Suuradda Al-Ahqaf الأحقاف

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

حمٓ ١

Hā Mīm

1. Xaa Miim 1.

تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ ٢

Tanzīlul-kitābi minallāhil-'azīzil-hakīm

2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.

مَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَأَجَلٖ مُّسَمّٗىۚ وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ عَمَّآ أُنذِرُواْ مُعۡرِضُونَ ٣

Mā khalaqnas-samāwāti wal-arda wamā baynahumā illā bil-haqqi wa ajalim musamman walladhīna kafarū 'ammā undhirū mu'ridūn

3. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan aheyn Xaq iyo Muddo magacaaban. Kuwase gaalooba dhinac bay uga jeestaan waxa looga digo (oo cadaab ah).

قُلۡ أَرَءَيۡتُم مَّا تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَرُونِي مَاذَا خَلَقُواْ مِنَ ٱلۡأَرۡضِ أَمۡ لَهُمۡ شِرۡكٞ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِۖ ٱئۡتُونِي بِكِتَٰبٖ مِّن قَبۡلِ هَٰذَآ أَوۡ أَثَٰرَةٖ مِّنۡ عِلۡمٍ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٤

Qul ara'aytum mā tad'ūna min dūnillāhi arūnī mādhā khalaqū minal-ardi am lahum shirkun fis-samāwāti'tūnī bikitābim min qabli hādhā aw athāratim min 'ilmin in kuntum sādiqīn

4.Dheh: Bal ka warrama waxaad caabudey- saan Alle sokadi? I tusa maxay abuureen oo ka mid ah arlada, mise ma waxay ku leeyihiin qayb samooyinka? Ii keena Kitaab kan (Qur’aanka) horti ah ama wax raad cilmi (hore) ah (oo daliil u ah waxaad leedihiin) haddaad run sheegeysaan.

وَمَنۡ أَضَلُّ مِمَّن يَدۡعُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَن لَّا يَسۡتَجِيبُ لَهُۥٓ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ وَهُمۡ عَن دُعَآئِهِمۡ غَٰفِلُونَ ٥

Waman adallu mimman yad'ū min dūnillāhi mal lā yastajību lahū ilā yawmil-qiyāmati wahum 'an du'ā'ihim ghāfilūn

5. Yaa ka lunsanaan badan mid barya (caabuda) Alle sokadi kuwo aan wax jawaab ah u soo celineyn ilaa Maalinta Qiyaamaha oo ah kuwo moog baryadooda?

وَإِذَا حُشِرَ ٱلنَّاسُ كَانُواْ لَهُمۡ أَعۡدَآءٗ وَكَانُواْ بِعِبَادَتِهِمۡ كَٰفِرِينَ ٦

Wa idhā hushiran-nāsu kānū lahum a'dā'an wakānū bi'ibādatihim kāfirīn

6. Marka dadka la isu wada keenana ahaan cadowyadooda, oo ahaan kuwo caabudiddooda dafira.

وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا بَيِّنَٰتٖ قَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ هَٰذَا سِحۡرٞ مُّبِينٌ ٧

Wa idhā tutlā 'alayhim āyātunā bayyinātin qālal-ladhīna kafarū lil-haqqi lammā jā'ahum hādhā sihrum mubīn

7. Marka Aayadahayaga cad loo akhriyo, waxay kuwa gaalada ahi ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimaado: Kani waa sixir cad.

أَمۡ يَقُولُونَ ٱفۡتَرَىٰهُۖ قُلۡ إِنِ ٱفۡتَرَيۡتُهُۥ فَلَا تَمۡلِكُونَ لِي مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔاۖ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَا تُفِيضُونَ فِيهِۚ كَفَىٰ بِهِۦ شَهِيدَۢا بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡۖ وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ ٨

Am yaqūlūnaftarāhu qul iniftaraytuhū falā tamlikūna lī minallāhi shay'an huwa a'lamu bimā tufīdūna fīhi kafā bihī shahīdā baynī wabaynakum wahuwal-ghafūrur-rahīm

8. Mise ma waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh (Nabiyow): Haddaan been abuurtay, waxba iigama tareysaan xagga Alle; Isagaa Ogsoon waxaad dhumbataan 'oo been ah' 2. Alle baana marag ugu Filan dhexdeenna aniga iyo idinka. Waana Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.

قُلۡ مَا كُنتُ بِدۡعٗا مِّنَ ٱلرُّسُلِ وَمَآ أَدۡرِي مَا يُفۡعَلُ بِي وَلَا بِكُمۡۖ إِنۡ أَتَّبِعُ إِلَّا مَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّ وَمَآ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٞ مُّبِينٞ ٩

Qul mā kuntu bid'am minar-rusuli wamā adrī mā yuf'alu bī walā bikum in attabi'u illā mā yūhā ilayya wamā ana illā nadhīrum mubīn

9. Dheh: ma ahi Rasuul kii ugu horreeyey oo ka mid ah Rususha 3 mana ogi (cilmi Ghaybka iyo) waxa laygu fali aniga ama idinka. Anigu ma raaco waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo (ee Qur’aanka ah), aniguna ma ahi waxaan ahayn dige cad.

قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كَانَ مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ وَكَفَرۡتُم بِهِۦ وَشَهِدَ شَاهِدٞ مِّنۢ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ عَلَىٰ مِثۡلِهِۦ فَـَٔامَنَ وَٱسۡتَكۡبَرۡتُمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ ١٠

Qul ara'aytum in kāna min 'indillāhi wakafartum bihī washahida shāhidum mim banī isrā'īla 'alā mithlihī fa'āmana wastakbartum innallāha lā yahdil-qawmaz-zālimīn

10. Dheh: Bal ka warrama hadduu (Qur’aanka) ka yimid xagga Alle, oo aad ku gaalowdeen, uuna ka marag furay marag fure ka mid ah ilmahii Israa’iil 4 inuu la mid yahay (Towraadda), markaasuu rumeeyey 5 halka aad idinku is kibriseen. Hubaal Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).

وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَوۡ كَانَ خَيۡرٗا مَّا سَبَقُونَآ إِلَيۡهِۚ وَإِذۡ لَمۡ يَهۡتَدُواْ بِهِۦ فَسَيَقُولُونَ هَٰذَآ إِفۡكٞ قَدِيمٞ ١١

Waqālal-ladhīna kafarū lilladhīna āmanū law kāna khayram mā sabaqūnā ilayhi wa idh lam yahtadū bihī fasayaqūlūna hādhā ifkun qadīm

11. Waxay kuwii gaaloobay ku yidhaahdeen kuwii (Xaqa) rumeeyey hadduu khayr yahay noogama horreeyeen 6 rumeyntiisa, maadaamayna dooneyn inay ku hanuunsamaan, waxay yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanka) waa beenihii hore.

وَمِن قَبۡلِهِۦ كِتَٰبُ مُوسَىٰٓ إِمَامٗا وَرَحۡمَةٗۚ وَهَٰذَا كِتَٰبٞ مُّصَدِّقٞ لِّسَانًا عَرَبِيّٗا لِّيُنذِرَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُحۡسِنِينَ ١٢

Wamin qablihī kitābu mūsā imāman warahmatan wahādhā kitābum musaddiqul lisānan 'arabiyyal liyundhiral-ladhīna zalamū wabushrā lil-muhsinīn

12. (Qur’aanka) hortina waxaa ahaa Kitaabka Muuse hanuun iyo naxariis, kanina waa Kitaab rumeyn oo af Carabi ah si uu ugu digo kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), waana u bishaaro kuwo sama falayaasha ah.

إِنَّ ٱلَّذِينَ قَالُواْ رَبُّنَا ٱللَّهُ ثُمَّ ٱسۡتَقَٰمُواْ فَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ ١٣

Innal-ladhīna qālū rabbunallāhu thummastaqāmū falā khawfun 'alayhim walā hum yahzanūn

13. Hubaal, kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaas toosnaada 7, ma aha cabsi dushooda, mana murugoonayaan.

أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِ خَٰلِدِينَ فِيهَا جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ١٤

Ulā'ika ashābul-jannati khālidīna fīhā jazā'a bimā kānū ya'malūn

14. Kuwaa waa ehlu Jannaha iyagoo ku waaraya dhexdeeda - abaalgud ahaan waxay camalsan faleen darteed.

وَوَصَّيۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ بِوَٰلِدَيۡهِ إِحۡسَٰنًاۖ حَمَلَتۡهُ أُمُّهُۥ كُرۡهٗا وَوَضَعَتۡهُ كُرۡهٗاۖ وَحَمۡلُهُۥ وَفِصَٰلُهُۥ ثَلَٰثُونَ شَهۡرًاۚ حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغَ أَشُدَّهُۥ وَبَلَغَ أَرۡبَعِينَ سَنَةٗ قَالَ رَبِّ أَوۡزِعۡنِيٓ أَنۡ أَشۡكُرَ نِعۡمَتَكَ ٱلَّتِيٓ أَنۡعَمۡتَ عَلَيَّ وَعَلَىٰ وَٰلِدَيَّ وَأَنۡ أَعۡمَلَ صَٰلِحٗا تَرۡضَىٰهُ وَأَصۡلِحۡ لِي فِي ذُرِّيَّتِيٓۖ إِنِّي تُبۡتُ إِلَيۡكَ وَإِنِّي مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ ١٥

Wawassaynal-insāna biwālidayhi ihsānan hamalathu ummuhū kurhan wawada'athu kurhan wahamluhū wafisāluhū thalāthūna shahran hattā idhā balagha ashuddahū wabalagha arba'īna sanatan qāla rabbi awzi'nī an ashkura ni'matakal-latī an'amta 'alayya wa'alā wālidayya wa an a'mala sālihan tardāhu wa aslih lī fī dhurriyyatī innī tubtu ilayka wa innī minal-muslimīn

15. Waxaan ku waajibinnay Aadmiga inuu wanaajiyo oo daryeelo waalidkiis. Hooyadiis waxay ku sidday uurka iyadoo ku dhibtootay oo dhashay iyadoo ku dhibtootay; oo (uur ku) sidkiisu iyo ka goynta (naas nuujintiisu) waa soddon bilood, jeer markuu tabar galo oo afartan jirsado yidhaahdo (kan fiican): Rabbiyow! I solansii inaan ka mahad naqo Nicmaddaada aad iigu nicmeysay aniga iyo labadayda waalid, iyo inaan falo camal san oo aad ka raalli tahay; oo ii hagaaji durriyadayda, Adigaan kuu tawbad keenaye, waxaana anigu ka mid ahay Muslimiinta.

أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ نَتَقَبَّلُ عَنۡهُمۡ أَحۡسَنَ مَا عَمِلُواْ وَنَتَجَاوَزُ عَن سَيِّـَٔاتِهِمۡ فِيٓ أَصۡحَٰبِ ٱلۡجَنَّةِۖ وَعۡدَ ٱلصِّدۡقِ ٱلَّذِي كَانُواْ يُوعَدُونَ ١٦

Ulā'ikal-ladhīna nataqabbalu 'anhum ahsana mā 'amilū wanatajāwazu 'an sayyi'ātihim fī ashābil-jannati wa'das-sidqil-ladhī kānū yū'adūn

16. Kuwaa weeye kuwa aanu ka aqbalno camalkooda fiican oo aan iska dhaafno camalladooda xun, ka mid ah ehlu Jannaha - ballan qaad run ah oo loo ballan qaaday.

وَٱلَّذِي قَالَ لِوَٰلِدَيۡهِ أُفّٖ لَّكُمَآ أَتَعِدَانِنِيٓ أَنۡ أُخۡرَجَ وَقَدۡ خَلَتِ ٱلۡقُرُونُ مِن قَبۡلِي وَهُمَا يَسۡتَغِيثَانِ ٱللَّهَ وَيۡلَكَ ءَامِنۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ فَيَقُولُ مَا هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ ١٧

Walladhī qāla liwālidayhi uffil lakumā ata'idāninī an ukhraja waqad khalatil-qurūnu min qablī wahumā yastaghīthānillāha waylaka āmin inna wa'dallāhi haqqun fayaqūlu mā hādhā illā asātīrul-awwalīn

17. Kan se ku yidhaahda waalidkiis: Uf baad tihiin. Ma waxaad iigu gooddisaan in la i soo saarayo iyagoo dhab ahaan ay facyo tageen hortay? Waxayna labadiisa waalid gargaar weydiistaan Allaah (iyagoo ku leh wiilkooda): Magacaa bi'i waaye! Rumee! Ballan qaadka Alle waa Xaqe. wuxuuse yidhaahdaa: Kanu ma aha waxaan aheyn sheekooyinkii kuwii hore.

أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ حَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقَوۡلُ فِيٓ أُمَمٖ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِم مِّنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ خَٰسِرِينَ ١٨

Ulā'ikal-ladhīna haqqa 'alayhimul-qawlu fī umamin qad khalat min qablihim minal-jinni wal-insi innahum kānū khāsirīn

18. Kuwanu waa kuwa uu kula waajibay Qawlka (Cadaabka) ummado tegay hortood oo jin iyo inisiba leh. Waa kuwo xaqiiq khasaaray.

وَلِكُلّٖ دَرَجَٰتٞ مِّمَّا عَمِلُواْۖ وَلِيُوَفِّيَهُمۡ أَعۡمَٰلَهُمۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ ١٩

Walikullin darajātum mimmā 'amilū waliyuwaffiyahum a'mālahum wahum lā yuzlamūn

19. Dhammaan waxay leeyihiin derejooyin waafaqsan waxay faleen, iyo si uu ugu oofiyo si dhan camalladooda iyagoon la dulmineyn.

وَيَوۡمَ يُعۡرَضُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ عَلَى ٱلنَّارِ أَذۡهَبۡتُمۡ طَيِّبَٰتِكُمۡ فِي حَيَاتِكُمُ ٱلدُّنۡيَا وَٱسۡتَمۡتَعۡتُم بِهَا فَٱلۡيَوۡمَ تُجۡزَوۡنَ عَذَابَ ٱلۡهُونِ بِمَا كُنتُمۡ تَسۡتَكۡبِرُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَبِمَا كُنتُمۡ تَفۡسُقُونَ ٢٠

Wayawma yu'radul-ladhīna kafarū 'alan-nāri adhhabtum tayyibātikum fī hayātikumud-dunyā wastamta'tum bihā fal-yawma tujzawna 'adhābal-hūni bimā kuntum tastakbirūna fil-ardi bighayril-haqqi wabimā kuntum tafsuqūn

20. Maalinta marka kuwa gaalooba loo soo bandhigi Naarta (waxaa lagu odhan): Waxaad wanaaggiinnii ku soo dhammeysateen noloshii adduunka oo ku raaxaysateen in muddo ah, maantase waxaa la idinku abaal marin cadaab silic badan, waxaad isku weyneyn jirteen arlada gudaheeda xaq darro, iyo caasiyoobiddiin- nii darteed.

۞ وَٱذۡكُرۡ أَخَا عَادٍ إِذۡ أَنذَرَ قَوۡمَهُۥ بِٱلۡأَحۡقَافِ وَقَدۡ خَلَتِ ٱلنُّذُرُ مِنۢ بَيۡنِ يَدَيۡهِ وَمِنۡ خَلۡفِهِۦٓ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّا ٱللَّهَ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ ٢١

Wadhkur akhā 'ādin idh andhara qawmahū bil-ahqāfi waqad khalatin-nudhuru mim bayni yadayhi wamin khalfihī allā ta'budū illallāha innī akhāfu 'alaykum 'adhāba yawmin 'azīm

21. Xus (reer) Caad walaalkood 8, markuu ugu digey qolodiisii Al-Axqaaf (Buur ciideedda) dhab ahaanna digayaal baa la soo diray hortiis isaga iyo gadaashiiba (isagoo leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah; waxaan anigu idiinka cabsan Cadaab Maalin Daran.

قَالُوٓاْ أَجِئۡتَنَا لِتَأۡفِكَنَا عَنۡ ءَالِهَتِنَا فَأۡتِنَا بِمَا تَعِدُنَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ ٢٢

Qālū aji'tanā lita'fikanā 'an ālihatinā fa tinā bimā ta'idunā in kunta minas-sādiqīn

22. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso ilaahyadayada? Ee bal soo daa waxaad noogu gooddiso, haddaad run sheegeyso.

قَالَ إِنَّمَا ٱلۡعِلۡمُ عِندَ ٱللَّهِ وَأُبَلِّغُكُم مَّآ أُرۡسِلۡتُ بِهِۦ وَلَٰكِنِّيٓ أَرَىٰكُمۡ قَوۡمٗا تَجۡهَلُونَ ٢٣

Qāla innamal-'ilmu 'indallāhi wa uballighukum mā ursiltu bihī walākinnī arākum qawman tajhalūn

23. Wuxuu yidhi: Alle baa ku Cilmi leh (goorta caddibaaddiinna), waxaana idin soo gaarsiin Fartiinta la ila soo diray, waxaanse arkaa inaad tihiin qolo jaahiliin ah moog (Weynida Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada).

فَلَمَّا رَأَوۡهُ عَارِضٗا مُّسۡتَقۡبِلَ أَوۡدِيَتِهِمۡ قَالُواْ هَٰذَا عَارِضٞ مُّمۡطِرُنَاۚ بَلۡ هُوَ مَا ٱسۡتَعۡجَلۡتُم بِهِۦۖ رِيحٞ فِيهَا عَذَابٌ أَلِيمٞ ٢٤

Falammā ra'awhu 'āridam mustaqbila awdiyatihim qālū hādhā 'āridum mumtirunā bal huwa masta'jaltum bihī rīhun fīhā 'adhābun alīm

24. Markay arkeen isagoo sidii daruur hogal ah ka muuqda samada ku soo aaddan togaggooda, waxay yidhaahdeen: waa daruur roob noo keeni.Ma jirto’ ee waa waxaad dalabteen in la soo dedejiyo 9. Waa dabeyl wadata cadaab xanuun badan.

تُدَمِّرُ كُلَّ شَيۡءِۭ بِأَمۡرِ رَبِّهَا فَأَصۡبَحُواْ لَا يُرَىٰٓ إِلَّا مَسَٰكِنُهُمۡۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡمُجۡرِمِينَ ٢٥

Tudammiru kulla shay'i bi amri rabbihā fa asbahū lā yurā illā masākinuhum kadhālika najzil-qawmal-mujrimīn

25. Ku baabbi’ineysa wax walba Amarka Rabbigeed; markaasay waxay noqdeen kuwo aan la arkeyn guryahoodii ma’ahee. Sidaas oo kale baan u jaazeynaa qoloda denbiilayaasha ah.

وَلَقَدۡ مَكَّنَّٰهُمۡ فِيمَآ إِن مَّكَّنَّٰكُمۡ فِيهِ وَجَعَلۡنَا لَهُمۡ سَمۡعٗا وَأَبۡصَٰرٗا وَأَفۡـِٔدَةٗ فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُمۡ سَمۡعُهُمۡ وَلَآ أَبۡصَٰرُهُمۡ وَلَآ أَفۡـِٔدَتُهُم مِّن شَيۡءٍ إِذۡ كَانُواْ يَجۡحَدُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ ٢٦

Walaqad makkannāhum fīmā im makkannākum fīhi waja'alnā lahum sam'an wa absāran wa af'idatan famā aghnā 'anhum sam'uhum walā absāruhum walā af'idatuhum min shay'in idh kānū yajhadūna bi'āyātillāhi wahāqa bihim mā kānū bihī yastahzi'ūn

26. Waxaanu u suurta gelinnay wax aanaan idiin suurta galin, waxaana u yeellay maqal, arag iyo laabo, waxbase uma tarin maqalkoodii, araggoodii iyo laabahoodii, waayo waxay dafireen Aayadaha Alle, waxaana ku dhacay oo koobay waxay ku jees-jeesayeen.

وَلَقَدۡ أَهۡلَكۡنَا مَا حَوۡلَكُم مِّنَ ٱلۡقُرَىٰ وَصَرَّفۡنَا ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ ٢٧

Walaqad ahlaknā mā hawlakum minal-qurā wasarrafnal-āyāti la'allahum yarji'ūn

27. Waxaan horay u hallignay wixii hareerihiinna ahaa ee magaalooyin, waxaana ugu celcelinnay Aayadaha (digniinaha) bal inay (ka) soo noqdaan (gaalnimada iyo denbiyada).

فَلَوۡلَا نَصَرَهُمُ ٱلَّذِينَ ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ قُرۡبَانًا ءَالِهَةَۢۖ بَلۡ ضَلُّواْ عَنۡهُمۡۚ وَذَٰلِكَ إِفۡكُهُمۡ وَمَا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ ٢٨

Falawlā nasarahumul-ladhīnat-takhadhū min dūnillāhi qurbānan ālihata bal dallū 'anhum wadhālika ifkuhum wamā kānū yaftarūn

28. Maxay ugu soo gargaari waayeen kuway ka dhigteen Alle ka sokow ilaahyo 10 si ay ugu dhoweeyaan Alle? Mayee’ way ka dhumeen, kaasina waa baadilkoodii iyo waxay been abuuran jireen.

وَإِذۡ صَرَفۡنَآ إِلَيۡكَ نَفَرٗا مِّنَ ٱلۡجِنِّ يَسۡتَمِعُونَ ٱلۡقُرۡءَانَ فَلَمَّا حَضَرُوهُ قَالُوٓاْ أَنصِتُواْۖ فَلَمَّا قُضِيَ وَلَّوۡاْ إِلَىٰ قَوۡمِهِم مُّنذِرِينَ ٢٩

Wa idh sarafnā ilayka nafaram minal-jinni yastami'ūnal-qur'āna falammā hadarūhu qālū ansitū falammā qudiya wallaw ilā qawmihim mundhirīn

29. (Xus) markaan u soo weecinnay xaggaaga koox jin ah oo dhegaysan Qur’aanka, markay yimaadeen halkaasi, waxay yidhaahdeen: Aamusa. Markii la dhammeeyey waxay dib ugu laabteen tolkoodii iyagoo u digaya.

قَالُواْ يَٰقَوۡمَنَآ إِنَّا سَمِعۡنَا كِتَٰبًا أُنزِلَ مِنۢ بَعۡدِ مُوسَىٰ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلۡحَقِّ وَإِلَىٰ طَرِيقٖ مُّسۡتَقِيمٖ ٣٠

Qālū yāqawmanā innā sami'nā kitāban unzila mim ba'di mūsā musaddiqal limā bayna yadayhi yahdī ilal-haqqi wa ilā tarīqim mustaqīm

30. Waxay yidhaahdeen: Tolkayagow! Waxaan maqallay Kitaab (waa Qur'aanka) la soo dejiyey Muuse kaddib, oo rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Allle ah), oo wax ku hanuuninaya Xaqa iyo Jid Toosan .

يَٰقَوۡمَنَآ أَجِيبُواْ دَاعِيَ ٱللَّهِ وَءَامِنُواْ بِهِۦ يَغۡفِرۡ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمۡ وَيُجِرۡكُم مِّنۡ عَذَابٍ أَلِيمٖ ٣١

Yāqawmanā ajībū dā'iyallāhi wa āminū bihī yaghfir lakum min dhunūbikum wayujirkum min 'adhābin alīm

31. Tolkanagow! Raaca daaciga Alle 11 oo rumeeya, Wuxuu (Alle) idiin dhaafi denbiyadiinna, idinkana badbaadin cadaab xanuun badan.

وَمَن لَّا يُجِبۡ دَاعِيَ ٱللَّهِ فَلَيۡسَ بِمُعۡجِزٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَيۡسَ لَهُۥ مِن دُونِهِۦٓ أَوۡلِيَآءُۚ أُوْلَٰٓئِكَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ ٣٢

Wamal lā yujib dā'iyallāhi falaysa bimu'jizin fil-ardi walaysa lahū min dūnihī awliyā'u ulā'ika fī dalālim mubīn

32. Qofkaan raacin daaciga Alle, kuma baxsanayo dhulka, mana jiro wax u gargaari (Alle) sokadi. Kuwaa waxay ku sugan yihiin habow cad.

أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّ ٱللَّهَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَلَمۡ يَعۡيَ بِخَلۡقِهِنَّ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يُحۡـِۧيَ ٱلۡمَوۡتَىٰۚ بَلَىٰٓۚ إِنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ ٣٣

Awalam yaraw annallāhal-ladhī khalaqas-samāwāti wal-arda walam ya'ya bikhalqihinna biqādirin 'alā an yuhyal-mawtā balā innahū 'alā kulli shay'in qadīr

33. Miyeyna ogayn in Alle ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo aan ku daalin abuuristooda uu awoodo inuu nooleeyo meytida? Haayoo, hubaal waa Kan wax walba Kara.

وَيَوۡمَ يُعۡرَضُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ عَلَى ٱلنَّارِ أَلَيۡسَ هَٰذَا بِٱلۡحَقِّۖ قَالُواْ بَلَىٰ وَرَبِّنَاۚ قَالَ فَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ ٣٤

Wayawma yu'radul-ladhīna kafarū 'alan-nāri alaysa hādhā bil-haqqi qālū balā warabbinā qāla fadhūqul-'adhāba bimā kuntum takfurūn

34. Maalinta loo soo bandhigi kuwa gaalooba Naarta (waxaa lagu odhan): Waxakani sow ma aha Xaq? Waxay odhan: Haah Waa nagu Rabbigeene. Wuxuu odhan: Dhadhamiya Cadaabka, gaalnimadiinnii darteed.

فَٱصۡبِرۡ كَمَا صَبَرَ أُوْلُواْ ٱلۡعَزۡمِ مِنَ ٱلرُّسُلِ وَلَا تَسۡتَعۡجِل لَّهُمۡۚ كَأَنَّهُمۡ يَوۡمَ يَرَوۡنَ مَا يُوعَدُونَ لَمۡ يَلۡبَثُوٓاْ إِلَّا سَاعَةٗ مِّن نَّهَارِۭۚ بَلَٰغٞۚ فَهَلۡ يُهۡلَكُ إِلَّا ٱلۡقَوۡمُ ٱلۡفَٰسِقُونَ ٣٥

Fasbir kamā sabara ulul-'azmi minar-rusuli walā tasta'jil lahum ka annahum yawma yarawna mā yū'adūna lam yalbathū illā sā'atam min nahāri balāghun fahal yuhlaku illal-qawmul-fāsiqūn

35. Ee samir siday Rushushii sugnaanta iyo go’aanka adag lahaa u samreen 12, hana doondoonin in loo soo dedejiyo (cadaabka). Maalintay arki waxa loo yaboohay waxay ahaan sida inayan (ku) negaan (adduunka) waxaan ahayn saacad ka mid ah maalin; waa gaarsiin cad ee ma waxaa la rogaa waxaan aheyn fallaagada.

Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.

Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.

Aayado caan ah

Su'aalo

Immisa aayadood ayay leedahay Suuradda Al-Ahqaf?

Suuradda Al-Ahqaf waxay leedahay 35 aayadood. Waa suuradda 46 ee Qur'aanka.

Suuradda Al-Ahqaf ma Makki baa mise Madani?

Suuradda Al-Ahqaf waa suurad Makki ah.

Suuradda Al-Ahqaf juz'ma ayay ku jirtaa?

Suuradda Al-Ahqaf waxay ku jirtaa juz' 26.

Ma dhageysan karaa Suuradda Al-Ahqaf?

Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.