بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ ٱتَّقِ ٱللَّهَ وَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا ١
Yā'ayyuhan-nabiyyut-taqillāha walā tuti'il-kāfirīna wal-munāfiqīna innallāha kāna 'alīman hakīmā
1. Nabiyow! Ku sugnow ka cabsashada Alle (iyo caabuddidi), ha adeecinna gaalada iyo munaafiqiinta. Hubaal, Alle waa wax kasta Ogsoone, Xikmad Badan.
وَٱتَّبِعۡ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٗا ٢
Wattabi' mā yūhā ilayka mir rabbika innallāha kāna bimā ta'malūna khabīrā
2. Raac waxa laguu waxyoodo ee kaaga yimaada Rabbigaa. Hubaal, Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا ٣
Watawakkal 'alallāhi wakafā billāhi wakīlā
3. Oo talo saaro Alle, Alle ku Filan wakiil (taliye) ahaan.
مَّا جَعَلَ ٱللَّهُ لِرَجُلٖ مِّن قَلۡبَيۡنِ فِي جَوۡفِهِۦۚ وَمَا جَعَلَ أَزۡوَٰجَكُمُ ٱلَّٰٓـِٔي تُظَٰهِرُونَ مِنۡهُنَّ أُمَّهَٰتِكُمۡۚ وَمَا جَعَلَ أَدۡعِيَآءَكُمۡ أَبۡنَآءَكُمۡۚ ذَٰلِكُمۡ قَوۡلُكُم بِأَفۡوَٰهِكُمۡۖ وَٱللَّهُ يَقُولُ ٱلۡحَقَّ وَهُوَ يَهۡدِي ٱلسَّبِيلَ ٤
Mmā ja'alallāhu lirajulim min qalbayni fī jawfihī wamā ja'ala azwājakumul-lā'ī tuzāhirūna minhunna ummahātikum wamā ja'ala ad'iyā'akum abnā'akum dhālikum qawlukum bi afwāhikum wallāhu yaqūlul-haqqa wahuwa yahdis-sabīl
4. Uma yeelin Alle ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana yeelin xaasaskiinna aad ku sheegtaan inay idinka yihiin xaaraan sida hooyooyinkiin, hooyooyinkiin oo kale 1, kamana uu dhigin kuwaad u soo korsateen ilmahiinna ahaan inay la mid yihiin ilmahiinna runta ah aad dhasheen 2. Taasi wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afka. Alle wuxuu ku hadlaa runta, Isagaana wax ku hanuunsha Jidka (Toosan ee Islaamka).
ٱدۡعُوهُمۡ لِأٓبَآئِهِمۡ هُوَ أَقۡسَطُ عِندَ ٱللَّهِۚ فَإِن لَّمۡ تَعۡلَمُوٓاْ ءَابَآءَهُمۡ فَإِخۡوَٰنُكُمۡ فِي ٱلدِّينِ وَمَوَٰلِيكُمۡۚ وَلَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٞ فِيمَآ أَخۡطَأۡتُم بِهِۦ وَلَٰكِن مَّا تَعَمَّدَتۡ قُلُوبُكُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمًا ٥
Ud'ūhum li'ābā'ihim huwa aqsatu 'indallāhi fa il lam ta'lamū ābā'ahum fa ikhwānukum fid-dīni wamawālīkum walaysa 'alaykum junāhun fīmā akhta'tum bihī walākim mā ta'ammadat qulūbukum wakānallāhu ghafūrar rahīmā
5. Ugu abtiriya (ilmahaas aad soo korsateen uun) aabbayaashood dhalay, sidaasaa caddaaladsan Alle agtiisa. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, waa walaalihiin diinta iyo kuwaad ka xoreyseen addoonnimada 'aad xidhiidhka adag wadaagtaan iyo isu hiillinta,' kumana lihidin eed wixii gef idiinka dhaca, (waxaase eed ku leedihiin waxay) kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu 3. Alle waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.
ٱلنَّبِيُّ أَوۡلَىٰ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ مِنۡ أَنفُسِهِمۡۖ وَأَزۡوَٰجُهُۥٓ أُمَّهَٰتُهُمۡۗ وَأُوْلُواْ ٱلۡأَرۡحَامِ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلَىٰ بِبَعۡضٖ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُهَٰجِرِينَ إِلَّآ أَن تَفۡعَلُوٓاْ إِلَىٰٓ أَوۡلِيَآئِكُم مَّعۡرُوفٗاۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَسۡطُورٗا ٦
An-nabiyyu awlā bil-mu'minīna min anfusihim wa azwājuhū ummahātuhum wa ulul-arhāmi ba'duhum awlā biba'din fī kitābillāhi minal-mu'minīna wal-muhājirīna illā an taf'alū ilā awliyā'ikum ma'rūfan kāna dhālika fil-kitābi mastūrā
6.Nabiga isagaa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda 4, xaasaskiisuna waa hooyooyinkood (oo kale). Qaraabaduna iyagaa qaarkood qaarka kale kaga mudan oo xaq leh (dhaxalka) Kitaabka Alle xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) muhaajiriinta, in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka 5.
وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِنَ ٱلنَّبِيِّـۧنَ مِيثَٰقَهُمۡ وَمِنكَ وَمِن نُّوحٖ وَإِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ وَعِيسَى ٱبۡنِ مَرۡيَمَۖ وَأَخَذۡنَا مِنۡهُم مِّيثَٰقًا غَلِيظٗا ٧
Wa idh akhadhnā minan-nabiyyina mīthāqahum waminka wamin nūhin wa ibrāhīma wamūsā wa'īsabni maryama wa akhadhnā minhum mīthāqan ghalīzā
7. (Xus Nabiyow) markaan ka qaadnay Nabiyada ballankoodii iyo adigaba, iyo Nuux, Ibraahiim, Muuse iyo Ciise - ina Maryam. Waxaan ka qaadnay ballan adag.
لِّيَسۡـَٔلَ ٱلصَّٰدِقِينَ عَن صِدۡقِهِمۡۚ وَأَعَدَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابًا أَلِيمٗا ٨
Lliyas'alas-sādiqīna 'an sidqihim wa a'adda lil-kāfirīna 'adhāban alīmā
8. Si uu (Alle) wax uga weydiiyo run sheegyaasha runtooda 6, Wuxuuna u diyaariyey gaalada cadaab xanuun badan.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ إِذۡ جَآءَتۡكُمۡ جُنُودٞ فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا وَجُنُودٗا لَّمۡ تَرَوۡهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرًا ٩
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanudhkurū ni'matallāhi 'alaykum idh jā'atkum junūdun fa arsalnā 'alayhim rīhan wajunūdal lam tarawhā wakānallāhu bimā ta'malūna basīrā
9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusuusta Nicmadda Alle idiin galay markay idiin yimaadeen ciidammo 7, markaasaan ku dirnay dabeyl daran iyo ciidammo aydaan arag. Alle waxaad fashaan wuu Arkaa.
إِذۡ جَآءُوكُم مِّن فَوۡقِكُمۡ وَمِنۡ أَسۡفَلَ مِنكُمۡ وَإِذۡ زَاغَتِ ٱلۡأَبۡصَٰرُ وَبَلَغَتِ ٱلۡقُلُوبُ ٱلۡحَنَاجِرَ وَتَظُنُّونَ بِٱللَّهِ ٱلظُّنُونَا۠ ١٠
Idh jā'ūkum min fawqikum wamin asfala minkum wa idh zāghatil-absāru wabalaghatil-qulūbul-hanājira watazunnūna billāhiz-zunūnaā
10. (Xusuusta) markay idiinkaga yimaadeen dushiinna iyo hoostiinnaba, indhuhuna iisheen, wadnayaashuna soo gaareen dhuumaha, oo aad billowdeen inaad ku malaysaan Alle malooyin (kala duwan).
هُنَالِكَ ٱبۡتُلِيَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَزُلۡزِلُواْ زِلۡزَالٗا شَدِيدٗا ١١
Hunālikabtuliyal-mu'minūna wazulzilū zilzālan shadīdā
11. Halkaas baa mu’miniinta lagu imtixaa- nay, oo la gilgilay gil-gilid daran.
وَإِذۡ يَقُولُ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ مَّا وَعَدَنَا ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ إِلَّا غُرُورٗا ١٢
Wa idh yaqūlul-munāfiqūna walladhīna fī qulūbihim maradum mā wa'adanallāhu warasūluhū illā ghurūrā
12. Markay munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka 8 yidhaaydeen: Alle iyo Rasuulkiisu waxa ay noo yabooheen waa waxaan waxba ka jirin oo hoditaan ah.
وَإِذۡ قَالَت طَّآئِفَةٞ مِّنۡهُمۡ يَٰٓأَهۡلَ يَثۡرِبَ لَا مُقَامَ لَكُمۡ فَٱرۡجِعُواْۚ وَيَسۡتَـٔۡذِنُ فَرِيقٞ مِّنۡهُمُ ٱلنَّبِيَّ يَقُولُونَ إِنَّ بُيُوتَنَا عَوۡرَةٞ وَمَا هِيَ بِعَوۡرَةٍۖ إِن يُرِيدُونَ إِلَّا فِرَارٗا ١٣
Wa idh qālat tā'ifatum minhum yā'ahla yathriba lā muqāma lakum farji'ū wayasta'dhinu farīqum minhumun-nabiyya yaqūlūna inna buyūtanā 'awratun wamā hiya bi'awratin in yurīdūna illā firārā
13. Markay koox idinka mid ahi tidhi, Reer Yathribow 9! Halkaan joogitaan idiin ma leh ee u noqda (xagga Madiina). Koox kalena oo ka mid ah idan weydiisteen Nabiga iyagoo leh: Guryahayagu waa baylah, mana ahayn baylah, ee waxay rabeen oo keliya inay cararaan.
وَلَوۡ دُخِلَتۡ عَلَيۡهِم مِّنۡ أَقۡطَارِهَا ثُمَّ سُئِلُواْ ٱلۡفِتۡنَةَ لَأٓتَوۡهَا وَمَا تَلَبَّثُواْ بِهَآ إِلَّا يَسِيرٗا ١٤
Walaw dukhilat 'alayhim min aqtārihā thumma su'ilul-fitnata la'ātawhā wamā talabbathū bihā illā yasīrā
14. Haddii laga soo weerari lahaa Magaalada dhinacyadeeda, markaas laga dalbi lahaa (munaafiqiinta) fidno (inay gaaloobaan), horay bay ka yeeli lahaayeen, kamana labo laabeeyeen wax yar mooyee.
وَلَقَدۡ كَانُواْ عَٰهَدُواْ ٱللَّهَ مِن قَبۡلُ لَا يُوَلُّونَ ٱلۡأَدۡبَٰرَۚ وَكَانَ عَهۡدُ ٱللَّهِ مَسۡـُٔولٗا ١٥
Walaqad kānū 'āhadullāha min qablu lā yuwallūnal-adbāra wakāna 'ahdullāhi mas'ūlā
15. Oo waxay horay axdi kula galeen Alle inaysan jeedineyn dhabarradooda (waqtiga dagaalka). Axdiga Alle waa mid lays weydiin.
قُل لَّن يَنفَعَكُمُ ٱلۡفِرَارُ إِن فَرَرۡتُم مِّنَ ٱلۡمَوۡتِ أَوِ ٱلۡقَتۡلِ وَإِذٗا لَّا تُمَتَّعُونَ إِلَّا قَلِيلٗا ١٦
Qul lan yanfa'akumul-firāru in farartum minal-mawti awil-qatli wa idhal lā tumatta'ūna illā qalīlā
16. Dheh: Cararku wax idiin ma tarayo, haddaad ka carartaan geeri ama dil, markaas laydiin ku raaxeyn maayo (adduunka) in yar mooyaane.
قُلۡ مَن ذَا ٱلَّذِي يَعۡصِمُكُم مِّنَ ٱللَّهِ إِنۡ أَرَادَ بِكُمۡ سُوٓءًا أَوۡ أَرَادَ بِكُمۡ رَحۡمَةٗۚ وَلَا يَجِدُونَ لَهُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا ١٧
Qul man dhal-ladhī ya'simukum minallāhi in arāda bikum sū'an aw arāda bikum rahmatan walā yajidūna lahum min dūnillāhi waliyyan walā nasīrā
17. Dheh: Waa kuma kan idinka qaban kara Alle hadduu idinla doono dhibaato ama idinla doono naxariis 10? Umana helayaan nafahooda Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.
۞ قَدۡ يَعۡلَمُ ٱللَّهُ ٱلۡمُعَوِّقِينَ مِنكُمۡ وَٱلۡقَآئِلِينَ لِإِخۡوَٰنِهِمۡ هَلُمَّ إِلَيۡنَاۖ وَلَا يَأۡتُونَ ٱلۡبَأۡسَ إِلَّا قَلِيلًا ١٨
Qad ya'lamullāhul-mu'awwiqīna minkum wal-qā'ilīna li ikhwānihim halumma ilaynā walā ya'tūnal-ba'sa illā qalīlā
18. Alle dhab ahaan waa og yahay kuwa idinka mid ah ee ka reeba 'dadka jihaadka Jidka Alle' 11, iyo kuwa ku yidhaahda walaalahood: Noo kaalaya 12; mana yimaadaan dagaalka in yar ma’ahee 13.
أَشِحَّةً عَلَيۡكُمۡۖ فَإِذَا جَآءَ ٱلۡخَوۡفُ رَأَيۡتَهُمۡ يَنظُرُونَ إِلَيۡكَ تَدُورُ أَعۡيُنُهُمۡ كَٱلَّذِي يُغۡشَىٰ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡمَوۡتِۖ فَإِذَا ذَهَبَ ٱلۡخَوۡفُ سَلَقُوكُم بِأَلۡسِنَةٍ حِدَادٍ أَشِحَّةً عَلَى ٱلۡخَيۡرِۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَمۡ يُؤۡمِنُواْ فَأَحۡبَطَ ٱللَّهُ أَعۡمَٰلَهُمۡۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٗا ١٩
Ashihhatan 'alaykum fa idhā jā'al-khawfu ra'aytahum yanzurūna ilayka tadūru a'yunuhum kalladhī yughshā 'alayhi minal-mawti fa idhā dhahabal-khawfu salaqūkum bi alsinatin hidādin ashihhatan 'alal-khayri ulā'ika lam yu'minū fa ahbatallāhu a'mālahum wakāna dhālika 'alallāhi yasīrā
19. Ee bakhayllada ah xaggiinna 14, markase cabsi timaaddo waxaad arki iyagoo ku soo eegaya oo indhahoodu wareegayaan sida mid la sakaraad ah geeri; markase ay cabsidu tagto, waxay idinku dhibaan carrabyo afaysan, ka bakhaysha khayrka; kuwaasi ma ay rumaynin (Xaqa). Sidaa awgeed buu Alle u buriyey acmaashooda, arrinkaasina Alle wuu u fudud yahay.
يَحۡسَبُونَ ٱلۡأَحۡزَابَ لَمۡ يَذۡهَبُواْۖ وَإِن يَأۡتِ ٱلۡأَحۡزَابُ يَوَدُّواْ لَوۡ أَنَّهُم بَادُونَ فِي ٱلۡأَعۡرَابِ يَسۡـَٔلُونَ عَنۡ أَنۢبَآئِكُمۡۖ وَلَوۡ كَانُواْ فِيكُم مَّا قَٰتَلُوٓاْ إِلَّا قَلِيلٗا ٢٠
Yahsabūnal-ahzāba lam yadhhabū wa in ya'til-ahzābu yawaddū law annahum bādūna fil-a'rābi yas'alūna 'an ambā'ikum walaw kānū fīkum mā qātalū illā qalīlā
20. Waxay moodaan Axzaabtu inayan tegin 15, haddayna axzaabtu imaan 'mar kale' 16, waxay jeclaan lahaayeen in baadiyaha ay la jiraan reer miyiga oo halkaas ka weydiinayaan wararkiinna; hadday idin dhex joogi lahaayeenna ma ay dagaal galeen in yar ma’ahee.
لَّقَدۡ كَانَ لَكُمۡ فِي رَسُولِ ٱللَّهِ أُسۡوَةٌ حَسَنَةٞ لِّمَن كَانَ يَرۡجُواْ ٱللَّهَ وَٱلۡيَوۡمَ ٱلۡأٓخِرَ وَذَكَرَ ٱللَّهَ كَثِيرٗا ٢١
Llaqad kāna lakum fī rasūlillāhi uswatun hasanatul liman kāna yarjullāha wal-yawmal-ākhira wadhakarallāha kathīrā
21. Waxaa idiinku sugan Rasuulka Alle tusaale wanaagsan 17 uu raaco mid kastoo rajeeya (la Kulanka) Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo xusa Alle in badan.
وَلَمَّا رَءَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلۡأَحۡزَابَ قَالُواْ هَٰذَا مَا وَعَدَنَا ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَصَدَقَ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥۚ وَمَا زَادَهُمۡ إِلَّآ إِيمَٰنٗا وَتَسۡلِيمٗا ٢٢
Walammā ra'al-mu'minūnal-ahzāba qālū hādhā mā wa'adanallāhu warasūluhū wasadaqallāhu warasūluhū wamā zādahum illā īmānan wataslīmā
22. Markay Mu’minintu arkeen xizbiyadii (gaaladii isu soo baheystay) waxay yidhaahdeen: Kani waa waxay Alle iyo Rasuulkiisu noo yabooheen 18, Alle iyo Rasuulkiisuna run bay sheegeen, umana kordhin waxaan ahayen iimaan iyo hoggaansan.
مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ رِجَالٞ صَدَقُواْ مَا عَٰهَدُواْ ٱللَّهَ عَلَيۡهِۖ فَمِنۡهُم مَّن قَضَىٰ نَحۡبَهُۥ وَمِنۡهُم مَّن يَنتَظِرُۖ وَمَا بَدَّلُواْ تَبۡدِيلٗا ٢٣
Mminal-mu'minīna rijālun sadaqū mā 'āhadullāha 'alayhi faminhum man qadā nahbahū waminhum man yantaziru wamā baddalū tabdīlā
23. Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheegay ballankay la galeen Alle, marka waxaa ka mid ah mid gutay waajibkiisii (oo shahiiday), waxaana ka mid ah mid weli sugaya; mana ayan beddelin (ballankay la galeen Alle) in yarba ha ahaatee.
لِّيَجۡزِيَ ٱللَّهُ ٱلصَّٰدِقِينَ بِصِدۡقِهِمۡ وَيُعَذِّبَ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ إِن شَآءَ أَوۡ يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ٢٤
Lliyajziyallāhus-sādiqīna bisidqihim wayu'addhibal-munāfiqīna in shā'a aw yatūba 'alayhim innallāha kāna ghafūrar rahīmā
24. Waa si uu Alle uga abaal mariyo runlowyda runtooda, oo u cadaabo munaafiqiinta hadduu doono ama uga tawbad aqbalo. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
وَرَدَّ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِغَيۡظِهِمۡ لَمۡ يَنَالُواْ خَيۡرٗاۚ وَكَفَى ٱللَّهُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٱلۡقِتَالَۚ وَكَانَ ٱللَّهُ قَوِيًّا عَزِيزٗا ٢٥
Waraddallāhul-ladhīna kafarū bighayzihim lam yanālū khayran wakafallāhul-mu'minīnal-qitāla wakānallāhu qawiyyan 'azīzā
25. Wuxuu Alle dib ugula ceshay gaalada ciilkooda, ma ay helin wax khayr ah; Alle baana ka kaafiyey mu’miniinta dagaal ay galaan. Alle waa Xoog Badane, Adkaada.
وَأَنزَلَ ٱلَّذِينَ ظَٰهَرُوهُم مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ مِن صَيَاصِيهِمۡ وَقَذَفَ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلرُّعۡبَ فَرِيقٗا تَقۡتُلُونَ وَتَأۡسِرُونَ فَرِيقٗا ٢٦
Wa anzalal-ladhīna zāharūhum min ahlil-kitābi min sayāsīhim waqadhafa fī qulūbihimur-ru'ba farīqan taqtulūna wata'sirūna farīqā
26. Wuxuu ka soo saarayna kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka 19 ee caawiyey (gaalada mushrikiinta ah) dhufaysyadooda oo ku tuuray quluubtooda argagax (sidaa darteed) qaar (ka mid ah) waad leyseen, qaar (kalena) soo qafaalateen.
وَأَوۡرَثَكُمۡ أَرۡضَهُمۡ وَدِيَٰرَهُمۡ وَأَمۡوَٰلَهُمۡ وَأَرۡضٗا لَّمۡ تَطَـُٔوهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٗا ٢٧
Wa awrathakum ardahum wadiyārahum wa amwālahum wa ardal lam tata'ūhā wakānallāhu 'alā kulli shay'in qadīrā
27. Wuxuu idin dhaxalsiiyey dhulkooda iyo guryahooda iyo maalkooda 20 iyo dhul aydaan (hadda ka hor) cag dhigin 21. Alle wax walba wuu Karaa.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّأَزۡوَٰجِكَ إِن كُنتُنَّ تُرِدۡنَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا وَزِينَتَهَا فَتَعَالَيۡنَ أُمَتِّعۡكُنَّ وَأُسَرِّحۡكُنَّ سَرَاحٗا جَمِيلٗا ٢٨
Yā'ayyuhan-nabiyyu qul li azwājika in kuntunna turidnal-hayawātad-dunyā wazīnatahā fata'ālayna umatti'kunna wa usarrihkunna sarāhan jamīlā
28. Nabiyow! Ku dheh xaasaskaaga: Haddaad tihiin kuwo raba nolosha adduun- kan iyo quruxdeeda - kaalaya waxaan idin siin sahay oo idin diri diritaan quruxsan.
وَإِن كُنتُنَّ تُرِدۡنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَٱلدَّارَ ٱلۡأٓخِرَةَ فَإِنَّ ٱللَّهَ أَعَدَّ لِلۡمُحۡسِنَٰتِ مِنكُنَّ أَجۡرًا عَظِيمٗا ٢٩
Wa in kuntunna turidnallāha warasūlahū wad-dāral-ākhirata fa innallāha a'adda lil-muhsināti minkunna ajran 'azīmā
29. Haddaadse rabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro, hubaal Alle wuxuu u diyaarshay samo falooyinka idinka mid ah abaalgud weyn (Janno).
يَٰنِسَآءَ ٱلنَّبِيِّ مَن يَأۡتِ مِنكُنَّ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖ يُضَٰعَفۡ لَهَا ٱلۡعَذَابُ ضِعۡفَيۡنِۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٗا ٣٠
Yānisā'an-nabiyyi man ya'ti minkunna bifāhishatim mubayyinatin yudā'af lahal-'adhābu di'fayni wakāna dhālika 'alallāhi yasīrā
30. Xaasaska Nabigow! Mid kastoo idinka mid ah oo la timaadda xumaan (macsi) cad, waxaa loo labolaabi cadaabka. Arrinkaasi Alle wuu u fudud yahay.
۞ وَمَن يَقۡنُتۡ مِنكُنَّ لِلَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتَعۡمَلۡ صَٰلِحٗا نُّؤۡتِهَآ أَجۡرَهَا مَرَّتَيۡنِ وَأَعۡتَدۡنَا لَهَا رِزۡقٗا كَرِيمٗا ٣١
Waman yaqnut minkunna lillāhi warasūlihī wata'mal sālihan nu'tihā ajrahā marratayni wa a'tadnā lahā rizqan karīmā
31. Tiise idinka mid ah ee adeecda Alle iyo Rasuulkiisa oo sama fasha, Waxaanu siin ajarkeeda labo jibbaar, waxaana u diyaarin- nay risiq sharaf leh (Jannada gudaheeda).
يَٰنِسَآءَ ٱلنَّبِيِّ لَسۡتُنَّ كَأَحَدٖ مِّنَ ٱلنِّسَآءِ إِنِ ٱتَّقَيۡتُنَّۚ فَلَا تَخۡضَعۡنَ بِٱلۡقَوۡلِ فَيَطۡمَعَ ٱلَّذِي فِي قَلۡبِهِۦ مَرَضٞ وَقُلۡنَ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا ٣٢
Yānisā'an-nabiyyi lastunna ka ahadim minan-nisā'i init-taqaytunna falā takhda'na bil-qawli fayatma'al-ladhī fī qalbihī maradun waqulna qawlam ma'rūfā
32. Xaasaska Nabigow! La mid ma tihin haweenka kale oo dhan, ee haddaad Alle ka cabsataan, ha ahaannina kuwo dabacsan oo nugul xagga hadal'kiinna' 22, si uusan kan qalbiga ka buka damac u gelin 23, ku hadlana hadal wanaagsan oo gar ah.
وَقَرۡنَ فِي بُيُوتِكُنَّ وَلَا تَبَرَّجۡنَ تَبَرُّجَ ٱلۡجَٰهِلِيَّةِ ٱلۡأُولَىٰۖ وَأَقِمۡنَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتِينَ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِعۡنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓۚ إِنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُذۡهِبَ عَنكُمُ ٱلرِّجۡسَ أَهۡلَ ٱلۡبَيۡتِ وَيُطَهِّرَكُمۡ تَطۡهِيرٗا ٣٣
Waqarna fī buyūtikunna walā tabarrajna tabarrujal-jāhiliyyatil-ūlā wa aqimnas-salawāta wa ātīnaz-zakawāta wa ati'nallāha warasūlahū innamā yurīdullāhu liyudhhiba 'ankumur-rijsa ahlal-bayti wayutahhirakum tathīrā
33. Ku sugnaadana guryihiinna 24, hana muujinnina quruxdiinna sida ismuujintii iyo isbandhiggii jaahiliyaddii hore 25, oogana salaadda, oo bixiya Zakada, adeecana Alle iyo Rasuulkiisa. Alle wuxuu rabaa uun inuu idinka fogeeyo fadarada (denbiga) Ehlu baytkow 26, iyo inuu idin daahiriyo daahirin dhan.
وَٱذۡكُرۡنَ مَا يُتۡلَىٰ فِي بُيُوتِكُنَّ مِنۡ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ وَٱلۡحِكۡمَةِۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ لَطِيفًا خَبِيرًا ٣٤
Wadhkurna mā yutlā fī buyūtikunna min āyātillāhi wal-hikmati innallāha kāna latīfan khabīrā
34. Oo dhaqan gasha waxa lagu akhriyo guryihiinna oo Aayadaha Alle ah iyo Xikmadda. Hubaal Alle waa Dhimriye, Xog Ogaal ah (Xeel Dheer).
إِنَّ ٱلۡمُسۡلِمِينَ وَٱلۡمُسۡلِمَٰتِ وَٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ وَٱلۡقَٰنِتِينَ وَٱلۡقَٰنِتَٰتِ وَٱلصَّٰدِقِينَ وَٱلصَّٰدِقَٰتِ وَٱلصَّٰبِرِينَ وَٱلصَّٰبِرَٰتِ وَٱلۡخَٰشِعِينَ وَٱلۡخَٰشِعَٰتِ وَٱلۡمُتَصَدِّقِينَ وَٱلۡمُتَصَدِّقَٰتِ وَٱلصَّٰٓئِمِينَ وَٱلصَّٰٓئِمَٰتِ وَٱلۡحَٰفِظِينَ فُرُوجَهُمۡ وَٱلۡحَٰفِظَٰتِ وَٱلذَّٰكِرِينَ ٱللَّهَ كَثِيرٗا وَٱلذَّٰكِرَٰتِ أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُم مَّغۡفِرَةٗ وَأَجۡرًا عَظِيمٗا ٣٥
Innal-muslimīna wal-muslimāti wal-mu'minīna wal-mu'mināti wal-qānitīna wal-qānitāti was-sādiqīna was-sādiqāti was-sābirīna was-sābirāti wal-khāshi'īna wal-khāshi'āti wal-mutasaddiqīna wal-mutasaddiqāti was-sā'imīna was-sā'imāti wal-hāfizīna furūjahum wal-hāfizāti wadh-dhākirīnallāha kathīran wadh-dhākirāti a'addallāhu lahum maghfiratan wa ajran 'azīmā
35. Hubaal Muslimiinta iyo Muslimooyinka, mu’miniinta iyo mu’minooyinka, ragga Alle adeeca iyo haweenka Alle adeeca, run sheegayaasha iyo run sheegooyinka, ragga samra iyo haweenka samra, ragga u khushuuca (Alle) iyo dumarka u khushuuca, ragga wax sadaqeysta iyo haweenka wax sadaqeysta, ragga sooma iyo haweenka sooma iyo dhowrsanayaa- sha xafida xubnahooda gaarka ahi iyo dhowrsanooyinka, Alle xusayaasha in badan iyo (Alle) xusooyinka. Alle wuxuu u diyaariyey denbi dhaaf iyo abaalgud weyn.
وَمَا كَانَ لِمُؤۡمِنٖ وَلَا مُؤۡمِنَةٍ إِذَا قَضَى ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ أَمۡرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ ٱلۡخِيَرَةُ مِنۡ أَمۡرِهِمۡۗ وَمَن يَعۡصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدۡ ضَلَّ ضَلَٰلٗا مُّبِينٗا ٣٦
Wamā kāna limu'minin walā mu'minatin idhā qadallāhu warasūluhū amran an yakūna lahumul-khiyaratu min amrihim waman ya'sillāha warasūlahū faqad dalla dalālam mubīnā
36. Kuma habboona nin mu’min ah ama haweeney mu'minad ah, markay Alle iyo Rasuulkiisu Arrin gooyaan inay yeeshaan talo goosi iskood ah. Qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa, wuxuu lumay lumitaan cad.
وَإِذۡ تَقُولُ لِلَّذِيٓ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ وَأَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِ أَمۡسِكۡ عَلَيۡكَ زَوۡجَكَ وَٱتَّقِ ٱللَّهَ وَتُخۡفِي فِي نَفۡسِكَ مَا ٱللَّهُ مُبۡدِيهِ وَتَخۡشَى ٱلنَّاسَ وَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخۡشَىٰهُۖ فَلَمَّا قَضَىٰ زَيۡدٞ مِّنۡهَا وَطَرٗا زَوَّجۡنَٰكَهَا لِكَيۡ لَا يَكُونَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ حَرَجٞ فِيٓ أَزۡوَٰجِ أَدۡعِيَآئِهِمۡ إِذَا قَضَوۡاْ مِنۡهُنَّ وَطَرٗاۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ مَفۡعُولٗا ٣٧
Wa idh taqūlu lilladhī an'amallāhu 'alayhi wa an'amta 'alayhi amsik 'alayka zawjaka wattaqillāha watukhfī fī nafsika mallāhu mubdīhi watakhshan-nāsa wallāhu ahaqqu an takhshāhu falammā qadā zaydum minhā wataran zawwajnākahā likay lā yakūna 'alal-mu'minīna harajun fī azwāji ad'iyā'ihim idhā qadaw minhunna wataran wakāna amrullāhi maf'ūlā
37. (Xusuuso, Nabiyow) markaad ku tidhi kan uu Alle u nicmeeyay 27 adiguna aad u nicmaysay: Heyso xaaskaaga, Alle ka cabso; waxaadna ku qarisay naftaada wuxuu Alle debedda keenayo, adigoo ka baqaya dadka, Alle baase mudan inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay) baan (Nabiyow) kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) xaasaska kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen 'oo iskood u fureen' 28. Amarka Alle waa mid abad fula oo hirgala.
مَّا كَانَ عَلَى ٱلنَّبِيِّ مِنۡ حَرَجٖ فِيمَا فَرَضَ ٱللَّهُ لَهُۥۖ سُنَّةَ ٱللَّهِ فِي ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلُۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ قَدَرٗا مَّقۡدُورًا ٣٨
Mmā kāna 'alan-nabiyyi min harajin fīmā faradallāhu lahū sunnatallāhi fil-ladhīna khalaw min qablu wakāna amrullāhi qadaram maqdūrā
38. Ma aha Nabiga dushiisa wax dhib ah inuu falaa waxa Alle u banneeyey 29. Waa jidkii Alle ee kuwii hore ee tegay. Amarka Alle waa qaddar horay ka fula.
ٱلَّذِينَ يُبَلِّغُونَ رِسَٰلَٰتِ ٱللَّهِ وَيَخۡشَوۡنَهُۥ وَلَا يَخۡشَوۡنَ أَحَدًا إِلَّا ٱللَّهَۗ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبٗا ٣٩
Alladhīna yuballighūna risālātillāhi wayakhshawnahū walā yakhshawna ahadan illallāha wakafā billāhi hasībā
39. (Waxaa ammaan mudan) kuwa gaarsiiya dadka Farriimaha Alle oo ka baqa 30, oo aan ka baqin cidna Alle maahee. Alle ku filan xisaabiye ahaan.
مَّا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَآ أَحَدٖ مِّن رِّجَالِكُمۡ وَلَٰكِن رَّسُولَ ٱللَّهِ وَخَاتَمَ ٱلنَّبِيِّـۧنَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا ٤٠
Mmā kāna muhammadun abā ahadim mir rijālikum walākir rasūlallāhi wakhātaman-nabiyyina wakānallāhu bikulli shay'in 'alīmā
40. Muxammad ma aha aabbaha qofna ka mid ah raggiina, waase Rasuul Alle iyo kan u dambeeyey ee lagu khatimay Nabiyada 31. Alle wax walba wuu Og yahay.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ ذِكۡرٗا كَثِيرٗا ٤١
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanudhkurullāha dhikran kathīrā
41. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusa Alle xusid badan.
وَسَبِّحُوهُ بُكۡرَةٗ وَأَصِيلًا ٤٢
Wasabbihūhu bukratan wa asīlā
42. Xurmad weyneeyana oo ka hufa (xumaan iyo nuqsaan) aroor iyo galabba.
هُوَ ٱلَّذِي يُصَلِّي عَلَيۡكُمۡ وَمَلَٰٓئِكَتُهُۥ لِيُخۡرِجَكُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۚ وَكَانَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ رَحِيمٗا ٤٣
Huwal-ladhī yusallī 'alaykum wamalā'ikatuhū liyukhrijakum minaz-zulumāti ilan-nūri wakāna bil-mu'minīna rahīmā
43. Waa Isaga 'Alle' Kan soo dira Barakooyinkiisa korkiinna 32, malaa’igtiisuna idiin duceyso, si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. (Alle) waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta.
تَحِيَّتُهُمۡ يَوۡمَ يَلۡقَوۡنَهُۥ سَلَٰمٞۚ وَأَعَدَّ لَهُمۡ أَجۡرٗا كَرِيمٗا ٤٤
Tahiyyatuhum yawma yalqawnahū salāmun wa a'adda lahum ajran karīmā
44. Bariidadoodu Maalintay (Alle) la Kulmi waa Salaam: Nabad ahaada; Wuxuuna u diyaariyey abaal gud sharaf badan (Janno).
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ شَٰهِدٗا وَمُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا ٤٥
Yā'ayyuhan-nabiyyu innā arsalnāka shāhidan wamubasshiran wanadhīrā
45. Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, bishaareeye iyo dige ahaan 33.
وَدَاعِيًا إِلَى ٱللَّهِ بِإِذۡنِهِۦ وَسِرَاجٗا مُّنِيرٗا ٤٦
Wadā'iyan ilallāhi bi idhnihī wasirājam munīrā
46. Iyo inaad ahaato baaqe ugu yeedha (dadka) xagga Alle si Idankiisa ah iyo nal ifi.
وَبَشِّرِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ بِأَنَّ لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ فَضۡلٗا كَبِيرٗا ٤٧
Wabasshiril-mu'minīna bi anna lahum minallāhi fadlan kabīrā
47. Ugu bishaaree mu'miniinta inay xagga Alle ku leeyihiin deeq Weyn (beeraha Jannada).
وَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَدَعۡ أَذَىٰهُمۡ وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ وَكِيلٗا ٤٨
Walā tuti'il-kāfirīna wal-munāfiqīna wada' adhāhum watawakkal 'alallāhi wakafā billāhi wakīlā
48. Ha adeecin gaalada iyo munaafiqiinta, oo dan ha u gelin hadalkooda dhibta leh, oo talo saaro Alle. Ku Filan Alle wakiil ahaan.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا نَكَحۡتُمُ ٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ طَلَّقۡتُمُوهُنَّ مِن قَبۡلِ أَن تَمَسُّوهُنَّ فَمَا لَكُمۡ عَلَيۡهِنَّ مِنۡ عِدَّةٖ تَعۡتَدُّونَهَاۖ فَمَتِّعُوهُنَّ وَسَرِّحُوهُنَّ سَرَاحٗا جَمِيلٗا ٤٩
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū idhā nakahtumul-mu'mināti thumma tallaqtumūhunna min qabli an tamassūhunna famā lakum 'alayhinna min 'iddatin ta'taddūnahā famatti'ūhunna wasarrihūhunna sarāhan jamīlā
49. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad guursataan dumar mu’minaat ah, markaas aad furtaan ka hor inta aydaan taaban (la aqal gelin), markaa kuma lihidin korkooda wax ciddo ah ay tirsan, ee siiya xoogaa sahay ah oo dira diritaan quruxsan.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِنَّآ أَحۡلَلۡنَا لَكَ أَزۡوَٰجَكَ ٱلَّٰتِيٓ ءَاتَيۡتَ أُجُورَهُنَّ وَمَا مَلَكَتۡ يَمِينُكَ مِمَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَيۡكَ وَبَنَاتِ عَمِّكَ وَبَنَاتِ عَمَّٰتِكَ وَبَنَاتِ خَالِكَ وَبَنَاتِ خَٰلَٰتِكَ ٱلَّٰتِي هَاجَرۡنَ مَعَكَ وَٱمۡرَأَةٗ مُّؤۡمِنَةً إِن وَهَبَتۡ نَفۡسَهَا لِلنَّبِيِّ إِنۡ أَرَادَ ٱلنَّبِيُّ أَن يَسۡتَنكِحَهَا خَالِصَةٗ لَّكَ مِن دُونِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَۗ قَدۡ عَلِمۡنَا مَا فَرَضۡنَا عَلَيۡهِمۡ فِيٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ وَمَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ لِكَيۡلَا يَكُونَ عَلَيۡكَ حَرَجٞۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ٥٠
Yā'ayyuhan-nabiyyu innā ahlalnā laka azwājakal-lātī ātayta ujūrahunna wamā malakat yamīnuka mimmā afā'allāhu 'alayka wabanāti 'ammika wabanāti 'ammātika wabanāti khālika wabanāti khālātikal-lātī hājarna ma'aka wamra'atam mu'minatan in wahabat nafsahā lin-nabiyyi in arādan-nabiyyu an yastankihahā khālisatal laka min dūnil-mu'minīna qad 'alimnā mā faradnā 'alayhim fī azwājihim wamā malakat aymānuhum likaylā yakūna 'alayka harajun wakānallāhu ghafūrar rahīmā
50. Nabiyow! Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal xaasaskaaga aad siisay maherradooda iyo kuwa ay gacantaadu midig hanato oo aad kala soo baxday kuwa uu Alle kuu siiyey qafaal ahaanta, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdhaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kula soo haajiray, iyo haweeney mu’minad ah hadday u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin (inta kale ee hadhay) ee mu’miniinta ah. Waxaan ognahay waxaan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo waxay gacmahoodu midig hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
۞ تُرۡجِي مَن تَشَآءُ مِنۡهُنَّ وَتُـٔۡوِيٓ إِلَيۡكَ مَن تَشَآءُۖ وَمَنِ ٱبۡتَغَيۡتَ مِمَّنۡ عَزَلۡتَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكَۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَن تَقَرَّ أَعۡيُنُهُنَّ وَلَا يَحۡزَنَّ وَيَرۡضَيۡنَ بِمَآ ءَاتَيۡتَهُنَّ كُلُّهُنَّۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا فِي قُلُوبِكُمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَلِيمٗا ٥١
Turjī man tashā'u minhunna watu'wī ilayka man tashā'u wamanibtaghayta mimman 'azalta falā junāha 'alayka dhālika adnā an taqarra a'yunuhunna walā yahzanna wayardayna bimā ātaytahunna kulluhunna wallāhu ya'lamu mā fī qulūbikum wakānallāhu 'alīman halīmā
51. Waad dib dhigi kartaa (Nabiyow) tii aad doonto (mooggeeda), oo u hoyaadi kartaa tii aad doonto, waadna soo dhoweyn kartaa tii aad rabto oo ka mid ah kuwaad ka fogaatay, eed kuguma saarna, arrinkani baa sii habboon, si ay u indho qabowsa- daan oo aysan u murugoon, iyo inay ku raali noqdaan dhammaantood waxaad siiso. Alle baa og waxa ku jira quluubtiinna. Alle waa wax kasta Oge, Dulqaad Badan.
لَّا يَحِلُّ لَكَ ٱلنِّسَآءُ مِنۢ بَعۡدُ وَلَآ أَن تَبَدَّلَ بِهِنَّ مِنۡ أَزۡوَٰجٖ وَلَوۡ أَعۡجَبَكَ حُسۡنُهُنَّ إِلَّا مَا مَلَكَتۡ يَمِينُكَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ رَّقِيبٗا ٥٢
Llā yahillu lakan-nisā'u mim ba'du walā an tabaddala bihinna min azwājin walaw a'jabaka husnuhunna illā mā malakat yamīnuka wakānallāhu 'alā kulli shay'ir raqībā
52. Kuuma bannaana (Nabiyow, guursiga) haween dambe intaa kaddib, iyo inaad iyaga (xaasaskaaga furto oo) ku beddalatid xaasas kale midna, xataa hadday quruxdoodu ku cajabiso marka laga reebo kuwaa ay gacantaadu midig hanato. Alle wuu u jeedaa wax walba.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَدۡخُلُواْ بُيُوتَ ٱلنَّبِيِّ إِلَّآ أَن يُؤۡذَنَ لَكُمۡ إِلَىٰ طَعَامٍ غَيۡرَ نَٰظِرِينَ إِنَىٰهُ وَلَٰكِنۡ إِذَا دُعِيتُمۡ فَٱدۡخُلُواْ فَإِذَا طَعِمۡتُمۡ فَٱنتَشِرُواْ وَلَا مُسۡتَـٔۡنِسِينَ لِحَدِيثٍۚ إِنَّ ذَٰلِكُمۡ كَانَ يُؤۡذِي ٱلنَّبِيَّ فَيَسۡتَحۡيِۦ مِنكُمۡۖ وَٱللَّهُ لَا يَسۡتَحۡيِۦ مِنَ ٱلۡحَقِّۚ وَإِذَا سَأَلۡتُمُوهُنَّ مَتَٰعٗا فَسۡـَٔلُوهُنَّ مِن وَرَآءِ حِجَابٖۚ ذَٰلِكُمۡ أَطۡهَرُ لِقُلُوبِكُمۡ وَقُلُوبِهِنَّۚ وَمَا كَانَ لَكُمۡ أَن تُؤۡذُواْ رَسُولَ ٱللَّهِ وَلَآ أَن تَنكِحُوٓاْ أَزۡوَٰجَهُۥ مِنۢ بَعۡدِهِۦٓ أَبَدًاۚ إِنَّ ذَٰلِكُمۡ كَانَ عِندَ ٱللَّهِ عَظِيمًا ٥٣
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā tadkhulū buyūtan-nabiyyi illā an yu'dhana lakum ilā ta'āmin ghayra nāzirīna ināhu walākin idhā du'ītum fadkhulū fa idhā ta'imtum fantashirū walā musta'nisīna lihadīthin inna dhālikum kāna yu'dhin-nabiyya fayastahyī minkum wallāhu lā yastahyī minal-haqqi wa idhā sa'altumūhunna matā'an fas'alūhunna min warā'i hijābin dhālikum atharu liqulūbikum waqulūbihinna wamā kāna lakum an tu'dhū rasūlallāhi walā an tankihū azwājahū mim ba'dihī abadan inna dhālikum kāna 'indallāhi 'azīmā
53. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryaha Nabiga in cunno la idiinku yeedho mooyee idinkoon sugeyn bislaadkeeda 34. markase la idiin yeedho gala, markaad cuntaanna raashinka kala taga idinkoon sugeyn sheeko. Hubaal (arrin) kani waxay dhibi Nabiga, wuuse idinka xishoon (inuu idin bixiyo), Alle se kama xishoodo xaqa. Markaad weydiisanaysaan (haweenka Nabiga) wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin)kani baa u daahirnimo badan (u fiican) quluubtiinna iyo quluubtoodaba. Xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Alle iyo inaad guursataanba xaasaskiisa gadaashi marnaba. Hubaal (arrin)kani Alle xaggi waa wax Daran oo denbi weyn ah.
إِن تُبۡدُواْ شَيۡـًٔا أَوۡ تُخۡفُوهُ فَإِنَّ ٱللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا ٥٤
In tubdū shay'an aw tukhfūhu fa innallāha kāna bikulli shay'in 'alīmā
54. Haddaad muujisaan wax ama qarisaan, hubaal Alle wax walba wuu Og yahay.
لَّا جُنَاحَ عَلَيۡهِنَّ فِيٓ ءَابَآئِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآئِهِنَّ وَلَآ إِخۡوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآءِ إِخۡوَٰنِهِنَّ وَلَآ أَبۡنَآءِ أَخَوَٰتِهِنَّ وَلَا نِسَآئِهِنَّ وَلَا مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُنَّۗ وَٱتَّقِينَ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدًا ٥٥
Llā junāha 'alayhinna fī ābā'ihinna walā abnā'ihinna walā ikhwānihinna walā abnā'i ikhwānihinna walā abnā'i akhawātihinna walā nisā'ihinna walā mā malakat aymānuhunna wattaqīnallāha innallāha kāna 'alā kulli shay'in shahīdā
55. Wax denbi ah kama soo gaadhayo (haweenka inaysan ka xijaaban) aabbayaashood 35 ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, iyo waxay gacantoodu midig hanato. Alle ka cabsada. Hubaal Alle waa Mid wax waliba u jeeda oo arka.
إِنَّ ٱللَّهَ وَمَلَٰٓئِكَتَهُۥ يُصَلُّونَ عَلَى ٱلنَّبِيِّۚ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ صَلُّواْ عَلَيۡهِ وَسَلِّمُواْ تَسۡلِيمًا ٥٦
Innallāha wamalā'ikatahū yusallūna 'alan-nabiyyi yā'ayyuhal-ladhīna āmanū sallū 'alayhi wasallimū taslīmā
56. Hubaal Alle iyo Malaa'igtiisu waxay ku salliyaan Nabiga 36, ee kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ku salliya oo salaama salaan la yaqaan 37.
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمۡ عَذَابٗا مُّهِينٗا ٥٧
Innal-ladhīna yu'dhūnallāha warasūlahū la'anahumullāhu fid-dunyā wal-ākhirati wa a'adda lahum 'adhābam muhīnā
57. Xaqiiq kuwa ku dhiba Alle (shirki, xume fal iyo hadal xun) Rasuulkiisana (qowl ama ficil) - Alle wuu nacladay adduun iyo Aakhiraba, wuxuuna u diyaariyey Cadaab dulleysa.
وَٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ بِغَيۡرِ مَا ٱكۡتَسَبُواْ فَقَدِ ٱحۡتَمَلُواْ بُهۡتَٰنٗا وَإِثۡمٗا مُّبِينٗا ٥٨
Walladhīna yu'dhūnal-mu'minīna wal-mu'mināti bighayri maktasabū faqadihtamalū buhtānan wa ithmam mubīnā
58. Kuwa ku dhibana mu’miniinta iyo mu’minaatka wax aanay muteysan, waxay dusha saarteen been abuurasho iyo denbi cad.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ قُل لِّأَزۡوَٰجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَآءِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ يُدۡنِينَ عَلَيۡهِنَّ مِن جَلَٰبِيبِهِنَّۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَن يُعۡرَفۡنَ فَلَا يُؤۡذَيۡنَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ٥٩
Yā'ayyuhan-nabiyyu qul li azwājika wabanātika wanisā'il-mu'minīna yudnīna 'alayhinna min jalābībihinna dhālika adnā an yu'rafna falā yu'dhayna wakānallāhu ghafūrar rahīmā
59. Nabiyow! Ku dheh (oo amar) xaasas- kaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta inay isku dadaan xijaabkooda. (Arrin) kani baa roon oo wanaagsan si loogu aqoonsado, sidaas darteedna aan loo faduulin. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
۞ لَّئِن لَّمۡ يَنتَهِ ٱلۡمُنَٰفِقُونَ وَٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ وَٱلۡمُرۡجِفُونَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ لَنُغۡرِيَنَّكَ بِهِمۡ ثُمَّ لَا يُجَاوِرُونَكَ فِيهَآ إِلَّا قَلِيلٗا ٦٠
Lla il lam yantahil-munāfiqūna walladhīna fī qulūbihim maradun wal-murjifūna fil-madīnati lanughriyannaka bihim thumma lā yujāwirūnaka fīhā illā qalīlā
60. Haddayan munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka 38 iyo kuwa gilgili (wararka beenta ah ku faafiya) magaalada joojinin (waxay ku jiraan), waanu kugu salladi oo ka adkaan, markaas kugulama deris ahaanayaan in yar ma’ahee.
مَّلۡعُونِينَۖ أَيۡنَمَا ثُقِفُوٓاْ أُخِذُواْ وَقُتِّلُواْ تَقۡتِيلٗا ٦١
Mmal'ūnīna aynamā thuqifū ukhidhū waquttilū taqtīlā
61. Waa la nacladay, meel kastoo laga helo, waa la qab-qaban oo la layn leyn daran.
سُنَّةَ ٱللَّهِ فِي ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلُۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّةِ ٱللَّهِ تَبۡدِيلٗا ٦٢
Sunnatallāhi fil-ladhīna khalaw min qablu walan tajida lisunnatillāhi tabdīlā
62. Waa hannaankii Alle ee ku meel maray kuwii hore ee tagay, kamana heleysid hannaanka Alle wax is beddel ah.
يَسۡـَٔلُكَ ٱلنَّاسُ عَنِ ٱلسَّاعَةِۖ قُلۡ إِنَّمَا عِلۡمُهَا عِندَ ٱللَّهِۚ وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّ ٱلسَّاعَةَ تَكُونُ قَرِيبًا ٦٣
Yas'alukan-nāsu 'anis-sā'ati qul innamā 'ilmuhā 'indallāhi wamā yudrīka la'allas-sā'ata takūnu qarībā
63. Dadku waxay wax kaa weydiin Saacad- da (Qiyaame goortay tahay), Dheh: Cilmi- geedu wuxuu la jiraa Alle. Miyaadse og tahay waa intaasoy Saacaddu dhowdahay.
إِنَّ ٱللَّهَ لَعَنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَأَعَدَّ لَهُمۡ سَعِيرًا ٦٤
Innallāha la'anal-kāfirīna wa a'adda lahum sa'īrā
64. Hubaal Alle wuu nacladay gaalada, oo u diyaariyey Naar hur iyo olol badan.
خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ لَّا يَجِدُونَ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا ٦٥
Khālidīna fīhā abadal lā yajidūna waliyyan walā nasīrā
65. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, ma heleyaan difaace iyo gargaare midna.
يَوۡمَ تُقَلَّبُ وُجُوهُهُمۡ فِي ٱلنَّارِ يَقُولُونَ يَٰلَيۡتَنَآ أَطَعۡنَا ٱللَّهَ وَأَطَعۡنَا ٱلرَّسُولَا۠ ٦٦
Yawma tuqallabu wujūhuhum fin-nāri yaqūlūna yālaytanā ata'nallāha wa ata'nar-rasūlaā
66. Maalinta wejiyadooda lagu rogrogi Naarta, waxay odhan: wayoo waye haddaanu adeeci lahayn Alle, adeecina lahayn Rasuulka.
وَقَالُواْ رَبَّنَآ إِنَّآ أَطَعۡنَا سَادَتَنَا وَكُبَرَآءَنَا فَأَضَلُّونَا ٱلسَّبِيلَا۠ ٦٧
Waqālū rabbanā innā ata'nā sādatanā wakubarā'anā fa adallūnas-sabīlaā
67. Waxay odhan: Rabbigayow! Waxaan adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii 39, oo naga lumiyeen Jidka (Toosan ee Islaamka).
رَبَّنَآ ءَاتِهِمۡ ضِعۡفَيۡنِ مِنَ ٱلۡعَذَابِ وَٱلۡعَنۡهُمۡ لَعۡنٗا كَبِيرٗا ٦٨
Rabbanā ātihim di'fayni minal-'adhābi wal-'anhum la'nan kabīrā
68. Ee Rabbiyow sii cadaab labanlaab ah, nacladna naclad weyn.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ ءَاذَوۡاْ مُوسَىٰ فَبَرَّأَهُ ٱللَّهُ مِمَّا قَالُواْۚ وَكَانَ عِندَ ٱللَّهِ وَجِيهٗا ٦٩
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā takūnū kalladhīna ādhaw mūsā fabarra'ahullāhu mimmā qālū wakāna 'indallāhi wajīhā
69. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Alle ka barii yeelay waxay ku sheegeen, wuxuuna Alle agtiis ku leeyahay weji (sharaf).
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَقُولُواْ قَوۡلٗا سَدِيدٗا ٧٠
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanut-taqullāha waqūlū qawlan sadīdā
70. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada (oo dhowra amarradiisa) kuna hadla hadal toosan (oo run ah).
يُصۡلِحۡ لَكُمۡ أَعۡمَٰلَكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡ ذُنُوبَكُمۡۗ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدۡ فَازَ فَوۡزًا عَظِيمًا ٧١
Yuslih lakum a'mālakum wayaghfir lakum dhunūbakum waman yuti'illāha warasūlahū faqad fāza fawzan 'azīmā
71. Wuxuu idiin wanaajin acmaashiinna, idiinna dhaafi dunuubtiinna. Qofkiina adeeca Alle iyo Rasuulkiisa (Muxammad), wuxuu liibaani liibaan weyn 40.
إِنَّا عَرَضۡنَا ٱلۡأَمَانَةَ عَلَى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱلۡجِبَالِ فَأَبَيۡنَ أَن يَحۡمِلۡنَهَا وَأَشۡفَقۡنَ مِنۡهَا وَحَمَلَهَا ٱلۡإِنسَٰنُۖ إِنَّهُۥ كَانَ ظَلُومٗا جَهُولٗا ٧٢
Innā 'aradnal-amānata 'alas-samāwāti wal-ardi wal-jibāli fa abayna an yahmilnahā wa ashfaqna minhā wahamalahal-insānu innahū kāna zalūman jahūlā
72.Waxaan u soo bandhignay Amaanada samooyinka, arlada iyo buuraha, wayse ka cudur daarteen inay qaadaan oo ka baqeen 'Culeyska amaanada' 41. Waxaase qaaday oo ku xil darrooday Aadmiga 42. Waa dulmi badane, jahli badan.
لِّيُعَذِّبَ ٱللَّهُ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ وَٱلۡمُشۡرِكَٰتِ وَيَتُوبَ ٱللَّهُ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمَۢا ٧٣
Lliyu'addhiballāhul-munāfiqīna wal-munāfiqāti wal-mushrikīna wal-mushrikāti wayatūballāhu 'alal-mu'minīna wal-mu'mināti wakānallāhu ghafūrar rahīmā
73. Si uu Alle u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka, ugana toobad aqbalo mu’miniinta iyo mu’minaatka 43. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.
Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.