Suuradda Al-Baqarah, aayadda 286

2:286

لَا يُكَلِّفُ ٱللَّهُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۚ لَهَا مَا كَسَبَتۡ وَعَلَيۡهَا مَا ٱكۡتَسَبَتۡۗ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذۡنَآ إِن نَّسِينَآ أَوۡ أَخۡطَأۡنَاۚ رَبَّنَا وَلَا تَحۡمِلۡ عَلَيۡنَآ إِصۡرٗا كَمَا حَمَلۡتَهُۥ عَلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِنَاۚ رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلۡنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِۦۖ وَٱعۡفُ عَنَّا وَٱغۡفِرۡ لَنَا وَٱرۡحَمۡنَآۚ أَنتَ مَوۡلَىٰنَا فَٱنصُرۡنَا عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٢٨٦

Lā yukallifullāhu nafsan illā wus'ahā lahā mā kasabat wa'alayhā maktasabat rabbanā lā tu'ākhidhnā in nasīnā aw akhta'nā rabbanā walā tahmil 'alaynā isran kamā hamaltahū 'alal-ladhīna min qablinā rabbanā walā tuhammilnā mā lā tāqata lanā bihī wa'fu 'annā waghfir lanā warhamnā anta mawlānā fansurnā 'alal-qawmil-kāfirīn

286. Alle ma saaro nafna wax dhaafsiisan karaankeeda. Waxay leedahay (khayrka) waxay kasabtay, oo ka go’an tahay dusheeda waxay (denbi) kasabtay. Rabbigayow! Ha noo qaban haddii aanu illowno ama gefno (ula kac la’aan). Rabbigayow! Ha na saarin culays sidaad u saartay kuwii naga horreeyey. Rabbigayow! Ha na saarin wax tabar aanaan u lahayn qaadistooda. Oo na cafi, oo noo ceeb astur oo denbidhaaf, oo noo naxariiso 85. Adigaa ah Gargaarahayaga na xafida, ee nooga gargaar qoloda gaalada ah 86.

Faallooyin hoose

85. Wuxuu Alle swt ku soo gunaanuday Suuraddan u tilmaamidda addoomahiisa sida loo baryo iyo waxyaalo u fiican inay ka baryaan, siduu ugu barayba suuradda Faatixada sida loo ammaano oo looga dalbo hanuun.

86. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waa ay ku filan tahay qofkii akhirsta habeenkii labada Aayadood ee u dambeeya Suuradda Al-

Baqarah ”. Waxaa la yidhi waxay ugu filan tahay dhowris iyo xafidid, ama ka kaafisaa Salaatu Leylka.