Casharka 2 ee 3
Sideen u tukadaa?
Quraanka
قَدۡ نَرَىٰ تَقَلُّبَ وَجۡهِكَ فِي ٱلسَّمَآءِۖ فَلَنُوَلِّيَنَّكَ قِبۡلَةٗ تَرۡضَىٰهَاۚ فَوَلِّ وَجۡهَكَ شَطۡرَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۚ وَحَيۡثُ مَا كُنتُمۡ فَوَلُّواْ وُجُوهَكُمۡ شَطۡرَهُۥۗ وَإِنَّ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ لَيَعۡلَمُونَ أَنَّهُ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّهِمۡۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا يَعۡمَلُونَ ﴿١٤٤﴾
144. Waan aragnaa ku gedgeddinta wejigaaga (eegidda) xagga samada. Ee Waxaan kuu jeedin Qiblad aad raalli ku tahay, ee u jeedi wajigaaga dhanka Masjidka xurmadda gaarka ah lihi (ee Makkah), meel kastoona aad joogtaan, u jeedsha wejiyadiinna xaggiisa. Kuwa la siiyeyna Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) way og yihiin inuu yahay xaq ka yimid xagga Rabbigood. Alle ma mooga waxaad fashaan.
حَٰفِظُواْ عَلَى ٱلصَّلَوَٰتِ وَٱلصَّلَوٰةِ ٱلۡوُسۡطَىٰ وَقُومُواْ لِلَّهِ قَٰنِتِينَ ﴿٢٣٨﴾
238. Dhowra (ilaaliya) salaadaha iyo salaadda dhexe una istaaga (salaadda) dar Alle idinkoo si run ah u adeecsan.
Sunnada
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu Sujuudsan yahay ee ducada badiya."
Sharaxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Adoonku markuu ugu dhaw yahay Rabigi ay tahay markuu Sujuudsan yahay, taasina waa Qofka tukanayaa wuxuu dhigayaa dhulka meesha ugu saraysa uguna Sharafta badan jirkiisa isago Ilaahay Casa Wajala u khuduucaya, isuna dulaynaya oo u tawaaducaya isagoo Sujuudsan.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in ducada la badiyo Sujuuda dhexdeeda, waayo waxaa kulmaya in Ilaahay la isu duleeyo hadal ahaan iyo ficil ahaanba.