Suuradda Al-Ahzab, aayadda 37

33:37

وَإِذۡ تَقُولُ لِلَّذِيٓ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ وَأَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِ أَمۡسِكۡ عَلَيۡكَ زَوۡجَكَ وَٱتَّقِ ٱللَّهَ وَتُخۡفِي فِي نَفۡسِكَ مَا ٱللَّهُ مُبۡدِيهِ وَتَخۡشَى ٱلنَّاسَ وَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخۡشَىٰهُۖ فَلَمَّا قَضَىٰ زَيۡدٞ مِّنۡهَا وَطَرٗا زَوَّجۡنَٰكَهَا لِكَيۡ لَا يَكُونَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ حَرَجٞ فِيٓ أَزۡوَٰجِ أَدۡعِيَآئِهِمۡ إِذَا قَضَوۡاْ مِنۡهُنَّ وَطَرٗاۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ مَفۡعُولٗا ٣٧

Wa idh taqūlu lilladhī an'amallāhu 'alayhi wa an'amta 'alayhi amsik 'alayka zawjaka wattaqillāha watukhfī fī nafsika mallāhu mubdīhi watakhshan-nāsa wallāhu ahaqqu an takhshāhu falammā qadā zaydum minhā wataran zawwajnākahā likay lā yakūna 'alal-mu'minīna harajun fī azwāji ad'iyā'ihim idhā qadaw minhunna wataran wakāna amrullāhi maf'ūlā

37. (Xusuuso, Nabiyow) markaad ku tidhi kan uu Alle u nicmeeyay 27 adiguna aad u nicmaysay: Heyso xaaskaaga, Alle ka cabso; waxaadna ku qarisay naftaada wuxuu Alle debedda keenayo, adigoo ka baqaya dadka, Alle baase mudan inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay) baan (Nabiyow) kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) xaasaska kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen 'oo iskood u fureen' 28. Amarka Alle waa mid abad fula oo hirgala.

Faallooyin hoose

27. Waxay tilmaameysaa Addoonkii Nabiga s.c.w. uu xoreeyey, Zayd bin Xaarithah a.k.r.

28. Arrinkani waa si loo caddeeyo in uu nimi guursan karo haweeney uu horey u qabay wiil uu soo korsaday ha yeeshee uusan dhalin.