Suuradda Al-Hijr, aayadda 31

15:31

إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰٓ أَن يَكُونَ مَعَ ٱلسَّٰجِدِينَ ٣١

Illā iblīsa abā an yakūna ma'as-sājidīn

31. Ibliis 12 maahee (ma yeelin): waa uu diiday inuu ka mid ahaado kuwa sujuuday 13.

Faallooyin hoose

12.Wuxuu ka mid ahaa jinka sida ku soo arooray Suuradda 18: Aayadda 50.

13. Sujuudda halkan loolama jeedo cibaado ee waxaa loola jeedaa salaan ka heybeysi iyo qaddarin iyo weyneyn ah adigoo madaxa hoos u soo rogaya. Waana tii Mucaad markuu soo arkay dad sidaa salaan madaxa ula soo roganaya hoos, uu damcay inuu sidaas oo kale u salaamo oo ugu sujuudo Nabi Muxammad s.c.w. waana uu ku diiday, waayo shareecada Nabi Muxammad s.c.w kuma bannaana in qofna loo rukuuco oo madax hoos loogu dhigo, Rukuuca sidaas ah sujuudna waa la yidhaahdaa. Rukuuca iyo sujuudda waa cibaado cidna xaq uma leh aan ahayn Alle subxaanahu watacaalaa.