Suuradda Al-Anfal, aayadda 41

8:41

۞ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا غَنِمۡتُم مِّن شَيۡءٖ فَأَنَّ لِلَّهِ خُمُسَهُۥ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ إِن كُنتُمۡ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَىٰ عَبۡدِنَا يَوۡمَ ٱلۡفُرۡقَانِ يَوۡمَ ٱلۡتَقَى ٱلۡجَمۡعَانِۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ ٤١

Wa'lamū annamā ghanimtum min shay'in fa anna lillāhi khumusahū walir-rasūli walidhil-qurbā wal-yatāmā wal-masākīni wabnis-sabīli in kuntum āmantum billāhi wamā anzalnā 'alā 'abdinā yawmal-furqāni yawmal-taqal-jam'āni wallāhu 'alā kulli shay'in qadīr

41. Ogaada in waxaad qaniimeysataan, in Alle leeyahay shan meeloodoo meel 11, iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka) iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo socotada (go’doonsan), haddaad rumeysan tihiin Alle iyo waxa aanu ku soo dejinnay oo Waxyi ah addoonkayaga (Nabi Muxammad) maalintii kala baxa 12, maalintay kulmeen labadii ciidan. Alle wax walba wuu Karaa.

Faallooyin hoose

11. Qaniimo waa maalka lagaga helo gaalada dagaal jihaad ah Jidka Alle, maalkase laga helo gaalada dagaal la’aan waxaa la yidhaahdaa fay, qaybinta Aayaddan waxay ka hadleysaa oo keliya qaniimada dagaalka: Shan meel marka loo dhigo, meel waxaa leh oo la siinayaa: 1- Allaah iyo Rasuulkiisa (waxaa lagu bixin arrinka Alle iyo xoojinta diinta). 2. Agoomaha 3. Musaafirka go’doonsan, qaxootiga iyo soo galootiga dhoofka ku yimid ee shisheeyaha ah), 4. Qaraabada Rasuulka (Banuu haashim iyo Banuu Muddalib) 5. Masaakiinta. Afarta meeleedoo kale waxaa loo qaybin dagaal yahnnada ka soo qayb galay dagaalka.

12. Maalinta kulanka labo kooxood ay ku kulmeen dagaalkii Badar waxay ahayd maalin Jumca ah bisha Ramadaan tahay 17, sannadkii labaad ee Hijrada, mufasiriinta qaarkood waxay qabaan in Aayaddan ay tilmaameyso markii u horreysey uu soo dego Qur’aanka oo ahayd 17 bishii Ramadaan.