وَلَا تَطۡرُدِ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ رَبَّهُم بِٱلۡغَدَوٰةِ وَٱلۡعَشِيِّ يُرِيدُونَ وَجۡهَهُۥۖ مَا عَلَيۡكَ مِنۡ حِسَابِهِم مِّن شَيۡءٖ وَمَا مِنۡ حِسَابِكَ عَلَيۡهِم مِّن شَيۡءٖ فَتَطۡرُدَهُمۡ فَتَكُونَ مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ ٥٢
Walā tatrudil-ladhīna yad'ūna rabbahum bil-ghadawāti wal-'ashiyyi yurīdūna wajhahū mā 'alayka min hisābihim min shay'in wamā min hisābika 'alayhim min shay'in fatatrudahum fatakūna minaz-zālimīn
52. Ha eryin (Nabiyow) kuwa barya Rabbigood subax iyo galabba, iyagoo dooni Wajigiisa. Waxba kaama saarna 2 Xisaabtooda, iyagana xisaabtaada waxba kama saarna, (ee iska jir) inaad eriso, oo sidaas uga mid ahaato daalimiinta.
Faallooyin hoose
2. Qofna lama weydiinayo camallada iyo niyooyinka qof kale, Aayadaha 52-54 waxay ka hadlayaan fuqurada muslimiinta. markii uu Rasuulka s.c.w. la fadhiistay mu’miniintaa qaarkood, kuwaasoo ay Quraysh u arkeen inay yihiin kuwo liita oo daciif ah iyo masaakiin, waxay madaxdii Quraysh u yimaadeen Nabiga s.c.w. wayse diideen oo iska weyneeyeen inay la fadhiistaan mu’miniintaa, oo u soo jeediyeen inuu eryo si ay ula hadlaan, waxay ku yidhaahdeen haddii aad iska kala eriso, markaa waan ku raacaynaa. markaasaa waxaa soo degay Aayaddan.