Suuradda Ibrahim ابراهيم

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

الٓرۚ كِتَٰبٌ أَنزَلۡنَٰهُ إِلَيۡكَ لِتُخۡرِجَ ٱلنَّاسَ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ بِإِذۡنِ رَبِّهِمۡ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ ١

Alif Lām Rā kitābun anzalnāhu ilayka litukhrijan-nāsa minaz-zulumāti ilan-nūri bi idhni rabbihim ilā sirātil-'azīzil-hamīd

1. Alif Laam Raa 1. (Kani waa) kitaab (Qur’aan) aan kuugu soo dejinnay (Waxyi ahaan) si aad uga saarto dadka mugdiyada xagga Nuurka idanka Rabbigood – xagga Jidka Adkaadaha Sare, ee la ammaano.

ٱللَّهِ ٱلَّذِي لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَوَيۡلٞ لِّلۡكَٰفِرِينَ مِنۡ عَذَابٖ شَدِيدٍ ٢

Allāhil-ladhī lahū mā fis-samāwāti wamā fil-ardi wawaylul lil-kāfirīna min 'adhābin shadīd

2. Allaah, ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hoog waxaa leh gaalada ka soo gaadhi Cadaab Daran xaggiis.

ٱلَّذِينَ يَسۡتَحِبُّونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا عَلَى ٱلۡأٓخِرَةِ وَيَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَيَبۡغُونَهَا عِوَجًاۚ أُوْلَٰٓئِكَ فِي ضَلَٰلِۭ بَعِيدٖ ٣

Alladhīna yastahibbūnal-hayawātad-dunyā 'alal-ākhirati wayasuddūna 'an sabīlillāhi wayabghūnahā 'iwajan ulā'ika fī dalāli ba'īd

3. Kuwa jecel nolosha adduunkan halkii Aakhirada, oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, lana dooni qallooc. Kuwaa waxay ku sugan yihiin habow fog.

وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن رَّسُولٍ إِلَّا بِلِسَانِ قَوۡمِهِۦ لِيُبَيِّنَ لَهُمۡۖ فَيُضِلُّ ٱللَّهُ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ٤

Wamā arsalnā mir rasūlin illā bilisāni qawmihī liyubayyina lahum fayudillullāhu man yashā'u wayahdī man yashā'u wahuwal-'azīzul-hakīm

4. Rasuul kuma soo dirno waxaan aheyn afka qolodiisa si uu (Xaqa) ugu caddeeyo 2; markaasuu Alle qofkuu doono lumiyaa, oo hanuuniyaa qofkuu doono, Waana Isaga Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.3

وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَآ أَنۡ أَخۡرِجۡ قَوۡمَكَ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ وَذَكِّرۡهُم بِأَيَّىٰمِ ٱللَّهِۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّكُلِّ صَبَّارٖ شَكُورٖ ٥

Walaqad arsalnā mūsā bi'āyātinā an akhrij qawmaka minaz-zulumāti ilan-nūri wadhakkirhum bi ayyāmillāhi inna fī dhālika la'āyātil likulli sabbārin shakūr

5. Waxaanu la soo dirnay Muuse Aayadahayaga (Annagoo leh): Ka saar qolodaada Mugdiyada xagga Nuurka, xusuusina Ayaamaha Alle 4. Hubaal waxaa (arrin)kani ugu sugan calaamooyin wax lagu qaato mid walba oo samir badan, mahad naq badan.

وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ إِذۡ أَنجَىٰكُم مِّنۡ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ يَسُومُونَكُمۡ سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ وَيُذَبِّحُونَ أَبۡنَآءَكُمۡ وَيَسۡتَحۡيُونَ نِسَآءَكُمۡۚ وَفِي ذَٰلِكُم بَلَآءٞ مِّن رَّبِّكُمۡ عَظِيمٞ ٦

Wa idh qāla mūsā liqawmihidhkurū ni'matallāhi 'alaykum idh anjākum min āli fir'awna yasūmūnakum sū'al-'adhābi wayudhabbihūna abnā'akum wayastahyūna nisā'akum wafī dhālikum balā'um mir rabbikum 'azīm

6. Markuu Muuse ku yidhi qolodiisii: Xusuusta Nicmadda Alle idin siiyey, markuu idinka badbaadshay reer Fircoon iyagoo idin dhadhansiinayey Cadaab Daran, gawracayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegaan), (arrin)kaasina waxaa ku sugnaa imtixaan xagga Rabbigiin ah oo weyn.

وَإِذۡ تَأَذَّنَ رَبُّكُمۡ لَئِن شَكَرۡتُمۡ لَأَزِيدَنَّكُمۡۖ وَلَئِن كَفَرۡتُمۡ إِنَّ عَذَابِي لَشَدِيدٞ ٧

Wa idh ta'addhana rabbukum la in shakartum la azīdannakum wala'in kafartum inna 'adhābī lashadīd

7. Iyo markuu Rabbigiin idin ogeysiiyey: Haddaad mahad naqdaan, waan idiin kordhinayaa (nicmadda), haddaadse gaalowdaan, hubaal Cadaabkaygu waa mid Daran.

وَقَالَ مُوسَىٰٓ إِن تَكۡفُرُوٓاْ أَنتُمۡ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا فَإِنَّ ٱللَّهَ لَغَنِيٌّ حَمِيدٌ ٨

Waqāla mūsā in takfurū antum waman fil-ardi jamī'an fa innallāha laghaniyyun hamīd

8. Wuxuuna Muuse yidhi: Haddaad gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan arlada oo dhan, hubaal Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.

أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ نَبَؤُاْ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ قَوۡمِ نُوحٖ وَعَادٖ وَثَمُودَ وَٱلَّذِينَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡ لَا يَعۡلَمُهُمۡ إِلَّا ٱللَّهُۚ جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَرَدُّوٓاْ أَيۡدِيَهُمۡ فِيٓ أَفۡوَٰهِهِمۡ وَقَالُوٓاْ إِنَّا كَفَرۡنَا بِمَآ أُرۡسِلۡتُم بِهِۦ وَإِنَّا لَفِي شَكّٖ مِّمَّا تَدۡعُونَنَآ إِلَيۡهِ مُرِيبٖ ٩

Alam ya'tikum naba'ul-ladhīna min qablikum qawmi nūhin wa'ādin wathamūda walladhīna mim ba'dihim lā ya'lamuhum illallāhu jā'athum rusuluhum bil-bayyināti faraddū aydiyahum fī afwāhihim waqālū innā kafarnā bimā ursiltum bihī wa innā lafī shakkim mimmā tad'ūnanā ilayhi murīb

9. Miyaanay idin soo gaadhin warka kuwii idinka horreeyay qolodii Nuux, Caad, Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (tiradooda) waxaan ahayn Alle. Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad, Waxayse ku celiyeen gacmahooda afafkooda 5 oo yidhaahdeen: Ma aaminsanin waxa la idinla soo diray, waxaanuna ka qabnaa waxaad noogu yeedhaysaan shaki daran oo walaac leh.

۞ قَالَتۡ رُسُلُهُمۡ أَفِي ٱللَّهِ شَكّٞ فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ يَدۡعُوكُمۡ لِيَغۡفِرَ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمۡ وَيُؤَخِّرَكُمۡ إِلَىٰٓ أَجَلٖ مُّسَمّٗىۚ قَالُوٓاْ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا تُرِيدُونَ أَن تَصُدُّونَا عَمَّا كَانَ يَعۡبُدُ ءَابَآؤُنَا فَأۡتُونَا بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٖ ١٠

Qālat rusuluhum afillāhi shakkun fātiris-samāwāti wal-ardi yad'ūkum liyaghfira lakum min dhunūbikum wayu'akkhirakum ilā ajalim musamman qālū in antum illā basharum mithlunā turīdūna an tasuddūnā 'ammā kāna ya'budu ābā'unā fa tūnā bisultānim mubīn

10. Rusushoodii waxay yidhaahdeen: Ma waxaa jira shaki ku saabsan Alle, Askumaha samooyinka iyo aralda? Wuxuu idiinku yeedhi inuu idinka dhaafo denbiyadiinna, dibna idiinku dhigo ilaa muddo magacaaban. Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan aheyn dad nala mid ah! Waxaad rabtaan inaad naga duwdaan waxay caabudi jireen aabbayaashayo, Ee noo keena xujo cad.

قَالَتۡ لَهُمۡ رُسُلُهُمۡ إِن نَّحۡنُ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَمُنُّ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦۖ وَمَا كَانَ لَنَآ أَن نَّأۡتِيَكُم بِسُلۡطَٰنٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ١١

Qālat lahum rusuluhum in nahnu illā basharum mithlukum walākinnallāha yamunnu 'alā man yashā'u min 'ibādihī wamā kāna lanā an na'tiyakum bisultānin illā bi idhnillāhi wa'alallāhi falyatawakkalil-mu'minūn

11. Rusushoodii waxay ku yidhaahdeen: Ma nihin waxaan aheyn dad idinla mid ah, wuxuuse Alle ku manneystaa (Deeqdiisa) cidduu doono ee ka mid ah addoomahiisa. Ma aha wax aan leennahay inaan idiin keenno xujo cad inuu Alle Idmo maahee. Alle uun waa inay mu’miniintu tala saartaan.

وَمَا لَنَآ أَلَّا نَتَوَكَّلَ عَلَى ٱللَّهِ وَقَدۡ هَدَىٰنَا سُبُلَنَاۚ وَلَنَصۡبِرَنَّ عَلَىٰ مَآ ءَاذَيۡتُمُونَاۚ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُتَوَكِّلُونَ ١٢

Wamā lanā allā natawakkala 'alallāhi waqad hadānā subulanā walanasbiranna 'alā mā ādhaytumūnā wa'alallāhi falyatawakkalil-mutawakkilūn

12. Maxaanu u talo saaraneyn Alle? Isagoo nagu hanuuniyey jidadkayaga 'wanaagsan', waana ku samreynaa dhibka aad noo geysataan. Alle uun ha talo saarteen kuwaa wax talo saarta.

وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِرُسُلِهِمۡ لَنُخۡرِجَنَّكُم مِّنۡ أَرۡضِنَآ أَوۡ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَاۖ فَأَوۡحَىٰٓ إِلَيۡهِمۡ رَبُّهُمۡ لَنُهۡلِكَنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ ١٣

Waqālal-ladhīna kafarū lirusulihim lanukhrijannakum min ardinā aw lata'ūdunna fī millatinā fa awhā ilayhim rabbuhum lanuhlikannaz-zālimīn

13. Kuwii gaaloobay waxay ku yidhaahdeen Rusushoodii: Waxaynu idinka saari dhulkayaga, ama haddii kale waxaad ku soo noqoneysaan diintayada. Markaasuu Rabbigood u waxyooday: Waanu halaagi daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

وَلَنُسۡكِنَنَّكُمُ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۚ ذَٰلِكَ لِمَنۡ خَافَ مَقَامِي وَخَافَ وَعِيدِ ١٤

Walanuskinannakumul-arda mim ba'dihim dhālika liman khāfa maqāmī wakhāfa wa'īd

14. Waxaanuna idin dejin Dhulka iyaga kaddib. Kani waxaa leh kan ka cabsada in la i soo hor joojinayo oo ka cabsada Gooddigayga.

وَٱسۡتَفۡتَحُواْ وَخَابَ كُلُّ جَبَّارٍ عَنِيدٖ ١٥

Wastaftahū wakhāba kullu jabbārin 'anīd

15. Wayna gargaar dalbeen, waxaana hoogay macangag kastoo madax adag.

مِّن وَرَآئِهِۦ جَهَنَّمُ وَيُسۡقَىٰ مِن مَّآءٖ صَدِيدٖ ١٦

Mmin warā'ihī jahannamu wayusqā mim mā'in sadīd

16. Jahannama baa ka horreysa, waxaana laga waraabin biyo carow ah 6.

يَتَجَرَّعُهُۥ وَلَا يَكَادُ يُسِيغُهُۥ وَيَأۡتِيهِ ٱلۡمَوۡتُ مِن كُلِّ مَكَانٖ وَمَا هُوَ بِمَيِّتٖۖ وَمِن وَرَآئِهِۦ عَذَابٌ غَلِيظٞ ١٧

Yatajarra'uhū walā yakādu yusīghuhū waya'tīhil-mawtu min kulli makānin wamā huwa bimayyitin wamin warā'ihī 'adhābun ghalīz

17. Wuxuu u dhami aayar, mana ka degayo (qurunka, kulka, iyo kharaarkiisa darti), dhimashaduna waxay uga iman meel walba, mase dhimanayo, waxaana horti ah Cadaab adag.

مَّثَلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡۖ أَعۡمَٰلُهُمۡ كَرَمَادٍ ٱشۡتَدَّتۡ بِهِ ٱلرِّيحُ فِي يَوۡمٍ عَاصِفٖۖ لَّا يَقۡدِرُونَ مِمَّا كَسَبُواْ عَلَىٰ شَيۡءٖۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلضَّلَٰلُ ٱلۡبَعِيدُ ١٨

Mmathalul-ladhīna kafarū birabbihim a'māluhum karamādinishtaddat bihir-rīhu fī yawmin 'āsifil lā yaqdirūna mimmā kasabū 'alā shay'in dhālika huwad-dalālul-ba'īd

18. Tusaalaha kuwa ku gaalooba Rabbigood camalladoodu waa sida dambas ay dabeyshu si daran u bitiso maalin dabeyl xumi dhaceyso, ma karaan inay ka helaan waxay kasbadeen sheyna. Kaasi waa lumitaanka fog.

أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِٱلۡحَقِّۚ إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ وَيَأۡتِ بِخَلۡقٖ جَدِيدٖ ١٩

Alam tara annallāha khalaqas-samāwāti wal-arda bil-haqqi in yasha' yudhhibkum waya'ti bikhalqin jadīd

19. Miyaadan arkayn inuu Alle u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq? Hadduu doono wuu idin tegsiin oo la iman uun cusub.

وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ بِعَزِيزٖ ٢٠

Wamā dhālika 'alallāhi bi'azīz

20. Waxnana kuma adka Alle.

وَبَرَزُواْ لِلَّهِ جَمِيعٗا فَقَالَ ٱلضُّعَفَٰٓؤُاْ لِلَّذِينَ ٱسۡتَكۡبَرُوٓاْ إِنَّا كُنَّا لَكُمۡ تَبَعٗا فَهَلۡ أَنتُم مُّغۡنُونَ عَنَّا مِنۡ عَذَابِ ٱللَّهِ مِن شَيۡءٖۚ قَالُواْ لَوۡ هَدَىٰنَا ٱللَّهُ لَهَدَيۡنَٰكُمۡۖ سَوَآءٌ عَلَيۡنَآ أَجَزِعۡنَآ أَمۡ صَبَرۡنَا مَا لَنَا مِن مَّحِيصٖ ٢١

Wabarazū lillāhi jamī'an faqālad-du'afā'u lilladhīnastakbarū innā kunnā lakum taba'an fahal antum mughnūna 'annā min 'adhābillāhi min shay'in qālū law hadānallāhu lahadaynākum sawā'un 'alaynā ajazi'nā am sabarnā mā lanā mim mahīs

21. Waxayna iyagoo dhammi iman Alle horti, markaasay kuwii ducafada (raciyadda) ahaa ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Waxaanu ahayn raciyadiinna; ee wax ma nooga tareysaan Cadaabka Alle? Waxay odhan: Hadduu Alle na hanuunin lahaa, waan idin hanuunin lahayn. Waa isugu keen mid haddaan calaacalno (haatan) ama aan samirno, nooma sugnaan meel loo cararo.

وَقَالَ ٱلشَّيۡطَٰنُ لَمَّا قُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ إِنَّ ٱللَّهَ وَعَدَكُمۡ وَعۡدَ ٱلۡحَقِّ وَوَعَدتُّكُمۡ فَأَخۡلَفۡتُكُمۡۖ وَمَا كَانَ لِيَ عَلَيۡكُم مِّن سُلۡطَٰنٍ إِلَّآ أَن دَعَوۡتُكُمۡ فَٱسۡتَجَبۡتُمۡ لِيۖ فَلَا تَلُومُونِي وَلُومُوٓاْ أَنفُسَكُمۖ مَّآ أَنَا۠ بِمُصۡرِخِكُمۡ وَمَآ أَنتُم بِمُصۡرِخِيَّ إِنِّي كَفَرۡتُ بِمَآ أَشۡرَكۡتُمُونِ مِن قَبۡلُۗ إِنَّ ٱلظَّٰلِمِينَ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ ٢٢

Waqālash-shaytānu lammā qudiyal-amru innallāha wa'adakum wa'dal-haqqi wawa'attukum fa akhlaftukum wamā kāna liya 'alaykum min sultānin illā an da'awtukum fastajabtum lī falā talūmūnī walūmū anfusakum mā ana bimusrikhikum wamā antum bimusrikhiyya innī kafartu bimā ashraktumūni min qablu innaz-zālimīna lahum 'adhābun alīm

22. Shaydaanna wuxuu odhan marka Arrinka la xukumo: Alle wuxuu idiin ballan qaaday ballan Xaq ah, aniguna idiin ballan qaaday ballamo (been ah), waana idiinka baxay. Kuma laheyn awood dushiinna, waan idiin baaqay uun oo aad i yeesheen. Marka ha i eedaynina ee eedeeya nafahiinna 7. Anigu idiinma gargaari karo (haatan), idinkuna iima gargaari kartaan. Anigu diiday ila wadaajintiinna horey cibaadada Alle. Hubaal, Daalimiintu waxay leeyihiin Cadaab Xanuun Badan.

وَأُدۡخِلَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا بِإِذۡنِ رَبِّهِمۡۖ تَحِيَّتُهُمۡ فِيهَا سَلَٰمٌ ٢٣

Wa udkhilal-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti jannātin tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā bi idhni rabbihim tahiyyatuhum fīhā salām

23. Waxaa la gelin kuwa(Xaqa) rumeeyey oo samaha fala Beero (Jannooyin) hostooda ay webiyo qulqulaan iyagoo dhexdeeda ku waaraya Idanka Rabbigood, soo dhoweyntoodu dhexdeeda waa Salaan.

أَلَمۡ تَرَ كَيۡفَ ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا كَلِمَةٗ طَيِّبَةٗ كَشَجَرَةٖ طَيِّبَةٍ أَصۡلُهَا ثَابِتٞ وَفَرۡعُهَا فِي ٱلسَّمَآءِ ٢٤

Alam tara kayfa daraballāhu mathalan kalimatan tayyibatan kashajaratin tayyibatin asluhā thābitun wafar'uhā fis-samā'

24. Miyaanad ogaan sida Alle uga yeelay tusaale Kelmedda Wanaagsani 8 inay la mid tahay geed wanaagsan asalkiisu dhidban yahay, laamaheeduna cirka (kor) jiraan.

تُؤۡتِيٓ أُكُلَهَا كُلَّ حِينِۭ بِإِذۡنِ رَبِّهَاۗ وَيَضۡرِبُ ٱللَّهُ ٱلۡأَمۡثَالَ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ ٢٥

Tu'tī ukulahā kulla hīni bi idhni rabbihā wayadribullāhul-amthāla lin-nāsi la'allahum yatadhakkarūn

25. Ku soo bixisa midhaheeda goor walba Idanka Rabbigeed, Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka si ay u waantoobaan.

وَمَثَلُ كَلِمَةٍ خَبِيثَةٖ كَشَجَرَةٍ خَبِيثَةٍ ٱجۡتُثَّتۡ مِن فَوۡقِ ٱلۡأَرۡضِ مَا لَهَا مِن قَرَارٖ ٢٦

Wamathalu kalimatin khabīthatin kashajaratin khabīthatinijtutthat min fawqil-ardi mā lahā min qarār

26. Tusaalaha Kelmedda xunna 9 waa sida geed xun laga rujiyey dhulka korkiisa oo aan laheyn sugnaan.

يُثَبِّتُ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ بِٱلۡقَوۡلِ ٱلثَّابِتِ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۖ وَيُضِلُّ ٱللَّهُ ٱلظَّٰلِمِينَۚ وَيَفۡعَلُ ٱللَّهُ مَا يَشَآءُ ٢٧

Yuthabbitullāhul-ladhīna āmanū bil-qawlith-thābiti fil-hayawātid-dunyā wafil-ākhirati wayudillullāhuz-zālimīna wayaf'alullāhu mā yashā'

27. Alle Wuxuu waafajiyaa oo ku sugaa kuwa rumeeyey kelmedda sugan 10 nolosha adduunkan iyo aakhirada 11. Alle wuu lumiyaa daalimiinta. Alle wuxuu falaa wuxuu doono.

۞ أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ بَدَّلُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ كُفۡرٗا وَأَحَلُّواْ قَوۡمَهُمۡ دَارَ ٱلۡبَوَارِ ٢٨

Alam tara ilal-ladhīna baddalū ni'matallāhi kufran wa ahallū qawmahum dāral-bawār

28. Miyaanad ogaan kuwa ku beddelay Nicmadda Alle (Islaamka) abaal dhac 'gaalnimo' 12, oo ka yeelay dadkoodii inay degaan daarta halaagga.

جَهَنَّمَ يَصۡلَوۡنَهَاۖ وَبِئۡسَ ٱلۡقَرَارُ ٢٩

Jahannama yaslawnahā wabi'sal-qarār

29. Jahannama bay gali (oo ku guban). Oo u xun meel lagu sal yeesho.

وَجَعَلُواْ لِلَّهِ أَندَادٗا لِّيُضِلُّواْ عَن سَبِيلِهِۦۗ قُلۡ تَمَتَّعُواْ فَإِنَّ مَصِيرَكُمۡ إِلَى ٱلنَّارِ ٣٠

Waja'alū lillāhi andādal liyudillū 'an sabīlihī qul tamatta'ū fa inna masīrakum ilan-nār

30. Waxay u yeelaan Alle shariigyo si ay uga lumiyaan (dadka) Jidkiisa. Dheh: iska Raaxaysta! Aayihiinnu waa xagga Naarta.

قُل لِّعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يُقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُنفِقُواْ مِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ سِرّٗا وَعَلَانِيَةٗ مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَ يَوۡمٞ لَّا بَيۡعٞ فِيهِ وَلَا خِلَٰلٌ ٣١

Qul li'ibādiyal-ladhīna āmanū yuqīmus-salawāta wayunfiqū mimmā razaqnāhum sirran wa'alāniyatam min qabli an ya'tiya yawmul lā bay'un fīhi walā khilāl

31. Ku dheh addoommahayga (Xaqa) rumeeyey ha oogeen salaadda, hana bixiyeen wax ka mid ah waxaan ku irsaaqnay sir iyo caddaanba ka hor inta aysan imaan Maalin aysan jirin ganacsi iyo saaxiibtinnimo midna.

ٱللَّهُ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَخۡرَجَ بِهِۦ مِنَ ٱلثَّمَرَٰتِ رِزۡقٗا لَّكُمۡۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلۡفُلۡكَ لِتَجۡرِيَ فِي ٱلۡبَحۡرِ بِأَمۡرِهِۦۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلۡأَنۡهَٰرَ ٣٢

Allāhul-ladhī khalaqas-samāwāti wal-arda wa anzala minas-samā'i mā'an fa akhraja bihī minath-thamarāti rizqal lakum wasakkhara lakumul-fulka litajriya fil-bahri bi amrihī wasakkhara lakumul-anhār

32. Alle waa Kan abuuray samooyinka iyo arlada kana soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku soo bixiya midho risiq idiin ah, Wuxuuna idiin sakhiray doonyaha inay ku maaxaan badda Amarkiisa, idiinna sakhiray webiyada.

وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ دَآئِبَيۡنِۖ وَسَخَّرَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ ٣٣

Wasakkhara lakumush-shamsa wal-qamara dā'ibayni wasakkhara lakumul-layla wan-nahār

33. Wuxuuna idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, labaduba joogto ugu socdaan rugahooda; idiinna sakhiray habeenka iyo maalinta.

وَءَاتَىٰكُم مِّن كُلِّ مَا سَأَلۡتُمُوهُۚ وَإِن تَعُدُّواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ لَا تُحۡصُوهَآۗ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لَظَلُومٞ كَفَّارٞ ٣٤

Wa ātākum min kulli mā sa'altumūhu wa in ta'uddū ni'matallāhi lā tuhsūhā innal-insāna lazalūmun kaffār

34. Wuxuuna idin siiyaa wax ka mid ah wax kastoo aad weydiisataan 13, haddaad tirisaan Nicmooyinka Alle, ma koobi kartaan. Hubaal Aadmigu waa dulmin badan yahay (naftiisa), (ka) abaal dhac badan yahay (Nicmooyinka Rabbigi).

وَإِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِيمُ رَبِّ ٱجۡعَلۡ هَٰذَا ٱلۡبَلَدَ ءَامِنٗا وَٱجۡنُبۡنِي وَبَنِيَّ أَن نَّعۡبُدَ ٱلۡأَصۡنَامَ ٣٥

Wa idh qāla ibrāhīmu rabbij'al hādhal-balada āminan wajnubnī wabaniyya an na'budal-asnām

35. (Xus, Nabiyow) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! Ka yeel beledkan (Makkah) aamin, igana dheeree aniga iyo awlaaddeydaba inaan caabudno sanammo.

رَبِّ إِنَّهُنَّ أَضۡلَلۡنَ كَثِيرٗا مِّنَ ٱلنَّاسِۖ فَمَن تَبِعَنِي فَإِنَّهُۥ مِنِّيۖ وَمَنۡ عَصَانِي فَإِنَّكَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ ٣٦

Rabbi innahunna adlalna kathīram minan-nāsi faman tabi'anī fa innahū minnī waman 'asānī fa innaka ghafūrur rahīm

36. Rabbiyow! Waxay (sanamyadu) lumiyeen in badan oo ka mid ah dadka. Ee qofkii i raaca, aniga buu iga mid yahay; qofkiise igu caasiya - hubaal Adigaa ah Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

رَّبَّنَآ إِنِّيٓ أَسۡكَنتُ مِن ذُرِّيَّتِي بِوَادٍ غَيۡرِ ذِي زَرۡعٍ عِندَ بَيۡتِكَ ٱلۡمُحَرَّمِ رَبَّنَا لِيُقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ فَٱجۡعَلۡ أَفۡـِٔدَةٗ مِّنَ ٱلنَّاسِ تَهۡوِيٓ إِلَيۡهِمۡ وَٱرۡزُقۡهُم مِّنَ ٱلثَّمَرَٰتِ لَعَلَّهُمۡ يَشۡكُرُونَ ٣٧

Rrabbanā innī askantu min dhurriyyatī biwādin ghayri dhī zar'in 'inda baytikal-muharrami rabbanā liyuqīmus-salawāta faj'al af'idatam minan-nāsi tahwī ilayhim warzuqhum minath-thamarāti la'allahum yashkurūn

37. Rabbigayow! Waxaan dejiyey qaar ka mid ah durriyadeydii tog aan sarac lahayn (Makkah), oo Beytkaaga (Kacbada) Xurmadda leh agtiis ah; Rabbigayow si ay u oogaan salaadda ee ka yeel quluubta qaar dadka ka mid ah kuwo u soo iisha xaggooda oo ku irsaaq midho si ay u mahad naqaan.

رَبَّنَآ إِنَّكَ تَعۡلَمُ مَا نُخۡفِي وَمَا نُعۡلِنُۗ وَمَا يَخۡفَىٰ عَلَى ٱللَّهِ مِن شَيۡءٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا فِي ٱلسَّمَآءِ ٣٨

Rabbanā innaka ta'lamu mā nukhfī wamā nu'linu wamā yakhfā 'alallāhi min shay'in fil-ardi walā fis-samā'

38. Rabbigayow! Waxaad adigu ogtahay waxaan qarinno iyo waxaan muujinnaba. Kama qarsoomaan Alle wax dhulka jira ama cirka gudahiisa ah.

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي وَهَبَ لِي عَلَى ٱلۡكِبَرِ إِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَۚ إِنَّ رَبِّي لَسَمِيعُ ٱلدُّعَآءِ ٣٩

Al-hamdu lillāhil-ladhī wahaba lī 'alal-kibari ismā'īla wa ishāqa inna rabbī lasamī'ud-du'ā'

39. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa iska leh Allaah ee i siiyey anigoo weyn oo da’ ah Ismaaciil iyo Isxaaq. Hubaal, Rabbigay waa Maqlaha baryada.

رَبِّ ٱجۡعَلۡنِي مُقِيمَ ٱلصَّلَوٰةِ وَمِن ذُرِّيَّتِيۚ رَبَّنَا وَتَقَبَّلۡ دُعَآءِ ٤٠

Rabbij'alnī muqīmas-salawāti wamin dhurriyyatī rabbanā wataqabbal du'ā'

40. Rabbiyow! Iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo durriyadeydaba, Rabbigayow! Iga aqbal baryadayda (iyo cibaadeysigayga).

رَبَّنَا ٱغۡفِرۡ لِي وَلِوَٰلِدَيَّ وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ يَوۡمَ يَقُومُ ٱلۡحِسَابُ ٤١

Rabbanaghfir lī waliwālidayya walil-mu'minīna yawma yaqūmul-hisāb

41. Rabbigayow! Ii denbi dhaaf aniga iyo labadeyda waalid iyo mu’miniintaba Maalinta ay dhici Xisaabtu (Qiyaamadu).

وَلَا تَحۡسَبَنَّ ٱللَّهَ غَٰفِلًا عَمَّا يَعۡمَلُ ٱلظَّٰلِمُونَۚ إِنَّمَا يُؤَخِّرُهُمۡ لِيَوۡمٖ تَشۡخَصُ فِيهِ ٱلۡأَبۡصَٰرُ ٤٢

Walā tahsabannallāha ghāfilan 'ammā ya'maluz-zālimūna innamā yu'akkhiruhum liyawmin tashkhasu fīhil-absār

42. Ha moodin in Alle moog yahay waxay falayaan daalimiintu, Wuxuu uun dib ugu dhigaa Maalin ay taagmi indhahu.

مُهۡطِعِينَ مُقۡنِعِي رُءُوسِهِمۡ لَا يَرۡتَدُّ إِلَيۡهِمۡ طَرۡفُهُمۡۖ وَأَفۡـِٔدَتُهُمۡ هَوَآءٞ ٤٣

Muhti'īna muqni'ī ru'ūsihim lā yartaddu ilayhim tarfuhum wa af'idatuhum hawā'

43. Iyagoo horay u degdegaya (si ay u ajiibaan baaqaha), madaxyadoodu kor u taagan yihiin 14, uusan soo noqoneyn arragooda (taagmi indhahu), quluubtoodu- na maran tahay (cabsi darteed).

وَأَنذِرِ ٱلنَّاسَ يَوۡمَ يَأۡتِيهِمُ ٱلۡعَذَابُ فَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ رَبَّنَآ أَخِّرۡنَآ إِلَىٰٓ أَجَلٖ قَرِيبٖ نُّجِبۡ دَعۡوَتَكَ وَنَتَّبِعِ ٱلرُّسُلَۗ أَوَلَمۡ تَكُونُوٓاْ أَقۡسَمۡتُم مِّن قَبۡلُ مَا لَكُم مِّن زَوَالٖ ٤٤

Wa andhirin-nāsa yawma ya'tīhimul-'adhābu fayaqūlul-ladhīna zalamū rabbanā akkhirnā ilā ajalin qarībin nujib da'wataka wanattabi'ir-rusula awalam takūnū aqsamtum min qablu mā lakum min zawāl

44. Uga dig dadka Maalintuu u iman cadaabka, markaas kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) falay waxay odhan: Rabbigayow! Dib noo dhig muddo dhow, waxaynu ajiibi baaqaaga oo raaci Rususha. Miyeydaan ka hor ku dhaaran inaydaan (adduunka ka) tegeyn 15.

وَسَكَنتُمۡ فِي مَسَٰكِنِ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ وَتَبَيَّنَ لَكُمۡ كَيۡفَ فَعَلۡنَا بِهِمۡ وَضَرَبۡنَا لَكُمُ ٱلۡأَمۡثَالَ ٤٥

Wasakantum fī masākinil-ladhīna zalamū anfusahum watabayyana lakum kayfa fa'alnā bihim wadarabnā lakumul-amthāl

45. Waxaadna degteen guryihii kuwii dulmiyey nafahooda, waana idiin caddaatay sidaan u galnay. Waxaana idiin soo bandhignay tusaalooyin.

وَقَدۡ مَكَرُواْ مَكۡرَهُمۡ وَعِندَ ٱللَّهِ مَكۡرُهُمۡ وَإِن كَانَ مَكۡرُهُمۡ لِتَزُولَ مِنۡهُ ٱلۡجِبَالُ ٤٦

Waqad makarū makrahum wa'indallāhi makruhum wa in kāna makruhum litazūla minhul-jibāl

46. Waxay tabeeyeen tab xun, tabtooda xun se waxaa (ka war) hayay Alle, inkastoo tabtooda xun ahayd mid (daran) ay la baabba’aan buuruhu 16.

فَلَا تَحۡسَبَنَّ ٱللَّهَ مُخۡلِفَ وَعۡدِهِۦ رُسُلَهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٞ ذُو ٱنتِقَامٖ ٤٧

Falā tahsabannallāha mukhlifa wa'dihī rusulahū innallāha 'azīzun dhuntiqām

47. Ee marnaba ha moodin inuu Alle uga baxayo Ballankiisa Rusushiisa. hubaal Alle waa Adkaade Sare, Aar gudasho leh.

يَوۡمَ تُبَدَّلُ ٱلۡأَرۡضُ غَيۡرَ ٱلۡأَرۡضِ وَٱلسَّمَٰوَٰتُۖ وَبَرَزُواْ لِلَّهِ ٱلۡوَٰحِدِ ٱلۡقَهَّارِ ٤٨

Yawma tubaddalul-ardu ghayral-ardi was-samāwātu wabarazū lillāhil-wāhidil-qahhār

48. Maalinta marka arlada loo beddeli arlo kale iyo samooyinkaba, waxaana la hor keeni (uumanka oo idil) Alle horti, Waaxidka, Sandulleeyaha (isla weynayaasha).

وَتَرَى ٱلۡمُجۡرِمِينَ يَوۡمَئِذٖ مُّقَرَّنِينَ فِي ٱلۡأَصۡفَادِ ٤٩

Wataral-mujrimīna yawma'idhim muqarranīna fil-asfād

49. Waxaad arki denbiilayaasha oo Maalintaas iskula xir-xiran silsilado bir ah .

سَرَابِيلُهُم مِّن قَطِرَانٖ وَتَغۡشَىٰ وُجُوهَهُمُ ٱلنَّارُ ٥٠

Sarābīluhum min qatirānin wataghshā wujūhahumun-nār

50. Qamiisyadoodu ka sameysan yihiin daamur (Naar ah), waxaana dabooli wajiyadooda dab.

لِيَجۡزِيَ ٱللَّهُ كُلَّ نَفۡسٖ مَّا كَسَبَتۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ ٥١

Liyajziyallāhu kulla nafsim mā kasabat innallāha sarī'ul-hisāb

51. Si uu Alle uga abaal mariyo naf walbaa waxay kasbatay (khayr ama shar). Hubaal Alle waa ku Dhaqso Badan yahay Xisaabta.

هَٰذَا بَلَٰغٞ لِّلنَّاسِ وَلِيُنذَرُواْ بِهِۦ وَلِيَعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا هُوَ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞ وَلِيَذَّكَّرَ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ ٥٢

Hādhā balāghul lin-nāsi waliyundharū bihī waliya'lamū annamā huwa ilāhun wāhidun waliyaddhakkara ulul-albāb

52. Kani (Qur’aanku) ugu filan gaarsiin cad dadka, iyo in loogu digo, iyo inay ogaadaan in Macbuudka Xaqa ahi Ilaah Keliya uun yahay ee Mid ah (Allaah), iyo inay ku waano qaataan (arrinkaa) waxgaradku.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Aayado caan ah

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Ibrahim?

Suuradda Ibrahim waxay leedahay 52 aayadood. Waa suuradda 14 ee Qur'aanka.

Suuradda Ibrahim ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Ibrahim waa suurad Makki ah.

Suuradda Ibrahim juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Ibrahim waxay ku jirtaa juz' 13.

Ma dhageysan karaa Suuradda Ibrahim?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.