Suuradda Al-Ahzab, aayadda 33

33:33

وَقَرۡنَ فِي بُيُوتِكُنَّ وَلَا تَبَرَّجۡنَ تَبَرُّجَ ٱلۡجَٰهِلِيَّةِ ٱلۡأُولَىٰۖ وَأَقِمۡنَ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتِينَ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَطِعۡنَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓۚ إِنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُذۡهِبَ عَنكُمُ ٱلرِّجۡسَ أَهۡلَ ٱلۡبَيۡتِ وَيُطَهِّرَكُمۡ تَطۡهِيرٗا ٣٣

Waqarna fī buyūtikunna walā tabarrajna tabarrujal-jāhiliyyatil-ūlā wa aqimnas-salawāta wa ātīnaz-zakawāta wa ati'nallāha warasūlahū innamā yurīdullāhu liyudhhiba 'ankumur-rijsa ahlal-bayti wayutahhirakum tathīrā

33. Ku sugnaadana guryihiinna 24, hana muujinnina quruxdiinna sida ismuujintii iyo isbandhiggii jaahiliyaddii hore 25, oogana salaadda, oo bixiya Zakada, adeecana Alle iyo Rasuulkiisa. Alle wuxuu rabaa uun inuu idinka fogeeyo fadarada (denbiga) Ehlu baytkow 26, iyo inuu idin daahiriyo daahirin dhan.

Faallooyin hoose

24. Waxaa la amray haweenka Nabiga s.c.w. oo haweenka kalena ay soo galayaan inay joogaan guryahooda oo ayan uga bixin waxaan ahayn dan bannaan.

25. Jaahiliyaddii hore: Waxaa loola jeedaa gaalnimadii jirtey ka hor waqtiga Nabiga s.c.w., waxaa sidoo kale la yidhaahdaa jaahiliyad: macsida iyo denbiga la galo kaddib qaadashada Islaamka.

26. Ahlul Bayt: Waxaa loo jeedaa xaasaska Nabiga s.c.w iyo qaraabadiisa soke.