Casharka 3 ee 3
Maxay tahay inuu marka hore sameeyo Muslimka cusub?
Quraanka
لَا يُكَلِّفُ ٱللَّهُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۚ لَهَا مَا كَسَبَتۡ وَعَلَيۡهَا مَا ٱكۡتَسَبَتۡۗ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذۡنَآ إِن نَّسِينَآ أَوۡ أَخۡطَأۡنَاۚ رَبَّنَا وَلَا تَحۡمِلۡ عَلَيۡنَآ إِصۡرٗا كَمَا حَمَلۡتَهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِنَاۚ رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلۡنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِۦۖ وَٱعۡفُ عَنَّا وَٱغۡفِرۡ لَنَا وَٱرۡحَمۡنَآۚ أَنتَ مَوۡلَىٰنَا فَٱنصُرۡنَا عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ ﴿٢٨٦﴾
286. Alle ma saaro nafna wax dhaafsiisan karaankeeda. Waxay leedahay (khayrka) waxay kasabtay, oo ka go’an tahay dusheeda waxay (denbi) kasabtay. Rabbigayow! Ha noo qaban haddii aanu illowno ama gefno (ula kac la’aan). Rabbigayow! Ha na saarin culays sidaad u saartay kuwii naga horreeyey. Rabbigayow! Ha na saarin wax tabar aanaan u lahayn qaadistooda. Oo na cafi, oo noo ceeb astur oo denbidhaaf, oo noo naxariiso . Adigaa ah Gargaarahayaga na xafida, ee nooga gargaar qoloda gaalada ah .
وَجَٰهِدُواْ فِي ٱللَّهِ حَقَّ جِهَادِهِۦۚ هُوَ ٱجۡتَبَىٰكُمۡ وَمَا جَعَلَ عَلَيۡكُمۡ فِي ٱلدِّينِ مِنۡ حَرَجٖۚ مِّلَّةَ أَبِيكُمۡ إِبۡرَٰهِيمَۚ هُوَ سَمَّىٰكُمُ ٱلۡمُسۡلِمِينَ مِن قَبۡلُ وَفِي هَٰذَا لِيَكُونَ ٱلرَّسُولُ شَهِيدًا عَلَيۡكُمۡ وَتَكُونُواْ شُهَدَآءَ عَلَى ٱلنَّاسِۚ فَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ وَٱعۡتَصِمُواْ بِٱللَّهِ هُوَ مَوۡلَىٰكُمۡۖ فَنِعۡمَ ٱلۡمَوۡلَىٰ وَنِعۡمَ ٱلنَّصِيرُ ﴿٧٨﴾
78. Kun dadaala Arrinka Alle (xoojinta diinta Islaamka) dadaal dhab ah (idinkoo u huraya maalkiinna iyo nafahiinna). Isagaa (Alle) idin doortay, mana yeelin dushiinna xagga diinta waxaad ku dhib mudataan, waa diintii Aabbihiin Ibraahiim. Isaga (Alle) baa idiin bixiyey kol hor Muslimiin iyo Qur’aankan (dhexdiisaba) si uu Rasuulku idiinku ahaado markhaati, idinkuna aad markhaati kaga ahaataan dadka. Ee ooga salaadda oo bixiya zakada oo qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa) oo isku dhowra. Waa Alle Mudanahiin, Isagaa u fiican Mudane ahaan, Isagaana u Fiican Gargaare ahaan.
Sunnada
Abii Hureyra-Allaha karaali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin reer baadiye ah ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna ku yiri: itus camal aan sameeyo oo janada aan ku galo, wuxuu ku yiri -Rasuulku-: Ilaahay ayaad caabudin waxbana la wadaajin maysid cibaadadiisa, salaadaha faralka ahna waad oogin, sakada waajibka ahna waad bixin, ramadaankana waad soomin", wuxuu yiri-ninkii-:Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee intaa waxba ku darimaayo, markuu dhaqaaqay ayuu Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- yiri: "qofka ku farxaya inuu arko nin Ehlu janaha ka mid ah ninkan ha eego."
Sharaxaad
Nin reer miyi ah ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- si uu ugu sheego camal uu janada ku galo. wuxuu ugu jawaabay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- janada oo la galo iyo naartoo laga bad-baado waxay ku xiran tahay arkaanta Islaamka oo la guto, taasoo ah Ilaahay keligi in la caabudo, oo aan cid kale loogu shariig yeelin. Waa inaad gudato salaadaha shanta ah ee Ilaahay adoomadiisa ku waajibiyey habeenkii iyo maalintii. Waa inaad bixisaa sakada xoolaha Ilaahay kugu waajibiyey, oo aad siiso kuwa xaqa u leh. Waa inaad ilaalisaa Bisha Ramadaan soonkeeda waqtigeedana soontaa. Ninkii ayaa yiri Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee camalkaa la faral yeelay ee aan kaa maqlay wax kale oo cibaado ah ku dari maayo, kana nusqaamin maayo. markuu ninkii dhaqaaqay ayuu Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- yiri: qofka ay farxad galinayso inuu arko nin Ehlu janado ah ha arko ninkan reer baadiyaha ah.
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Wax fududeeya oo ha adkaynina, oo bishaareeya oo dadka ha cayrinina".
Sharaxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in loo fududeeyo oo loo sahlo dadka oo aan lagu adkayn dhamaan arimaha Diinta iyo tan Aduunba, taasoo ah xuduuda Ilaahay baneeyey ee Shareecadiisu ogoshahay.
Wuxuu ku dhiiri galinayaa dadku inay khayrka iyo wanaaga isugu bishaareeyaan oo aanay dadka ka eryin khayrka.
Socodka waa dhammaaday
Hambalyo!
Noqoshada Muslim
Socdaallada la dhammeeyay: 1 ee 6
Bilow socodka xigaShanta tiir ee Islaamka