Casharka 1 ee 3
Sideen ku noqon karaa Muslim?
Quraanka
فَٱعۡلَمۡ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لِذَنۢبِكَ وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مُتَقَلَّبَكُمۡ وَمَثۡوَىٰكُمۡ ﴿١٩﴾
19. Ee ogow (kuna sugnow) inuusan jirin Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan aheyn Alle, una denbi dhaaf dalab naftaada iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Alle wuu Og yahay socsocodkiinna iyo negaantiinnaba.
مُّحَمَّدٞ رَّسُولُ ٱللَّهِۚ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥٓ أَشِدَّآءُ عَلَى ٱلۡكُفَّارِ رُحَمَآءُ بَيۡنَهُمۡۖ تَرَىٰهُمۡ رُكَّعٗا سُجَّدٗا يَبۡتَغُونَ فَضۡلٗا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضۡوَٰنٗاۖ سِيمَاهُمۡ فِي وُجُوهِهِم مِّنۡ أَثَرِ ٱلسُّجُودِۚ ذَٰلِكَ مَثَلُهُمۡ فِي ٱلتَّوۡرَىٰةِۚ وَمَثَلُهُمۡ فِي ٱلۡإِنجِيلِ كَزَرۡعٍ أَخۡرَجَ شَطۡـَٔهُۥ فَـَٔازَرَهُۥ فَٱسۡتَغۡلَظَ فَٱسۡتَوَىٰ عَلَىٰ سُوقِهِۦ يُعۡجِبُ ٱلزُّرَّاعَ لِيَغِيظَ بِهِمُ ٱلۡكُفَّارَۗ وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِنۡهُم مَّغۡفِرَةٗ وَأَجۡرًا عَظِيمَۢا ﴿٢٩﴾
29. Muxammad waa Rasuulka Alle, kuwa la jirana waa qalbi sugan yihiin lidka gaalada, isu naxariis badan yihiin dhexdooda, waxaad arki iyagoo Rukuucsan, sujuudsan, dalbaya deeqda Alle (iyo) Raallinimodiisa. Astaamahooda waxay ka muuqdaan wejiyadooda raadka sujuuddooda darteed; Taasi waa tilmaantooda ku taal Towraadda. Tilmaantooda ku taalna Injiilka waa sida (abuur) la beeray, soo bixisay fiidda, markaas xoogeysatay oo noqotay gahayr, oo ku istaagtay iyadoo toosan salkeeda, farax geliseyna beeroleyda - si uu Alle ugu ciilo (tilmaamahooda) gaalada. Alle wuxuu u ballan qaaday kuwaa iyaga ah ee xaqa rumeeyey oo samaha falay denbi dhaaf iyo abaal gud weyn 'Janno' .
شَهِدَ ٱللَّهُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ وَأُوْلُواْ ٱلۡعِلۡمِ قَآئِمَۢا بِٱلۡقِسۡطِۚ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ ﴿١٨﴾
18. Alle wuxuu marag ka yahay inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, malaa’igtuna (sidoo kale bay ka marag kacaan) iyo kuwa cilmiga leh; Wuxuu (Alle) ku maamulaa uunkiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah xaq ah aan Isaga ahayn, waa Adkaadaha, Xakiimka ah.
Sunnada
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis allaha siiyee Mucaad oo la fangashan ayuu ku yiri: "Mucaad Binu Jabalow" isna wuxuu ku yiri: waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow farxadi ha kuu ahaatee, wuxuu ku yiri: "Mucaadow", wuxuu yiri: waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow farxadi ha kuu ahaatee, seddeax jeer, wuxuu yiri: "majiro Qof qiraya inuusan jirin Ilaah xaqa lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna Rasuulkii Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, Ilaahay wuu ka xarimaa Naarta", wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow: ma u sheegaa dadka ha bishaaraystaane?, wuxuu yiri: "way is dhiganayaan", Mucaad wuxuu sheegay xadiiskan geeridii Nabiga ka dib, cabsi uu ka qabey inuu ku dambaabo qarinta Cilmiga.
Sharaxaad
Mucaad Binu Jabal-Allaha ka raali ahaadee wuxuu ahaa mid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee gadaashiisa la fangashan Neefkiisii uu fuushanaa, wuu u yeeray: Mucaadow? wuuna ku cel-celiyey dhawaqaa seddex jeer, isago ku adkaynaaya ahmiyada wuxuu ku oron doono.
Intaasoo dhana wuu u jawaabayey Mucaad oo kama aamuseyn Rasuulka, isagoo dhahayey: (waa ku ajiibay hadan waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow, farxad ayey ii tahay ajiibidaaduye).
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay Qofkii qira inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee, Maxamadna Rasuulkii Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, beenna ka ahayn, hadduu sidaa ku dhinto Ilaahay wuu ka xarimaa Naarta.
Mucaad ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxarii Allaha siiyee inuu dadka u sheego, si ay ugu farxaan oo khayr ugu bishaaraystaan.
Rasuulku nabdgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka baqay inay is dhigtaan oo camalkoodu yaraado.
Intuusan dhiman ka hor Mucaad warkaa qofna uma sheegin, ilaa uu Nabigu geeriyooday ka dib, isagoo ka baqay dambi inay ku noqoto qarinta cilmigu.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Iimaanku waa dhowr iyo todobaatan -ama dhowr iyo lixdan- qaybood, waxaana ugu fadli badan hadalka laa ilaaha Ilaa Allaah, waxaana ugu hooseeya in wixii dhib ah laga qaado Jidka, xishoodkuna waa qayb ka mida iimaanka".
Sharaxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in iimaanku qaybo iyo laamo badan yahay, kuwaasoo ka kooban acmaal la qabto, caqiido iyo hadalo.
Waxaana ugu sareeya qaybaha iimaanka u guna fadli wayn hadalka: "laa ilaaha Ilaa Allaah", waa in macnaheeda aqoon loo leeyahay, laguna camal falayo waxay keenayso, oo ah inuu Ilaahay yahay Ilaaha kaliya ee xaqa u leh in la caabudo keligi, cidii isaga ka soo hartayna aysan xaq u lahayn.
Qaybta ugu yar laamaha iimaanku waa in laga leexiyo wixii dhib ku ah Dariiqa dadku marayaan.
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay in xishoodku qaybaha iimaanka ka mid yahay, waana dhaqan ku dhalinaaya qofka inuu wanaaga sameeyo xumaantana ka tago.