Suuradda Yasin, aayadda 26

36:26

قِيلَ ٱدۡخُلِ ٱلۡجَنَّةَۖ قَالَ يَٰلَيۡتَ قَوۡمِي يَعۡلَمُونَ ٢٦

Qīladkhulil-jannata qāla yālayta qawmī ya'lamūn

26. Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan 5.

Faallooyin hoose

5. Ninkaa waxaa la odhan jirey Xabiib oo ahaa geed qore, sidaas darteed baa waxaa loo yiqiin Xabiib Al-Najjaar. Inta aysan nafta ka bixin waxaa soo degay malaa’ig ugu bishaaraysay in loo dhaafay dhammaan dunuubtiisa oo uu geli doono Jannada. Magaaladaas waxay ahayd Antaakiya.