Suuradda At-Tawbah, aayadda 37

9:37

إِنَّمَا ٱلنَّسِيٓءُ زِيَادَةٞ فِي ٱلۡكُفۡرِۖ يُضَلُّ بِهِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُحِلُّونَهُۥ عَامٗا وَيُحَرِّمُونَهُۥ عَامٗا لِّيُوَاطِـُٔواْ عِدَّةَ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُ فَيُحِلُّواْ مَا حَرَّمَ ٱللَّهُۚ زُيِّنَ لَهُمۡ سُوٓءُ أَعۡمَٰلِهِمۡۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡكَٰفِرِينَ ٣٧

Innaman-nasī'u ziyādatun fil-kufri yudallu bihil-ladhīna kafarū yuhillūnahū 'āman wayuharrimūnahū 'āmal liyuwāti'ū 'iddata mā harramallāhu fayuhillū mā harramallāhu zuyyina lahum sū'u a'mālihim wallāhu lā yahdil-qawmal-kāfirīn

37. Dib dhigidda (bil caaggan oo xurmo gaar ah leh) waa uun gaalnimo dheeraad ah 12: ee lagu habaabiyey gaalada, waxay ka dhigaan waxaan caagganeyn oo bannaan sannad oo caagaan sannad kale si ay isugu toosiyaan tirada bilaha uu caagay, oo ka dhigtaan kuwa caaggan ee xurmadda gaar ah leh wax bannaan. Acmaashooda xun baa loo qurxiyey. Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada (macangagga) ah.

Faallooyin hoose

12. Hadday arkaan inay u faa’ido badan tahay inay buriyaan bil caaggan, way sameynayeen, iyagoo yeelayey bil kale halkeeda ay ku dhowraan caagganaanta dagaal gelidda.