وَٱلَّذِينَ ٱجۡتَنَبُواْ ٱلطَّٰغُوتَ أَن يَعۡبُدُوهَا وَأَنَابُوٓاْ إِلَى ٱللَّهِ لَهُمُ ٱلۡبُشۡرَىٰۚ فَبَشِّرۡ عِبَادِ ١٧
Walladhīnajtanabut-tāghūta an ya'budūhā wa anābū ilallāhi lahumul-bushrā fabasshir 'ibād
17. Kuwa ka fogaada inay caabudaan Daaquut 'ilaahyada beenta' 4 oo u laabta Allaah (iyagoo tawbad keen ah), waxay leeyihiin bishaaro; ee u bishaaree addoomahayga.
Faallooyin hoose
4. Daaquut waxaa loola jeedaa shaydaanka, ama wax kastoo la caabudo Alle sokadi iyagoo ku raalli ah caabudiddaas.