ٱلنَّبِيُّ أَوۡلَىٰ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ مِنۡ أَنفُسِهِمۡۖ وَأَزۡوَٰجُهُۥٓ أُمَّهَٰتُهُمۡۗ وَأُوْلُواْ ٱلۡأَرۡحَامِ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلَىٰ بِبَعۡضٖ فِي كِتَٰبِ ٱللَّهِ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُهَٰجِرِينَ إِلَّآ أَن تَفۡعَلُوٓاْ إِلَىٰٓ أَوۡلِيَآئِكُم مَّعۡرُوفٗاۚ كَانَ ذَٰلِكَ فِي ٱلۡكِتَٰبِ مَسۡطُورٗا ٦
An-nabiyyu awlā bil-mu'minīna min anfusihim wa azwājuhū ummahātuhum wa ulul-arhāmi ba'duhum awlā biba'din fī kitābillāhi minal-mu'minīna wal-muhājirīna illā an taf'alū ilā awliyā'ikum ma'rūfan kāna dhālika fil-kitābi mastūrā
6.Nabiga isagaa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda 4, xaasaskiisuna waa hooyooyinkood (oo kale). Qaraabaduna iyagaa qaarkood qaarka kale kaga mudan oo xaq leh (dhaxalka) Kitaabka Alle xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) muhaajiriinta, in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka 5.
Faallooyin hoose
4. Nabiga s.c.w. baa sii mudan in la maqlo oo daacad loo ahaado. Mu’miniinta dhabta ahna waxay jecel yihiin Nabiga s.c.w. wax ka badan nafahooda arrin kasta oo la soo gudboonaada.
5. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka. Waxaa halkan loola jeedaa siismada cidaan waraso ahayn in loo dardaarmo wax aan ka badneyn seddex meeloodoo meel dhaxalka laga tagey.