Ducada galitaanka iyo ka bixitaanka musqusha

Waxa la yidhaahdo inta aan musqusha la gelin iyo marka laga soo baxo.

1 Hal mar

اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنَ الخُبُثِ وَالخَبَائِثِ

Macnaha iyo isha

Anas -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa marka uu gelayo suuligo inuu dhaho: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadigba."

Xadiis la isku waafaqay Darajada: Xadiis Saxiix ah

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu rabo inuu xaajo guto, kaadi ama saxaro, Ilaahay ayuu magan geli jiray, Isaguuna cuskan jiray inuu ka nabad galiyo sharka Shaydaanka lab iyo midka dhadigba. Waxaa kaloo lagu fasiray khubuska iyo khabaa`iska sharka iyo najaasada.

Faa'iidooyin

  • Ducadan ayaa la suneeyey in la akhristo marka la gelaayo suuliga.
  • Dhamaan khalqiga oo dhan waxay baahi u qabaan Rabigooda, inuu ka difaaco wax kastoo dhib ah oo dhibaatayn, xaalad walba oo ay ku sugan yihiin.

Ka akhri HadeethEnc.com

Su'aalo

Maxaa ku jira boggan?

Ducada musqusha: mid kasta oo Carabi ah, la socda macnihiisa, xadiiska uu ka yimid, darajadiisa iyo sharraxaad.

Tarjumaaduhu xaggee ka yimaadeen?

Waxay ka yimaadeen HadeethEnc.com, Insaykloobiidiyada Xadiisyada Nabiga ee la Turjumay. Xadiis kasta waxa loo soo bandhigaa sida ay u daabaceen, oo leh ishiisa iyo darajadiisa, iyo xiriirin asalka ah.

Ma heli karaa xasuusin maalinle ah?

Haa. Barnaamijka bilaashka ah ee Qabas ee Android wuxuu ku xasuusiyaa adkaarta subaxa iyo fiidka maalin kasta, wuxuuna leeyahay isla tiriyahan.