Suuradda Al-Hijr الحجر

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓرۚ تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ وَقُرۡءَانٖ مُّبِينٖ ١

Alif Lām Rā tilka āyātul-kitābi waqur'ānim mubīn

1. Alif Laam Raa 1. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ay cad yihiin (Aayadahiisu).

رُّبَمَا يَوَدُّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ كَانُواْ مُسۡلِمِينَ ٢

Rrubamā yawaddul-ladhīna kafarū law kānū muslimīn

2. Wax badan bay kuwa gaalooba jecleysan doonaan (Aakhirada) inay ahaayeen Muslimiin 2.

ذَرۡهُمۡ يَأۡكُلُواْ وَيَتَمَتَّعُواْ وَيُلۡهِهِمُ ٱلۡأَمَلُۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ ٣

Dharhum ya'kulū wayatamatta'ū wayulhihimul-amalu fasawfa ya'lamūn

3. Iska daa wax ha iska cunaane hana iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca).

وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٞ مَّعۡلُومٞ ٤

Wamā ahlaknā min qaryatin illā walahā kitābum ma'lūm

4. Ma jirto magaalo aan halaagnay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran.

مَّا تَسۡبِقُ مِنۡ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ ٥

Mmā tasbiqu min ummatin ajalahā wamā yasta'khirūn

5. Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, kamana dib marto.

وَقَالُواْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِي نُزِّلَ عَلَيۡهِ ٱلذِّكۡرُ إِنَّكَ لَمَجۡنُونٞ ٦

Waqālū yā'ayyuhal-ladhī nuzzila 'alayhidh-dhikru innaka lamajnūn

6. Waxay (ku) yidhaahdeen (Nabiga): Kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyeyow 3! Adigu waxaad tahay jinnoole.

لَّوۡمَا تَأۡتِينَا بِٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ٧

Llawmā ta'tīnā bil-malā'ikati in kunta minas-sādiqīn

7. Maxaad noogu keeni weyday malaa’ig haddaad run sheegeyso?

مَا نُنَزِّلُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَمَا كَانُوٓاْ إِذٗا مُّنظَرِينَ ٨

Mā nunazzilul-malā'ikata illā bil-haqqi wamā kānū idham munzarīn

8. Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq 4 aheyn, lamana sugo oo siiyo (gaalada) fursad markaas (ay ku tawbad keenaan) .

إِنَّا نَحۡنُ نَزَّلۡنَا ٱلذِّكۡرَ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ ٩

Innā nahnu nazzalnadh-dhikra wa innā lahū lahāfizūn

9. Xaqiiq, Annagaa soo dejinnay Waanada (Qur’aanka) Annagaana xaqiiq ilaalin 5.

وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ فِي شِيَعِ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٠

Walaqad arsalnā min qablika fī shiya'il-awwalīn

10. Waxaana dhab ahaan soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood.

وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ ١١

Wamā ya'tīhim mir rasūlin illā kānū bihī yastahzi'ūn

11. Ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin.

كَذَٰلِكَ نَسۡلُكُهُۥ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ ١٢

Kadhālika naslukuhū fī qulūbil-mujrimīn

12. Sidaasaan u gelinnaa (diiddada Xaqa) quluubta denbiilayaasha.

لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ وَقَدۡ خَلَتۡ سُنَّةُ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٣

Lā yu'minūna bihī waqad khalat sunnatul-awwalīn

13. Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray (Qur’aanka), dhab ahaanna waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay 6.

وَلَوۡ فَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَابٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَظَلُّواْ فِيهِ يَعۡرُجُونَ ١٤

Walaw fatahnā 'alayhim bābam minas-samā'i fazallū fīhi ya'rujūn

14. Haddaan uga furno albaab samada oo ay ahaadaan kuwo kor u kora;

لَقَالُوٓاْ إِنَّمَا سُكِّرَتۡ أَبۡصَٰرُنَا بَلۡ نَحۡنُ قَوۡمٞ مَّسۡحُورُونَ ١٥

Laqālū innamā sukkirat absārunā bal nahnu qawmum mashūrūn

15. Waxay (gaaladu) odhan lahaayeen: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray.

وَلَقَدۡ جَعَلۡنَا فِي ٱلسَّمَآءِ بُرُوجٗا وَزَيَّنَّٰهَا لِلنَّٰظِرِينَ ١٦

Walaqad ja'alnā fis-samā'i burūjan wazayyannāhā lin-nāzirīn

16. Waxaan dhab ahaan yeelnay samada xiddigo waaweyn iyo rugo ay maraan, Waxaana u qurxinnay daawadayaasha.

وَحَفِظۡنَٰهَا مِن كُلِّ شَيۡطَٰنٖ رَّجِيمٍ ١٧

Wahafiznāhā min kulli shaytānir rajīm

17. Waxaana ka ilaalinnay Shaydaan kastoo laga ceyrshay (Naxariista Alle).

إِلَّا مَنِ ٱسۡتَرَقَ ٱلسَّمۡعَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٞ مُّبِينٞ ١٨

Illā manistaraqas-sam'a fa atba'ahū shihābum mubīn

18. Mid maahee xada mar wax uu maqlo, markaas la raaciyo danab muuqda.

وَٱلۡأَرۡضَ مَدَدۡنَٰهَا وَأَلۡقَيۡنَا فِيهَا رَوَٰسِيَ وَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ شَيۡءٖ مَّوۡزُونٖ ١٩

Wal-arda madadnāhā wa alqaynā fīhā rawāsiya wa ambatnā fīhā min kulli shay'im mawzūn

19. Dhulka - waanu fidinnay, waxaanu ku sugnay buuro, waxaana ka soo bixinnay wax kastoo miisaaman.

وَجَعَلۡنَا لَكُمۡ فِيهَا مَعَٰيِشَ وَمَن لَّسۡتُمۡ لَهُۥ بِرَٰزِقِينَ ٢٠

Waja'alnā lakum fīhā ma'āyisha wamal lastum lahū birāziqīn

20. Waxaana idiinka yeellay dhexdiisa asbaabta noolaanshaha idinka iyo midka kastoo aydaan idinku irsaaqin 7.

وَإِن مِّن شَيۡءٍ إِلَّا عِندَنَا خَزَآئِنُهُۥ وَمَا نُنَزِّلُهُۥٓ إِلَّا بِقَدَرٖ مَّعۡلُومٖ ٢١

Wa im min shay'in illā 'indanā khazā'inuhū wamā nunazziluhū illā biqadarim ma'lūm

21. Ma jiro wax aannu Annagu (Alle ah) hayn khasnadahiisa. Kumana aan soo dejinno waxaan aheyn qaddar la yaqaan.

وَأَرۡسَلۡنَا ٱلرِّيَٰحَ لَوَٰقِحَ فَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَسۡقَيۡنَٰكُمُوهُ وَمَآ أَنتُمۡ لَهُۥ بِخَٰزِنِينَ ٢٢

Wa arsalnar-riyāha lawāqiha fa anzalnā minas-samā'i mā'an fa asqaynākumūhu wamā antum lahū bikhāzinīn

22. Waxaana soo dirnaa dabeylaha tallaala (daruuraha) markaasaan ka soo dejinnaa daruuraha biyo (roob), aan idinka waraa- binno, mana ahidin idinku kuwa kaydiya.

وَإِنَّا لَنَحۡنُ نُحۡيِۦ وَنُمِيتُ وَنَحۡنُ ٱلۡوَٰرِثُونَ ٢٣

Wa innā lanahnu nuhyī wanumītu wanahnul-wārithūn

23. Xaqiiq, waa Annaga (Allaah) Kuwa wax nooleeya, waxna dhinsiiya 8, Annagaana ah dhaxlayaasha 9.

وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَقۡدِمِينَ مِنكُمۡ وَلَقَدۡ عَلِمۡنَا ٱلۡمُسۡتَـٔۡخِرِينَ ٢٤

Walaqad 'alimnal-mustaqdimīna minkum walaqad 'alimnal-musta'khirīn

24. Waxaan ognahay kuwiinnii hore ee tegay, Waxaana ognahay kuwa dib ka iman.

وَإِنَّ رَبَّكَ هُوَ يَحۡشُرُهُمۡۚ إِنَّهُۥ حَكِيمٌ عَلِيمٞ ٢٥

Wa inna rabbaka huwa yahshuruhum innahū hakīmun 'alīm

25. Hubaal Rabbigaa waa soo wada kulmin iyagoo dhan. Waa Xakiim, wax kasta Og.

وَلَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ ٢٦

Walaqad khalaqnal-insāna min salsālim min hama'im masnūn

26. Waxaan ka abuurnay aadmiga dhoobo shanqarta, madow doorsoon ah.

وَٱلۡجَآنَّ خَلَقۡنَٰهُ مِن قَبۡلُ مِن نَّارِ ٱلسَّمُومِ ٢٧

Wal-jānna khalaqnāhu min qablu min nāris-samūm

27. Jinkana, Waxaan ka abuurnay awal hore dab ololaya 10.

وَإِذۡ قَالَ رَبُّكَ لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّي خَٰلِقُۢ بَشَرٗا مِّن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ ٢٨

Wa idh qāla rabbuka lil-malā'ikati innī khāliqu basharam min salsālim min hama'im masnūn

28. (Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan ka abuurayaa qof (Aadam) dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah.

فَإِذَا سَوَّيۡتُهُۥ وَنَفَخۡتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُواْ لَهُۥ سَٰجِدِينَ ٢٩

Fa idhā sawwaytuhū wanafakhtu fīhi mir rūhī faqa'ū lahū sājidīn

29. Ee markaan sameeyo isagoo dhan oo aan ku afuufo ruuxda aan ugu tala galay 11 ula dhaca sujuud.

فَسَجَدَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ كُلُّهُمۡ أَجۡمَعُونَ ٣٠

Fasajadal-malā'ikatu kulluhum ajma'ūn

30. Markaasay malaa’igtii sujuudeen kulligoodba iyagoo dhan.

إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰٓ أَن يَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ ٣١

Illā iblīsa abā an yakūna ma'as-sājidīn

31. Ibliis 12 maahee (ma yeelin): waa uu diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuday 13.

قَالَ يَٰٓإِبۡلِيسُ مَا لَكَ أَلَّا تَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ ٣٢

Qāla yā'iblīsu mā laka allā takūna ma'as-sājidīn

32. (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisoow! Maxaa kuugu wacan inaadan ahaan la jirka kuwaa sujuuday.

قَالَ لَمۡ أَكُن لِّأَسۡجُدَ لِبَشَرٍ خَلَقۡتَهُۥ مِن صَلۡصَٰلٖ مِّنۡ حَمَإٖ مَّسۡنُونٖ ٣٣

Qāla lam akul li asjuda libasharin khalaqtahū min salsālim min hama'im masnūn

33. Wuxuu yidhi: Anigu ma ahi mid u sujuudaya qof aad ka abuurtay dhoobo shanqarta oo madow doorsoon ah.

قَالَ فَٱخۡرُجۡ مِنۡهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٞ ٣٤

Qāla fakhruj minhā fa innaka rajīm

34. (Alle) wuxuu yidhi: Haddaba Ka bax (Jannada), adigu waa lagu deyrshaye.

وَإِنَّ عَلَيۡكَ ٱللَّعۡنَةَ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلدِّينِ ٣٥

Wa inna 'alaykal-la'nata ilā yawmid-dīn

35. Waxaana xaqiiq dushaada ah Nacalad ilaa Maalinta is Abaal marinta 'Qiyaamada'.

قَالَ رَبِّ فَأَنظِرۡنِيٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ ٣٦

Qāla rabbi fa anzirnī ilā yawmi yub'athūn

36. Wuxuu yidhi: Rabbiyow! I sii waqti ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamada).

قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ ٱلۡمُنظَرِينَ ٣٧

Qāla fa innaka minal-munzarīn

37.(Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la siiyey fursadda (ee la sugi).

إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡوَقۡتِ ٱلۡمَعۡلُومِ ٣٨

Ilā yawmil-waqtil-ma'lūm

38. Ilaa Maalinta (Qiyaamada) ee waqtiga la yaqaan leh (Alle keliya uu Og yahay).

قَالَ رَبِّ بِمَآ أَغۡوَيۡتَنِي لَأُزَيِّنَنَّ لَهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَأُغۡوِيَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٣٩

Qāla rabbi bimā aghwaytanī la uzayyinanna lahum fil-ardi wala'ughwiyannahum ajma'īn

39. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Sidaad ii lumisayba, Waxaan u qurxin denbiyada dhulka korkiisa, waana dhumin iyagoo dhan.

إِلَّا عِبَادَكَ مِنۡهُمُ ٱلۡمُخۡلَصِينَ ٤٠

Illā 'ibādaka minhumul-mukhlasīn

40. Addoomahaaga ku jira ee daacadda ah mooyee kuu keli iyo gaar yeela cibaadada.

قَالَ هَٰذَا صِرَٰطٌ عَلَيَّ مُسۡتَقِيمٌ ٤١

Qāla hādhā sirātun 'alayya mustaqīm

41. (Alle) wuxuu yidhi: Kani waa Jid Toosan oo Xaggeyga ah.

إِنَّ عِبَادِي لَيۡسَ لَكَ عَلَيۡهِمۡ سُلۡطَٰنٌ إِلَّا مَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡغَاوِينَ ٤٢

Inna 'ibādī laysa laka 'alayhim sultānun illā manit-taba'aka minal-ghāwīn

42. Addoomahayga kuma lihid awood dushooda, kuwa ku raaca ee iyagu lunsan mooyee.

وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمَوۡعِدُهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٤٣

Wa inna jahannama lamaw'iduhum ajma'īn

43. Oo hubaal waa Jahannama dhabtii madashooda iyagoo dhan.

لَهَا سَبۡعَةُ أَبۡوَٰبٖ لِّكُلِّ بَابٖ مِّنۡهُمۡ جُزۡءٞ مَّقۡسُومٌ ٤٤

Lahā sab'atu abwābil likulli bābim minhum juz'um maqsūm

44. Waxay leedahay toddoba Albaabood, albaab walbaa waxaa ahaan qayb gaar ah oo ka mid ah (ehlu Naarka).

إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٖ وَعُيُونٍ ٤٥

Innal-muttaqīna fī jannātin wa'uyūn

45. Hubaal, kuwa Alle ka dhowrsada (xumaha) waxay dhex ahaan Beero iyo ilo.

ٱدۡخُلُوهَا بِسَلَٰمٍ ءَامِنِينَ ٤٦

Udkhulūhā bisalāmin āminīn

46. (Waxaa lagu odhan): Ku gala (Jannada) nabad idinkoo aamin ah.

وَنَزَعۡنَا مَا فِي صُدُورِهِم مِّنۡ غِلٍّ إِخۡوَٰنًا عَلَىٰ سُرُرٖ مُّتَقَٰبِلِينَ ٤٧

Wanaza'nā mā fī sudūrihim min ghillin ikhwānan 'alā sururim mutaqābilīn

47. Waxaanu ka soo siibi wixii xumaan kala tirsi ah oo ku jira laabahooda, (waxay ahaan) walaalo ku sugan sariiro boqoreed dushood is qaabilsan fool ka fool.

لَا يَمَسُّهُمۡ فِيهَا نَصَبٞ وَمَا هُم مِّنۡهَا بِمُخۡرَجِينَ ٤٨

Lā yamassuhum fīhā nasabun wamā hum minhā bimukhrajīn

48. Kuma taabanayo gudaheeda daal, xaggeedana lagama soo saarayo.

۞ نَبِّئۡ عِبَادِيٓ أَنِّيٓ أَنَا ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ ٤٩

Nabbi' 'ibādī annī anal-ghafūrur-rahīm

49. Ogeysii addoomahayga inaan Anigu (Alle) ahay Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.

وَأَنَّ عَذَابِي هُوَ ٱلۡعَذَابُ ٱلۡأَلِيمُ ٥٠

Wa anna 'adhābī huwal-'adhābul-alīm

50. Iyo in Cadaabkaygu uu yahay cadaabka xanuunka badan.

وَنَبِّئۡهُمۡ عَن ضَيۡفِ إِبۡرَٰهِيمَ ٥١

Wanabbi'hum 'an dayfi ibrāhīm

51. Uga warran martidii Ibraahiim.

إِذۡ دَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَقَالُواْ سَلَٰمٗا قَالَ إِنَّا مِنكُمۡ وَجِلُونَ ٥٢

Idh dakhalū 'alayhi faqālū salāman qāla innā minkum wajilūn

52. Markay u soo galeen, waxay yidhaadeen: Nabad ahaada. Wuxuu yidhi: Innagu waanu idinka cabsan.

قَالُواْ لَا تَوۡجَلۡ إِنَّا نُبَشِّرُكَ بِغُلَٰمٍ عَلِيمٖ ٥٣

Qālū lā tawjal innā nubasshiruka bighulāmin 'alīm

53. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Ha cabsan. Waxaanu xaqiiq kuugu bishaareyn wiil aqoon leh (Isxaaq).

قَالَ أَبَشَّرۡتُمُونِي عَلَىٰٓ أَن مَّسَّنِيَ ٱلۡكِبَرُ فَبِمَ تُبَشِّرُونَ ٥٤

Qāla abasshartumūnī 'alā am massaniyal-kibaru fabima tubasshirūn

54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu bishaareyneysaan (wiil) anigoo ay i soo taabatay da' weyni? Ee maxaad iigu bishaarayneysaan?

قَالُواْ بَشَّرۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ فَلَا تَكُن مِّنَ ٱلۡقَٰنِطِينَ ٥٥

Qālū bassharnāka bil-haqqi falā takum minal-qānitīn

55. Waxay (malaa'igtii) yidhaahdeen: Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah. Ee ha ka mid noqon kuwa quusta.

قَالَ وَمَن يَقۡنَطُ مِن رَّحۡمَةِ رَبِّهِۦٓ إِلَّا ٱلضَّآلُّونَ ٥٦

Qāla waman yaqnatu mir rahmati rabbihī illad-dāllūn

56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Yaa ka quusta Naxariista Rabbigii aan ahayn kuwa lunsan.

قَالَ فَمَا خَطۡبُكُمۡ أَيُّهَا ٱلۡمُرۡسَلُونَ ٥٧

Qāla famā khatbukum ayyuhal-mursalūn

57. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waa maxay howsha aad u socotaan, kuwiinaan (malaa’igta ah ee) la soo dirayow?

قَالُوٓاْ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمٖ مُّجۡرِمِينَ ٥٨

Qālū innā ursilnā ilā qawmim mujrimīn

58. Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Waxaa innaga naloo soo diray qolo denbiilayaal ah.

إِلَّآ ءَالَ لُوطٍ إِنَّا لَمُنَجُّوهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٥٩

Illā āla lūtin innā lamunajjūhum ajma'īn

59. Reer Luud ma’ahee. Waanu badbaadin iyagoo dhan.

إِلَّا ٱمۡرَأَتَهُۥ قَدَّرۡنَآ إِنَّهَا لَمِنَ ٱلۡغَٰبِرِينَ ٦٠

Illamra'atahū qaddarnā innahā laminal-ghābirīn

60. Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay ka mid ahaato kuwa ku haraya gadaal 'ee la cadaabi' 14.

فَلَمَّا جَآءَ ءَالَ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلُونَ ٦١

Falammā jā'a āla lūtinil-mursalūn

61. Markay u yimaadeen reer Luud Rusushii (malaa'igta ahayd ee) la soo diray.

قَالَ إِنَّكُمۡ قَوۡمٞ مُّنكَرُونَ ٦٢

Qāla innakum qawmum munkarūn

62. (Luud) wuxuu yidhi: Waxaad idinku dhabtii tihiin qolo aan la garanaynin.

قَالُواْ بَلۡ جِئۡنَٰكَ بِمَا كَانُواْ فِيهِ يَمۡتَرُونَ ٦٣

Qālū bal ji'nāka bimā kānū fīhi yamtarūn

63.Waxay (malaa’igtii) yidhaahdeen: Mayee waxaanu kuula nimid waxay ka doodayeen.

وَأَتَيۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ ٦٤

Wa ataynāka bil-haqqi wa innā lasādiqūn

64. Waxaan kuula nimidna Xaq, oo run baynu sheegi.

فَأَسۡرِ بِأَهۡلِكَ بِقِطۡعٖ مِّنَ ٱلَّيۡلِ وَٱتَّبِعۡ أَدۡبَٰرَهُمۡ وَلَا يَلۡتَفِتۡ مِنكُمۡ أَحَدٞ وَٱمۡضُواْ حَيۡثُ تُؤۡمَرُونَ ٦٥

Fa asri bi ahlika biqit'im minal-layli wattabi' adbārahum walā yaltafit minkum ahadun wamdū haythu tu'marūn

65. Ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, soco gadaashooda, yaanu midkiinna dib soo jalleecin, aadana halka la idinku amray.

وَقَضَيۡنَآ إِلَيۡهِ ذَٰلِكَ ٱلۡأَمۡرَ أَنَّ دَابِرَ هَٰٓؤُلَآءِ مَقۡطُوعٞ مُّصۡبِحِينَ ٦٦

Waqadaynā ilayhi dhālikal-amra anna dābira hā'ulā'i maqtū'um musbihīn

66. Waxaana u waxyoonnay arrinkan ah in cidhibta kuwaas (gaalada ah) la goyn subaxa horeba.

وَجَآءَ أَهۡلُ ٱلۡمَدِينَةِ يَسۡتَبۡشِرُونَ ٦٧

Wajā'a ahlul-madīnati yastabshirūn

67. Waxaana yimid dadkii magaalada iyagoo ku bishaareysan 'martida timid' 15,

قَالَ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ ضَيۡفِي فَلَا تَفۡضَحُونِ ٦٨

Qāla inna hā'ulā'i dayfī falā tafdahūn

68. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwakanu waa martidaydii ee ha igu fadayxeynina.

وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُخۡزُونِ ٦٩

Wattaqullāha walā tukhzūn

69. Allena ka cabsada oo ha i ceebeynina.

قَالُوٓاْ أَوَلَمۡ نَنۡهَكَ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٧٠

Qālū awalam nanhaka 'anil-'ālamīn

70. Waxay yidhaahdeen: Miyaanaan kaa reebin inaad (nagala hadasho) dadka shisheeyaha ah 16?

قَالَ هَٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِيٓ إِن كُنتُمۡ فَٰعِلِينَ ٧١

Qāla hā'ulā'i banātī in kuntum fā'ilīn

71. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwaanu waa gabdhahaygii 17, haddaad yeeleysaan (inaad guursataan).

لَعَمۡرُكَ إِنَّهُمۡ لَفِي سَكۡرَتِهِمۡ يَعۡمَهُونَ ٧٢

La'amruka innahum lafī sakratihim ya'mahūn

72. Waa igu Cimrigaaga'e (Nabi Muxammadow), waxay indho la’aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii 18.

فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُشۡرِقِينَ ٧٣

Fa akhadhathumus-sayhatu mushriqīn

73. Markaas baa qeylo weyn (qarax) qabtay qorrax soo bixiiba;

فَجَعَلۡنَا عَٰلِيَهَا سَافِلَهَا وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ حِجَارَةٗ مِّن سِجِّيلٍ ٧٤

Faja'alnā 'āliyahā sāfilahā wa amtarnā 'alayhim hijāratam min sijjīl

74. Waxaana u gambinnay korkoodii hoos oo roob kaga dhignay dushooda dhagaxyo dab naar ah.

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّلۡمُتَوَسِّمِينَ ٧٥

Inna fī dhālika la'āyātil lil-mutawassimīn

75. Arrinkaas waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin kuwa wax ka fiirsada.

وَإِنَّهَا لَبِسَبِيلٖ مُّقِيمٍ ٧٦

Wa innahā labisabīlim muqīm

76. Waxayna ku taal 'magaaladaasi' 19 waddo weli la deggan yahay.

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ ٧٧

Inna fī dhālika la'āyatal lil-mu'minīn

77. Arrinkaas waxaa xaqiiq ugu sugan calaamo mu’miniinta.

وَإِن كَانَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأَيۡكَةِ لَظَٰلِمِينَ ٧٨

Wa in kāna ashābul-aykati lazālimīn

78. Dadkii degganaa hawdka 20 waxay iyaguna ahaayeen daalimiin (gar diid).

فَٱنتَقَمۡنَا مِنۡهُمۡ وَإِنَّهُمَا لَبِإِمَامٖ مُّبِينٖ ٧٩

Fantaqamnā minhum wa innahumā labi'imāmim mubīn

79. Markaasaan ka aargudannay. Waxayna labaduba 21 ku yaallaan waddo cad (oo weli) la maro.

وَلَقَدۡ كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡحِجۡرِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ ٨٠

Walaqad kaddhaba ashābul-hijril-mursalīn

80. Dadkii degganaana dhadhaabka 22 'ee reer Thamuud' waxay beeniyeen Rususha.

وَءَاتَيۡنَٰهُمۡ ءَايَٰتِنَا فَكَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ ٨١

Wa ātaynāhum āyātinā fakānū 'anhā mu'ridīn

81. Waxaanuna siinnay Aayadahayagii, waxayse ahaayeen kuwa ka jeesada.

وَكَانُواْ يَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتًا ءَامِنِينَ ٨٢

Wakānū yanhitūna minal-jibāli buyūtan āminīn

82. Waxay ahaayeen kuwo ka qota buuraha guryo iyago aamin ah.

فَأَخَذَتۡهُمُ ٱلصَّيۡحَةُ مُصۡبِحِينَ ٨٣

Fa akhadhathumus-sayhatu musbihīn

83. Markaasaa waxaa qabtay qeylo (qarax) weyn waaberkiiba.

فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ ٨٤

Famā aghnā 'anhum mā kānū yaksibūn

84. Waxbana uma tarin waxay kasbadeen (oo maal ah iyo dhismooyin dhaadheer).

وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۗ وَإِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَأٓتِيَةٞۖ فَٱصۡفَحِ ٱلصَّفۡحَ ٱلۡجَمِيلَ ٨٥

Wamā khalaqnas-samāwāti wal-arda wamā baynahumā illā bil-haqqi wa innas-sā'ata la'ātiyatun fasfahis-safhal-jamīl

85. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan Xaq ahayn. Hubaal Saacadda (Qiyaame) way imanaysaa, ee isaga jeeso adigoo saamaxaya gefefkooda saamixid qurxoon.

إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلۡخَلَّٰقُ ٱلۡعَلِيمُ ٨٦

Inna rabbaka huwal-khallāqul-'alīm

86. Hubaal Rabbigaa waa Abuuraha wax kasta ee jira, wax waliba Ogsoonaha ah.

وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَٰكَ سَبۡعٗا مِّنَ ٱلۡمَثَانِي وَٱلۡقُرۡءَانَ ٱلۡعَظِيمَ ٨٧

Walaqad ātaynāka sab'am minal-mathānī wal-qur'ānal-'azīm

87. Waxaan dhab ahaan ku siinnay toddobo soo noqnoqota (Faatixada) iyo Qur’aanka Weyn.

لَا تَمُدَّنَّ عَيۡنَيۡكَ إِلَىٰ مَا مَتَّعۡنَا بِهِۦٓ أَزۡوَٰجٗا مِّنۡهُمۡ وَلَا تَحۡزَنۡ عَلَيۡهِمۡ وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِلۡمُؤۡمِنِينَ ٨٨

Lā tamuddanna 'aynayka ilā mā matta'nā bihī azwājam minhum walā tahzan 'alayhim wakhfid janāhaka lil-mu'minīn

88. Ha u taagin indhahaaga waxaanu ugu raaxeynay qaybo ka mid ah (gaalada), hana u murugoon una raarici (nuglee) garabkaaga mu’miniinta (u muuji naxariis).

وَقُلۡ إِنِّيٓ أَنَا ٱلنَّذِيرُ ٱلۡمُبِينُ ٨٩

Waqul innī anan-nadhīrul-mubīn

89. Dheh: Anigu waxaan ahay dige cad.

كَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَى ٱلۡمُقۡتَسِمِينَ ٩٠

Kamā anzalnā 'alal-muqtasimīn

90. Sidaan ugu soo dejinnayba kala qaybiyaashii 'Yuhuudda iyo Nasaarada' 23.

ٱلَّذِينَ جَعَلُواْ ٱلۡقُرۡءَانَ عِضِينَ ٩١

Alladhīna ja'alul-qur'āna 'idīn

91.Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo 24.

فَوَرَبِّكَ لَنَسۡـَٔلَنَّهُمۡ أَجۡمَعِينَ ٩٢

Fawarabbika lanas'alannahum ajma'īn

92. Waa igu Rabbigaaye waanu weydiin dhammaantood,

عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٩٣

'Ammā kānū ya'malūn

93. Waxay falayeen.

فَٱصۡدَعۡ بِمَا تُؤۡمَرُ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡمُشۡرِكِينَ ٩٤

Fasda' bimā tu'maru wa a'rid 'anil-mushrikīn

94. Ee daaha ka qaad wax lagugu amray 25, oo iskaga jeeso Mushrikiinta 26.

إِنَّا كَفَيۡنَٰكَ ٱلۡمُسۡتَهۡزِءِينَ ٩٥

Innā kafaynākal-mustahzi'īn

95. Annagaa xaqiiq kaa kaafiyeyna jees-jeesayaasha (ku jeesjeesa Diinta).

ٱلَّذِينَ يَجۡعَلُونَ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَۚ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ ٩٦

Alladhīna yaj'alūna ma'allāhi ilāhan ākhara fasawfa ya'lamūn

96. Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Alle, wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).

وَلَقَدۡ نَعۡلَمُ أَنَّكَ يَضِيقُ صَدۡرُكَ بِمَا يَقُولُونَ ٩٧

Walaqad na'lamu annaka yadīqu sadruka bimā yaqūlūn

97. Waxaana dhab ahaan ognahay inay ka cidhiidhyoonto laabtaadu waxay sheegi.

فَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ وَكُن مِّنَ ٱلسَّٰجِدِينَ ٩٨

Fasabbih bihamdi rabbika wakum minas-sājidīn

98. Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda 27.

وَٱعۡبُدۡ رَبَّكَ حَتَّىٰ يَأۡتِيَكَ ٱلۡيَقِينُ ٩٩

Wa'bud rabbaka hattā ya'tiyakal-yaqīn

99. Caabud Rabbigaa (Alle) ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowtka- Geerida).

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-Hijr?

Suuradda Al-Hijr waxay leedahay 99 aayadood. Waa suuradda 15 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-Hijr ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-Hijr waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Hijr juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Hijr waxay ku jirtaa juz' 14.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-Hijr?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.