Suuradda Al-Ahzab, aayadda 45

33:45

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِيُّ إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ شَٰهِدٗا وَمُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا ٤٥

Yā'ayyuhan-nabiyyu innā arsalnāka shāhidan wamubasshiran wanadhīrā

45. Nabiyow! Hubaal waxaan Annagu kuu soo dirnay inaad ahaato markhaati, bishaareeye iyo dige ahaan 33.

Faallooyin hoose

33. Nabiga s.c.w. wuxuu ku odhan jirey asxaabtiisa: Bishaareeya, oo ha didinnina dadka, oo wax fududeeya oo ha adkeynina.”