Suuradda Al-Ahzab, aayadda 53

33:53

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَدۡخُلُواْ بُيُوتَ ٱلنَّبِيِّ إِلَّآ أَن يُؤۡذَنَ لَكُمۡ إِلَىٰ طَعَامٍ غَيۡرَ نَٰظِرِينَ إِنَىٰهُ وَلَٰكِنۡ إِذَا دُعِيتُمۡ فَٱدۡخُلُواْ فَإِذَا طَعِمۡتُمۡ فَٱنتَشِرُواْ وَلَا مُسۡتَـٔۡنِسِينَ لِحَدِيثٍۚ إِنَّ ذَٰلِكُمۡ كَانَ يُؤۡذِي ٱلنَّبِيَّ فَيَسۡتَحۡيِۦ مِنكُمۡۖ وَٱللَّهُ لَا يَسۡتَحۡيِۦ مِنَ ٱلۡحَقِّۚ وَإِذَا سَأَلۡتُمُوهُنَّ مَتَٰعٗا فَسۡـَٔلُوهُنَّ مِن وَرَآءِ حِجَابٖۚ ذَٰلِكُمۡ أَطۡهَرُ لِقُلُوبِكُمۡ وَقُلُوبِهِنَّۚ وَمَا كَانَ لَكُمۡ أَن تُؤۡذُواْ رَسُولَ ٱللَّهِ وَلَآ أَن تَنكِحُوٓاْ أَزۡوَٰجَهُۥ مِنۢ بَعۡدِهِۦٓ أَبَدًاۚ إِنَّ ذَٰلِكُمۡ كَانَ عِندَ ٱللَّهِ عَظِيمًا ٥٣

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā tadkhulū buyūtan-nabiyyi illā an yu'dhana lakum ilā ta'āmin ghayra nāzirīna ināhu walākin idhā du'ītum fadkhulū fa idhā ta'imtum fantashirū walā musta'nisīna lihadīthin inna dhālikum kāna yu'dhin-nabiyya fayastahyī minkum wallāhu lā yastahyī minal-haqqi wa idhā sa'altumūhunna matā'an fas'alūhunna min warā'i hijābin dhālikum atharu liqulūbikum waqulūbihinna wamā kāna lakum an tu'dhū rasūlallāhi walā an tankihū azwājahū mim ba'dihī abadan inna dhālikum kāna 'indallāhi 'azīmā

53. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryaha Nabiga in cunno la idiinku yeedho mooyee idinkoon sugeyn bislaadkeeda 34. markase la idiin yeedho gala, markaad cuntaanna raashinka kala taga idinkoon sugeyn sheeko. Hubaal (arrin) kani waxay dhibi Nabiga, wuuse idinka xishoon (inuu idin bixiyo), Alle se kama xishoodo xaqa. Markaad weydiisanaysaan (haweenka Nabiga) wax uun alaab ah ka weydiiya daah gadaashi, (arrin)kani baa u daahirnimo badan (u fiican) quluubtiinna iyo quluubtoodaba. Xaqna uma lihidin inaad dhibtaan Rasuulka Alle iyo inaad guursataanba xaasaskiisa gadaashi marnaba. Hubaal (arrin)kani Alle xaggi waa wax Daran oo denbi weyn ah.

Faallooyin hoose

34. Aayaddan waxay reebtay inay saxaabada soo galaan guriga Nabiga s.c.w. iyagoo sugaya intay cuntada ka bislaato oo la kariyo.

Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Haddii laygu yeedho casumaad ah cudud waan ajiibayaa, haddiina la ii hadiyeeyo kolay ku tahay majin waan aqbalayaa, markaad se ka faaruqdaan wixii laydiinku yeedhay ka dul qaada qoyska guriga culeyska oo kala aada guryihiinna.”