Suuradda Al-A'la الأعلى

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

سَبِّحِ ٱسۡمَ رَبِّكَ ٱلۡأَعۡلَى ١

Sabbihisma rabbikal-a'lā

1. Xurmo weynee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa ee Sarreeya.

ٱلَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ ٢

Alladhī khalaqa fasawwā

2. Ee abuuray (uunka) oo ekeeyey.

وَٱلَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ ٣

Walladhī qaddara fahadā

3.Ee ah Kan wax walba qaddaray, ee hagay.

وَٱلَّذِيٓ أَخۡرَجَ ٱلۡمَرۡعَىٰ ٤

Walladhī akhrajal-mar'ā

4. Ee ah Kan soo saara daaqa.

فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحۡوَىٰ ٥

Faja'alahū ghuthā'an ahwā

5. Ka dhiga markaas kaddib caws engagan oo madow.

سَنُقۡرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ ٦

Sanuqri'uka falā tansā

6. Waxaan kuu akhriyeynaa (Nabiyow) Qur’aanka mana illaaweysid,

إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلۡجَهۡرَ وَمَا يَخۡفَىٰ ٧

Illā mā shā'allāhu innahū ya'lamul-jahra wamā yakhfā

7. Wuxuu Alle doono ma’ahee, Wuxuu xaqiiq Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.

وَنُيَسِّرُكَ لِلۡيُسۡرَىٰ ٨

Wanuyassiruka lil-yusrā

8. Waxaanu kuu fududeyn waddada sahlan (Islaamka).

فَذَكِّرۡ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكۡرَىٰ ٩

Fadhakkir in nafa'atidh-dhikrā

9. Ee waani, markay wax tari waanadu.

سَيَذَّكَّرُ مَن يَخۡشَىٰ ١٠

Sayaddhakkaru man yakhshā

10. Waxaa waantoobi Kan (ka) baqa (Alle).

وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلۡأَشۡقَى ١١

Wayatajannabuhal-ashqā

11. Waxaana ka fogaan 'waanada' qofka xun.

ٱلَّذِي يَصۡلَى ٱلنَّارَ ٱلۡكُبۡرَىٰ ١٢

Alladhī yaslan-nāral-kubrā

12. Kaasoo geli Naar weyn oo ku guban.

ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ ١٣

Thumma lā yamūtu fīhā walā yahyā

13. Uusan ku dhimanayn dhexdeeda, kuna noolaanayn.

قَدۡ أَفۡلَحَ مَن تَزَكَّىٰ ١٤

Qad aflaha man tazakkā

14. Waxaa liibaani qofkii ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida).

وَذَكَرَ ٱسۡمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ ١٥

Wadhakarasma rabbihī fasallā

15. Oo xusa Magaca Rabbigi oo tukada.

بَلۡ تُؤۡثِرُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا ١٦

Bal tu'thirūnal-hayawātad-dunyā

16. Waxaadse door biddaan nolosha adduunkan;

وَٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرٞ وَأَبۡقَىٰٓ ١٧

Wal-ākhiratu khayrun wa abqā

17. Aakhiro baase khayr badan oo baaqi ah.

إِنَّ هَٰذَا لَفِي ٱلصُّحُفِ ٱلۡأُولَىٰ ١٨

Inna hādhā lafis-suhufil-ūlā

18. Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore,

صُحُفِ إِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ ١٩

Suhufi ibrāhīma wamūsā

19. Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-A'la?

Suuradda Al-A'la waxay leedahay 19 aayadood. Waa suuradda 87 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-A'la ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-A'la waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-A'la juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-A'la waxay ku jirtaa juz' 30.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-A'la?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.