Suuradda Az-Zumar, aayadda 73

39:73

وَسِيقَ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ رَبَّهُمۡ إِلَى ٱلۡجَنَّةِ زُمَرًاۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُوهَا وَفُتِحَتۡ أَبۡوَٰبُهَا وَقَالَ لَهُمۡ خَزَنَتُهَا سَلَٰمٌ عَلَيۡكُمۡ طِبۡتُمۡ فَٱدۡخُلُوهَا خَٰلِدِينَ ٧٣

Wasīqal-ladhīnat-taqaw rabbahum ilal-jannati zumaran hattā idhā jā'ūhā wafutihat abwābuhā waqāla lahum khazanatuhā salāmun 'alaykum tibtum fadkhulūhā khālidīn

73. Waxaa loo kaxeyn kuwii dhowray (amarrada) Rabbigood (oo iska jiray xumaha) xagga Jannada, iyagoo rac-rac (wada jira) ah, markay ku yimaadaan waxay la kulmi iyadoo la furay albaabbadeeda 19 (mar hore soo dhoweyn ahaan), furahayeennadeeduna waxay ku odhan: Nabadi korkiinna ha ahaato, waad wanaagsan tihiine, gala Jannada idinkoo ku waari dhexdeeda 20.

Faallooyin hoose

19. Furaha jannada waa ashahaadada (Laa ilaaha illal laah).

20. Iyagoo heli soo dhoweyn sare, sharfid, iyo maamusid aan la tilmaami karin.