Suuradda Al-Anfal, aayadda 47

8:47

وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ خَرَجُواْ مِن دِيَٰرِهِم بَطَرٗا وَرِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ بِمَا يَعۡمَلُونَ مُحِيطٞ ٤٧

Walā takūnū kalladhīna kharajū min diyārihim bataran wari'ā'an-nāsi wayasuddūna 'an sabīlillāhi wallāhu bimā ya'malūna muhīt

47. Ha la mid noqonnina sidii kuwaa uga soo baxay guryahooda kibir iyo istuska dadka, oo ka hor istaaga (dadka) jidka Alle 14. Alle wuu koobaa waxay falaan.

Faallooyin hoose

14. Dagaalkooda Muslimiinta wuxuu ahaa si ay u difaacaan diinta iyo qaadasho Amarka Alle, halka gaalada ay u dagaalamayeen kibir iyo qooq iyo qabyaalad iyo arrimo jaahiliyad iyo dano adduunyo iyo faan.