Casharka 2 ee 3
Maxaa ku dhacaya dembiyadaydii hore haddii aan Islaamo?
Quraanka
قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِن يَنتَهُواْ يُغۡفَرۡ لَهُم مَّا قَدۡ سَلَفَ وَإِن يَعُودُواْ فَقَدۡ مَضَتۡ سُنَّتُ ٱلۡأَوَّلِينَ ﴿٣٨﴾
38. Ku dheh kuwa gaalooba, hadday ka haraan (gaalnimada iyo dagaalka) waxaa loo dhaafi wixii horay uga dhacay . Hadday se u noqdaan (dagaalka), waxaa sugaya jidka kuwii hore (ee la halaagay).
إِلَّا مَن تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ عَمَلٗا صَٰلِحٗا فَأُوْلَٰٓئِكَ يُبَدِّلُ ٱللَّهُ سَيِّـَٔاتِهِمۡ حَسَنَٰتٖۗ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ﴿٧٠﴾
70. Qofkii tawbad keena oo rumeeya (Xaqa) oo sama fala mooyee, kuwaas wuxuu Alle ugu beddeli xumohoodii xasanaad. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
۞ قُلۡ يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ أَسۡرَفُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ لَا تَقۡنَطُواْ مِن رَّحۡمَةِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَغۡفِرُ ٱلذُّنُوبَ جَمِيعًاۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ ﴿٥٣﴾
53. Dheh: Addoomahaygow ku xad-gudbay nafahooda, ha ka quusannina Naxariista Alle. Alle wuu dhaafaa denbiyada oo dhan . Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.