Suuradda Sad ص

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

صٓۚ وَٱلۡقُرۡءَانِ ذِي ٱلذِّكۡرِ ١

Sād wal-qur'āni dhidh-dhikr

1. Saad 1, Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka sharafta leh ee waanada badan 2.

بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي عِزَّةٖ وَشِقَاقٖ ٢

Balil-ladhīna kafarū fī 'izzatin washiqāq

2. Kuwase gaalada ahi waxay ku sugan yihiin qabwayni iyo collaytan (xaq diiddo).

كَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَبۡلِهِم مِّن قَرۡنٖ فَنَادَواْ وَّلَاتَ حِينَ مَنَاصٖ ٣

Kam ahlaknā min qablihim min qarnin fanādaw wwalāta hīna manās

3. Badanaa intaan halaagnay hortood facyo (Xaqa beeniyey), markaasay calaacaleen (oo tawbad keeneen) goor calaalal (tawbad keen la aqbalayn), lagana baxsan karin (Cadaabka Alle).

وَعَجِبُوٓاْ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٞ مِّنۡهُمۡۖ وَقَالَ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا سَٰحِرٞ كَذَّابٌ ٤

Wa'ajibū an jā'ahum mundhirum minhum waqālal-kāfirūna hādhā sāhirun kaddhāb

4. Waxay la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu waa saaxir, beenaale.

أَجَعَلَ ٱلۡأٓلِهَةَ إِلَٰهٗا وَٰحِدًاۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيۡءٌ عُجَابٞ ٥

Aja'alal-ālihata ilāhan wāhidan inna hādhā lashay'un 'ujāb

5. Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii Ilaah Keliya? Waxakani waa wax la yaab leh.

وَٱنطَلَقَ ٱلۡمَلَأُ مِنۡهُمۡ أَنِ ٱمۡشُواْ وَٱصۡبِرُواْ عَلَىٰٓ ءَالِهَتِكُمۡۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيۡءٞ يُرَادُ ٦

Wantalaqal-mala'u minhum animshū wasbirū 'alā ālihatikum inna hādhā lashay'un yurād

6. Odayaashii ka mid ahaana way soo baxeen (iyagoo ku leh dadkoodii): Socda, oo ku samra oo sugnaada ilaahyadiinna. (arrin)kani waa wax laynala dooni 3.

مَا سَمِعۡنَا بِهَٰذَا فِي ٱلۡمِلَّةِ ٱلۡأٓخِرَةِ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا ٱخۡتِلَٰقٌ ٧

Mā sami'nā bihādhā fil-millatil-ākhirati in hādhā illakhtilāq

7. Weligayo kuma aanu maqal (arrin)kan oo kale diintii kale 4. (Arrin)kani ma aha waxaan aheyn been abuur.

أَءُنزِلَ عَلَيۡهِ ٱلذِّكۡرُ مِنۢ بَيۡنِنَاۚ بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ مِّن ذِكۡرِيۚ بَل لَّمَّا يَذُوقُواْ عَذَابِ ٨

A'unzila 'alayhidh-dhikru mim bayninā bal hum fī shakkim min dhikrī bal lammā yadhūqū 'adhāb

8. Ma waxaa lagu soo dejiyey Qur’aanka isagoo (Muxammad) na dhex jooga? Mayee waxay ka shakisan yihiin Waanadeyda. Mayee, wali ma aysan dhadhamin Cadaabkayga.

أَمۡ عِندَهُمۡ خَزَآئِنُ رَحۡمَةِ رَبِّكَ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡوَهَّابِ ٩

Am 'indahum khazā'inu rahmati rabbikal-'azīzil-wahhāb

9. Mise ma waxay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, Adkaadaha Sare, Deeqsiga ah aad wax u bixiya?

أَمۡ لَهُم مُّلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَاۖ فَلۡيَرۡتَقُواْ فِي ٱلۡأَسۡبَٰبِ ١٠

Am lahum mulkus-samāwāti wal-ardi wamā baynahumā falyartaqū fil-asbāb

10. Mise ma waxay leeyihiin Mulkiga (iyo maamulka) cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Ee ha u koreen salaanno xagga 'samada hadday karaan' 5.

جُندٞ مَّا هُنَالِكَ مَهۡزُومٞ مِّنَ ٱلۡأَحۡزَابِ ١١

Jundum mā hunālika mahzūmum minal-ahzāb

11. Ciidanka halkaas jooga (gaalada) waa xisbiyo 6 la jabin (lagana adkaan).

كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ وَعَادٞ وَفِرۡعَوۡنُ ذُو ٱلۡأَوۡتَادِ ١٢

Kaddhabat qablahum qawmu nūhin wa'ādun wafir'awnu dhul-awtād

12. Waxaa beeniyey (Rususha) iyaga hortood qoladii Nuux, Caad iyo Fircoon ee lahaa boqortooyo xoog leh 7.

وَثَمُودُ وَقَوۡمُ لُوطٖ وَأَصۡحَٰبُ لۡـَٔيۡكَةِۚ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلۡأَحۡزَابُ ١٣

Wathamūdu waqawmu lūtin wa ashābu l'aykati ulā'ikal-ahzāb

13. Iyo Thamuud iyo qoladii Luud, iyo reer howdkii (loo diray Nabi Shucayb), kuwaa bay ahaayeen xisbiyada.

إِن كُلٌّ إِلَّا كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ عِقَابِ ١٤

In kullun illā kaddhabar-rusula fahaqqa 'iqāb

14. Ma jiro mid iyaga ka mid ah oo aan beenin Rususha, Markaasay xaq noqotay cadaabi inay ku dhacdo.

وَمَا يَنظُرُ هَٰٓؤُلَآءِ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ مَّا لَهَا مِن فَوَاقٖ ١٥

Wamā yanzuru hā'ulā'i illā sayhatan wāhidatam mā lahā min fawāq

15. Kuwaana (gaaladani) ma sugayaan waxaan aheyn hal Qeylo aanan daah lahayn iyo dib u dhac midna 8.

وَقَالُواْ رَبَّنَا عَجِّل لَّنَا قِطَّنَا قَبۡلَ يَوۡمِ ٱلۡحِسَابِ ١٦

Waqālū rabbanā 'ajjil lanā qittanā qabla yawmil-hisāb

16. Waxayna yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo soo dedeji saamigayaga (ciqaabka ) ka hor Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).

ٱصۡبِرۡ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱذۡكُرۡ عَبۡدَنَا دَاوُۥدَ ذَا ٱلۡأَيۡدِۖ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ ١٧

Isbir 'alā mā yaqūlūna wadhkur 'abdanā dāwūda dhal-aydi innahū awwāb

17. U samir (adkeyso) waxay leeyihiin, xusuusona addoonkayaga Daawuud, ee xoogga iyo kartida lahaa. Wuxuu ahaa mid (Alle) u soo noqda, tawbad keen badan .

إِنَّا سَخَّرۡنَا ٱلۡجِبَالَ مَعَهُۥ يُسَبِّحۡنَ بِٱلۡعَشِيِّ وَٱلۡإِشۡرَاقِ ١٨

Innā sakkharnal-jibāla ma'ahū yusabbihna bil-'ashiyyi wal-ishrāq

18. Waxaanu u sakhirnay buuraha inay kula tasbiixsadaan (Alle) ammaan iyo mahdin galab dhaca iyo qorrax soo baxaba.

وَٱلطَّيۡرَ مَحۡشُورَةٗۖ كُلّٞ لَّهُۥٓ أَوَّابٞ ١٩

Wat-tayra mahshūratan kullul lahū awwāb

19. Iyo shimbiraha la soo kulunshay wada jir, dhammaan la qaadaan 'Alle' ammaanka.

وَشَدَدۡنَا مُلۡكَهُۥ وَءَاتَيۡنَٰهُ ٱلۡحِكۡمَةَ وَفَصۡلَ ٱلۡخِطَابِ ٢٠

Washadadnā mulkahū wa ātaynāhul-hikmata wafaslal-khitāb

20. Waana adkaynay boqortooyadiisa, Waxaanuna siinnay Xikmad (Nabinnimo) iyo garsoor wanaagsan.

۞ وَهَلۡ أَتَىٰكَ نَبَؤُاْ ٱلۡخَصۡمِ إِذۡ تَسَوَّرُواْ ٱلۡمِحۡرَابَ ٢١

Wahal atāka naba'ul-khasmi idh tasawwarul-mihrāb

21. Ma ku soo gaaray warka dood qabayaa- shii, markay Mixraabka ugu soo dhaceen.

إِذۡ دَخَلُواْ عَلَىٰ دَاوُۥدَ فَفَزِعَ مِنۡهُمۡۖ قَالُواْ لَا تَخَفۡۖ خَصۡمَانِ بَغَىٰ بَعۡضُنَا عَلَىٰ بَعۡضٖ فَٱحۡكُم بَيۡنَنَا بِٱلۡحَقِّ وَلَا تُشۡطِطۡ وَٱهۡدِنَآ إِلَىٰ سَوَآءِ ٱلصِّرَٰطِ ٢٢

Idh dakhalū 'alā dāwūda fafazi'a minhum qālū lā takhaf khasmāni baghā ba'dunā 'alā ba'din fahkum baynanā bil-haqqi walā tushtit wahdinā ilā sawā'is-sirāt

22. U soo galeen Daawuud, markaasuu (is)ku naxay; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan! (waxaanu nahay) labo dood qabta, uu midkayo ku gardarrooday midka kale, sidaa darteed noogu kala garsoor si caddaalad ah, iskana jir gar eexo, oo nagu hanuuni jidka toosan (xaqa).

إِنَّ هَٰذَآ أَخِي لَهُۥ تِسۡعٞ وَتِسۡعُونَ نَعۡجَةٗ وَلِيَ نَعۡجَةٞ وَٰحِدَةٞ فَقَالَ أَكۡفِلۡنِيهَا وَعَزَّنِي فِي ٱلۡخِطَابِ ٢٣

Inna hādhā akhī lahū tis'un watis'ūna na'jatan waliya na'jatun wāhidatun faqāla akfilnīhā wa'azzanī fil-khitāb

23. Kani waa walaalkay; wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan ido ah, halkaan anigu leeyahay lax keliya. Wuxuuna yidhi: i sii iyadana, waana iga dood adkaaday.

قَالَ لَقَدۡ ظَلَمَكَ بِسُؤَالِ نَعۡجَتِكَ إِلَىٰ نِعَاجِهِۦۖ وَإِنَّ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلۡخُلَطَآءِ لَيَبۡغِي بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٍ إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَقَلِيلٞ مَّا هُمۡۗ وَظَنَّ دَاوُۥدُ أَنَّمَا فَتَنَّٰهُ فَٱسۡتَغۡفَرَ رَبَّهُۥ وَخَرَّۤ رَاكِعٗاۤ وَأَنَابَ۩ ٢٤

Qāla laqad zalamaka bisu'āli na'jatika ilā ni'ājihī wa inna kathīram minal-khulatā'i layabghī ba'duhum 'alā ba'din illal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti waqalīlum mā hum wazanna dāwūdu annamā fatannāhu fastaghfara rabbahū wakharra rāki'an wa anāb

24. (Daawuud) wuxuu yidhi: Waa uu kugu dulmiyey ku weydiisigiisa laxdaada si uu ugu darsado idahiisa. In badanna oo kuwa wax isku darsada ahi way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mooyee, aad bayna u yar yihiin kuwaasu. Wuxuu Daawuud gartay inaan imtixaannay, markaasuu ka dalbay Denbi Dhaaf Rabbigi oo la dhacay rukuuc (sujuud), una soo noqday 'Alle" 9 isagoo tawbad keen ah.

فَغَفَرۡنَا لَهُۥ ذَٰلِكَۖ وَإِنَّ لَهُۥ عِندَنَا لَزُلۡفَىٰ وَحُسۡنَ مَـَٔابٖ ٢٥

Faghafarnā lahū dhālika wa inna lahū 'indanā lazulfā wahusna ma'āb

25.Markaasaan u denbi dhaafnay, wuxuuna Agtayada ku leeyahay dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan (Aakhirada).

يَٰدَاوُۥدُ إِنَّا جَعَلۡنَٰكَ خَلِيفَةٗ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱحۡكُم بَيۡنَ ٱلنَّاسِ بِٱلۡحَقِّ وَلَا تَتَّبِعِ ٱلۡهَوَىٰ فَيُضِلَّكَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَضِلُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدُۢ بِمَا نَسُواْ يَوۡمَ ٱلۡحِسَابِ ٢٦

Yādāwūdu innā ja'alnāka khalīfatan fil-ardi fahkum baynan-nāsi bil-haqqi walā tattabi'il-hawā fayudillaka 'an sabīlillāhi innal-ladhīna yadillūna 'an sabīlillāhi lahum 'adhābun shadīdu bimā nasū yawmal-hisāb

26. Daawuudow! Waxaan kaaga dhignay taliye dhulka, ee ku kala xukun dadka si xaq ah, hana raacin hawadaada - si ayan kaaga lumin Jidka Alle (Islaamka). Kuwa ka luma Jidka Alle waxay leeyihiin cadaab daran, illowgooda Maalinta Xisaabta (Qiyaamada) darteed.

وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَآءَ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا بَٰطِلٗاۚ ذَٰلِكَ ظَنُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۚ فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنَ ٱلنَّارِ ٢٧

Wamā khalaqnas-samā'a wal-arda wamā baynahumā bātilan dhālika zannul-ladhīna kafarū fawaylul lilladhīna kafarū minan-nār

27. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya ujeeddo la’aan. Sidaasu waa malaha gaalada. Ee hoog baa u sugnaaday gaalada xagga Naarta ah.

أَمۡ نَجۡعَلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ كَٱلۡمُفۡسِدِينَ فِي ٱلۡأَرۡضِ أَمۡ نَجۡعَلُ ٱلۡمُتَّقِينَ كَٱلۡفُجَّارِ ٢٨

Am naj'alul-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti kal-mufsidīna fil-ardi am naj'alul-muttaqīna kal-fujjār

28. Mise ma waxaanu la mid yeeli kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala sida kuwa ku fala fasahaad arlada? mise ma waxaanu la mid yeeli kuwa iska jira xumaha sida faajiriinta?

كِتَٰبٌ أَنزَلۡنَٰهُ إِلَيۡكَ مُبَٰرَكٞ لِّيَدَّبَّرُوٓاْ ءَايَٰتِهِۦ وَلِيَتَذَكَّرَ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ ٢٩

Kitābun anzalnāhu ilayka mubārakul liyaddabbarū āyātihī waliyatadhakkara ulul-albāb

29. (Kani Qur'aanku) waa Kitaab aan kugu soo dejinnay (Nabiyow) barako badan si ay uga fiirsadaan Aayadihiisa oo wax garadku ugu waantoobaan.

وَوَهَبۡنَا لِدَاوُۥدَ سُلَيۡمَٰنَۚ نِعۡمَ ٱلۡعَبۡدُ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٌ ٣٠

Wawahabnā lidāwūda sulaymāna ni'mal-'abdu innahū awwāb

30. Waxaan Daawuud siinnay Sulaymaan. Wacanaa addoonku. Wuxuu ahaa mid Alle u soo noqda (oo tawbad keen badan).

إِذۡ عُرِضَ عَلَيۡهِ بِٱلۡعَشِيِّ ٱلصَّٰفِنَٰتُ ٱلۡجِيَادُ ٣١

Idh 'urida 'alayhi bil-'ashiyyis-sāfinātul-jiyād

31. (Xus) marka loo soo bandhigay goor galab ah (fardo) sugan markay taagan yihiin, dheereeya markay ordayaan -

فَقَالَ إِنِّيٓ أَحۡبَبۡتُ حُبَّ ٱلۡخَيۡرِ عَن ذِكۡرِ رَبِّي حَتَّىٰ تَوَارَتۡ بِٱلۡحِجَابِ ٣٢

Faqāla innī ahbabtu hubbal-khayri 'an dhikri rabbī hattā tawārat bil-hijāb

32. Markaasuu wuxuu yidhi: Ma waxaan ka door biday maal adduunyo xuska Rabbigay ilaa ay dhacday qorraxdii.

رُدُّوهَا عَلَيَّۖ فَطَفِقَ مَسۡحَۢا بِٱلسُّوقِ وَٱلۡأَعۡنَاقِ ٣٣

Ruddūhā 'alayya fatafiqa mashā bis-sūqi wal-a'nāq

33. Ii soo celiya, markaasuu wuxuu billaabay inuu ka masaxo addimmada iyo luqumahooda 10.

وَلَقَدۡ فَتَنَّا سُلَيۡمَٰنَ وَأَلۡقَيۡنَا عَلَىٰ كُرۡسِيِّهِۦ جَسَدٗا ثُمَّ أَنَابَ ٣٤

Walaqad fatannā sulaymāna wa alqaynā 'alā kursiyyihī jasadan thumma anāb

34. Waxaanu dhab ahaan imtixaannay Sulaymaan, oo ku tuurnay kursigiisii oogo, markaasuu 'u' soo laabtay 'Alle' 11.

قَالَ رَبِّ ٱغۡفِرۡ لِي وَهَبۡ لِي مُلۡكٗا لَّا يَنۢبَغِي لِأَحَدٖ مِّنۢ بَعۡدِيٓۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡوَهَّابُ ٣٥

Qāla rabbighfir lī wahab lī mulkal lā yambaghī li ahadim mim ba'dī innaka antal-wahhāb

35. Wuxuu yidhi : Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf oo i sii boqortooyo aan ku habbooneyn (inuu dhaxlo) cid iga dambeysa. Adigaa Bixin Badane ahe.

فَسَخَّرۡنَا لَهُ ٱلرِّيحَ تَجۡرِي بِأَمۡرِهِۦ رُخَآءً حَيۡثُ أَصَابَ ٣٦

Fasakkharnā lahur-rīha tajrī bi amrihī rukhā'an haythu asāb

36. Markaasaan u sakhirnay dabeysha, oo ku soconeysey amarkiisa iyadoo nugul meeshuu doonaba,

وَٱلشَّيَٰطِينَ كُلَّ بَنَّآءٖ وَغَوَّاصٖ ٣٧

Wash-shayātīna kulla bannā'in waghawwās

37. Iyo shaydaammada, mid walboo wax dhisa iyo mid quusa.

وَءَاخَرِينَ مُقَرَّنِينَ فِي ٱلۡأَصۡفَادِ ٣٨

Wa ākharīna muqarranīna fil-asfād

38. Iyo kuwo kaloo ku xirxiran silsilado.

هَٰذَا عَطَآؤُنَا فَٱمۡنُنۡ أَوۡ أَمۡسِكۡ بِغَيۡرِ حِسَابٖ ٣٩

Hādhā 'atā'unā famnun aw amsik bighayri hisāb

39. Kani waa siismadeenna ee bixi waxaad doonto ama hayso xisaab la’aan.

وَإِنَّ لَهُۥ عِندَنَا لَزُلۡفَىٰ وَحُسۡنَ مَـَٔابٖ ٤٠

Wa inna lahū 'indanā lazulfā wahusna ma'āb

40. Wuxuu (Sulaymaan) ku leeyahay Agtayada dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan (Janno).

وَٱذۡكُرۡ عَبۡدَنَآ أَيُّوبَ إِذۡ نَادَىٰ رَبَّهُۥٓ أَنِّي مَسَّنِيَ ٱلشَّيۡطَٰنُ بِنُصۡبٖ وَعَذَابٍ ٤١

Wadhkur 'abdanā ayyūba idh nādā rabbahū annī massaniyash-shaytānu binusbin wa'adhāb

41. Xus addoonkayaga Ayyuub, markuu u dhawaaqay (baryey) Rabbigi (isagoo leh): Wuxuu Shaydaan igu taabtay dhib iyo xanuun 12.

ٱرۡكُضۡ بِرِجۡلِكَۖ هَٰذَا مُغۡتَسَلُۢ بَارِدٞ وَشَرَابٞ ٤٢

Urkud birijlika hādhā mughtasalu bāridun washarāb

42. (Waxaanu ku nidhi): Ku garaac (dhulka) lugtaada; tani (waa il leh) meyrasho qabow iyo cabbitaan.

وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ أَهۡلَهُۥ وَمِثۡلَهُم مَّعَهُمۡ رَحۡمَةٗ مِّنَّا وَذِكۡرَىٰ لِأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ ٤٣

Wawahabnā lahū ahlahū wamithlahum ma'ahum rahmatam minnā wadhikrā li ulil-albāb

43. Waxaanu siinnay ehelkii uu beelay, iyo kuwo la mid ah oo la jira, Naxariis Xaggayaga ah, waanona u ah wax garadka.

وَخُذۡ بِيَدِكَ ضِغۡثٗا فَٱضۡرِب بِّهِۦ وَلَا تَحۡنَثۡۗ إِنَّا وَجَدۡنَٰهُ صَابِرٗاۚ نِّعۡمَ ٱلۡعَبۡدُ إِنَّهُۥٓ أَوَّابٞ ٤٤

Wakhudh biyadika dighthan fadrib bihī walā tahnath innā wajadnāhu sābiran ni'mal-'abdu innahū awwāb

44. (Waxaanu nidhi): Ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar yar ah oo ku dhufo hal mar oo ha jabin dhaartaada 13; waxaanu hellay inuu yahay samir badne. Wacanaa addoonku, wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo noqda (oo tawbad keen badan).

وَٱذۡكُرۡ عِبَٰدَنَآ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ أُوْلِي ٱلۡأَيۡدِي وَٱلۡأَبۡصَٰرِ ٤٥

Wadhkur 'ibādanā ibrāhīma wa ishāqa waya'qūba ulil-aydī wal-absār

45. Xus addoomahayaga Ibraahiim iyo Isxaaq iyo Yacquub, ee ku xoog badnaa (daacada Alle) kuna arag dheeraa (diinta).

إِنَّآ أَخۡلَصۡنَٰهُم بِخَالِصَةٖ ذِكۡرَى ٱلدَّارِ ٤٦

Innā akhlasnāhum bikhālisatin dhikrad-dār

46. Waxaanu xaqiiq ku gaar yeelnay tilmaan wanaagsan xusuusnaanta Daarta (Aakhiro).

وَإِنَّهُمۡ عِندَنَا لَمِنَ ٱلۡمُصۡطَفَيۡنَ ٱلۡأَخۡيَارِ ٤٧

Wa innahum 'indanā laminal-mustafaynal-akhyār

47. Waxayna xaqiiq iyagu ka mid yihiin agtannada xulka akhyaarta ah.

وَٱذۡكُرۡ إِسۡمَٰعِيلَ وَٱلۡيَسَعَ وَذَا ٱلۡكِفۡلِۖ وَكُلّٞ مِّنَ ٱلۡأَخۡيَارِ ٤٨

Wadhkur ismā'īla wal-yasa'a wadhal-kifli wakullum minal-akhyār

48. Oo xus Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Dul-Kifil, dhammaan waxay ka mid yihiin akhyaarta.

هَٰذَا ذِكۡرٞۚ وَإِنَّ لِلۡمُتَّقِينَ لَحُسۡنَ مَـَٔابٖ ٤٩

Hādhā dhikrun wa inna lil-muttaqīna lahusna ma'āb

49. Kani (Qur'aanku) waa waano (sharaf iyo darajo), waxayna leeyihiin kuwa iska jira (xumaha) meeqaan iyo meel noqod san.

جَنَّٰتِ عَدۡنٖ مُّفَتَّحَةٗ لَّهُمُ ٱلۡأَبۡوَٰبُ ٥٠

Jannāti 'adnim mufattahatal lahumul-abwāb

50. Jannada cadni (beero negaan) loo furay Albaabadooda.

مُتَّكِـِٔينَ فِيهَا يَدۡعُونَ فِيهَا بِفَٰكِهَةٖ كَثِيرَةٖ وَشَرَابٖ ٥١

Muttaki'īna fīhā yad'ūna fīhā bifākihatin kathīratin washarāb

51. Waxay ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) korreeya iyagoo u yeedhan midho tiro badan iyo cabbitaan (macaan).

۞ وَعِندَهُمۡ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ أَتۡرَابٌ ٥٢

Wa'indahum qāsirātut-tarfi atrāb

52. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon, ku kooba araggooda (nimankooda), oo isku fil (da' ah).

هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِيَوۡمِ ٱلۡحِسَابِ ٥٣

Hādhā mā tū'adūna liyawmil-hisāb

53. Kani waa waxa la idiin yaboohay Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).

إِنَّ هَٰذَا لَرِزۡقُنَا مَا لَهُۥ مِن نَّفَادٍ ٥٤

Inna hādhā larizqunā mā lahū min nafād

54.Kani (barwaaqada iyo baraarahan) waa risiqayaga (la idiin yaboohay Qiyaamada) aan dhammaaneyn weligii.

هَٰذَاۚ وَإِنَّ لِلطَّٰغِينَ لَشَرَّ مَـَٔابٖ ٥٥

Hādhā wa inna lit-tāghīna lasharra ma'āb

55. Waa sidaase! Xadgudbayaashana waxaa xaqiiq sugaya rug laabasho xun.

جَهَنَّمَ يَصۡلَوۡنَهَا فَبِئۡسَ ٱلۡمِهَادُ ٥٦

Jahannama yaslawnahā fabi'sal-mihād

56. Jahannama yay geli oo ku guban, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo.

هَٰذَا فَلۡيَذُوقُوهُ حَمِيمٞ وَغَسَّاقٞ ٥٧

Hādhā falyadhūqūhu hamīmun waghassāq

57. Waa sidaase! Ee ha dhadhamiyeen, biyo kulul oo karkaraya iyo malax qurmuun.

وَءَاخَرُ مِن شَكۡلِهِۦٓ أَزۡوَٰجٌ ٥٨

Wa ākharu min shaklihī azwāj

58. Iyo (cadaab) kaloo la cayn ah oo noocyo kala duwan ah.

هَٰذَا فَوۡجٞ مُّقۡتَحِمٞ مَّعَكُمۡ لَا مَرۡحَبَۢا بِهِمۡۚ إِنَّهُمۡ صَالُواْ ٱلنَّارِ ٥٩

Hādhā fawjum muqtahimum ma'akum lā marhabā bihim innahum sālun-nār

59. Kani waa guuto idinla soo gali Naarta. Ma jirto iyagu soo dhoweyn ay leeyihiin! Hubaal, waxay ku guban oo gamaari Naarta.

قَالُواْ بَلۡ أَنتُمۡ لَا مَرۡحَبَۢا بِكُمۡۖ أَنتُمۡ قَدَّمۡتُمُوهُ لَنَاۖ فَبِئۡسَ ٱلۡقَرَارُ ٦٠

Qālū bal antum lā marhabā bikum antum qaddamtumūhu lanā fabi'sal-qarār

60. Waxay ku odhan (madaxdoodii): Balse idinka ma jirto soo dhoweyn aad leedihiin! Idinkaa noo keenay 'cadaabkan'. Ee u xumaa halkan meel la degaa.

قَالُواْ رَبَّنَا مَن قَدَّمَ لَنَا هَٰذَا فَزِدۡهُ عَذَابٗا ضِعۡفٗا فِي ٱلنَّارِ ٦١

Qālū rabbanā man qaddama lanā hādhā fazidhu 'adhāban di'fan fin-nār

61. Waxay (raciyadii) odhan: Rabbigayow! Kii noo horseeday waxakani u kordhi cadaab laban laab ah Naarta gudaheeda.

وَقَالُواْ مَا لَنَا لَا نَرَىٰ رِجَالٗا كُنَّا نَعُدُّهُم مِّنَ ٱلۡأَشۡرَارِ ٦٢

Waqālū mā lanā lā narā rijālan kunnā na'udduhum minal-ashrār

62. Waxayna (madaxdii) odhan: Maxaanu u arki la'nahay niman aanu ku tirin jirnay ehlu sharka 14?

أَتَّخَذۡنَٰهُمۡ سِخۡرِيًّا أَمۡ زَاغَتۡ عَنۡهُمُ ٱلۡأَبۡصَٰرُ ٦٣

Attakhadhnāhum sikhriyyan am zāghat 'anhumul-absār

63. Miyaan ku diganaynay (oo waan qaldaneyn), mise indhahayagaa (haatan) ka iishay oo arki waayey?

إِنَّ ذَٰلِكَ لَحَقّٞ تَخَاصُمُ أَهۡلِ ٱلنَّارِ ٦٤

Inna dhālika lahaqqun takhāsumu ahlin-nār

64. Hubaal arrinkani waa xaq aan shaki lahayn - waa doodda ehlu Naarka.

قُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ مُنذِرٞۖ وَمَا مِنۡ إِلَٰهٍ إِلَّا ٱللَّهُ ٱلۡوَٰحِدُ ٱلۡقَهَّارُ ٦٥

Qul innamā ana mundhirun wamā min ilāhin illallāhul-wāhidul-qahhār

65. Dheh (Nabiyow) anigu sideedaba waxaan ahay oo keliya dige, mana jiro ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha).

رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡغَفَّٰرُ ٦٦

Rabbus-samāwāti wal-ardi wamā baynahumal-'azīzul-ghaffār

66. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Adkaadaha Sare, Denbi Dhaafka Badan.

قُلۡ هُوَ نَبَؤٌاْ عَظِيمٌ ٦٧

Qul huwa naba'un 'azīm

67. Dheh: Kani waa dhambaal ahmiyad weyn leh.

أَنتُمۡ عَنۡهُ مُعۡرِضُونَ ٦٨

Antum 'anhu mu'ridūn

68. Oo aad idinku ka jeedsataan.

مَا كَانَ لِيَ مِنۡ عِلۡمِۭ بِٱلۡمَلَإِ ٱلۡأَعۡلَىٰٓ إِذۡ يَخۡتَصِمُونَ ٦٩

Mā kāna liya min 'ilmi bil-mala'il-a'lā idh yakhtasimūn

69. Uma lahayn wax cilmi ah kulanka sare (malaa’igta) markay doodayeen.

إِن يُوحَىٰٓ إِلَيَّ إِلَّآ أَنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٞ مُّبِينٌ ٧٠

In yūhā ilayya illā annamā ana nadhīrum mubīn

70. Waxaa uun la ii waxyooday, inaan ahay dige iska cad.

إِذۡ قَالَ رَبُّكَ لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّي خَٰلِقُۢ بَشَرٗا مِّن طِينٖ ٧١

Idh qāla rabbuka lil-malā'ikati innī khāliqu basharam min tīn

71. (Xus) markuu Rabbigaa ku yidhi ma- laa’igta: Waxaan ka abuuri aadmi dhoobo.

فَإِذَا سَوَّيۡتُهُۥ وَنَفَخۡتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُواْ لَهُۥ سَٰجِدِينَ ٧٢

Fa idhā sawwaytuhū wanafakhtu fīhi mir rūhī faqa'ū lahū sājidīn

72. Ee markaan ebyo sameyntiisa isagoo dhan oo aan ku afuufo Ruuxda (aan u abuuray), markaas ula dhaca sujuud.

فَسَجَدَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ كُلُّهُمۡ أَجۡمَعُونَ ٧٣

Fasajadal-malā'ikatu kulluhum ajma'ūn

73. Malaa’igtii way sujuudeen kulligood oo dhan.

إِلَّآ إِبۡلِيسَ ٱسۡتَكۡبَرَ وَكَانَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٧٤

Illā iblīsastakbara wakāna minal-kāfirīn

74. Ibliis maahee, wuu is kibriyey, oo noqday gaal (abaal lahayn, fallaago ah).

قَالَ يَٰٓإِبۡلِيسُ مَا مَنَعَكَ أَن تَسۡجُدَ لِمَا خَلَقۡتُ بِيَدَيَّۖ أَسۡتَكۡبَرۡتَ أَمۡ كُنتَ مِنَ ٱلۡعَالِينَ ٧٥

Qāla yā'iblīsu mā mana'aka an tasjuda limā khalaqtu biyadayya astakbarta am kunta minal-'ālīn

75. (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisow! Maxaa kuu diiday inaad u sujuuddo mid aan ku abuuray labadeyda Gacmood, miyaad isla weyn tahay, mise isla sarreysaa?

قَالَ أَنَا۠ خَيۡرٞ مِّنۡهُ خَلَقۡتَنِي مِن نَّارٖ وَخَلَقۡتَهُۥ مِن طِينٖ ٧٦

Qāla ana khayrum minhu khalaqtanī min nārin wakhalaqtahū min tīn

76. (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka khayr badan, waxaad iga abuurtay dab, isagana waxaad ka abuurtay dhoobo.

قَالَ فَٱخۡرُجۡ مِنۡهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٞ ٧٧

Qāla fakhruj minhā fa innaka rajīm

77. (Alle) wuxuu yidhi: Ka bax halkan, waxaad tahay dayro dufeysan laga fogeeyey Naxariisteyda.

وَإِنَّ عَلَيۡكَ لَعۡنَتِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلدِّينِ ٧٨

Wa inna 'alayka la'natī ilā yawmid-dīn

78. Nacaladdayda baana korkaaga ah ilaa Maalinta Is-Abaal marinta (Qiyaamada).

قَالَ رَبِّ فَأَنظِرۡنِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ ٧٩

Qāla rabbi fa anzirnī ilā yawmi yub'athūn

79. (Ibliis) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii sug ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamaha).

قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلۡمُنظَرِينَ ٨٠

Qāla fa innaka minal-munzarīn

80. (Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la sugayo (fursad la siin).

إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡوَقۡتِ ٱلۡمَعۡلُومِ ٨١

Ilā yawmil-waqtil-ma'lūm

81. Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh.

قَالَ فَبِعِزَّتِكَ لَأُغۡوِيَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٨٢

Qāla fabi'izzatika la ughwiyannahum ajma'īn

82. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Waa igu Cisa- daadee, waan dhumin dhammaantood.

إِلَّا عِبَادَكَ مِنۡهُمُ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ٨٣

Illā 'ibādaka minhumul-mukhlasīn

83. Addoomahaaga kuwooda daacadda ah maahee aan waxba kula wadaajin cibaadada.

قَالَ فَٱلۡحَقُّ وَٱلۡحَقَّ أَقُولُ ٨٤

Qāla fal-haqqu wal-haqqa aqūl

84. (Alle) wuxuu yidhi: Runtu waxaa weeye, runtaana ku hadlaaye -

لَأَمۡلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكَ وَمِمَّن تَبِعَكَ مِنۡهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٨٥

La amla'anna jahannama minka wamimman tabi'aka minhum ajma'īn

85. Waxaan hubaal ka buuxin Jahannama adiga iyo kuwooda ka mid ah oo ku raaca oo dhan.

قُلۡ مَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٖ وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُتَكَلِّفِينَ ٨٦

Qul mā as'alukum 'alayhi min ajrin wamā ana minal-mutakallifīn

86. Dheh: Idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah (gaarsiinta Dhambaalkan), mana ahi mid ka mid ah kuwa is yeel yeela (oo isku dhiba waxaan la amrin).

إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ ٨٧

In huwa illā dhikrul lil-'ālamīn

87. Ma ahana (Qur’aankani) waxaan ahayn Waano ku socota uumanka oo dhan.

وَلَتَعۡلَمُنَّ نَبَأَهُۥ بَعۡدَ حِينِۭ ٨٨

Walata'lamunna naba'ahū ba'da hīn

88. Oo xaqiiq waad ogaan doontaan warkiisa muddo yar kaddib 15.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Sad?

Suuradda Sad waxay leedahay 88 aayadood. Waa suuradda 38 ee Qur'aanka.

Suuradda Sad ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Sad waa suurad Makki ah.

Suuradda Sad juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Sad waxay ku jirtaa juz' 23.

Ma dhageysan karaa Suuradda Sad?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.