Suuradda Fatir فاطر

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ جَاعِلِ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ رُسُلًا أُوْلِيٓ أَجۡنِحَةٖ مَّثۡنَىٰ وَثُلَٰثَ وَرُبَٰعَۚ يَزِيدُ فِي ٱلۡخَلۡقِ مَا يَشَآءُۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ ١

Al-hamdu lillāhi fātiris-samāwāti wal-ardi jā'ilil-malā'ikati rusulan ulī ajnihatim mathnā wathulātha warubā'a yazīdu fil-khalqi mā yashā'u innallāha 'alā kulli shay'in qadīr

1. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa mudan Allaah, askumaha (abuuray) samooyinka iyo arlada, ka yeelay malaa’igta Rusul (farriin sidayaal ah) leh garbo (baalal ay ku duulaan), labo iyo saddex iyo afarba. Wuxuu ku kordhiyaa abuurista wuxuu doono. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.

مَّا يَفۡتَحِ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ مِن رَّحۡمَةٖ فَلَا مُمۡسِكَ لَهَاۖ وَمَا يُمۡسِكۡ فَلَا مُرۡسِلَ لَهُۥ مِنۢ بَعۡدِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ٢

Mmā yaftahillāhu lin-nāsi mir rahmatin falā mumsika lahā wamā yumsik falā mursila lahū mim ba'dihī wahuwal-'azīzul-hakīm

2.Wax kastoo Alle u furo dadka oo Naxariis ah, ma jiro wax celin kara, wuxuu celiyana ma jiro wax soo diri kara Isaga kadambow. Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡۚ هَلۡ مِنۡ خَٰلِقٍ غَيۡرُ ٱللَّهِ يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۚ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ ٣

Yā'ayyuhan-nāsudhkurū ni'matallāhi 'alaykum hal min khāliqin ghayrullāhi yarzuqukum minas-samā'i wal-ardi lā ilāha illā huwa fa annā tu'fakūn

3. Dadow! Xusuusnaada Nicamadda Alle dushiinna; Ma waxaa jira abuure kale aan ahayn Allaah oo idinka arsaaqa cirka iyo dhulka? Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. Ee xaggee baa la idiinka iilay?

وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدۡ كُذِّبَتۡ رُسُلٞ مِّن قَبۡلِكَۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ ٤

Wa in yukaddhibūka faqad kuddhibat rusulum min qablika wa ilallāhi turja'ul-umūr

4. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), waxaa la beeniyey Rusul kaa horreeyey. Alle baa loo celiyaa umuurahoo dhan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِٱللَّهِ ٱلۡغَرُورُ ٥

Yā'ayyuhan-nāsu inna wa'dallāhi haqqun falā taghurrannakumul-hayawātud-dunyā walā yaghurrannakum billāhil-gharūr

5. Dadow! Hubaal Ballanka Alle waa Xaq. Ee yeysan idin hodin noloshan soke ee adduunka, yuusanna kan hodista badan (shaydaanka) idinka hodin arrinka Alle.

إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ لَكُمۡ عَدُوّٞ فَٱتَّخِذُوهُ عَدُوًّاۚ إِنَّمَا يَدۡعُواْ حِزۡبَهُۥ لِيَكُونُواْ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ ٦

Innash-shaytāna lakum 'aduwwun fattakhidhūhu 'aduwwan innamā yad'ū hizbahū liyakūnū min ashābis-sa'īr

6. Xaqiiq, shaydaanku wuxuu idiin yahay cadow, ee idinkuna ka yeesha cadow. Wuxuu uun ugu yeedhaa Xisbigiisa inay ka mid noqdaan asxaabta Naarta hureysa.

ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞۖ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٞ كَبِيرٌ ٧

Alladhīna kafarū lahum 'adhābun shadīdun walladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti lahum maghfiratun wa ajrun kabīr

7. Kuwa gaalooba waxay leeyihiin cadaab daran; kuwase rumeeyey (Xaqa) oo samaha fala, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud Weyn (Janno).

أَفَمَن زُيِّنَ لَهُۥ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ فَرَءَاهُ حَسَنٗاۖ فَإِنَّ ٱللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۖ فَلَا تَذۡهَبۡ نَفۡسُكَ عَلَيۡهِمۡ حَسَرَٰتٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِمَا يَصۡنَعُونَ ٨

Afaman zuyyina lahū sū'u 'amalihī fara'āhu hasanan fa innallāha yudillu man yashā'u wayahdī man yashā'u falā tadhhab nafsuka 'alayhim hasarātin innallāha 'alīmu bimā yasna'ūn

8. Ma mid isaga loo qurxiyey camalkiisa xun, heer uu u arko wax wanaagsan (baa la siman mid isagu hanuunsan)? Alle wuxuu lumiyaa qofkuu doono, oo hanuuniyaa qofkuu doono, ee yeysan naftaadu ku tegin murugo dartood kuu qabata. Allaah wuu Ogsoon yahay waxay samayne.

وَٱللَّهُ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ ٱلرِّيَٰحَ فَتُثِيرُ سَحَابٗا فَسُقۡنَٰهُ إِلَىٰ بَلَدٖ مَّيِّتٖ فَأَحۡيَيۡنَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَاۚ كَذَٰلِكَ ٱلنُّشُورُ ٩

Wallāhul-ladhī arsalar-riyāha fatuthīru sahāban fasuqnāhu ilā baladim mayyitin fa ahyaynā bihil-arda ba'da mawtihā kadhālikan-nushūr

9. Allaah waa Kan soo dira dabeylaha ee kicisa daruur, oo aanu u kaxeyno beled dhintay (abaar ah), markaasaan ku noolaynaa arlada kaddib dhimashadeeda. Sidaas oo kale weeyaan soo Bixintiinna (Qiyaamada).

مَن كَانَ يُرِيدُ ٱلۡعِزَّةَ فَلِلَّهِ ٱلۡعِزَّةُ جَمِيعًاۚ إِلَيۡهِ يَصۡعَدُ ٱلۡكَلِمُ ٱلطَّيِّبُ وَٱلۡعَمَلُ ٱلصَّٰلِحُ يَرۡفَعُهُۥۚ وَٱلَّذِينَ يَمۡكُرُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞۖ وَمَكۡرُ أُوْلَٰٓئِكَ هُوَ يَبُورُ ١٠

Man kāna yurīdul-'izzata falillāhil-'izzatu jamī'an ilayhi yas'adul-kalimut-tayyibu wal-'amalus-sālihu yarfa'uhū walladhīna yamkurūnas-sayyi'āti lahum 'adhābun shadīdun wamakru ulā'ika huwa yabūr

10. Qofkii raba sharaf (iyo cizo), Alle baa iska leh Sharaf iyo Cizoo dhan. Xaggiisay kor u aadaan weedhaha san oo idil, camalka sanna wuu kor yeelaa. Kuwase dhiga dabin ee xuma qoola waxay leeyihiin cadaab daran. Kuwaasu qorshahooda xun wuu iska baabbi’i.

وَٱللَّهُ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ جَعَلَكُمۡ أَزۡوَٰجٗاۚ وَمَا تَحۡمِلُ مِنۡ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلۡمِهِۦۚ وَمَا يُعَمَّرُ مِن مُّعَمَّرٖ وَلَا يُنقَصُ مِنۡ عُمُرِهِۦٓ إِلَّا فِي كِتَٰبٍۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ ١١

Wallāhu khalaqakum min turābin thumma min nutfatin thumma ja'alakum azwājan wamā tahmilu min unthā walā tada'u illā bi'ilmihī wamā yu'ammaru mim mu'ammarin walā yunqasu min 'umurihī illā fī kitābin inna dhālika 'alallāhi yasīr

11. Alle wuxuu idinka abuuray carro, haddana dhibic mino ah, haddana wuxuu idinka yeelay lammaan (lab iyo dheddig); ma jirto dheddig uur qaadda, mana ku soo debed dhigto waxaan ahayn ogaalkiisa, mana jiro ku cimrigiisu la dheereeyo ama wax laga dhimo cimrigiisa oo aan dhammaan ku qornayn Kitaab (Looxa Maxfuudka). Hubaal arrinkaa waa mid Alle u Fudud.

وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡبَحۡرَانِ هَٰذَا عَذۡبٞ فُرَاتٞ سَآئِغٞ شَرَابُهُۥ وَهَٰذَا مِلۡحٌ أُجَاجٞۖ وَمِن كُلّٖ تَأۡكُلُونَ لَحۡمٗا طَرِيّٗا وَتَسۡتَخۡرِجُونَ حِلۡيَةٗ تَلۡبَسُونَهَاۖ وَتَرَى ٱلۡفُلۡكَ فِيهِ مَوَاخِرَ لِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ ١٢

Wamā yastawil-bahrāni hādhā 'adhbun furātun sā'ighun sharābuhū wahādhā milhun ujājun wamin kullin ta'kulūna lahman tariyyan watastakhrijūna hilyatan talbasūnahā wataral-fulka fīhi mawākhira litabtaghū min fadlihī wala'allakum tashkurūn

12. Ma aha isku mid labada badood, mid waa macaan lagu harraad baxo ay wanaagsan tahay cabbiddiisu, kan kalena waa milix lagu gubto dhanaankeeda daran awgi, mid walbaana oo ka mid ah waxaad ka cuntaan hilib cusub oo jileec ah (kalluun), oo waxaad kala soo baxdaan (badda) waxyaalo aad qurux u xidhataan. Waxaad arkaysaa doonyaha oo dhex maaxaya badda, si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad (Alle) ku mahdisaan.

يُولِجُ ٱلَّيۡلَ فِي ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِي ٱلَّيۡلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلّٞ يَجۡرِي لِأَجَلٖ مُّسَمّٗىۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ لَهُ ٱلۡمُلۡكُۚ وَٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ مَا يَمۡلِكُونَ مِن قِطۡمِيرٍ ١٣

Yūlijul-layla fin-nahāri wayūlijun-nahāra fil-layli wasakkharash-shamsa wal-qamara kullun yajrī li ajalim musamman dhālikumullāhu rabbukum lahul-mulku walladhīna tad'ūna min dūnihī mā yamlikūna min qitmīr

13. Wuxuu (Alle) habeenka dhex galiyaa maalinta, maalintana dhex galiyaa habeenka (macnaha kala badiyaa). Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, mid walba uu ku socdo marriinkiisa muddo magacaaban. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin; Isagaa leh Boqortooyada (Runta ah), kuwase aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi ma hantaan xitaa xuub laf timireed.

إِن تَدۡعُوهُمۡ لَا يَسۡمَعُواْ دُعَآءَكُمۡ وَلَوۡ سَمِعُواْ مَا ٱسۡتَجَابُواْ لَكُمۡۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكۡفُرُونَ بِشِرۡكِكُمۡۚ وَلَا يُنَبِّئُكَ مِثۡلُ خَبِيرٖ ١٤

In tad'ūhum lā yasma'ū du'ā'akum walaw sami'ū mastajābū lakum wayawmal-qiyāmati yakfurūna bishirkikum walā yunabbi'uka mithlu khabīr

14. Haddaad u yeedhataan ma maqlaan ducadiinna, hadday idin maqli lahaa- yeenna ma idin ajiibeen. Maalinta Qiyaamahana way diidi shirkigiinna 1. Ma jiro cid wax kuugu sheegi kartaa sida Midka ah Xog ogaal Xeel dheer (Alle).

۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ أَنتُمُ ٱلۡفُقَرَآءُ إِلَى ٱللَّهِۖ وَٱللَّهُ هُوَ ٱلۡغَنِيُّ ٱلۡحَمِيدُ ١٥

Yā'ayyuhan-nāsu antumul-fuqarā'u ilallāhi wallāhu huwal-ghaniyyul-hamīd

15. Dadow! Idinka weeye kuwa u baahan Alle. Alle waa Hodanka, Ammaanan.

إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ وَيَأۡتِ بِخَلۡقٖ جَدِيدٖ ١٦

In yasha' yudhhibkum waya'ti bikhalqin jadīd

16. Hadduu doono, wuu idin tegsiin, oo keeni uun cusub.

وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ بِعَزِيزٖ ١٧

Wamā dhālika 'alallāhi bi'azīz

17. Waxnana kuma adka Alle.

وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰۚ وَإِن تَدۡعُ مُثۡقَلَةٌ إِلَىٰ حِمۡلِهَا لَا يُحۡمَلۡ مِنۡهُ شَيۡءٞ وَلَوۡ كَانَ ذَا قُرۡبَىٰٓۗ إِنَّمَا تُنذِرُ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَۚ وَمَن تَزَكَّىٰ فَإِنَّمَا يَتَزَكَّىٰ لِنَفۡسِهِۦۚ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلۡمَصِيرُ ١٨

Walā taziru wāziratun wizra ukhrā wa in tad'u muthqalatun ilā himlihā lā yuhmal minhu shay'un walaw kāna dhā qurbā innamā tundhirul-ladhīna yakhshawna rabbahum bil-ghaybi wa aqāmus-salawāta waman tazakkā fa innamā yatazakkā linafsihī wa ilallāhil-masīr

18. Nafna naf kale denbigeed ma qaaddo; haddii naf culaabeysan u yeedhato (mid kale inuu qaado) culayskeeda, waxba kama qaado, qaraaboba ha ahaadeene. Waxaad uun u digi kuwa ka baqa Rabbigood sir 'iyo saaqba' 2, oo ooga salaadda. Qofkii is daahiriya 3, naftiisu uun buu isu daahiriyey, waana Xagga Alle meesha loo socdaa (geeri dabadeed).

وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُ ١٩

Wamā yastawil-a'mā wal-basīr

19. Ma sinna indhoolaha iyo mid wax arka.

وَلَا ٱلظُّلُمَٰتُ وَلَا ٱلنُّورُ ٢٠

Walaz-zulumātu walan-nūr

20. Iyo mugdiyada iyo nuurka.

وَلَا ٱلظِّلُّ وَلَا ٱلۡحَرُورُ ٢١

Walaz-zillu walal-harūr

21. Iyo harka iyo kuleylka 4.

وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَحۡيَآءُ وَلَا ٱلۡأَمۡوَٰتُۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُسۡمِعُ مَن يَشَآءُۖ وَمَآ أَنتَ بِمُسۡمِعٖ مَّن فِي ٱلۡقُبُورِ ٢٢

Wamā yastawil-ahyā'u walal-amwātu innallāha yusmi'u man yashā'u wamā anta bimusmi'im man fil-qubūr

22. Ma sinna kuwa nool iyo kuwa meydka ah 5. Alle Wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono 6, adiguna wax ma maqashiin kartid kuwa ku jira qubuuraha.

إِنۡ أَنتَ إِلَّا نَذِيرٌ ٢٣

In anta illā nadhīr

23. Adigu (Nabi Muxammadow) ma tihid waxaan ahayn dige.

إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ بَشِيرٗا وَنَذِيرٗاۚ وَإِن مِّنۡ أُمَّةٍ إِلَّا خَلَا فِيهَا نَذِيرٞ ٢٤

Innā arsalnāka bil-haqqi bashīran wanadhīran wa im min ummatin illā khalā fīhā nadhīr

24. Waxaan kula soo dirnay (Nabiyow) Xaqa bishaareeye iyo dige ahaan. Ma jirto ummad aanu soo marin dige.

وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدۡ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَبِٱلزُّبُرِ وَبِٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُنِيرِ ٢٥

Wa in yukaddhibūka faqad kaddhabal-ladhīna min qablihim jā'athum rusuluhum bil-bayyināti wabiz-zuburi wabil-kitābil-munīr

25. Hadday ku beeeniyaan, waxaa sidoo kale beeniyey kuwii ka horreeyey; Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad iyo Qoraallo iyo kitaab iftiimaya.

ثُمَّ أَخَذۡتُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۖ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ ٢٦

Thumma akhadhtul-ladhīna kafarū fakayfa kāna nakīr

26. Markaasaan qabtay gaaladii, ee sidee buu ahaa Ciqaabkeygii (aan ku ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).

أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَخۡرَجۡنَا بِهِۦ ثَمَرَٰتٖ مُّخۡتَلِفًا أَلۡوَٰنُهَاۚ وَمِنَ ٱلۡجِبَالِ جُدَدُۢ بِيضٞ وَحُمۡرٞ مُّخۡتَلِفٌ أَلۡوَٰنُهَا وَغَرَابِيبُ سُودٞ ٢٧

Alam tara annallāha anzala minas-samā'i mā'an fa akhrajnā bihī thamarātim mukhtalifan alwānuhā waminal-jibāli judadu bīdun wahumrum mukhtalifun alwānuhā wagharābību sūd

27. Miyaadan arag in Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, markaas aanu ku soo saarno midho midabbo kala duwan leh. Buuraha waxaa ka mid ah kuwo leh diillimo cad cad iyo kuwo casaan ah oo midabbo kala duwan iyo kuwo madow daran ah.

وَمِنَ ٱلنَّاسِ وَٱلدَّوَآبِّ وَٱلۡأَنۡعَٰمِ مُخۡتَلِفٌ أَلۡوَٰنُهُۥ كَذَٰلِكَۗ إِنَّمَا يَخۡشَى ٱللَّهَ مِنۡ عِبَادِهِ ٱلۡعُلَمَٰٓؤُاْۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ ٢٨

Waminan-nāsi wad-dawābbi wal-an'āmi mukhtalifun alwānuhū kadhālika innamā yakhshallāha min 'ibādihil-'ulamā'u innallāha 'azīzun ghafūr

28. Dadka iyo nafleyda dhul ku socotada ah iyo xoolaha daaqana waa kuwo kala midab duwan sidoo kale. Sideedaba waxaa uun ka baqa Alle kuwa cilmiga leh ee ka mid ah addoomahiisa. Hubaal Alle waa Adkaade, Denbi Dhaaf Badan.

إِنَّ ٱلَّذِينَ يَتۡلُونَ كِتَٰبَ ٱللَّهِ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنفَقُواْ مِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ سِرّٗا وَعَلَانِيَةٗ يَرۡجُونَ تِجَٰرَةٗ لَّن تَبُورَ ٢٩

Innal-ladhīna yatlūna kitāballāhi wa aqāmus-salawāta wa anfaqū mimmā razaqnāhum sirran wa'alāniyatan yarjūna tijāratal lan tabūr

29. Hubaal kuwa akhriya Kitaabka Alle oo ooga salaadda, oo wax ka bixiya 'sadaqo ahaan' waxaan siinnay sir iyo caddaanba, waxay rajeeyaan ganacsi la hubo faa’ideeda aan weligeed baareyn.

لِيُوَفِّيَهُمۡ أُجُورَهُمۡ وَيَزِيدَهُم مِّن فَضۡلِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ غَفُورٞ شَكُورٞ ٣٠

Liyuwaffiyahum ujūrahum wayazīdahum min fadlihī innahū ghafūrun shakūr

30. Si uu Alle ugu gudo si dhan ujuura- doodii, waxna uga ziyaadiyo Deeqdiisa. Hubaal, Alle Waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin badan.

وَٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ هُوَ ٱلۡحَقُّ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِعِبَادِهِۦ لَخَبِيرُۢ بَصِيرٞ ٣١

Walladhī awhaynā ilayka minal-kitābi huwal-haqqu musaddiqal limā bayna yadayhi innallāha bi'ibādihī lakhabīru basīr

31. Kaan kuu waxyoonnay (Nabiyow) ee Kitaabka 'Qur'aanka' ah waa Xaq rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah). Hubaal, Alle addoomahiisa wuu ka War Qabaa, Arkaa.

ثُمَّ أَوۡرَثۡنَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلَّذِينَ ٱصۡطَفَيۡنَا مِنۡ عِبَادِنَاۖ فَمِنۡهُمۡ ظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ وَمِنۡهُم مُّقۡتَصِدٞ وَمِنۡهُمۡ سَابِقُۢ بِٱلۡخَيۡرَٰتِ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡكَبِيرُ ٣٢

Thumma awrathnal-kitābal-ladhīnastafaynā min 'ibādinā faminhum zālimul linafsihī waminhum muqtasidun waminhum sābiqu bil-khayrāti bi idhnillāhi dhālika huwal-fadlul-kabīr

32. Kaddib waxaan dhaxalsiinnay Kitaabka kuwa aan doorannay oo addoomahayaga ka mid ah. Waxaa ka mid ah mid dulmiya naftiisa 7, iyo mid dhexdhexeysta 8, iyo mid u dheereeya khayrka Idanka Alle 9. Kaa weeye Fadliga Weyn.

جَنَّٰتُ عَدۡنٖ يَدۡخُلُونَهَا يُحَلَّوۡنَ فِيهَا مِنۡ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٖ وَلُؤۡلُؤٗاۖ وَلِبَاسُهُمۡ فِيهَا حَرِيرٞ ٣٣

Jannātu 'adnin yadkhulūnahā yuhallawna fīhā min asāwira min dhahabin walu'lu'an walibāsuhum fīhā harīr

33. Jannooyin cadni (beero lagu waari) bay geli, waxaa lagu qurxin inay xidhaan gudaheeda jinjimooyin dahab iyo luul ah, dharkooduna gudaheeda waa xariir.

وَقَالُواْ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِيٓ أَذۡهَبَ عَنَّا ٱلۡحَزَنَۖ إِنَّ رَبَّنَا لَغَفُورٞ شَكُورٌ ٣٤

Waqālul-hamdu lillāhil-ladhī adhhaba 'annal-hazana inna rabbanā laghafūrun shakūr

34. Waxay odhan: Ammaan (oo dhan) iyo mahad waxaa leh Allaah, ee naga tagsiiyey murugo (oo dhan). Hubaal Rabbigayo waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin Badan.

ٱلَّذِيٓ أَحَلَّنَا دَارَ ٱلۡمُقَامَةِ مِن فَضۡلِهِۦ لَا يَمَسُّنَا فِيهَا نَصَبٞ وَلَا يَمَسُّنَا فِيهَا لُغُوبٞ ٣٥

Alladhī ahallanā dāral-muqāmati min fadlihī lā yamassunā fīhā nasabun walā yamassunā fīhā lughūb

35. Kan nagu dejiyey Daarta Negaadeysa (Jannada) Fadligiisa; nagu taaban maayo dhexdeeda dhibi, naguna taaban maayo daal.

وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَهُمۡ نَارُ جَهَنَّمَ لَا يُقۡضَىٰ عَلَيۡهِمۡ فَيَمُوتُواْ وَلَا يُخَفَّفُ عَنۡهُم مِّنۡ عَذَابِهَاۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي كُلَّ كَفُورٖ ٣٦

Walladhīna kafarū lahum nāru jahannama lā yuqdā 'alayhim fayamūtū walā yukhaffafu 'anhum min 'adhābihā kadhālika najzī kulla kafūr

36. Kuwase gaalooba abaalkooda waa Naarta Jahannama. Laguma xukumo geeri si ay u dhintaan, lagamana khafiifiyo cadaabkeeda. Sidaas baan ku abaal marinnaa mid kastoo gaalnimo badan.

وَهُمۡ يَصۡطَرِخُونَ فِيهَا رَبَّنَآ أَخۡرِجۡنَا نَعۡمَلۡ صَٰلِحًا غَيۡرَ ٱلَّذِي كُنَّا نَعۡمَلُۚ أَوَلَمۡ نُعَمِّرۡكُم مَّا يَتَذَكَّرُ فِيهِ مَن تَذَكَّرَ وَجَآءَكُمُ ٱلنَّذِيرُۖ فَذُوقُواْ فَمَا لِلظَّٰلِمِينَ مِن نَّصِيرٍ ٣٧

Wahum yastarikhūna fīhā rabbanā akhrijnā na'mal sālihan ghayral-ladhī kunnā na'malu awalam nu'ammirkum mā yatadhakkaru fīhi man tadhakkara wajā'akumun-nadhīru fadhūqū famā liz-zālimīna min nasīr

37. Waxay ku qeyliyi dhexdeeda: Rabbiyow! Naga saar (halkan Naarta), waxaanu fali camal san aan aheyn kaan horay u fali jirnay. (Waxaa lagu odhan): Miyaanaan idin cimri siin in ku filan inuu ku waantoobo qofkii waansami 10? Oo idiin iman Dige. Ee dhadhamiya (Naarta), waayo daalimiinta ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).

إِنَّ ٱللَّهَ عَٰلِمُ غَيۡبِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ ٣٨

Innallāha 'ālimu ghaybis-samāwāti wal-ardi innahū 'alīmu bidhātis-sudūr

38. Hubaal, Alle waa Ogsoonaha waxa ku qarsoon aan muuqan cirarka iyo dhulka gudahooda. Hubaal waa Isaga Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka).

هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَكُمۡ خَلَٰٓئِفَ فِي ٱلۡأَرۡضِۚ فَمَن كَفَرَ فَعَلَيۡهِ كُفۡرُهُۥۖ وَلَا يَزِيدُ ٱلۡكَٰفِرِينَ كُفۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ إِلَّا مَقۡتٗاۖ وَلَا يَزِيدُ ٱلۡكَٰفِرِينَ كُفۡرُهُمۡ إِلَّا خَسَارٗا ٣٩

Huwal-ladhī ja'alakum khalā'ifa fil-ardi faman kafara fa'alayhi kufruhū walā yazīdul-kāfirīna kufruhum 'inda rabbihim illā maqtan walā yazīdul-kāfirīna kufruhum illā khasārā

39. Waa Isaga 'Alle' Kan idinka dhigay kuwo dhulka ku tarma ee isaga dambeeya, ee qofkii gaalooba isagay u daran tahay gaalnimadiisu. Uma kordhiso gaalada gaalnimadooda Rabbigood agtiis waxaan nac aheyn, oo uma kordhiso gaalada gaalnimadooda waxaan khasaaro aheyn.

قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ شُرَكَآءَكُمُ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَرُونِي مَاذَا خَلَقُواْ مِنَ ٱلۡأَرۡضِ أَمۡ لَهُمۡ شِرۡكٞ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ أَمۡ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ كِتَٰبٗا فَهُمۡ عَلَىٰ بَيِّنَتٖ مِّنۡهُۚ بَلۡ إِن يَعِدُ ٱلظَّٰلِمُونَ بَعۡضُهُم بَعۡضًا إِلَّا غُرُورًا ٤٠

Qul ara'aytum shurakā'akumul-ladhīna tad'ūna min dūnillāhi arūnī mādhā khalaqū minal-ardi am lahum shirkun fis-samāwāti am ātaynāhum kitāban fahum 'alā bayyinatim minhu bal in ya'iduz-zālimūna ba'duhum ba'dan illā ghurūrā

40. Dheh: Bal ka warrama ilaahyada aad (Alle) shurukada uga dhigtaan, kuwaasoo aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi, i tusa wax arlada ka mid ah ay abuureen, mise ma waxay ku leeyihiin wax saami ah samooyinka? Mise ma waxaan siinnay Kitaab sidaa awgeed ay raacaan xujo cad Xaggiisa ah? Mayee’ daalimiinta uma ballan qaadaan qaarkoodba qaar kale waxaan uun hoditaan aheyn.

۞ إِنَّ ٱللَّهَ يُمۡسِكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ أَن تَزُولَاۚ وَلَئِن زَالَتَآ إِنۡ أَمۡسَكَهُمَا مِنۡ أَحَدٖ مِّنۢ بَعۡدِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ كَانَ حَلِيمًا غَفُورٗا ٤١

Innallāha yumsikus-samāwāti wal-arda an tazūlā wala'in zālatā in amsakahumā min ahadim mim ba'dihī innahū kāna halīman ghafūrā

41. Alle baa ka haya samooyinka iyo arlada inay ka gilgashaan (tagaan) halkooda, hadday gilgashaanna, ma jiro mid qaban kara oo Isaga ka dambeeya. Hubaal Alle waa Dul-qaadasho Badne, Denbi Dhaaf Badan.

وَأَقۡسَمُواْ بِٱللَّهِ جَهۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡ لَئِن جَآءَهُمۡ نَذِيرٞ لَّيَكُونُنَّ أَهۡدَىٰ مِنۡ إِحۡدَى ٱلۡأُمَمِۖ فَلَمَّا جَآءَهُمۡ نَذِيرٞ مَّا زَادَهُمۡ إِلَّا نُفُورًا ٤٢

Wa aqsamū billāhi jahda aymānihim la in jā'ahum nadhīrul layakūnunna ahdā min ihdal-umami falammā jā'ahum nadhīrum mā zādahum illā nufūrā

42. Waxay ku dhaarteen Alle kan ugu culus dhaarahooda; in hadduu u yimaado dige ay ahaanayaan kuwa ka sii hanuunsan ummadahii kale oo dhan (ee ka horreeyey), markase uu u yimid dige (Nabi Muxammad), uma kordhin waxaan didmo aheyn.

ٱسۡتِكۡبَارٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَكۡرَ ٱلسَّيِّيِٕۚ وَلَا يَحِيقُ ٱلۡمَكۡرُ ٱلسَّيِّئُ إِلَّا بِأَهۡلِهِۦۚ فَهَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّا سُنَّتَ ٱلۡأَوَّلِينَۚ فَلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ ٱللَّهِ تَبۡدِيلٗاۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّتِ ٱللَّهِ تَحۡوِيلًا ٤٣

Istikbāran fil-ardi wamakras-sayyiy'i walā yahīqul-makrus-sayyi'u illā bi ahlihī fahal yanzurūna illā sunnatal-awwalīna falan tajida lisunnatillāhi tabdīlan walan tajida lisunnatillāhi tahwīlā

43. Isla weyni ay ku kibraan arlada iyo sameyn dhagar xun. Dhagarta xumina kuma dhacdo cidna aan ahayn kuwa soo abaabula. Ma waxay sugayaan wax kale aan aheyn waddadii (aayihii) kuwii hore? Ma heleysid wax beddela Xeerka Alle; mana heleysid wax wareejiya Xeerka Alle.

أَوَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ وَكَانُوٓاْ أَشَدَّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُعۡجِزَهُۥ مِن شَيۡءٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَلِيمٗا قَدِيرٗا ٤٤

Awalam yasīrū fil-ardi fayanzurū kayfa kāna 'āqibatul-ladhīna min qablihim wakānū ashadda minhum quwwatan wamā kānallāhu liyu'jizahū min shay'in fis-samāwāti walā fil-ardi innahū kāna 'alīman qadīrā

44. Miyaanay marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey (ee beeniyey Rusushii Alle), kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan kuwakani awood ahaan? Ma jiro wax Alle ka baxsan kara oo jooga samooyinka ama arlada midna. Hubaal Alle waa wax kasta Oge, wax walba Kara.

وَلَوۡ يُؤَاخِذُ ٱللَّهُ ٱلنَّاسَ بِمَا كَسَبُواْ مَا تَرَكَ عَلَىٰ ظَهۡرِهَا مِن دَآبَّةٖ وَلَٰكِن يُؤَخِّرُهُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗىۖ فَإِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِعِبَادِهِۦ بَصِيرَۢا ٤٥

Walaw yu'ākhidhullāhun-nāsa bimā kasabū mā taraka 'alā zahrihā min dābbatin walākin yu'akkhiruhum ilā ajalim musamman fa idhā jā'a ajaluhum fa innallāha kāna bi'ibādihī basīrā

45. Hadduu Alle u qaban lahaa dadka waxay kasbadaan (oo denbiyo ah), kagama tageen (arlada) korkeeda nafley dhul ku socod ah, wuxuuse u dib dhigaa ilaa muddo magacaaban, markase uu ajalkooda yimaado, hubaal Alle wuu arkaa xaalka addoomahiisa .

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Fatir?

Suuradda Fatir waxay leedahay 45 aayadood. Waa suuradda 35 ee Qur'aanka.

Suuradda Fatir ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Fatir waa suurad Makki ah.

Suuradda Fatir juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Fatir waxay ku jirtaa juz' 22.

Ma dhageysan karaa Suuradda Fatir?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.