Suuradda Saba سبإ

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَهُ ٱلۡحَمۡدُ فِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ وَهُوَ ٱلۡحَكِيمُ ٱلۡخَبِيرُ ١

Al-hamdu lillāhil-ladhī lahū mā fis-samāwāti wamā fil-ardi walahul-hamdu fil-ākhirati wahuwal-hakīmul-khabīr

1. Ammaan (oo idil) iyo mahad waxaa mudan Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Isagaana (sidoo kale) mudan ammaan oo idil iyo mahad Aakhirada, Waana Xikmad Badanaha, Xog Ogaalka ah.

يَعۡلَمُ مَا يَلِجُ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا يَخۡرُجُ مِنۡهَا وَمَا يَنزِلُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ وَمَا يَعۡرُجُ فِيهَاۚ وَهُوَ ٱلرَّحِيمُ ٱلۡغَفُورُ ٢

Ya'lamu mā yaliju fil-ardi wamā yakhruju minhā wamā yanzilu minas-samā'i wamā ya'ruju fīhā wahuwar-rahīmul-ghafūr

2. Wuxuu Ogyahay waxa gala arlada iyo waxa ka soo baxa iyo waxa ka soo dega samada iyo waxa kor ugu baxa. Waana Naxariis Badanaha, Denbi Dhaafka Badan.

وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَا تَأۡتِينَا ٱلسَّاعَةُۖ قُلۡ بَلَىٰ وَرَبِّي لَتَأۡتِيَنَّكُمۡ عَٰلِمِ ٱلۡغَيۡبِۖ لَا يَعۡزُبُ عَنۡهُ مِثۡقَالُ ذَرَّةٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَآ أَصۡغَرُ مِن ذَٰلِكَ وَلَآ أَكۡبَرُ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٖ ٣

Waqālal-ladhīna kafarū lā ta'tīnas-sā'atu qul balā warabbī lata'tiyannakum 'ālimil-ghaybi lā ya'zubu 'anhu mithqālu dharratin fis-samāwāti walā fil-ardi walā asgharu min dhālika walā akbaru illā fī kitābim mubīn

3. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: "Nooma imaaneyso Saacadda (Qiyaame). Dheh: "Haayoo, Waa igu Rabbigay, way idiin iman. (Alle waa) Ogsoonaha waxa aan muuqan ee qarsoon". Kama qarsoona wax saxar le’eg (ama qudhaanjo) oo samada ama arlada yaal ama wax intaa ka sii yar ama ka sii weyn, intuba waxay ku yaallaan Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).

لِّيَجۡزِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ ٤

Lliyajziyal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti ulā'ika lahum maghfiratun warizqun karīm

4. Si uu u abaal mariyo kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, kuwaa waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo Risiq sharaf leh.

وَٱلَّذِينَ سَعَوۡ فِيٓ ءَايَٰتِنَا مُعَٰجِزِينَ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٞ مِّن رِّجۡزٍ أَلِيمٞ ٥

Walladhīna sa'aw fī āyātinā mu'ājizīna ulā'ika lahum 'adhābum mir rijzin alīm

5. Kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga 1 - kuwaa waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan.

وَيَرَى ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ ٱلَّذِيٓ أُنزِلَ إِلَيۡكَ مِن رَّبِّكَ هُوَ ٱلۡحَقَّ وَيَهۡدِيٓ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ ٦

Wayaral-ladhīna ūtul-'ilmal-ladhī unzila ilayka mir rabbika huwal-haqqa wayahdī ilā sirātil-'azīzil-hamīd

6. Kuwa la siiyey cilmiga waxay arkaan in Waxyiga lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq, wax ku hanuuniya Jidka (Alle) Adkaadaha Sare, Ammaanan.

وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ هَلۡ نَدُلُّكُمۡ عَلَىٰ رَجُلٖ يُنَبِّئُكُمۡ إِذَا مُزِّقۡتُمۡ كُلَّ مُمَزَّقٍ إِنَّكُمۡ لَفِي خَلۡقٖ جَدِيدٍ ٧

Waqālal-ladhīna kafarū hal nadullukum 'alā rajulin yunabbi'ukum idhā muzziqtum kulla mumazzaqin innakum lafī khalqin jadīd

7. Kuwii gaaloobay waxay yidhaahdeen: Ma idin tusnaa nin idiin sheegi in markaad googo'daan googo’ dhan (oo carrada idin cunto) in la idin abuuri abuur cusub?.

أَفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَم بِهِۦ جِنَّةُۢۗ بَلِ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ فِي ٱلۡعَذَابِ وَٱلضَّلَٰلِ ٱلۡبَعِيدِ ٨

Aftarā 'alallāhi kadhiban am bihī jinnatu balil-ladhīna lā yu'minūna bil-ākhirati fil-'adhābi wad-dalālil-ba'īd

8. Ma Alle buu ka been sheegi mise jin baa ku jira? Mayee, kuwa aan rumeysnayn Aakhirada waxay ku sugan yihiin cadaab iyo habow fog.

أَفَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَىٰ مَا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِن نَّشَأۡ نَخۡسِفۡ بِهِمُ ٱلۡأَرۡضَ أَوۡ نُسۡقِطۡ عَلَيۡهِمۡ كِسَفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّكُلِّ عَبۡدٖ مُّنِيبٖ ٩

Afalam yaraw ilā mā bayna aydīhim wamā khalfahum minas-samā'i wal-ardi in nasha' nakhsif bihimul-arda aw nusqit 'alayhim kisafam minas-samā'i inna fī dhālika la'āyatal likulli 'abdim munīb

9. Miyaanay arkayn waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo arlo ah? Haddaan doonno, waxaanu la goyn dhulka, ama waxaan ku soo rideynaa gabal cirka ah. Arrinkaasi waxaa ugu sugan calaamo addoon kastoo tawbad keen badan.

۞ وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ مِنَّا فَضۡلٗاۖ يَٰجِبَالُ أَوِّبِي مَعَهُۥ وَٱلطَّيۡرَۖ وَأَلَنَّا لَهُ ٱلۡحَدِيدَ ١٠

Walaqad ātaynā dāwūda minnā fadlan yājibālu awwibī ma'ahū wat-tayra wa alannā lahul-hadīd

10. Waxaanu dhab ahaan ka siinnay Daawuud deeq dheeraad ah Xaggayaga. (Waxaana nidhi), "Buurahow, la qaada Alle ammaanka iyo xamdi naqa, iyo shimbirahowba. Waxaana u jilicinnay birta.

أَنِ ٱعۡمَلۡ سَٰبِغَٰتٖ وَقَدِّرۡ فِي ٱلسَّرۡدِۖ وَٱعۡمَلُواْ صَٰلِحًاۖ إِنِّي بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ ١١

Ani'mal sābighātin waqaddir fis-sardi wa'malū sālihan innī bimā ta'malūna basīr

11. 'Annagoo leh': Samee duruucda (jaakado bireedyada loo qaato dagaalka), hagaaji sameyntooda, samana fala. Hubaal Anigu waan Arkaa waxaad fashaan.

وَلِسُلَيۡمَٰنَ ٱلرِّيحَ غُدُوُّهَا شَهۡرٞ وَرَوَاحُهَا شَهۡرٞۖ وَأَسَلۡنَا لَهُۥ عَيۡنَ ٱلۡقِطۡرِۖ وَمِنَ ٱلۡجِنِّ مَن يَعۡمَلُ بَيۡنَ يَدَيۡهِ بِإِذۡنِ رَبِّهِۦۖ وَمَن يَزِغۡ مِنۡهُمۡ عَنۡ أَمۡرِنَا نُذِقۡهُ مِنۡ عَذَابِ ٱلسَّعِيرِ ١٢

Walisulaymānar-rīha ghuduwwuhā shahrun warawāhuhā shahrun wa asalnā lahū 'aynal-qitri waminal-jinni man ya'malu bayna yadayhi bi idhni rabbihī waman yazigh minhum 'an amrinā nudhiqhu min 'adhābis-sa'īr

12. Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabeysha 2, in bil loo socdo ku maraysay aroornimada (ilaa duhurka), in bil loo socdona ku maraysay (duhurka ilaa) galabnimada, Waxaana u dareerinnay il nuxaas (maar) ah. Waxaana ka mid ahaa jinka kuwo u shaqeynayey idanka Rabbigi, mid kastoona ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga (aan ku amarnay inay adeecaan Sulaymaan ah) Waxaanu dhadhansiin cadaabka gubashada.

يَعۡمَلُونَ لَهُۥ مَا يَشَآءُ مِن مَّحَٰرِيبَ وَتَمَٰثِيلَ وَجِفَانٖ كَٱلۡجَوَابِ وَقُدُورٖ رَّاسِيَٰتٍۚ ٱعۡمَلُوٓاْ ءَالَ دَاوُۥدَ شُكۡرٗاۚ وَقَلِيلٞ مِّنۡ عِبَادِيَ ٱلشَّكُورُ ١٣

Ya'malūna lahū mā yashā'u mim mahārība watamāthīla wajifānin kal-jawābi waqudūrir rāsiyātini'malū āla dāwūda shukran waqalīlum min 'ibādiyash-shakūr

13. Waxay u sameeyeen wuxuu rabo oo mixraabyo ah 3 iyo taallooyin 4 iyo xeerooyin (ballaadhan) baraago oo kale ah, iyo digsiyo (wax lagu kariyo) oo waaweyn aan laga qaadin meeshooda. Mahad naqa idinku Reer Daawuudow! Waa in yar addoomahayga mahad naqa badan.

فَلَمَّا قَضَيۡنَا عَلَيۡهِ ٱلۡمَوۡتَ مَا دَلَّهُمۡ عَلَىٰ مَوۡتِهِۦٓ إِلَّا دَآبَّةُ ٱلۡأَرۡضِ تَأۡكُلُ مِنسَأَتَهُۥۖ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ ٱلۡجِنُّ أَن لَّوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ ٱلۡغَيۡبَ مَا لَبِثُواْ فِي ٱلۡعَذَابِ ٱلۡمُهِينِ ١٤

Falammā qadaynā 'alayhil-mawta mā dallahum 'alā mawtihī illā dābbatul-ardi ta'kulu minsa'atahū falammā kharra tabayyanatil-jinnu al law kānū ya'lamūnal-ghayba mā labithū fil-'adhābil-muhīn

14. Markaan u qaddarnay dhimashada (Sulaymaan), ma jirin wax tusiyey dhimashadiisa aan ahayn aboorka cunay ushiisa 5. Markuu dhacay, waxaa u caddaaday jinka in hadday og yihiin Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon) aanay ku negaadeen dhibka 'shaqadaa' 6.

لَقَدۡ كَانَ لِسَبَإٖ فِي مَسۡكَنِهِمۡ ءَايَةٞۖ جَنَّتَانِ عَن يَمِينٖ وَشِمَالٖۖ كُلُواْ مِن رِّزۡقِ رَبِّكُمۡ وَٱشۡكُرُواْ لَهُۥۚ بَلۡدَةٞ طَيِّبَةٞ وَرَبٌّ غَفُورٞ ١٥

Laqad kāna lisaba'in fī maskanihim āyatun jannatāni 'an yamīnin washimālin kulū mir rizqi rabbikum washkurū lahū baldatun tayyibatun warabbun ghafūr

15. Waxaa ugu sugnaa (reer) Saba’ calaamad degaankoodii: labo Beerood ka xiga xagga midig iyo xagga bidix. (Waxaana lagu yidhi), "Cuna risiqa Rabbigiin oo ku mahdiya. Beled wanaagsan iyo Rabbi Denbi Dhaaf Badan.

فَأَعۡرَضُواْ فَأَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ سَيۡلَ ٱلۡعَرِمِ وَبَدَّلۡنَٰهُم بِجَنَّتَيۡهِمۡ جَنَّتَيۡنِ ذَوَاتَيۡ أُكُلٍ خَمۡطٖ وَأَثۡلٖ وَشَيۡءٖ مِّن سِدۡرٖ قَلِيلٖ ١٦

Fa a'radū fa arsalnā 'alayhim saylal-'arimi wabaddalnāhum bijannatayhim jannatayni dhawātay ukulin khamtin wa athlin washay'im min sidrin qalīl

16. Wayse ka jeesadeen 'xaqa' markaasaan ku soo dirnay Daad Weyn 7, oo ugu beddelnay halkii labadoodii beerood labo beerood oo soo saara midho xun oo qadhaadh iyo qoryo, iyo wax yaroo geedo gob ah.

ذَٰلِكَ جَزَيۡنَٰهُم بِمَا كَفَرُواْۖ وَهَلۡ نُجَٰزِيٓ إِلَّا ٱلۡكَفُورَ ١٧

Dhālika jazaynāhum bimā kafarū wahal nujāzī illal-kafūr

17. Sidaasaan ku abaal marinnay gaal- nimadoodii darteed; miyaan (sidaasoo kale) u abaal marinnaa waxaan aheyn kuwa abaal dhaca badan?

وَجَعَلۡنَا بَيۡنَهُمۡ وَبَيۡنَ ٱلۡقُرَى ٱلَّتِي بَٰرَكۡنَا فِيهَا قُرٗى ظَٰهِرَةٗ وَقَدَّرۡنَا فِيهَا ٱلسَّيۡرَۖ سِيرُواْ فِيهَا لَيَالِيَ وَأَيَّامًا ءَامِنِينَ ١٨

Waja'alnā baynahum wabaynal-qural-latī bāraknā fīhā quran zāhiratan waqaddarnā fīhas-sayra sīrū fīhā layāliya wa ayyāman āminīn

18. Waxaana yeellay dhexdooda Iyaga iyo magaalooyinkii aan barakaynnay magaalooyin (kale) ee muuqda 8, waxaana qaddarnay socodkooda halkaa 9, (Annagoo ku nidhi): Ku socdaala habeenno iyo maalmoba idinkoo nabad ah".

فَقَالُواْ رَبَّنَا بَٰعِدۡ بَيۡنَ أَسۡفَارِنَا وَظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَجَعَلۡنَٰهُمۡ أَحَادِيثَ وَمَزَّقۡنَٰهُمۡ كُلَّ مُمَزَّقٍۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّكُلِّ صَبَّارٖ شَكُورٖ ١٩

Faqālū rabbanā bā'id bayna asfārinā wazalamū anfusahum faja'alnāhum ahādītha wamazzaqnāhum kulla mumazzaqin inna fī dhālika la'āyātil likulli sabbārin shakūr

19. Waxayse yidhaahdeen, "Rabbigayow! Kala fogee safarka dhexdayada ah 10," oo dulmiyeen nafahooda, markaasaan ka dhignay wax lagu sheekeysto, oo kala goynay kala goyn dhan. Hubaal (arrin)kaasi waxaa ugu sugan calaamooyin mid kastoo samir badanoo, mahad naq badan 11.

وَلَقَدۡ صَدَّقَ عَلَيۡهِمۡ إِبۡلِيسُ ظَنَّهُۥ فَٱتَّبَعُوهُ إِلَّا فَرِيقٗا مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ٢٠

Walaqad saddaqa 'alayhim iblīsu zannahū fattaba'ūhu illā farīqam minal-mu'minīn

20. Waxaa dhab ahaan ku rumoobay Ibliis malihiisii 12, wayna raaceen 13, koox ka mid ah mu'miniinta mooyee.

وَمَا كَانَ لَهُۥ عَلَيۡهِم مِّن سُلۡطَٰنٍ إِلَّا لِنَعۡلَمَ مَن يُؤۡمِنُ بِٱلۡأٓخِرَةِ مِمَّنۡ هُوَ مِنۡهَا فِي شَكّٖۗ وَرَبُّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ حَفِيظٞ ٢١

Wamā kāna lahū 'alayhim min sultānin illā lina'lama man yu'minu bil-ākhirati mimman huwa minhā fī shakkin warabbuka 'alā kulli shay'in hafīz

21. Kuma laha (Ibliis) wax awood ah dushooda 14, wax kalena uma aan yeelin sidaa (oo uguma salladin dadka) aan aheyn inay kala caddaato kan rumeyn Aakhirada iyo kan ka shakin. Rabbigaa waa Xafidaha wax kasta (abaal marinna qof walba).

قُلِ ٱدۡعُواْ ٱلَّذِينَ زَعَمۡتُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَمۡلِكُونَ مِثۡقَالَ ذَرَّةٖ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا لَهُمۡ فِيهِمَا مِن شِرۡكٖ وَمَا لَهُۥ مِنۡهُم مِّن ظَهِيرٖ ٢٢

Qulid'ul-ladhīna za'amtum min dūnillāhi lā yamlikūna mithqāla dharratin fis-samāwāti walā fil-ardi wamā lahum fīhimā min shirkin wamā lahū minhum min zahīr

22. Dheh: U yeedha kuwa aad sheegtaan (inay ilaahyo yihiin) Alle sokadi, kuma hantaan wax saxar le’eg (ama qudhaanjo yar) samooyinka ama arlada, kumana laha wax shirko (la wadaagid ah) dhexdooda midna, kumana laha (Alle) uunkiisa wax garab siiya (ugamana baahna).

وَلَا تَنفَعُ ٱلشَّفَٰعَةُ عِندَهُۥٓ إِلَّا لِمَنۡ أَذِنَ لَهُۥۚ حَتَّىٰٓ إِذَا فُزِّعَ عَن قُلُوبِهِمۡ قَالُواْ مَاذَا قَالَ رَبُّكُمۡۖ قَالُواْ ٱلۡحَقَّۖ وَهُوَ ٱلۡعَلِيُّ ٱلۡكَبِيرُ ٢٣

Walā tanfa'ush-shafā'atu 'indahū illā liman adhina lahū hattā idhā fuzzi'a 'an qulūbihim qālū mādhā qāla rabbukum qālul-haqqa wahuwal-'aliyyul-kabīr

23. Ma anfacdo shafeeco (Alle) Agtiisa, mid uu u idmo ma’ahee 15. (Kuwaasna way sugaan) ilaa, marka laga faydo cabsida quluubtooda 16: waxay odhan: Waa Maxay waxaa uu yidhi Rabbigiin? waxay odhan: Xaq. Waana Sarreeyaha, Weyn.

۞ قُلۡ مَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ قُلِ ٱللَّهُۖ وَإِنَّآ أَوۡ إِيَّاكُمۡ لَعَلَىٰ هُدًى أَوۡ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ ٢٤

Qul man yarzuqukum minas-samāwāti wal-ardi qulillāhu wa innā aw iyyākum la'alā hudan aw fī dalālim mubīn

24. Dheh: Yaa idinka irsaaqa samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Innaga ama idinkana mid uun baa hanuunsan ama ku sugan habow cad.

قُل لَّا تُسۡـَٔلُونَ عَمَّآ أَجۡرَمۡنَا وَلَا نُسۡـَٔلُ عَمَّا تَعۡمَلُونَ ٢٥

Qul lā tus'alūna 'ammā ajramnā walā nus'alu 'ammā ta'malūn

25. Dheh: La idin weydiin maayo wax ku saabsan dunuubtayada, innagana nala weydiin maayo waxaad fashaan.

قُلۡ يَجۡمَعُ بَيۡنَنَا رَبُّنَا ثُمَّ يَفۡتَحُ بَيۡنَنَا بِٱلۡحَقِّ وَهُوَ ٱلۡفَتَّاحُ ٱلۡعَلِيمُ ٢٦

Qul yajma'u baynanā rabbunā thumma yaftahu baynanā bil-haqqi wahuwal-fattāhul-'alīm

26. Dheh: Rabbigeen baa na soo kulmin innagoo dhammi, markaasuu inoo kala garsoori si xaq ah, waana Garsooraha weyn, wax kasta Og.

قُلۡ أَرُونِيَ ٱلَّذِينَ أَلۡحَقۡتُم بِهِۦ شُرَكَآءَۖ كَلَّاۚ بَلۡ هُوَ ٱللَّهُ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ٢٧

Qul arūniyal-ladhīna alhaqtum bihī shurakā'a kallā bal huwallāhul-'azīzul-hakīm

27.Dheh: I tusa kuwa aad Alle la wadaajiseen shuruko ahaan cibaadada, mayee (ma jiraan cid wax la wadaagta), waase Alle (Keliya), Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.

وَمَآ أَرۡسَلۡنَٰكَ إِلَّا كَآفَّةٗ لِّلنَّاسِ بَشِيرٗا وَنَذِيرٗا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ ٢٨

Wamā arsalnāka illā kāffatal lin-nāsi bashīran wanadhīran walākinna aktharan-nāsi lā ya'lamūn

28. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn dadka oo dhan bishaareeye iyo dige ahaan, dadku se badankoodu ma oga.

وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٢٩

Wayaqūlūna matā hādhal-wa'du in kuntum sādiqīn

29. Waxay odhan: Waa goorma yaboohaasi (soo bixinta Qiyaame) haddaad run sheegaysaan?

قُل لَّكُم مِّيعَادُ يَوۡمٖ لَّا تَسۡتَـٔۡخِرُونَ عَنۡهُ سَاعَةٗ وَلَا تَسۡتَقۡدِمُونَ ٣٠

Qul lakum mī'ādu yawmil lā tasta'khirūna 'anhu sā'atan walā tastaqdimūn

30. Dheh: Waqtiga la idiin qabtay waa Maalin aydaan saacad ka dib dhaceyn kana hor dhaceyn.

وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَن نُّؤۡمِنَ بِهَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ وَلَا بِٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِۗ وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذِ ٱلظَّٰلِمُونَ مَوۡقُوفُونَ عِندَ رَبِّهِمۡ يَرۡجِعُ بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٍ ٱلۡقَوۡلَ يَقُولُ ٱلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ لَوۡلَآ أَنتُمۡ لَكُنَّا مُؤۡمِنِينَ ٣١

Waqālal-ladhīna kafarū lan nu'mina bihādhal-qur'āni walā billadhī bayna yadayhi walaw tarā idhiz-zālimūna mawqūfūna 'inda rabbihim yarji'u ba'duhum ilā ba'dinil-qawla yaqūlul-ladhīnastud'ifū lilladhīnastakbarū lawlā antum lakunnā mu'minīn

31. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: "Ma rumeyneyno Qur’aankan iyo wixii ka horreeyay midna (oo Kutub Alle ah)". Haddaadse arki lahayd marka daalimiinta la soo hor joojin Rabbigood, iyagoo isku tuurtuuraya hadalka oo qaarba qaarka kale eedeynayo. Kuwii la daciifsaday (raciyadda) waxay ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Haddaydaan jirteen waxaan ahaan laheyn mu’miniin.

قَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُوٓاْ أَنَحۡنُ صَدَدۡنَٰكُمۡ عَنِ ٱلۡهُدَىٰ بَعۡدَ إِذۡ جَآءَكُمۖ بَلۡ كُنتُم مُّجۡرِمِينَ ٣٢

Qālal-ladhīnastakbarū lilladhīnastud'ifū anahnu sadadnākum 'anil-hudā ba'da idh jā'akum bal kuntum mujrimīn

32. Kuwii isla weynaa (madaxdii) waxay ku odhan kuwii la daciifsaday (raciyaddii): Ma innagaa iska kiin hortaagnay hanuunka kaddib markuu idiin yimid? Mayee’ idinka (naf ahaantiinna) ayaa ahaa denbiilayaal.

وَقَالَ ٱلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُواْ بَلۡ مَكۡرُ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ إِذۡ تَأۡمُرُونَنَآ أَن نَّكۡفُرَ بِٱللَّهِ وَنَجۡعَلَ لَهُۥٓ أَندَادٗاۚ وَأَسَرُّواْ ٱلنَّدَامَةَ لَمَّا رَأَوُاْ ٱلۡعَذَابَۚ وَجَعَلۡنَا ٱلۡأَغۡلَٰلَ فِيٓ أَعۡنَاقِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۖ هَلۡ يُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٣٣

Waqālal-ladhīnastud'ifū lilladhīnastakbarū bal makrul-layli wan-nahāri idh ta'murūnanā an nakfura billāhi wanaj'ala lahū andādan wa asarrun-nadāmata lammā ra'awul-'adhāba waja'alnal-aghlāla fī a'nāqil-ladhīna kafarū hal yujzawna illā mā kānū ya'malūn

33. Kuwii la daciifsaday (raciyaddii) waxay ku odhan kuwii isla weynaa (madaxdii): Mayee’ waa dabinkaad noo dhigeyseen habeen iyo maalinba, markaad na amarteen inaan ku gaalowno Alle oo u yeello shariigyo. Waxayna muujin qoomamo markay arkaan cadaabka, waxaanu u suri luqumaha kuwa gaaloobay mereegyo bir ah. Miyaa laga abaal marin (gaalada) waxay camal xun faleen mooyee?

وَمَآ أَرۡسَلۡنَا فِي قَرۡيَةٖ مِّن نَّذِيرٍ إِلَّا قَالَ مُتۡرَفُوهَآ إِنَّا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ كَٰفِرُونَ ٣٤

Wamā arsalnā fī qaryatim min nadhīrin illā qāla mutrafūhā innā bimā ursiltum bihī kāfirūn

34. Ma jirto magaalo aan u dirnay dige, oo aysan ladanayaasheedii odhan: Innagu waxa la idinla soo diray ku gaalownay.

وَقَالُواْ نَحۡنُ أَكۡثَرُ أَمۡوَٰلٗا وَأَوۡلَٰدٗا وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ ٣٥

Waqālū nahnu aktharu amwālan wa awlādan wamā nahnu bimu'addhabīn

35. Waxayna yidhaahdeen: Innagaa idinka maal iyo awlaad badan, mana nihin kuwa la cadaabayo 17.

قُلۡ إِنَّ رَبِّي يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ ٣٦

Qul inna rabbī yabsutur-rizqa liman yashā'u wayaqdiru walākinna aktharan-nāsi lā ya'lamūn

36. Dheh: Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), dadka badankiisuse ma oga.

وَمَآ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُكُم بِٱلَّتِي تُقَرِّبُكُمۡ عِندَنَا زُلۡفَىٰٓ إِلَّا مَنۡ ءَامَنَ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ جَزَآءُ ٱلضِّعۡفِ بِمَا عَمِلُواْ وَهُمۡ فِي ٱلۡغُرُفَٰتِ ءَامِنُونَ ٣٧

Wamā amwālukum walā awlādukum billatī tuqarribukum 'indanā zulfā illā man āmana wa'amila sālihan fa ulā'ika lahum jazā'ud-di'fi bimā 'amilū wahum fil-ghurufāti āminūn

37. Ma aha maalkiinna iyo awlaaddiinna waxa noo kiin soo dhoweeya meeqaan ahaan, hase yeeshee qofkii (Xaqa) rumeeya oo sama fala, waa kuwan kuwa iska leh abaalmarin labolaab ah waxay camalsan faleen darteed, waxayna ku sugnaan iyagoo nabdoon rugaha ugu sarreeya (ee Jannada).

وَٱلَّذِينَ يَسۡعَوۡنَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا مُعَٰجِزِينَ أُوْلَٰٓئِكَ فِي ٱلۡعَذَابِ مُحۡضَرُونَ ٣٨

Walladhīna yas'awna fī āyātinā mu'ājizīna ulā'ika fil-'adhābi muhdarūn

38. Kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga, kuwaas cadaabkaa la keeni.

قُلۡ إِنَّ رَبِّي يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُ لَهُۥۚ وَمَآ أَنفَقۡتُم مِّن شَيۡءٖ فَهُوَ يُخۡلِفُهُۥۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلرَّٰزِقِينَ ٣٩

Qul inna rabbī yabsutur-rizqa liman yashā'u min 'ibādihī wayaqdiru lahū wamā anfaqtum min shay'in fahuwa yukhlifuhū wahuwa khayrur-rāziqīn

39. Dheh: Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo addoomahiisa ka mid ah, oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxaad bixisaanna oo wuxuun ah (sadaqo ah), wax ka khayr badan buu idin siin. Alle waa Kan u wanaagsan inta wax arsaaqda.

وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ جَمِيعٗا ثُمَّ يَقُولُ لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ أَهَٰٓؤُلَآءِ إِيَّاكُمۡ كَانُواْ يَعۡبُدُونَ ٤٠

Wayawma yahshuruhum jamī'an thumma yaqūlu lil-malā'ikati ahā'ulā'i iyyākum kānū ya'budūn

40. (Xus) Maalinta markuu soo wada kulmin iyagoo dhan (gaalada), markaasuu ku odhan malaa’igta: Kuwani ma idinkay idin caabudayeen?

قَالُواْ سُبۡحَٰنَكَ أَنتَ وَلِيُّنَا مِن دُونِهِمۖ بَلۡ كَانُواْ يَعۡبُدُونَ ٱلۡجِنَّۖ أَكۡثَرُهُم بِهِم مُّؤۡمِنُونَ ٤١

Qālū subhānaka anta waliyyunā min dūnihim bal kānū ya'budūnal-jinna aktharuhum bihim mu'minūn

41. Waxay odhan: Xurmo oo dhan Adigaa iska leh (Allow) oo ka hufan (xumaan iyo nuqsaan), Adiga ayaa ah Gargaarahayaga iyagu ma aha. Mayee’ Waxay caabudayeen jinka oo badankoodu rumaysnaayeen.

فَٱلۡيَوۡمَ لَا يَمۡلِكُ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٖ نَّفۡعٗا وَلَا ضَرّٗا وَنَقُولُ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلنَّارِ ٱلَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ ٤٢

Fal-yawma lā yamliku ba'dukum liba'din naf'an walā darran wanaqūlu lilladhīna zalamū dhūqū 'adhāban-nāril-latī kuntum bihā tukaddhibūn

42. Marka Maalintaa (Qiyaame) uma hana- nayo midkiinna midka kale dheef iyo dhib midna,waxaanu ku odhan kuwaasi dulmiga (shirkiga iyo macaasida) falay: Dhadhami- ya Cadaabka Naarta aad beeninayseen.

وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالُواْ مَا هَٰذَآ إِلَّا رَجُلٞ يُرِيدُ أَن يَصُدَّكُمۡ عَمَّا كَانَ يَعۡبُدُ ءَابَآؤُكُمۡ وَقَالُواْ مَا هَٰذَآ إِلَّآ إِفۡكٞ مُّفۡتَرٗىۚ وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٞ ٤٣

Wa idhā tutlā 'alayhim āyātunā bayyinātin qālū mā hādhā illā rajulun yurīdu an yasuddakum 'ammā kāna ya'budu ābā'ukum waqālū mā hādhā illā ifkum muftaran waqālal-ladhīna kafarū lil-haqqi lammā jā'ahum in hādhā illā sihrum mubīn

43. Marka loo akhriyo Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdaan: Kani (Muxammad) ma aha waxaan ahayn Nin raba inuu idinka jeediyo waxay caabudayeen aabbayaashiin Waxayna yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanku) wax kale ma’aha aan ahayn been abuurasho. Kuwa gaalada ahina waxay ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimid: Kanu (Qur’aanku) ma aha waxaan ahayn sixir cad.

وَمَآ ءَاتَيۡنَٰهُم مِّن كُتُبٖ يَدۡرُسُونَهَاۖ وَمَآ أَرۡسَلۡنَآ إِلَيۡهِمۡ قَبۡلَكَ مِن نَّذِيرٖ ٤٤

Wamā ātaynāhum min kutubin yadrusūnahā wamā arsalnā ilayhim qablaka min nadhīr

44. Ma aanu siin wax Kutub (Xaggayaga) ah ay akhriyaan, umana aanu soo dirin hortaa wax dige ah.

وَكَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ وَمَا بَلَغُواْ مِعۡشَارَ مَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡ فَكَذَّبُواْ رُسُلِيۖ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ ٤٥

Wakaddhabal-ladhīna min qablihim wamā balaghū mi'shāra mā ātaynāhum fakaddhabū rusulī fakayfa kāna nakīr

45. Kuwii ka horreeyey waxay beeniyeen (Xaqa), kuwanna (Nabiga beeniyey) ma gaadhin toban meeloodoo meel wax ka mid ah waxa aan siinnay kuwaasi; Waxayse beeniyeen Rusushayadii, ee sidee buu mid daran u ahaa Ciqaabkeygii (aan ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).

۞ قُلۡ إِنَّمَآ أَعِظُكُم بِوَٰحِدَةٍۖ أَن تَقُومُواْ لِلَّهِ مَثۡنَىٰ وَفُرَٰدَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُواْۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا نَذِيرٞ لَّكُم بَيۡنَ يَدَيۡ عَذَابٖ شَدِيدٖ ٤٦

Qul innamā a'izukum biwāhidatin an taqūmū lillāhi mathnā wafurādā thumma tatafakkarū mā bisāhibikum min jinnatin in huwa illā nadhīrul lakum bayna yaday 'adhābin shadīd

46. Dheh: Waxaan uun idinku waaninayaa mid keliya; inaad u kacdaan Alle Darti labo-labo iyo mid mid 18, markaas aad fekertaan: kuma jiro jin saaxiibkiin (Nabi Muxammad), waa oo keliya ka dige cadaab daran oo soo fool leh.

قُلۡ مَا سَأَلۡتُكُم مِّنۡ أَجۡرٖ فَهُوَ لَكُمۡۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۖ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٞ ٤٧

Qul mā sa'altukum min ajrin fahuwa lakum in ajriya illā 'alallāhi wahuwa 'alā kulli shay'in shahīd

47. Dheh (Nabiyow): Waxaan idin weydiiyo oo ajar ah, waa waxaad idinku leedihiin 19. ajarkeyga waxaan ka sugayaa Alle Keliya. Wax walbana Alle wuu u Jeedaa.

قُلۡ إِنَّ رَبِّي يَقۡذِفُ بِٱلۡحَقِّ عَلَّٰمُ ٱلۡغُيُوبِ ٤٨

Qul inna rabbī yaqdhifu bil-haqqi 'allāmul-ghuyūb

48. Dheh: Rabbigay wuxuu soo diraa Xaqa (oo xumaanta ku tiraa), waa Ogsoonaha sare ee waxaan muuqan (Ghaybka).

قُلۡ جَآءَ ٱلۡحَقُّ وَمَا يُبۡدِئُ ٱلۡبَٰطِلُ وَمَا يُعِيدُ ٤٩

Qul jā'al-haqqu wamā yubdi'ul-bātilu wamā yu'īd

49. Dheh: Xaqu (Qur’aanka) waa yimid, Baadilkuna (Ibliis) waxna ma abuuri karo mana soo nooleyn karo 20.

قُلۡ إِن ضَلَلۡتُ فَإِنَّمَآ أَضِلُّ عَلَىٰ نَفۡسِيۖ وَإِنِ ٱهۡتَدَيۡتُ فَبِمَا يُوحِيٓ إِلَيَّ رَبِّيٓۚ إِنَّهُۥ سَمِيعٞ قَرِيبٞ ٥٠

Qul in dalaltu fa innamā adillu 'alā nafsī wa inihtadaytu fabimā yūhī ilayya rabbī innahū samī'un qarīb

50. Dheh: Haddaan gefo waxaan uun u gefaa nafteyda. haddaan hanuunana, waa sababta wuxuu ii waxyoodo Rabbigay. Hubaal waa wax kasta Maqle, aad u Dhow.

وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ فَزِعُواْ فَلَا فَوۡتَ وَأُخِذُواْ مِن مَّكَانٖ قَرِيبٖ ٥١

Walaw tarā idh fazi'ū falā fawta wa ukhidhū mim makānin qarīb

51. Haddaad arki lahayd 21 markay (gaalada) noqon kuwo qarracansan, oo meelay u cararaan lahayn, waxaana laga soo qabqaban meel dhow.

وَقَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِهِۦ وَأَنَّىٰ لَهُمُ ٱلتَّنَاوُشُ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ ٥٢

Waqālū āmannā bihī wa annā lahumut-tanāwushu mim makāni ba'īd

52. Waxay (markay arkaan cadaabka Aakhiro) odhan: Waanu rumeynay (haatan). Sidee bayse qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel fog (inay u soo laabtaan noloshii adduunka)?

وَقَدۡ كَفَرُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۖ وَيَقۡذِفُونَ بِٱلۡغَيۡبِ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ ٥٣

Waqad kafarū bihī min qablu wayaqdhifūna bil-ghaybi mim makāni ba'īd

53. Waxay dhab ahaan horey 22 ugu gaaloobeen (Xaqa), waxayna kaga sheegayeen been waxyaalaha aan muuqan ee Ghaybka ahaa xagga meel fog 23.

وَحِيلَ بَيۡنَهُمۡ وَبَيۡنَ مَا يَشۡتَهُونَ كَمَا فُعِلَ بِأَشۡيَاعِهِم مِّن قَبۡلُۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ فِي شَكّٖ مُّرِيبِۭ ٥٤

Wahīla baynahum wabayna mā yashtahūna kamā fu'ila bi ashyā'ihim min qablu innahum kānū fī shakkim murīb

54. Waase la kala ooday iyaga iyo waxay rabeen 24, sidii loo galay kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Saba?

Suuradda Saba waxay leedahay 54 aayadood. Waa suuradda 34 ee Qur'aanka.

Suuradda Saba ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Saba waa suurad Makki ah.

Suuradda Saba juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Saba waxay ku jirtaa juz' 22.

Ma dhageysan karaa Suuradda Saba?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.