Suuradda Al-Anfal, aayadda 42

8:42

إِذۡ أَنتُم بِٱلۡعُدۡوَةِ ٱلدُّنۡيَا وَهُم بِٱلۡعُدۡوَةِ ٱلۡقُصۡوَىٰ وَٱلرَّكۡبُ أَسۡفَلَ مِنكُمۡۚ وَلَوۡ تَوَاعَدتُّمۡ لَٱخۡتَلَفۡتُمۡ فِي ٱلۡمِيعَٰدِ وَلَٰكِن لِّيَقۡضِيَ ٱللَّهُ أَمۡرٗا كَانَ مَفۡعُولٗا لِّيَهۡلِكَ مَنۡ هَلَكَ عَنۢ بَيِّنَةٖ وَيَحۡيَىٰ مَنۡ حَيَّ عَنۢ بَيِّنَةٖۗ وَإِنَّ ٱللَّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ ٤٢

Idh antum bil-'udwatid-dunyā wahum bil-'udwatil-quswā war-rakbu asfala minkum walaw tawā'attum lakhtalaftum fil-mī'ādi walākil liyaqdiyallāhu amran kāna maf'ūlal liyahlika man halaka 'am bayyinatin wayahyā man hayya 'am bayyinatin wa innallāha lasamī'un 'alīm

42. (Xusuusta) markaad idinku joogteen docda soke 'ee togga' 13, iyaguna ay joogeen docda shishe, halka safarkii badeecadda siday idinka hooseeyay. Haddaad goosan laheydeen waqti aad dhexdiinna ku ballantaan, waad seegi laheydeen ballankaas, laakiinse (waad is hesheen) si Alle u fuliyo arrin horey uu u qaddaray; si ciddii halaagsami si cad ugu halaagsanto, ciddii noolaanna si cad ugu noolaato. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

Faallooyin hoose

13. Muslimiinta waxay ku sugnaayeen waqtigaa dhinaca togga u dhow Madiina, halka gaalada joogeen dhinaca kale ee togga ee ka fog Madiina, safarkiise badeecadda siday ee Abuu Sufyaan wuxuu soo marayey xeebta badda oo 5 mayl u jirta Badar.