Casharka 1 ee 3
Sideen u qaataa weysada?
Quraanka
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا قُمۡتُمۡ إِلَى ٱلصَّلَوٰةِ فَٱغۡسِلُواْ وُجُوهَكُمۡ وَأَيۡدِيَكُمۡ إِلَى ٱلۡمَرَافِقِ وَٱمۡسَحُواْ بِرُءُوسِكُمۡ وَأَرۡجُلَكُمۡ إِلَى ٱلۡكَعۡبَيۡنِۚ وَإِن كُنتُمۡ جُنُبٗا فَٱطَّهَّرُواْۚ وَإِن كُنتُم مَّرۡضَىٰٓ أَوۡ عَلَىٰ سَفَرٍ أَوۡ جَآءَ أَحَدٞ مِّنكُم مِّنَ ٱلۡغَآئِطِ أَوۡ لَٰمَسۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَلَمۡ تَجِدُواْ مَآءٗ فَتَيَمَّمُواْ صَعِيدٗا طَيِّبٗا فَٱمۡسَحُواْ بِوُجُوهِكُمۡ وَأَيۡدِيكُم مِّنۡهُۚ مَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيَجۡعَلَ عَلَيۡكُم مِّنۡ حَرَجٖ وَلَٰكِن يُرِيدُ لِيُطَهِّرَكُمۡ وَلِيُتِمَّ نِعۡمَتَهُۥ عَلَيۡكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ ﴿٦﴾
6. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad u kacdaan salaadda meyra wajiyaddiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, oo masaxa madaxyadiinna , meyrana lugahiinna ilaa canqawyada. Haddaad janaaba qabtaan, meyrta, haddaad bugtaanna ama safar tihiin ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro ama aad taabateen haween oo aydaan heli karin biyo, doonta carro daahir ah oo ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Ma rabo Alle inuu idin kor dhigo wax dhib ah, wuxuuse rabaa inuu idin daahiriyo, iyo inuu idiin dhammeystiro Nicmaddiisa dushiinna; si aad u mahdisaan.
Sunnada
Xumraan oo ahaa Adoonkii Cusmaan Binu Cafaan Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Cusmaan ayaa weel lagu weyso qaato dalbaday, Gacmihiisa ayuu dhaqay seddex jeer, ka dibna Gacantiisa Midig ayuu galiyey weysadii, waanu luqluqday, oo San daarsaday, oo ka soo firdhiyey Sanka Biyihii, ka dibna Wajigiisuu seddex jeer dhaqay, iyo Gacmihiisa ilaa Suxullada seddex jeer, ka dibna Madaxuu masaxay, hadana Luguhuu dhaqay mid walba seddex jeer, intaa ka dib wuxuu yiri Cusmaan-: Nabigaan nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan arkay isagoo qaabkaa aan u weyso qaatey oo kale u weyso qaadanaya, oo dhahay:"qofka u weyso qaata sidaa aan u weyso qaatay ee tukada labo Rakcadood oo aanu naftiisa la sheekaysan Salaada dhexdeeda, Ilaahay wuxuu ka dhaafaa dambiyadiisii hore".
Sharaxaad
Cusmaan Binu Cafaan Allaha ka raali ahaadee wuxuu baray qaabkii waysaysiga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waliba qaab tusaalaysan, oo uu tusayo hortooda dadka siday tahay waysadu, wuxuuna dalbaday biyo weel ku jira, seddex jeer ayuu ku shubay Gacmihiisa wuuna mayray, intaa ka dibna Gacantiisa Midig buu weelka galiyey biyuhuuna sooqaatay, Afkiisuna galiyey wuuna soo tufay, hadana biyihii buu sanka ku qaaday ilaa gudaha sanka, wuuna soo firdhiyey, hadana wajigiisuu saddex jeer dhaqay, Gacmuhuu ku xijiyey ilaa labada Xusul seddex jeer, hadana hal marbuu Madaxa mariyey Gacantiisoo qoyan, intaa ka dibna Luguhuu dhaqay ilaa Anqawyada seddex jeer.
Markuu dhameeyey Allaha ka raali ahaadee ayuu ka sheegay inuu arkay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo sidiisaa oo kale u weyso qaatay, oo waliba ugu bishaareeyey Qofka sidiisa oo kale u weysa qaata labo rakcadoodna tukada, isagoo khushuucsan qalbigiisana soo xaadiriyey llaahay hortiisa, Ilaahay inuu kaga abaal marin doono weysadiisaa uu wanaajiyey iyo Salaada khaaliska ah inuu ka dhaafo dambiyadiisii hore.