تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ ١
Tanzīlul-kitābi minallāhil-'azīzil-hakīm
1. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ ١
Tanzīlul-kitābi minallāhil-'azīzil-hakīm
1. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
إِنَّآ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ بِٱلۡحَقِّ فَٱعۡبُدِ ٱللَّهَ مُخۡلِصٗا لَّهُ ٱلدِّينَ ٢
Innā anzalnā ilaykal-kitāba bil-haqqi fa'budillāha mukhlisal lahud-dīn
2. Waxaan kuugu soo dejinnay (Nabiyow) Kitaabka (Qur’aanka) si Xaq ah. Ee caabud Alle Keliya, adigoo u daacad ah aan waxba la wadaajin cibaadada.
أَلَا لِلَّهِ ٱلدِّينُ ٱلۡخَالِصُۚ وَٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءَ مَا نَعۡبُدُهُمۡ إِلَّا لِيُقَرِّبُونَآ إِلَى ٱللَّهِ زُلۡفَىٰٓ إِنَّ ٱللَّهَ يَحۡكُمُ بَيۡنَهُمۡ فِي مَا هُمۡ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي مَنۡ هُوَ كَٰذِبٞ كَفَّارٞ ٣
Alā lillāhid-dīnul-khālisu walladhīnat-takhadhū min dūnihī awliyā'a mā na'buduhum illā liyuqarribūnā ilallāhi zulfā innallāha yahkumu baynahum fī mā hum fīhi yakhtalifūna innallāha lā yahdī man huwa kādhibun kaffār
3. Ogaada, hubaal, cibaado barax tidhan 1 aan waxba lala wadaajin cid kale waxaa Xaq u leh Alle (Keliya). Kuwase yeesha awliyo (gargaarayaal, sokeeyayaal, ay la) barbar caabudaan (iyagoo leh): Uma caabudno waxaan ahayn inay noo dhoweeyaan Alle dhowaansho. Alle baa ku kala xukumi dhexdooda waxay isku khilaafsan yihiin. Alle ma hanuuniyo been badne, gaalnimo badan.
لَّوۡ أَرَادَ ٱللَّهُ أَن يَتَّخِذَ وَلَدٗا لَّٱصۡطَفَىٰ مِمَّا يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُۚ سُبۡحَٰنَهُۥۖ هُوَ ٱللَّهُ ٱلۡوَٰحِدُ ٱلۡقَهَّارُ ٤
Llaw arādallāhu an yattakhidha waladal lastafā mimmā yakhluqu mā yashā'u subhānahū huwallāhul-wāhidul-qahhār
4. Hadduu doono Alle inuu yeesho wiil (siday leeyihiin gaalada) wuxuu ka dooran lahaa wuxuu abuuray wuxuu doono. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (xumaan). Waa Allaah, Waaxidka Keliga ah, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha).
خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۖ يُكَوِّرُ ٱلَّيۡلَ عَلَى ٱلنَّهَارِ وَيُكَوِّرُ ٱلنَّهَارَ عَلَى ٱلَّيۡلِۖ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلّٞ يَجۡرِي لِأَجَلٖ مُّسَمًّىۗ أَلَا هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡغَفَّٰرُ ٥
Khalaqas-samāwāti wal-arda bil-haqqi yukawwirul-layla 'alan-nahāri wayukawwirun-nahāra 'alal-layli wasakkharash-shamsa wal-qamara kullun yajrī li ajalim musamman alā huwal-'azīzul-ghaffār
5. Wuxuu ku abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Wuxuu habeenka ku daboolaa maalinta, maalintana ku daboolaa habeenka. Wuxuuna layliyay qorraxda iyo dayaxa. Mid walbaa wuxuu ku socdaa muddo magacaaban. Ogaada Alle waa Adkaadaha Sare, Denbi Dhaafka Badan.
خَلَقَكُم مِّن نَّفۡسٖ وَٰحِدَةٖ ثُمَّ جَعَلَ مِنۡهَا زَوۡجَهَا وَأَنزَلَ لَكُم مِّنَ ٱلۡأَنۡعَٰمِ ثَمَٰنِيَةَ أَزۡوَٰجٖۚ يَخۡلُقُكُمۡ فِي بُطُونِ أُمَّهَٰتِكُمۡ خَلۡقٗا مِّنۢ بَعۡدِ خَلۡقٖ فِي ظُلُمَٰتٖ ثَلَٰثٖۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ لَهُ ٱلۡمُلۡكُۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ فَأَنَّىٰ تُصۡرَفُونَ ٦
Khalaqakum min nafsin wāhidatin thumma ja'ala minhā zawjahā wa anzala lakum minal-an'āmi thamāniyata azwājin yakhluqukum fī butūni ummahātikum khalqam mim ba'di khalqin fī zulumātin thalāthin dhālikumullāhu rabbukum lahul-mulku lā ilāha illā huwa fa annā tusrafūn
6. Wuxuu idinka abuuray naf keliya (Aadam) kaddib ka yeelay (abuuray) lammaankiisa (Xawwaa) xaggeeda. Wuxuuna idiin soo dejiyey xoolaha siddeed nooc. Wuxuu idinku abuuraa uurarka hooyooyinkiin abuuris ka dambeysa abuuris saddex mugdi 2 dhexdood, kaas waa Allaah - Rabbigiin. Isagaa leh Boqortooyada (runta ah). Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Ee xagee baa la idiinka iilay?
إِن تَكۡفُرُواْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِيٌّ عَنكُمۡۖ وَلَا يَرۡضَىٰ لِعِبَادِهِ ٱلۡكُفۡرَۖ وَإِن تَشۡكُرُواْ يَرۡضَهُ لَكُمۡۗ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰۚ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّكُم مَّرۡجِعُكُمۡ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ ٧
In takfurū fa innallāha ghaniyyun 'ankum walā yardā li'ibādihil-kufra wa in tashkurū yardahu lakum walā taziru wāziratun wizra ukhrā thumma ilā rabbikum marji'ukum fayunabbi'ukum bimā kuntum ta'malūna innahū 'alīmu bidhātis-sudūr
7. Haddaad gaalowdaan (dadow), Allaah waa idinka deeqtoon yahay, ugamana raalli aha addoomahiisa gaalnimo. Haddaad ku mahdisaanna wuu idinka raalli noqon. Nafnana naf kale denbigeeda ma qaaddo. Waana xagga Rabbigiin meel noqodkiinnu, markaasuu idiin sheegi waxaad fali jirteen. (Alle) Wuu Ogsoon yahay waxa ku jira laabaha (dadka).
۞ وَإِذَا مَسَّ ٱلۡإِنسَٰنَ ضُرّٞ دَعَا رَبَّهُۥ مُنِيبًا إِلَيۡهِ ثُمَّ إِذَا خَوَّلَهُۥ نِعۡمَةٗ مِّنۡهُ نَسِيَ مَا كَانَ يَدۡعُوٓاْ إِلَيۡهِ مِن قَبۡلُ وَجَعَلَ لِلَّهِ أَندَادٗا لِّيُضِلَّ عَن سَبِيلِهِۦۚ قُلۡ تَمَتَّعۡ بِكُفۡرِكَ قَلِيلًا إِنَّكَ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلنَّارِ ٨
Wa idhā massal-insāna durrun da'ā rabbahū munīban ilayhi thumma idhā khawwalahū ni'matam minhu nasiya mā kāna yad'ū ilayhi min qablu waja'ala lillāhi andādal liyudilla 'an sabīlihī qul tamatta' bikufrika qalīlan innaka min ashābin-nār
8. Markay dhibi taabato aadmiga wuxuu baryaa Rabbigiis (Alle Keliya) isagoo badiya u noqodka Xaggiisa (tawbad keen ah), markase uu siiyo nicmo Xaggiisa ah, waa halmaamaa wuxuu ka baryey kal hore, wuxuuna u yeelaa shariigyo, si uu (u lumo oo aadmigana) uga lumiyo Jidkiisa. Dheh: Ku raaxeyso gaalnimadaada wax yar 3, waxaad xaqiiq ka mid tahay ehlu Naarka.
أَمَّنۡ هُوَ قَٰنِتٌ ءَانَآءَ ٱلَّيۡلِ سَاجِدٗا وَقَآئِمٗا يَحۡذَرُ ٱلۡأٓخِرَةَ وَيَرۡجُواْ رَحۡمَةَ رَبِّهِۦۗ قُلۡ هَلۡ يَسۡتَوِي ٱلَّذِينَ يَعۡلَمُونَ وَٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَۗ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ ٩
Amman huwa qānitun ānā'al-layli sājidan waqā'iman yahdharul-ākhirata wayarjū rahmata rabbihī qul hal yastawil-ladhīna ya'lamūna walladhīna lā ya'lamūna innamā yatadhakkaru ulul-albāb
9. Ma mid daacad ah tukada saacado habeenka ah isagoo sujuudsan oo taagan, ka digtoon Aakhirada oo rajeeya Naxariista Rabbigiis (miyaa la mid ah mid aan sidaasi ahayn)!? Dheh: Miyey kuwa wax og iyo kuwa aan waxba ogeyn siman yihiin? Waxaa sideedaba waantooba keliya kuwa wax garadka ah.
قُلۡ يَٰعِبَادِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ رَبَّكُمۡۚ لِلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ فِي هَٰذِهِ ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٞۗ وَأَرۡضُ ٱللَّهِ وَٰسِعَةٌۗ إِنَّمَا يُوَفَّى ٱلصَّٰبِرُونَ أَجۡرَهُم بِغَيۡرِ حِسَابٖ ١٠
Qul yā'ibādil-ladhīna āmanut-taqū rabbakum lilladhīna ahsanū fī hādhihid-dunyā hasanatun wa ardullāhi wāsi'atun innamā yuwaffas-sābirūna ajrahum bighayri hisāb
10. Dheh: Addoommahayga (Xaqa) rumeeyow, Dhowra (xilkuu idin saaray) Rabbigiin, kuwa sama fala adduunyadan, (abaalkooda) waa samaan, arlada AIlena waa waasic (ee ku caabuda Isagoo Keliya). Waxaa uun loo oofiyaa kuwa samra Abaalkooda si dhan xisaab la’aan.
قُلۡ إِنِّيٓ أُمِرۡتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱللَّهَ مُخۡلِصٗا لَّهُ ٱلدِّينَ ١١
Qul innī umirtu an a'budallāha mukhlisal lahud-dīn
11. Dheh: Waxaa la i amray inaan caabudo Alle Keliya anigoo u daacad ah aan waxba la wadaajineyn cibaadada.
وَأُمِرۡتُ لِأَنۡ أَكُونَ أَوَّلَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ ١٢
Wa umirtu li an akūna awwalal-muslimīn
12. Oo waxaa la i amray inaan ahaado kan ugu horreeya Muslimiinta (isu dhiiba Alle).
قُلۡ إِنِّيٓ أَخَافُ إِنۡ عَصَيۡتُ رَبِّي عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ ١٣
Qul innī akhāfu in 'asaytu rabbī 'adhāba yawmin 'azīm
13. Dheh: Waxaan ka cabsan haddaan ku caasiyo Rabbigey Cadaab Maalin weyn.
قُلِ ٱللَّهَ أَعۡبُدُ مُخۡلِصٗا لَّهُۥ دِينِي ١٤
Qulillāha a'budu mukhlisal lahū dīnī
14. Dheh: Alle keliyaan caabudi anigoo u daacad ah waxbana la wadaajin cibaadada.
فَٱعۡبُدُواْ مَا شِئۡتُم مِّن دُونِهِۦۗ قُلۡ إِنَّ ٱلۡخَٰسِرِينَ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ وَأَهۡلِيهِمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ أَلَا ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡخُسۡرَانُ ٱلۡمُبِينُ ١٥
Fa'budū mā shi'tum min dūnihī qul innal-khāsirīnal-ladhīna khasirū anfusahum wa ahlīhim yawmal-qiyāmati alā dhālika huwal-khusrānul-mubīn
15. Ee caabuda idinku waxaad doontaan Isaga sokadi. Dheh: Khasaare qabaayaasha waa kuwa khaasari nafahooda iyo ehelkoodaba Maalinta Qiyaamaha; ogaada, kaasi weeye khasaaraha cad.
لَهُم مِّن فَوۡقِهِمۡ ظُلَلٞ مِّنَ ٱلنَّارِ وَمِن تَحۡتِهِمۡ ظُلَلٞۚ ذَٰلِكَ يُخَوِّفُ ٱللَّهُ بِهِۦ عِبَادَهُۥۚ يَٰعِبَادِ فَٱتَّقُونِ ١٦
Lahum min fawqihim zulalum minan-nāri wamin tahtihim zulalun dhālika yukhawwifullāhu bihī 'ibādahū yā'ibādi fattaqūn
16. Waxay mudan daboollo dab Naar ah korkooda, iyo daboollo Naar ah hoostooda. Arrinkaasi waa waxa uu Alle ku cabsi geliyo addoomahiisa ee addoomahaygow iga cabsada (iskana jira xumaha).
وَٱلَّذِينَ ٱجۡتَنَبُواْ ٱلطَّٰغُوتَ أَن يَعۡبُدُوهَا وَأَنَابُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ لَهُمُ ٱلۡبُشۡرَىٰۚ فَبَشِّرۡ عِبَادِ ١٧
Walladhīnajtanabut-tāghūta an ya'budūhā wa anābū ilallāhi lahumul-bushrā fabasshir 'ibād
17. Kuwa ka fogaada inay caabudaan Daaquut 'ilaahyada beenta' 4 oo u laabta Allaah (iyagoo tawbad keen ah), waxay leeyihiin bishaaro; ee u bishaaree addoomahayga.
ٱلَّذِينَ يَسۡتَمِعُونَ ٱلۡقَوۡلَ فَيَتَّبِعُونَ أَحۡسَنَهُۥٓۚ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ هَدَىٰهُمُ ٱللَّهُۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمۡ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ ١٨
Alladhīna yastami'ūnal-qawla fayattabi'ūna ahsanahū ulā'ikal-ladhīna hadāhumullāhu wa ulā'ika hum ulul-albāb
18. Kuwa dhegaysta hadalka waanada ah oo raaca kiisa u fiican 5, kuwaa weeye (kuwa) uu Alle hanuunshay, waana kuwaa kuwa wax garadka ah.
أَفَمَنۡ حَقَّ عَلَيۡهِ كَلِمَةُ ٱلۡعَذَابِ أَفَأَنتَ تُنقِذُ مَن فِي ٱلنَّارِ ١٩
Afaman haqqa 'alayhi kalimatul-'adhābi afa'anta tunqidhu man fin-nār
19. Ma mid ay u waajibtay kelmedda cadaabka. Ma adigaa (Nabiyow) badbaadin kara mid geli Naarta.
لَٰكِنِ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ رَبَّهُمۡ لَهُمۡ غُرَفٞ مِّن فَوۡقِهَا غُرَفٞ مَّبۡنِيَّةٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ لَا يُخۡلِفُ ٱللَّهُ ٱلۡمِيعَادَ ٢٠
Lākinil-ladhīnat-taqaw rabbahum lahum ghurafum min fawqihā ghurafum mabniyyatun tajrī min tahtihal-anhāru wa'dallāhi lā yukhlifullāhul-mī'ād
20. Kuwase ka cabsada Rabbigood (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin dabaqyo sare ay ka korreeyaan dabaqyo kale loo dhisay (iyaga), oo ay webiyadu hoos qulqulaan; (Kani waa) Ballan Alle, Alle marnaba kama baxo Ballankiisa.
أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَسَلَكَهُۥ يَنَٰبِيعَ فِي ٱلۡأَرۡضِ ثُمَّ يُخۡرِجُ بِهِۦ زَرۡعٗا مُّخۡتَلِفًا أَلۡوَٰنُهُۥ ثُمَّ يَهِيجُ فَتَرَىٰهُ مُصۡفَرّٗا ثُمَّ يَجۡعَلُهُۥ حُطَٰمًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَذِكۡرَىٰ لِأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ ٢١
Alam tara annallāha anzala minas-samā'i mā'an fasalakahū yanābī'a fil-ardi thumma yukhriju bihī zar'am mukhtalifan alwānuhū thumma yahīju fatarāhu musfarran thumma yaj'aluhū hutāman inna fī dhālika ladhikrā li ulil-albāb
21. Miyaadan arag inuu Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, haddana ka yeelo inay ku socdaan dhulka iyagoo ilo ah, markaas uu ku soo bixiyo dhir kala midab ah, haddana qallalaan sidaas darteed waxaad aragtaa isagoo caddaaday oo cawlan, haddana Wuxuu ka dhigaa wax baabba’ay oo u burburay gaballo? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan waano dadka wax garadka ah.
أَفَمَن شَرَحَ ٱللَّهُ صَدۡرَهُۥ لِلۡإِسۡلَٰمِ فَهُوَ عَلَىٰ نُورٖ مِّن رَّبِّهِۦۚ فَوَيۡلٞ لِّلۡقَٰسِيَةِ قُلُوبُهُم مِّن ذِكۡرِ ٱللَّهِۚ أُوْلَٰٓئِكَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ ٢٢
Afaman sharahallāhu sadrahū lil-islāmi fahuwa 'alā nūrim mir rabbihī fawaylul lil-qāsiyati qulūbuhum min dhikrillāhi ulā'ika fī dalālim mubīn
22. Ma mid uu qalbigiisa Alle u furay islaamka sidaas darteed ku sugan Nuur xagga Rabbigi ah (baa la mid ah mid qalbi adag)? Waxaa hoog leh kuwa ay qalbiyadoodu ay yihiin adeyg xagga Xusidda Alle. Kuwaasu waxay ku sugan yihiin habow cad.
ٱللَّهُ نَزَّلَ أَحۡسَنَ ٱلۡحَدِيثِ كِتَٰبٗا مُّتَشَٰبِهٗا مَّثَانِيَ تَقۡشَعِرُّ مِنۡهُ جُلُودُ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُمۡ ثُمَّ تَلِينُ جُلُودُهُمۡ وَقُلُوبُهُمۡ إِلَىٰ ذِكۡرِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُدَى ٱللَّهِ يَهۡدِي بِهِۦ مَن يَشَآءُۚ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٍ ٢٣
Allāhu nazzala ahsanal-hadīthi kitābam mutashābiham mathāniya taqsha'irru minhu julūdul-ladhīna yakhshawna rabbahum thumma talīnu julūduhum waqulūbuhum ilā dhikrillāhi dhālika hudallāhi yahdī bihī man yashā'u waman yudlilillāhu famā lahū min hād
23. Alle wuxuu soo dejiyey hadal kan u fiican, Kitaab qaybahiisu isu eg yihiin oo soo noqnoqda 6, ay la jiriiricoodaan dubabka kuwa ka baqa Rabbigood. markaasay dubabkooda iyo qalbiyadoodu u jilcaan Xuska Alle (Qur'aanka iyo Sunnada Rasuulkiisa). Kaasi waa hanuunka Alle. Wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono, qofkuu Alle lumiyaana ma leh cid hanuunin.
أَفَمَن يَتَّقِي بِوَجۡهِهِۦ سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ وَقِيلَ لِلظَّٰلِمِينَ ذُوقُواْ مَا كُنتُمۡ تَكۡسِبُونَ ٢٤
Afaman yattaqī biwajhihī sū'al-'adhābi yawmal-qiyāmati waqīla liz-zālimīna dhūqū mā kuntum taksibūn
24. Ma mid kaga gabbada wejigiisa 7 cadaabka xun Maalinta Qiyaamaha (baa la mid ah mid aan sidaas ahayn) waxaana lagu odhan daalimiinta: Dhadhamiya waxa aad kasbateen (oo denbiyo ah).
كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَأَتَىٰهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِنۡ حَيۡثُ لَا يَشۡعُرُونَ ٢٥
Kaddhabal-ladhīna min qablihim fa atāhumul-'adhābu min haythu lā yash'urūn
25. Waxaa beeniyey (Xaqa) kuwii ka horreeyey (gaaladan), wuxuuna uga yimid cadaabku meelo aysan dreemeyn.
فَأَذَاقَهُمُ ٱللَّهُ ٱلۡخِزۡيَ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ ٢٦
Fa adhāqahumullāhul-khizya fil-hayawātid-dunyā wala'adhābul-ākhirati akbaru law kānū ya'lamūn
26. Markaasuu Alle ku dhadhansiiyey dulli noloshan adduunka, cadaabka Aakhiraana ka sii weyn; hadday ogaan lahaayen.
وَلَقَدۡ ضَرَبۡنَا لِلنَّاسِ فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ مِن كُلِّ مَثَلٖ لَّعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ ٢٧
Walaqad darabnā lin-nāsi fī hādhal-qur'āni min kulli mathalil la'allahum yatadhakkarūn
27. Waxaan dhab ahaan ugu soo qaadannay dadka Qur'aankan dhexdi tusaale nooc kasta leh inay waantoobaan.
قُرۡءَانًا عَرَبِيًّا غَيۡرَ ذِي عِوَجٖ لَّعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ ٢٨
Qur'ānan 'arabiyyan ghayra dhī 'iwajil la'allahum yattaqūn
28. Qur’aan af Carabi ah, aan wax qallooc ahi lahayn 8, si ay (xumaha uga) dhowrsadaan (oo Alle u hoggaansamaan).
ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا رَّجُلٗا فِيهِ شُرَكَآءُ مُتَشَٰكِسُونَ وَرَجُلٗا سَلَمٗا لِّرَجُلٍ هَلۡ يَسۡتَوِيَانِ مَثَلًاۚ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ٢٩
Daraballāhu mathalar rajulan fīhi shurakā'u mutashākisūna warajulan salamal lirajulin hal yastawiyāni mathalanil-hamdu lillāhi bal aktharuhum lā ya'lamūn
29. Allaah wuxuu soo qaataa tusaale: addoon ay wadaagaan niman badan oo is khilaaafsan, iyo addoon kale oo gebigiba uu wada leeyahay hal nin. Miyey labadaasu isku mid yihiin xaal ahaan? Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, badankooduse ma oga.
إِنَّكَ مَيِّتٞ وَإِنَّهُم مَّيِّتُونَ ٣٠
Innaka mayyitun wa innahum mayyitūn
30. Hubaal waad dhiman, iyaguna (sidoo kale) way dhiman.
ثُمَّ إِنَّكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ عِندَ رَبِّكُمۡ تَخۡتَصِمُونَ ٣١
Thumma innakum yawmal-qiyāmati 'inda rabbikum takhtasimūn
31. Maalinta Qiyaamahana waxaad hubaal ku doodeysaan Rabbigiin horti.
۞ فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن كَذَبَ عَلَى ٱللَّهِ وَكَذَّبَ بِٱلصِّدۡقِ إِذۡ جَآءَهُۥٓۚ أَلَيۡسَ فِي جَهَنَّمَ مَثۡوٗى لِّلۡكَٰفِرِينَ ٣٢
Faman azlamu mimman kadhaba 'alallāhi wakaddhaba bis-sidqi idh jā'ahū alaysa fī jahannama mathwal lil-kāfirīn
32. Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle (oo yidhaahda wuxuu leeyahay shuruko ama ilmo), oo beeniya Xaqa (Qur’aanka) markuu u yimid, miyaanay ugu sugneyn Naarta hoy gaalada?
وَٱلَّذِي جَآءَ بِٱلصِّدۡقِ وَصَدَّقَ بِهِۦٓ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُتَّقُونَ ٣٣
Walladhī jā'a bis-sidqi wasaddaqa bihī ulā'ika humul-muttaqūn
33. Kan se la yimid Runta (Nabi Muxammad) iyo (kan) rumeeyey, kuwaa weeye kuwa (xumaha ka) dhowrsada (ee Alle u hoggaansan).
لَهُم مَّا يَشَآءُونَ عِندَ رَبِّهِمۡۚ ذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلۡمُحۡسِنِينَ ٣٤
Lahum mā yashā'ūna 'inda rabbihim dhālika jazā'ul-muhsinīn
34. Waxay leeyihiin waxay doonaan Rabbigood agtiisa; kaasi waa abaalgudka sama falayaasha.
لِيُكَفِّرَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ أَسۡوَأَ ٱلَّذِي عَمِلُواْ وَيَجۡزِيَهُمۡ أَجۡرَهُم بِأَحۡسَنِ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٣٥
Liyukaffirallāhu 'anhum aswa'al-ladhī 'amilū wayajziyahum ajrahum bi ahsanil-ladhī kānū ya'malūn
35. Si uu Alle ugu asturo wixii xumaa ay faleen, oo u siiyo ajarkooda si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falaan.
أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِكَافٍ عَبۡدَهُۥۖ وَيُخَوِّفُونَكَ بِٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦۚ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٖ ٣٦
Alaysallāhu bikāfin 'abdahū wayukhawwifūnaka billadhīna min dūnihī waman yudlilillāhu famā lahū min hād
36. Miyuusan Alle ahayn mid ku Filan addoonkiisa? Waxayna kugu cabsi geliyaan kuwa ay sokadi (caabudaan). Qofkuu Alle lumiyo, ma leh wax hanuunin.
وَمَن يَهۡدِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِن مُّضِلٍّۗ أَلَيۡسَ ٱللَّهُ بِعَزِيزٖ ذِي ٱنتِقَامٖ ٣٧
Waman yahdillāhu famā lahū mim mudillin alaysallāhu bi'azīzin dhintiqām
37. Qofkuu hanuuniyona ma jiro wax lumin kara. Miyuusan Alle ahayn Adkaade, Aargudasho leh?
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۚ قُلۡ أَفَرَءَيۡتُم مَّا تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ إِنۡ أَرَادَنِيَ ٱللَّهُ بِضُرٍّ هَلۡ هُنَّ كَٰشِفَٰتُ ضُرِّهِۦٓ أَوۡ أَرَادَنِي بِرَحۡمَةٍ هَلۡ هُنَّ مُمۡسِكَٰتُ رَحۡمَتِهِۦۚ قُلۡ حَسۡبِيَ ٱللَّهُۖ عَلَيۡهِ يَتَوَكَّلُ ٱلۡمُتَوَكِّلُونَ ٣٨
Wala'in sa'altahum man khalaqas-samāwāti wal-arda layaqūlunnallāhu qul afara'aytum mā tad'ūna min dūnillāhi in arādaniyallāhu bidurrin hal hunna kāshifātu durrihī aw arādanī birahmatin hal hunna mumsikātu rahmatihī qul hasbiyallāhu 'alayhi yatawakkalul-mutawakkilūn
38. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Alle. Dheh: Bal ka warrama waxa aad caabuddaan Alle sokadi - hadduu Alle ila maago dhib, miyey yihiin kuwa faydi kara dhibkiisa? ama hadduu ila maago Naxariis, miyey yihiin kuwa celin kara Naxariistiisa? Dheh: Alle baa igu Filan, Isagay tala saartaan kuwa tala saarta ee ku kalsoon.
قُلۡ يَٰقَوۡمِ ٱعۡمَلُواْ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمۡ إِنِّي عَٰمِلٞۖ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ ٣٩
Qul yāqawmi'malū 'alā makānatikum innī 'āmilun fasawfa ta'lamūn
39. Dheh: Dadkaygiiyow! U camal fasha sidiinnaas, anna waan camal fali, waadse ogaan doontaan.
مَن يَأۡتِيهِ عَذَابٞ يُخۡزِيهِ وَيَحِلُّ عَلَيۡهِ عَذَابٞ مُّقِيمٌ ٤٠
Man ya'tīhi 'adhābun yukhzīhi wayahillu 'alayhi 'adhābum muqīm
40. Waa kee kan ay u iman cadaab dulleysa iyo kan ay ku dhici cadaab ma guuraan ah.
إِنَّآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ لِلنَّاسِ بِٱلۡحَقِّۖ فَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيۡهَاۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡهِم بِوَكِيلٍ ٤١
Innā anzalnā 'alaykal-kitāba lin-nāsi bil-haqqi famanihtadā falinafsihī waman dalla fa innamā yadillu 'alayhā wamā anta 'alayhim biwakīl
41. Xaqiiq, waxaan kuugu soo dejinnay Kitaabka (Qur’aanka) dadka darti si Xaq ah. Qofkii hanuuna waxay dan u tahay naftiisa, qofkii lumaana isaga uun bay ka go’an tahay lumitaankiisa, adiguna ma tihid mid xil kaa saaran yahay oo wakiil ka ah.
ٱللَّهُ يَتَوَفَّى ٱلۡأَنفُسَ حِينَ مَوۡتِهَا وَٱلَّتِي لَمۡ تَمُتۡ فِي مَنَامِهَاۖ فَيُمۡسِكُ ٱلَّتِي قَضَىٰ عَلَيۡهَا ٱلۡمَوۡتَ وَيُرۡسِلُ ٱلۡأُخۡرَىٰٓ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمًّىۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَتَفَكَّرُونَ ٤٢
Allāhu yatawaffal-anfusa hīna mawtihā wallatī lam tamut fī manāmihā fayumsikul-latī qadā 'alayhal-mawta wayursilul-ukhrā ilā ajalim musamman inna fī dhālika la'āyātil liqawmin yatafakkarūn
42. Alle baa oofsada nafaha waqtiga dhimashadooda, iyo kuwaas aan dhiman intay ku jiraan hurdadooda. Wuxuu hayn tii uu ku xukumay dhimashada, wuxuuna soo diri tii kale ilaa iyo muddo magacaaban. Waxaa arrinkaasi ugu sugan calaamooyin ciddii fikireysa.
أَمِ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ شُفَعَآءَۚ قُلۡ أَوَلَوۡ كَانُواْ لَا يَمۡلِكُونَ شَيۡـٔٗا وَلَا يَعۡقِلُونَ ٤٣
Amit-takhadhū min dūnillāhi shufa'ā'a qul awalaw kānū lā yamlikūna shay'an walā ya'qilūn
43. Mise ma waxay yeesheen shafeecayaal Alle sokadi? Dheh: Ma xitaa haddayna wax hananeyn, waxnana garaneyn?
قُل لِّلَّهِ ٱلشَّفَٰعَةُ جَمِيعٗاۖ لَّهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ ثُمَّ إِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ ٤٤
Qu lillāhish-shafā'atu jamī'al lahū mulkus-samāwāti wal-ardi thumma ilayhi turja'ūn
44. Dheh: Allaah baa iska leh shafeeco oo dhan; Isagaa leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana la idiin soo celin.
وَإِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَحۡدَهُ ٱشۡمَأَزَّتۡ قُلُوبُ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِۖ وَإِذَا ذُكِرَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦٓ إِذَا هُمۡ يَسۡتَبۡشِرُونَ ٤٥
Wa idhā dhukirallāhu wahdahushma'azzat qulūbul-ladhīna lā yu'minūna bil-ākhirati wa idhā dhukiral-ladhīna min dūnihī idhā hum yastabshirūn
45. Marka Alle Keliya la xuso, quluubta kuwa aan rumeysneyn Aakhirada way qaloodaan, markase la xuso kuwa ay sokadi (caabudaan), markaasay farxaan.
قُلِ ٱللَّهُمَّ فَاطِرَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ عَٰلِمَ ٱلۡغَيۡبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ أَنتَ تَحۡكُمُ بَيۡنَ عِبَادِكَ فِي مَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ ٤٦
Qulillāhumma fātiras-samāwāti wal-ardi 'ālimal-ghaybi wash-shahādati anta tahkumu bayna 'ibādika fī mā kānū fīhi yakhtalifūn
46. Dheh: Allahayow, uumaha cirarka iyo dhulkow, Ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqdow. Adiga (Keliyaa) u kala garsoori addoomahaaga waxay isku khilaafaan.
وَلَوۡ أَنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ مَا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا وَمِثۡلَهُۥ مَعَهُۥ لَٱفۡتَدَوۡاْ بِهِۦ مِن سُوٓءِ ٱلۡعَذَابِ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ وَبَدَا لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مَا لَمۡ يَكُونُواْ يَحۡتَسِبُونَ ٤٧
Walaw anna lilladhīna zalamū mā fil-ardi jamī'an wamithlahū ma'ahū laftadaw bihī min sū'il-'adhābi yawmal-qiyāmati wabadā lahum minallāhi mā lam yakūnū yahtasibūn
47. Haddii kuwa dulmiga (shirkiga iyo macaasida) fala ay lahaan lahaayeen waxa yaal dhulka oo dhan iyo wax le’eg oo wehliya way iskaga furan lahaayeen xumaanta cadaabka Maalinta Qiyaamaha; waxaana uga muuqan xagga Alle wax aysan marnaba maleysanaynin 9.
وَبَدَا لَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ ٤٨
Wabadā lahum sayyi'ātu mā kasabū wahāqa bihim mā kānū bihī yastahzi'ūn
48. Waxaana u muuqan (ciqaabka) xumaantay kasbadeen, oo waxaa ku dhici waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah).
فَإِذَا مَسَّ ٱلۡإِنسَٰنَ ضُرّٞ دَعَانَا ثُمَّ إِذَا خَوَّلۡنَٰهُ نِعۡمَةٗ مِّنَّا قَالَ إِنَّمَآ أُوتِيتُهُۥ عَلَىٰ عِلۡمِۭۚ بَلۡ هِيَ فِتۡنَةٞ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ ٤٩
Fa idhā massal-insāna durrun da'ānā thumma idhā khawwalnāhu ni'matam minnā qāla innamā ūtītuhū 'alā 'ilmi bal hiya fitnatun walākinna aktharahum lā ya'lamūn
49. Markuu dhib taabato Aadmiga, wuu na baryaa, markaanse siinno nicmo Xaggayaga ah wuxuu yidhaahdaa: Wax kale ma’ahee’ waxaa uun laygu siiyey aqoonta (aan u leeyahay jidadka lagu helo), mayee’ waa imtixaan, badankooduse ma oga.
قَدۡ قَالَهَا ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ ٥٠
Qad qālahal-ladhīna min qablihim famā aghnā 'anhum mā kānū yaksibūn
50. Kuwii ka horreeyey baa sidaas yidhi, waxbase uma tarin waxay kasbadeen.
فَأَصَابَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْۚ وَٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡ هَٰٓؤُلَآءِ سَيُصِيبُهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْ وَمَا هُم بِمُعۡجِزِينَ ٥١
Fa asābahum sayyi'ātu mā kasabū walladhīna zalamū min hā'ulā'i sayusībuhum sayyi'ātu mā kasabū wamā hum bimu'jizīn
51. Markaasaa waxaa ku dhacay xumaanta waxay kasbadeen; oo kuwaa fala dulmiga ee ka mid ah kuwani waxaa iyagana ku dhici doona xumaanta waxay kasbadaan, mana baxsan karaan 10.
أَوَلَمۡ يَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ ٥٢
Awalam ya'lamū annallāha yabsutur-rizqa liman yashā'u wayaqdiru inna fī dhālika la'āyātil liqawmin yu'minūn
52. Miyeyna ogeyn inuu Alle u fidiyo risiqa cidduu doono, oo ku cidhiidhiyo (cidduu doono). Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn.
۞ قُلۡ يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ أَسۡرَفُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ لَا تَقۡنَطُواْ مِن رَّحۡمَةِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَغۡفِرُ ٱلذُّنُوبَ جَمِيعًاۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ ٥٣
Qul yā'ibādiyal-ladhīna asrafū 'alā anfusihim lā taqnatū mir rahmatillāhi innallāha yaghfirudh-dhunūba jamī'an innahū huwal-ghafūrur-rahīm
53. Dheh: Addoomahaygow ku xad-gudbay nafahooda, ha ka quusannina Naxariista Alle. Alle wuu dhaafaa denbiyada oo dhan 11. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
وَأَنِيبُوٓاْ إِلَىٰ رَبِّكُمۡ وَأَسۡلِمُواْ لَهُۥ مِن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَكُمُ ٱلۡعَذَابُ ثُمَّ لَا تُنصَرُونَ ٥٤
Wa anībū ilā rabbikum wa aslimū lahū min qabli an ya'tiyakumul-'adhābu thumma lā tunsarūn
54. Oo u noqda xagga Rabbigiin idinkoo tawbad keen ah, una hoggaansama ka hor intaanu idiin imaan cadaabku, markaasoo aan la idiin gargaareyn.
وَٱتَّبِعُوٓاْ أَحۡسَنَ مَآ أُنزِلَ إِلَيۡكُم مِّن رَّبِّكُم مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَكُمُ ٱلۡعَذَابُ بَغۡتَةٗ وَأَنتُمۡ لَا تَشۡعُرُونَ ٥٥
Wattabi'ū ahsana mā unzila ilaykum mir rabbikum min qabli an ya'tiyakumul-'adhābu baghtatan wa antum lā tash'urūn
55. Raaca kan wanaagga badan ee la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin (Qur’aanka), ka hor intaanu kedis idiinku imaan cadaabku, idinkoon dareemeyn.
أَن تَقُولَ نَفۡسٞ يَٰحَسۡرَتَىٰ عَلَىٰ مَا فَرَّطتُ فِي جَنۢبِ ٱللَّهِ وَإِن كُنتُ لَمِنَ ٱلسَّٰخِرِينَ ٥٦
An taqūla nafsun yāhasratā 'alā mā farrattu fī jambillāhi wa in kuntu laminas-sākhirīn
56. Si ayan nafi u odhan 12: Alla waxaan ku gabood falay oo ka gaabiyey caabudidda Alle, waxaana ka mid ahaa kuwa ku jees-jeesa (Xaqa).
أَوۡ تَقُولَ لَوۡ أَنَّ ٱللَّهَ هَدَىٰنِي لَكُنتُ مِنَ ٱلۡمُتَّقِينَ ٥٧
Aw taqūla law annallāha hadānī lakuntu minal-muttaqīn
57. Ama aysan odhan: Haddii Alle i hanuunin lahaa, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo macaasida).
أَوۡ تَقُولَ حِينَ تَرَى ٱلۡعَذَابَ لَوۡ أَنَّ لِي كَرَّةٗ فَأَكُونَ مِنَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ ٥٨
Aw taqūla hīna taral-'adhāba law anna lī karratan fa akūna minal-muhsinīn
58. Ama aysan odhan markay aragto cadaabka: Haddaan heli lahaa hal noqosho oo keliya 13 waxaan ka mid ahaan lahaa sama falayaasha.
بَلَىٰ قَدۡ جَآءَتۡكَ ءَايَٰتِي فَكَذَّبۡتَ بِهَا وَٱسۡتَكۡبَرۡتَ وَكُنتَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٥٩
Balā qad jā'atka āyātī fakaddhabta bihā wastakbarta wakunta minal-kāfirīn
59. Haayoo, waxaa kuu yimid Aayadahayga waadse beenisay, oo is kibrisay, waxaadna ka mid ahayd gaalada.
وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ تَرَى ٱلَّذِينَ كَذَبُواْ عَلَى ٱللَّهِ وُجُوهُهُم مُّسۡوَدَّةٌۚ أَلَيۡسَ فِي جَهَنَّمَ مَثۡوٗى لِّلۡمُتَكَبِّرِينَ ٦٠
Wayawmal-qiyāmati taral-ladhīna kadhabū 'alallāhi wujūhuhum muswaddatun alaysa fī jahannama mathwal lil-mutakabbirīn
60. Maalinta Qiyaamana waxaad arki kuwii ka been sheegay Alle 14 oo wejiyadoodu madow yihiin. Miyaanay ugu sugnaan Naarta hoy islaweynayaasha?
وَيُنَجِّي ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ بِمَفَازَتِهِمۡ لَا يَمَسُّهُمُ ٱلسُّوٓءُ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ ٦١
Wayunajjillāhul-ladhīnat-taqaw bimafāzatihim lā yamassuhumus-sū'u walā hum yahzanūn
61. Wuxuuna Alle (ka) badbaadin (Naar) Kuwa (xumaha) iska jira liibaantooda darteed 15, ma taabato xumaan, mana murugoodaan.
ٱللَّهُ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ وَكِيلٞ ٦٢
Allāhu khāliqu kulli shay'in wahuwa 'alā kulli shay'in wakīl
62. Alle waa abuuraha wax walba, wax walbana Isagaa talada u haya oo maamula.
لَّهُۥ مَقَالِيدُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ ٦٣
Llahū maqālīdus-samāwāti wal-ardi walladhīna kafarū bi'āyātillāhi ulā'ika humul-khāsirūn
63. Isagaa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada. Kuwana ku gaalooba Aayadaha Alle, kuwaa weeye kuwa khasaaray.
قُلۡ أَفَغَيۡرَ ٱللَّهِ تَأۡمُرُوٓنِّيٓ أَعۡبُدُ أَيُّهَا ٱلۡجَٰهِلُونَ ٦٤
Qul afaghayrallāhi ta'murunnī a'budu ayyuhal-jāhilūn
64. Dheh: Ma waxaan ahayn Alle baad i amreysaan inaan caabudo kuwiinaan jaahilka ahow?
وَلَقَدۡ أُوحِيَ إِلَيۡكَ وَإِلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكَ لَئِنۡ أَشۡرَكۡتَ لَيَحۡبَطَنَّ عَمَلُكَ وَلَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ ٦٥
Walaqad ūhiya ilayka wa ilal-ladhīna min qablika la in ashrakta layahbatanna 'amaluka walatakūnanna minal-khāsirīn
65. Waxaa dhab ahaan laguu waxyooday adiga (Nabiyow) iyo kuwii (anbiyadii) kaa horreeyey: Haddaad wax la wadaajiso Alle cibaadada, waxaa xaqiiq buraya camalkaaga, waxaadna xaqiiq ka mid noqon kuwa khasaaray.
بَلِ ٱللَّهَ فَٱعۡبُدۡ وَكُن مِّنَ ٱلشَّٰكِرِينَ ٦٦
Balillāha fa'bud wakum minash-shākirīn
66. Ee Allaah Keliya uun caabud, kana mid ahow kuwa ku mahdiya.
وَمَا قَدَرُواْ ٱللَّهَ حَقَّ قَدۡرِهِۦ وَٱلۡأَرۡضُ جَمِيعٗا قَبۡضَتُهُۥ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَٱلسَّمَٰوَٰتُ مَطۡوِيَّٰتُۢ بِيَمِينِهِۦۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يُشۡرِكُونَ ٦٧
Wamā qadarullāha haqqa qadrihī wal-ardu jamī'an qabdatuhū yawmal-qiyāmati was-samāwātu matwiyyātu biyamīnihī subhānahū wata'ālā 'ammā yushrikūn
67. Ma ayan qaddarin Alle qaddarinta uu mudan yahay 16, isagoo dhulka oo dhammi ahaan Qabashadiisa Maalinta Qiyaamaha, samooyinkana ku duuban yihiin Gacantiisa Midig 17. Xurmoo dhan Isagaa iska leh oo ka hufan (xumaan) waana ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada.
وَنُفِخَ فِي ٱلصُّورِ فَصَعِقَ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ إِلَّا مَن شَآءَ ٱللَّهُۖ ثُمَّ نُفِخَ فِيهِ أُخۡرَىٰ فَإِذَا هُمۡ قِيَامٞ يَنظُرُونَ ٦٨
Wanufikha fis-sūri fasa'iqa man fis-samāwāti waman fil-ardi illā man shā'allāhu thumma nufikha fīhi ukhrā fa idhā hum qiyāmun yanzurūn
68. Waxaa la afuufi Buunka (Qiyaame), markaasay suuxi (dhiman) dhammaan waxa jooga samooyinka iyo dhammaan waxa jooga arlada kuu doono Alle maahee. Misna la afuufi mar kale, mise dadkii wayba taagan yihiin oo sugayaan (Xukunka Alle).
وَأَشۡرَقَتِ ٱلۡأَرۡضُ بِنُورِ رَبِّهَا وَوُضِعَ ٱلۡكِتَٰبُ وَجِاْيٓءَ بِٱلنَّبِيِّـۧنَ وَٱلشُّهَدَآءِ وَقُضِيَ بَيۡنَهُم بِٱلۡحَقِّ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ ٦٩
Wa ashraqatil-ardu binūri rabbihā wawudi'al-kitābu wajiy'a bin-nabiyyina wash-shuhadā'i waqudiya baynahum bil-haqqi wahum lā yuzlamūn
69.Waxayna la ifi arlada Nuurka Rabbigeed, Kitaabka (camallada) baana la soo dhigi, waxaana la keeni Nabiyada iyo markhaatiyada, looguna kala garsoori (addoomaha Alle) dhexdooda si Xaq ah, iyagoon la dulmineyn.
وَوُفِّيَتۡ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا عَمِلَتۡ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِمَا يَفۡعَلُونَ ٧٠
Wawuffiyat kullu nafsim mā 'amilat wahuwa a'lamu bimā yaf'alūn
70. Naf walbana waxaa loogu oofin si dhan waxay fashay; Isagaana (Alle) dhab u Ogsoon waxay camal falaan 18.
وَسِيقَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِلَىٰ جَهَنَّمَ زُمَرًاۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُوهَا فُتِحَتۡ أَبۡوَٰبُهَا وَقَالَ لَهُمۡ خَزَنَتُهَآ أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ رُسُلٞ مِّنكُمۡ يَتۡلُونَ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتِ رَبِّكُمۡ وَيُنذِرُونَكُمۡ لِقَآءَ يَوۡمِكُمۡ هَٰذَاۚ قَالُواْ بَلَىٰ وَلَٰكِنۡ حَقَّتۡ كَلِمَةُ ٱلۡعَذَابِ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ ٧١
Wasīqal-ladhīna kafarū ilā jahannama zumaran hattā idhā jā'ūhā futihat abwābuhā waqāla lahum khazanatuhā alam ya'tikum rusulum minkum yatlūna 'alaykum āyāti rabbikum wayundhirūnakum liqā'a yawmikum hādhā qālū balā walākin haqqat kalimatul-'adhābi 'alal-kāfirīn
71. Waxaana loo kaxeyn kuwii gaaloobay xagga Jahannama iyagoo rac-rac (wada jira) ah, markay yimaadaan (Naartana) waxaa la furaa Albaabbadeeda. Furahayeennadeeduna waxay ku odhan: Miyeyna idiin iman Rusul idinka mid ah oo idiin akhirayaya Aayaadka Rabbigiin, idiinkana digaya la kulanka Maalintiinnaan? Waxay odhan:Haah, waxaase ku rumowday Kelmedda cadaabka gaalada dushooda.
قِيلَ ٱدۡخُلُوٓاْ أَبۡوَٰبَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ فَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلۡمُتَكَبِّرِينَ ٧٢
Qīladkhulū abwāba jahannama khālidīna fīhā fabi'sa mathwal-mutakabbirīn
72. Waxaa la odhan: Gala albaabbada Jahannama idinkoo ku waaraya, maxay ahaatay meel xun oo baas hoyga islaweynayaasha.
وَسِيقَ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ رَبَّهُمۡ إِلَى ٱلۡجَنَّةِ زُمَرًاۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُوهَا وَفُتِحَتۡ أَبۡوَٰبُهَا وَقَالَ لَهُمۡ خَزَنَتُهَا سَلَٰمٌ عَلَيۡكُمۡ طِبۡتُمۡ فَٱدۡخُلُوهَا خَٰلِدِينَ ٧٣
Wasīqal-ladhīnat-taqaw rabbahum ilal-jannati zumaran hattā idhā jā'ūhā wafutihat abwābuhā waqāla lahum khazanatuhā salāmun 'alaykum tibtum fadkhulūhā khālidīn
73. Waxaa loo kaxeyn kuwii dhowray (amarrada) Rabbigood (oo iska jiray xumaha) xagga Jannada, iyagoo rac-rac (wada jira) ah, markay ku yimaadaan waxay la kulmi iyadoo la furay albaabbadeeda 19 (mar hore soo dhoweyn ahaan), furahayeennadeeduna waxay ku odhan: Nabadi korkiinna ha ahaato, waad wanaagsan tihiine, gala Jannada idinkoo ku waari dhexdeeda 20.
وَقَالُواْ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي صَدَقَنَا وَعۡدَهُۥ وَأَوۡرَثَنَا ٱلۡأَرۡضَ نَتَبَوَّأُ مِنَ ٱلۡجَنَّةِ حَيۡثُ نَشَآءُۖ فَنِعۡمَ أَجۡرُ ٱلۡعَٰمِلِينَ ٧٤
Waqālul-hamdu lillāhil-ladhī sadaqanā wa'dahū wa awrathanal-arda natabawwa'u minal-jannati haythu nashā'u fani'ma ajrul-'āmilīn
74. Waxayna odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, ee nooga dhabeeyey Ballan qaadkiisa, oo na dhaxal siiyey dhulka (Jannada). Waxaan ka degnaa Jannada meeshaan doonno, ee fiicanaa abaalgudka kuwa camal san fashay.
وَتَرَى ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ حَآفِّينَ مِنۡ حَوۡلِ ٱلۡعَرۡشِ يُسَبِّحُونَ بِحَمۡدِ رَبِّهِمۡۚ وَقُضِيَ بَيۡنَهُم بِٱلۡحَقِّۚ وَقِيلَ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٧٥
Wataral-malā'ikata hāffīna min hawlil-'arshi yusabbihūna bihamdi rabbihim waqudiya baynahum bil-haqqi waqīlal-hamdu lillāhi rabbil-'ālamīn
75. Waxaad arkaysaa malaa’igtoo ku wareegsan Carshiga hareerihiisa iyagoo ku tasbiixsanaya ammaanaha Rabbigood; waana loo kala garsoori (addoomaha) dhexdooda si xaq ah, waxaana la odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.
Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.
Suuradda Az-Zumar waxay leedahay 75 aayadood. Waa suuradda 39 ee Qur'aanka.
Suuradda Az-Zumar waa suurad Makki ah.
Suuradda Az-Zumar waxay ku jirtaa juz' 23, 24.
Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.