

فَسُبۡحَٰنَ ٱلَّذِي بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيۡءٖ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ ٨٣

Fasubhānal-ladhī biyadihī malakūtu kulli shay'in wa ilayhi turja'ūn

83. Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan (Alle) ay Gacantiisu ku jiraan Mulkiga (iyo Maamulka) wax kasta, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin 19.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Aayado caan ah

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Yasin?

Suuradda Yasin waxay leedahay 83 aayadood. Waa suuradda 36 ee Qur'aanka.

Suuradda Yasin ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Yasin waa suurad Makki ah.

Suuradda Yasin juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Yasin waxay ku jirtaa juz' 22, 23.

Ma dhageysan karaa Suuradda Yasin?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.