Suuradda Az-Zumar, aayadda 23

39:23

ٱللَّهُ نَزَّلَ أَحۡسَنَ ٱلۡحَدِيثِ كِتَٰبٗا مُّتَشَٰبِهٗا مَّثَانِيَ تَقۡشَعِرُّ مِنۡهُ جُلُودُ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُمۡ ثُمَّ تَلِينُ جُلُودُهُمۡ وَقُلُوبُهُمۡ إِلَىٰ ذِكۡرِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُدَى ٱللَّهِ يَهۡدِي بِهِۦ مَن يَشَآءُۚ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٍ ٢٣

Allāhu nazzala ahsanal-hadīthi kitābam mutashābiham mathāniya taqsha'irru minhu julūdul-ladhīna yakhshawna rabbahum thumma talīnu julūduhum waqulūbuhum ilā dhikrillāhi dhālika hudallāhi yahdī bihī man yashā'u waman yudlilillāhu famā lahū min hād

23. Alle wuxuu soo dejiyey hadal kan u fiican, Kitaab qaybahiisu isu eg yihiin oo soo noqnoqda 6, ay la jiriiricoodaan dubabka kuwa ka baqa Rabbigood. markaasay dubabkooda iyo qalbiyadoodu u jilcaan Xuska Alle (Qur'aanka iyo Sunnada Rasuulkiisa). Kaasi waa hanuunka Alle. Wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono, qofkuu Alle lumiyaana ma leh cid hanuunin.

Faallooyin hoose

6. Axkaanta, cilmiga, qisooyinka, iwm waa lagu soo celceliyaa Qur’aanka gudahi si loogu cibrad iyo waano qaato oo dadka u saameyso.