لَعَمۡرُكَ إِنَّهُمۡ لَفِي سَكۡرَتِهِمۡ يَعۡمَهُونَ ٧٢
La'amruka innahum lafī sakratihim ya'mahūn
72. Waa igu Cimrigaaga'e (Nabi Muxammadow), waxay indho la’aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii 18.
Faallooyin hoose
18. Waxaa caadada Carabta ka mid aheyd inay ku dhaartaan qofka cumrigiisa. Wuxuu halkan Alle ku dhaartay cumriga Nabi Muxammad s.c.w. taasoo muujineysa meeqaankiisa iyo meesha weyn uu Nabigu s.c.w. ka joogo Alle kor ahaaye. Alle wuxuu doono buu ku dhaartaa, dadkuse waa ka xaaraan inay ku dhaartaan waxaan Alle ahayn.