قَالَ يَٰقَوۡمِ لِمَ تَسۡتَعۡجِلُونَ بِٱلسَّيِّئَةِ قَبۡلَ ٱلۡحَسَنَةِۖ لَوۡلَا تَسۡتَغۡفِرُونَ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ ٤٦
Qāla yāqawmi lima tasta'jilūna bis-sayyi'ati qablal-hasanati lawlā tastaghfirūnallāha la'allakum turhamūn
46. (Saalix) wuxuu yidhi: “Tolkaygiyow! Maxaad u doontaan in la idiin soo dedjiyo xumaanta halkii samaanta 15? Maxaad uga dalbi weydeen Denbi Dhaaf Alle inuu idiin naxariisto?
Faallooyin hoose
15. Iyagoo kula dooday Saalix inuu u keeno cadaabka uu ugu gooddiyey, halkii ay dalbi lahaayeen Naxariis Alle.