ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ أَضَلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ ١
Alladhīna kafarū wasaddū 'an sabīlillāhi adalla a'mālahum
1. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle wuxuu (Alle) burin acmaashooda san 1.
Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ أَضَلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ ١
Alladhīna kafarū wasaddū 'an sabīlillāhi adalla a'mālahum
1. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle wuxuu (Alle) burin acmaashooda san 1.
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَءَامَنُواْ بِمَا نُزِّلَ عَلَىٰ مُحَمَّدٖ وَهُوَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّهِمۡ كَفَّرَ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَأَصۡلَحَ بَالَهُمۡ ٢
Walladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti wa āmanū bimā nuzzila 'alā muhammadin wahuwal-haqqu mir rabbihim kaffara 'anhum sayyi'ātihim wa aslaha bālahum
2. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo fala samaha oo rumeeyey (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Muxammad oo ah Xaq ka yimid Rabbigood, wuxuu (Alle) ka tiritiri xumahay faleen, hagaajinna xaalkooda 2.
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱتَّبَعُواْ ٱلۡبَٰطِلَ وَأَنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّبَعُواْ ٱلۡحَقَّ مِن رَّبِّهِمۡۚ كَذَٰلِكَ يَضۡرِبُ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ أَمۡثَٰلَهُمۡ ٣
Dhālika bi annal-ladhīna kafarut-taba'ul-bātila wa annal-ladhīna āmanut-taba'ul-haqqa mir rabbihim kadhālika yadribullāhu lin-nāsi amthālahum
3. Sidaas waxaa ugu wacan kuwaa gaalooba waxay raacaan been iyo baadil aan jirin, kuwase mu'miniinta ah waxay raacaan Xaqa ka yimid Rabbigood. Sidaasuu Alle ugu soo tusaale qaadaa dadka.
فَإِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَضَرۡبَ ٱلرِّقَابِ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَثۡخَنتُمُوهُمۡ فَشُدُّواْ ٱلۡوَثَاقَ فَإِمَّا مَنَّۢا بَعۡدُ وَإِمَّا فِدَآءً حَتَّىٰ تَضَعَ ٱلۡحَرۡبُ أَوۡزَارَهَاۚ ذَٰلِكَۖ وَلَوۡ يَشَآءُ ٱللَّهُ لَٱنتَصَرَ مِنۡهُمۡ وَلَٰكِن لِّيَبۡلُوَاْ بَعۡضَكُم بِبَعۡضٖۗ وَٱلَّذِينَ قُتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَن يُضِلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ ٤
Fa idhā laqītumul-ladhīna kafarū fadarbar-riqābi hattā idhā athkhantumūhum fashuddul-wathāqa fa immā mannā ba'du wa immā fidā'an hattā tada'al-harbu awzārahā dhālika walaw yashā'ullāhu lantasara minhum walākil liyabluwa ba'dakum biba'din walladhīna qutilū fī sabīlillāhi falan yudilla a'mālahum
4. Ee markaad kula kulantaan dagaal gaalada ka garaaca luqumaha; markaad jabisaanna, ku adkeeya xadhigga 'maxaabiista dagaalka' 3, intaa kaddib ku sii daaya axsaan fal 4 ama ha is furteen jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabaddu faafto). Waa sidaase, haddii Alle doono, Isaga Naf ahaantiisa baa ka aarsan lahaa (dagaal la'aan), waase si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale 5. Kuwa lagu dilaa Jidka Alle marnaba (Alle) ma luminayo camalladooda.
سَيَهۡدِيهِمۡ وَيُصۡلِحُ بَالَهُمۡ ٥
Sayahdīhim wayuslihu bālahum
5. (Alle) wuu hanuunin kuwaas oo hagaajin xaalkooda.
وَيُدۡخِلُهُمُ ٱلۡجَنَّةَ عَرَّفَهَا لَهُمۡ ٦
Wayudkhiluhumul-jannata 'arrafahā lahum
6. Wuxuu gelin janno uu uga yeelay wax ay yaqaanaan.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تَنصُرُواْ ٱللَّهَ يَنصُرۡكُمۡ وَيُثَبِّتۡ أَقۡدَامَكُمۡ ٧
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū in tansurullāha yansurkum wayuthabbit aqdāmakum
7. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad u gargaartaan (diinta) Alle, Wuu idiin gargaari oo idiin sugi cagahiinna.
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَتَعۡسٗا لَّهُمۡ وَأَضَلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ ٨
Walladhīna kafarū fata'sal lahum wa adalla a'mālahum
8. Kuwase gaalooba, hoog baa u sugnaaday, wuuna burin camalladooda.
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ كَرِهُواْ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأَحۡبَطَ أَعۡمَٰلَهُمۡ ٩
Dhālika bi annahum karihū mā anzalallāhu fa ahbata a'mālahum
9. Waxaa sidaas ugu wacan waxay naceen waxa uu Alle soo dejiyey (oo Xaq ah), markaasuu ka yeelay acmaashooda waxaan waxba ka jirin.
۞ أَفَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ دَمَّرَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡۖ وَلِلۡكَٰفِرِينَ أَمۡثَٰلُهَا ١٠
Afalam yasīrū fil-ardi fayanzurū kayfa kāna 'āqibatul-ladhīna min qablihim dammarallāhu 'alayhim walil-kāfirīna amthāluhā
10. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Alle baa ku keenay baabba’ dhan 6, gaaladuna waxay la kulmi isla aayahaas oo kale.
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ مَوۡلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَأَنَّ ٱلۡكَٰفِرِينَ لَا مَوۡلَىٰ لَهُمۡ ١١
Dhālika bi annallāha mawlal-ladhīna āmanū wa annal-kāfirīna lā mawlā lahum
11. Sidaas waxaa ugu wacan in Alle yahay gargaaraha kuwa rumeysan, gaaladuna ma leh gargaare dhab ah.
إِنَّ ٱللَّهَ يُدۡخِلُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَتَمَتَّعُونَ وَيَأۡكُلُونَ كَمَا تَأۡكُلُ ٱلۡأَنۡعَٰمُ وَٱلنَّارُ مَثۡوٗى لَّهُمۡ ١٢
Innallāha yudkhilul-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti jannātin tajrī min tahtihal-anhāru walladhīna kafarū yatamatta'ūna waya'kulūna kamā ta'kulul-an'āmu wan-nāru mathwal lahum
12. Hubaal Alle wuxuu gelin kuwa (xaqa) rumeeyey oo fala samaha beero (Jannooyin) ay hoos qul-qulaan webiyo, kuwa gaalada ahina way iska raaxeystaan oo wax u cunaan sida xooluhu wax u cunaan, Naartana waa hoygooda.
وَكَأَيِّن مِّن قَرۡيَةٍ هِيَ أَشَدُّ قُوَّةٗ مِّن قَرۡيَتِكَ ٱلَّتِيٓ أَخۡرَجَتۡكَ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡ فَلَا نَاصِرَ لَهُمۡ ١٣
Waka'ayyim min qaryatin hiya ashaddu quwwatam min qaryatikal-latī akhrajatka ahlaknāhum falā nāsira lahum
13. Badanaa inta magaalo ka xoog badan magaaladaada ku soo saartay, aan ha- laagnay,marka ma jirin wax u soo gargaara.
أَفَمَن كَانَ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّهِۦ كَمَن زُيِّنَ لَهُۥ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُم ١٤
Afaman kāna 'alā bayyinatim mir rabbihī kaman zuyyina lahū sū'u 'amalihī wattaba'ū ahwā'ahum
14. Ma qof (mu'min ah) xujo cad ka haysta Rabbigi, baa la mid ah qof (gaal) camalkiisa xun loo qurxiyey, oo raaca hawadooda.
مَّثَلُ ٱلۡجَنَّةِ ٱلَّتِي وُعِدَ ٱلۡمُتَّقُونَۖ فِيهَآ أَنۡهَٰرٞ مِّن مَّآءٍ غَيۡرِ ءَاسِنٖ وَأَنۡهَٰرٞ مِّن لَّبَنٖ لَّمۡ يَتَغَيَّرۡ طَعۡمُهُۥ وَأَنۡهَٰرٞ مِّنۡ خَمۡرٖ لَّذَّةٖ لِّلشَّٰرِبِينَ وَأَنۡهَٰرٞ مِّنۡ عَسَلٖ مُّصَفّٗىۖ وَلَهُمۡ فِيهَا مِن كُلِّ ٱلثَّمَرَٰتِ وَمَغۡفِرَةٞ مِّن رَّبِّهِمۡۖ كَمَنۡ هُوَ خَٰلِدٞ فِي ٱلنَّارِ وَسُقُواْ مَآءً حَمِيمٗا فَقَطَّعَ أَمۡعَآءَهُمۡ ١٥
Mmathalul-jannatil-latī wu'idal-muttaqūna fīhā anhārum mim mā'in ghayri āsinin wa anhārum mil labanil lam yataghayyar ta'muhū wa anhārum min khamril laddhatil lish-shāribīna wa anhārum min 'asalim musaffan walahum fīhā min kullith-thamarāti wamaghfiratum mir rabbihim kaman huwa khālidun fin-nāri wasuqū mā'an hamīman faqatta'a am'ā'ahum
15. Tilmaanta Jannada loo ballan qaaday kuwa ka dhowrsada (xumaha) waa mid gudaheeda ay yihiin webiyo biyo ah oo aan isbeddelin 7, iyo webiyo caano ah oo uusan dhadhankoodu marnaba doorsoomin, iyo webiyaal khamro (xalaal) ah oo u macaan kuwa cabba, iyo webiyaal malab ah la saafi yeelay; waxayna ku leeyihiin (Jannada) gudaheeda midho nooc kasta iyo astur xagga Rabbigood, (kuwani) ma la mid baa kuwaa ku waaraya Naarta, lagana waraabin biyo karaya markaas goyn xiidmahooda.
وَمِنۡهُم مَّن يَسۡتَمِعُ إِلَيۡكَ حَتَّىٰٓ إِذَا خَرَجُواْ مِنۡ عِندِكَ قَالُواْ لِلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡعِلۡمَ مَاذَا قَالَ ءَانِفًاۚ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ طَبَعَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُمۡ ١٦
Waminhum man yastami'u ilayka hattā idhā kharajū min 'indika qālū lilladhīna ūtul-'ilma mādhā qāla ānifan ulā'ikal-ladhīna taba'allāhu 'alā qulūbihim wattaba'ū ahwā'ahum
16. Waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo ku dhegaysta (waqtiga khudbadda), markay ka baxaanna agtaada, waxay ku yidhaahdaan kuwaa la siiyey cilmiga 8: Muxuu lahaa goor dhoweyd? Kuwan waa kuwa Alle daboolay quluubtooda, waxayna raacaan hawadooda (xun).
وَٱلَّذِينَ ٱهۡتَدَوۡاْ زَادَهُمۡ هُدٗى وَءَاتَىٰهُمۡ تَقۡوَىٰهُمۡ ١٧
Walladhīnahtadaw zādahum hudan wa ātāhum taqwāhum
17. Kuwa hanuunayna, (Alle) wuxuu u kordhiyaa hanuun, oo uu ku galladeystaa khayr uu waafajiyo iyo shar uu ka fogeeyo.
فَهَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّا ٱلسَّاعَةَ أَن تَأۡتِيَهُم بَغۡتَةٗۖ فَقَدۡ جَآءَ أَشۡرَاطُهَاۚ فَأَنَّىٰ لَهُمۡ إِذَا جَآءَتۡهُمۡ ذِكۡرَىٰهُمۡ ١٨
Fahal yanzurūna illas-sā'ata an ta'tiyahum baghtatan faqad jā'a ashrātuhā fa annā lahum idhā jā'athum dhikrāhum
18. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn Saacadda (Qiyaame) inay ugu timaaddo kedis? Waxaase yimidba calaamooyinkee- dii, ee sidee bay u waantoobi, markay saacaddu ku dul dhacdo.
فَٱعۡلَمۡ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لِذَنۢبِكَ وَلِلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِۗ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مُتَقَلَّبَكُمۡ وَمَثۡوَىٰكُمۡ ١٩
Fa'lam annahū lā ilāha illallāhu wastaghfir lidhambika walil-mu'minīna wal-mu'mināti wallāhu ya'lamu mutaqallabakum wamathwākum
19. Ee ogow (kuna sugnow) inuusan jirin Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan aheyn Alle, una denbi dhaaf dalab naftaada iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Alle wuu Og yahay socsocodkiinna iyo negaantiinnaba.
وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَوۡلَا نُزِّلَتۡ سُورَةٞۖ فَإِذَآ أُنزِلَتۡ سُورَةٞ مُّحۡكَمَةٞ وَذُكِرَ فِيهَا ٱلۡقِتَالُ رَأَيۡتَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ يَنظُرُونَ إِلَيۡكَ نَظَرَ ٱلۡمَغۡشِيِّ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡمَوۡتِۖ فَأَوۡلَىٰ لَهُمۡ ٢٠
Wayaqūlul-ladhīna āmanū lawlā nuzzilat sūratun fa idhā unzilat sūratum muhkamatun wadhukira fīhal-qitālu ra'aytal-ladhīna fī qulūbihim maradun yanzurūna ilayka nazaral-maghshiyyi 'alayhi minal-mawti fa awlā lahum
20. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay yidhaahdeen: Maxaa Suurad loo soo dejin waayey (na amreysa ku jihaadka gaalada)? Markase la soo dejiyo Suurad cad yahay amarkeedu oo dagaal gal lagu xuso 9, waxaad arkaysaa kuwa uu qalbigoodu ku jiro cudur (nifaaq) oo kugu soo fiirin fiiro ruux sakaraatul mowd hayo oo kale. Waxaase la gudboon oo u khayr roonaan lahaa.
طَاعَةٞ وَقَوۡلٞ مَّعۡرُوفٞۚ فَإِذَا عَزَمَ ٱلۡأَمۡرُ فَلَوۡ صَدَقُواْ ٱللَّهَ لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡ ٢١
Tā'atun waqawlum ma'rūfun fa idhā 'azamal-amru falaw sadaqullāha lakāna khayral lahum
21. Daacadnimo iyo horaarsan. Markase arrinka la go’aamiyo hadday Alle u run sheegaan baa u khayr badnaan lahayd.
فَهَلۡ عَسَيۡتُمۡ إِن تَوَلَّيۡتُمۡ أَن تُفۡسِدُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَتُقَطِّعُوٓاْ أَرۡحَامَكُمۡ ٢٢
Fahal 'asaytum in tawallaytum an tufsidū fil-ardi watuqatti'ū arhāmakum
22. Ma laga yaabaa haddaad (Xaqa) ka jeesataan 10, inaad fasahaadisaan arlada, oo goysaan qaraabadiinna?
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُ فَأَصَمَّهُمۡ وَأَعۡمَىٰٓ أَبۡصَٰرَهُمۡ ٢٣
Ulā'ikal-ladhīna la'anahumullāhu fa asammahum wa a'mā absārahum
23. Kuwaasi weeye kuwa uu Alle nacladay, markaasuu ka dhego iyo indho tiray (Xaqa).
أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ ٱلۡقُرۡءَانَ أَمۡ عَلَىٰ قُلُوبٍ أَقۡفَالُهَآ ٢٤
Afalā yatadabbarūnal-qur'āna am 'alā qulūbin aqfāluhā
24. Miyeyna u dhug yeelan Qur’aanka mise qufulaa ku xidhan quluubtooda.
إِنَّ ٱلَّذِينَ ٱرۡتَدُّواْ عَلَىٰٓ أَدۡبَٰرِهِم مِّنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلۡهُدَى ٱلشَّيۡطَٰنُ سَوَّلَ لَهُمۡ وَأَمۡلَىٰ لَهُمۡ ٢٥
Innal-ladhīnartaddū 'alā adbārihim mim ba'di mā tabayyana lahumul-hudash-shaytānu sawwala lahum wa amlā lahum
25. Hubaal kuwa riddoobay kaddib marka hanuunka u caddaaday, shaydaan baa u qurxiyey oo rajo (been ah) geliyay.
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَالُواْ لِلَّذِينَ كَرِهُواْ مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ سَنُطِيعُكُمۡ فِي بَعۡضِ ٱلۡأَمۡرِۖ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ إِسۡرَارَهُمۡ ٢٦
Dhālika bi annahum qālū lilladhīna karihū mā nazzalallāhu sanutī'ukum fī ba'dil-amri wallāhu ya'lamu isrārahum
26. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay ku yidhaahdeen kuwa nacay 11 waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah: Waxaynu idinku adeeci arrinka qaarkiis (colnimada Nabiga). Alle wuu Og yahay sirahooda.
فَكَيۡفَ إِذَا تَوَفَّتۡهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يَضۡرِبُونَ وُجُوهَهُمۡ وَأَدۡبَٰرَهُمۡ ٢٧
Fakayfa idhā tawaffathumul-malā'ikatu yadribūna wujūhahum wa adbārahum
27. Sidee bayse ahaan, markay malaa’igtu qaadayso nafahooda iyagoo garaacaya wejiyadooda iyo dhabarradooda.
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱتَّبَعُواْ مَآ أَسۡخَطَ ٱللَّهَ وَكَرِهُواْ رِضۡوَٰنَهُۥ فَأَحۡبَطَ أَعۡمَٰلَهُمۡ ٢٨
Dhālika bi annahumut-taba'ū mā askhatallāha wakarihū ridwānahū fa ahbata a'mālahum
28. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay raaceen waxa Alle ka cadheysiiya, naceenna waxa raalli geliya. Markaasuu buriyey acmaashooda.
أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ أَن لَّن يُخۡرِجَ ٱللَّهُ أَضۡغَٰنَهُمۡ ٢٩
Am hasibal-ladhīna fī qulūbihim maradun al lan yukhrijallāhu adghānahum
29. Mise ma waxay moodaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur (munaafiqnimo ah) inuusan Allaah soo saareyn xumaanta laabaha kaga jira?.
وَلَوۡ نَشَآءُ لَأَرَيۡنَٰكَهُمۡ فَلَعَرَفۡتَهُم بِسِيمَٰهُمۡۚ وَلَتَعۡرِفَنَّهُمۡ فِي لَحۡنِ ٱلۡقَوۡلِۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ أَعۡمَٰلَكُمۡ ٣٠
Walaw nashā'u la araynākahum fala'araftahum bisīmāhum walata'rifannahum fī lahnil-qawli wallāhu ya'lamu a'mālakum
30. Haddaan doonno, waan ku tusi karnaa kuwaasi, waxaadna ku garan astaamahoo- da; waxaad kaloo ku garan hadalkooda leexsan. Alle wuu Og yahay camalladiinna.
وَلَنَبۡلُوَنَّكُمۡ حَتَّىٰ نَعۡلَمَ ٱلۡمُجَٰهِدِينَ مِنكُمۡ وَٱلصَّٰبِرِينَ وَنَبۡلُوَاْ أَخۡبَارَكُمۡ ٣١
Walanabluwannakum hattā na'lamal-mujāhidīna minkum was-sābirīna wanabluwa akhbārakum
31. Waanu idin imtixaani ilaa aan muujinno kuwiinna jihaadi iyo kuwa samri oo sugnaan, waana imtixaani arrimahiinna.
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ وَشَآقُّواْ ٱلرَّسُولَ مِنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلۡهُدَىٰ لَن يَضُرُّواْ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗا وَسَيُحۡبِطُ أَعۡمَٰلَهُمۡ ٣٢
Innal-ladhīna kafarū wasaddū 'an sabīlillāhi washāqqur-rasūla mim ba'di mā tabayyana lahumul-hudā lan yadurrullāha shay'an wasayuhbitu a'mālahum
32. Hubaal kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) jidka Alle, khilaafana Rasuulka, kaddib markuu u caddaaday hanuunka, waxna ma yeeli karaan Alle, wuuna burin acmaashooda.
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَ وَلَا تُبۡطِلُوٓاْ أَعۡمَٰلَكُمۡ ٣٣
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū atī'ullāha wa atī'ur-rasūla walā tubtilū a'mālakum
33. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka, hana burinnina acmaashiinna.
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ ثُمَّ مَاتُواْ وَهُمۡ كُفَّارٞ فَلَن يَغۡفِرَ ٱللَّهُ لَهُمۡ ٣٤
Innal-ladhīna kafarū wasaddū 'an sabīlillāhi thumma mātū wahum kuffārun falan yaghfirallāhu lahum
34. Hubaal kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle, markaas dhinta iyagoo gaalo ah, Alle sinnaba uguma denbi dhaafo.
فَلَا تَهِنُواْ وَتَدۡعُوٓاْ إِلَى ٱلسَّلۡمِ وَأَنتُمُ ٱلۡأَعۡلَوۡنَ وَٱللَّهُ مَعَكُمۡ وَلَن يَتِرَكُمۡ أَعۡمَٰلَكُمۡ ٣٥
Falā tahinū watad'ū ilas-salmi wa antumul-a'lawna wallāhu ma'akum walan yatirakum a'mālakum
35. Ha tabar darraanina (mu’miniintoy), hana weydiisannina nabad (baryo ah cadowyada Islaamka), idinkaa ka sarreyn, Allena idin la jiraa, mana idinkama nusqaaminayo acmaashiinna.
إِنَّمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا لَعِبٞ وَلَهۡوٞۚ وَإِن تُؤۡمِنُواْ وَتَتَّقُواْ يُؤۡتِكُمۡ أُجُورَكُمۡ وَلَا يَسۡـَٔلۡكُمۡ أَمۡوَٰلَكُمۡ ٣٦
Innamal-hayawātud-dunyā la'ibun walahwun wa in tu'minū watattaqū yu'tikum ujūrakum walā yas'alkum amwālakum
36. Nolosha adduunkan waa uun ciyaar iyo madaddaalo, haddaad (Xaqa) rumeysaan, oo aad iska dhowrtaan (xumaha), Wuxuu idin siin abaalgudkiinna, idinmana weydiisanayo maalkiinna.
إِن يَسۡـَٔلۡكُمُوهَا فَيُحۡفِكُمۡ تَبۡخَلُواْ وَيُخۡرِجۡ أَضۡغَٰنَكُمۡ ٣٧
In yas'alkumūhā fayuhfikum tabkhalū wayukhrij adghānakum
37. Hadduu idin weydiiyo (maalkiinna dhammaan) idinkuna adkeeyo waad bakhayli laheydeen lexejecli darteed, wuxuuna debedda u soo saari lahaa xiqdigiinna (colnimadiinna).
هَٰٓأَنتُمۡ هَٰٓؤُلَآءِ تُدۡعَوۡنَ لِتُنفِقُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَمِنكُم مَّن يَبۡخَلُۖ وَمَن يَبۡخَلۡ فَإِنَّمَا يَبۡخَلُ عَن نَّفۡسِهِۦۚ وَٱللَّهُ ٱلۡغَنِيُّ وَأَنتُمُ ٱلۡفُقَرَآءُۚ وَإِن تَتَوَلَّوۡاْ يَسۡتَبۡدِلۡ قَوۡمًا غَيۡرَكُمۡ ثُمَّ لَا يَكُونُوٓاْ أَمۡثَٰلَكُم ٣٨
Hā'antum hā'ulā'i tud'awna litunfiqū fī sabīlillāhi faminkum man yabkhalu waman yabkhal fa innamā yabkhalu 'an nafsihī wallāhul-ghaniyyu wa antumul-fuqarā'u wa in tatawallaw yastabdil qawman ghayrakum thumma lā yakūnū amthālakum
38. Eega! Waa idinka kuwa loogu yeedho inaad wax ku bixisaan Jidka Alle (jihaadka iyo u gargaarka diinta Alle), waxaase idinku jira kuwo bakhayla, qofkiise bakhayla wuxuu uun ka bakhaylay naftiisa. Alle waa Hodan idinka Deeqtoon, idinkuna waxaad tihiin fuqaro. Haddaad (Xaqa) ka jeesataan Wuxuu Alle idinku beddeli qolo kale oo aan idinla mid noqoneyn.
Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.
Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.
Suuradda Muhammad waxay leedahay 38 aayadood. Waa suuradda 47 ee Qur'aanka.
Suuradda Muhammad waa suurad Madani ah.
Suuradda Muhammad waxay ku jirtaa juz' 26.
Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.