إِنَّا فَتَحۡنَا لَكَ فَتۡحٗا مُّبِينٗا ١
Innā fatahnā laka fatham mubīnā
1. Waxaanu ku siinnay (Nabi Muxammadow) guul cad 1.
Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
إِنَّا فَتَحۡنَا لَكَ فَتۡحٗا مُّبِينٗا ١
Innā fatahnā laka fatham mubīnā
1. Waxaanu ku siinnay (Nabi Muxammadow) guul cad 1.
لِّيَغۡفِرَ لَكَ ٱللَّهُ مَا تَقَدَّمَ مِن ذَنۢبِكَ وَمَا تَأَخَّرَ وَيُتِمَّ نِعۡمَتَهُۥ عَلَيۡكَ وَيَهۡدِيَكَ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا ٢
Lliyaghfira lakallāhu mā taqaddama min dhambika wamā ta'akkhara wayutimma ni'matahū 'alayka wayahdiyaka sirātam mustaqīmā
2. Si uu Alle kuugu dhaafo wixii horay kaaga dhacay oo denbi ah, iyo waxa dib kaaga dhici karaba, kuuguna dhammaysti- ro Nicmaddiisa, oo kuugu hanuuniyo Tub Toosan.
وَيَنصُرَكَ ٱللَّهُ نَصۡرًا عَزِيزًا ٣
Wayansurakallāhu nasran 'azīzā
3. Oo kuu gargaaro Alle gargaar weyn.
هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ ٱلسَّكِينَةَ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ لِيَزۡدَادُوٓاْ إِيمَٰنٗا مَّعَ إِيمَٰنِهِمۡۗ وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا ٤
Huwal-ladhī anzalas-sakīnata fī qulūbil-mu'minīna liyazdādū īmānam ma'a īmānihim walillāhi junūdus-samāwāti wal-ardi wakānallāhu 'alīman hakīmā
4. Alle waa Kan ku soo dejiyey xasillooni quluubta mu’miniinta, si ay iimaan ugu ziyaadsadaan iimaankoodii; Alle baana iska leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
لِّيُدۡخِلَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَيُكَفِّرَ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عِندَ ٱللَّهِ فَوۡزًا عَظِيمٗا ٥
Lliyudkhilal-mu'minīna wal-mu'mināti jannātin tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā wayukaffira 'anhum sayyi'ātihim wakāna dhālika 'indallāhi fawzan 'azīmā
5. Si uu u geliyo mu’miniinta iyo mu’minoo- yinka jannooyin (beero) ay webiyo hoos qul-qulaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, oo uga tirtiro xume falkooda, (arrin)kaasina Alle agtiis waa Liibaan Weyn
وَيُعَذِّبَ ٱلۡمُنَٰفِقِينَ وَٱلۡمُنَٰفِقَٰتِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ وَٱلۡمُشۡرِكَٰتِ ٱلظَّآنِّينَ بِٱللَّهِ ظَنَّ ٱلسَّوۡءِۚ عَلَيۡهِمۡ دَآئِرَةُ ٱلسَّوۡءِۖ وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡ وَلَعَنَهُمۡ وَأَعَدَّ لَهُمۡ جَهَنَّمَۖ وَسَآءَتۡ مَصِيرٗا ٦
Wayu'addhibal-munāfiqīna wal-munāfiqāti wal-mushrikīna wal-mushrikātiz-zānnīna billāhi zannas-saw'i 'alayhim dā'iratus-saw'i waghadiballāhu 'alayhim wala'anahum wa a'adda lahum jahannama wasā'at masīrā
6. Iyo si uu u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka ee ku maleeya malaha xun Alle, xumaanta korkooda ha ku wareegto, Alle ha u cadhoodo, hana naclado, wuxuuna u diyaariyey Naar - oo u xun meel la ahaado.
وَلِلَّهِ جُنُودُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا ٧
Walillāhi junūdus-samāwāti wal-ardi wakānallāhu 'azīzan hakīmā
7. Allaah baana leh ciidammada samooyinka iyo arlada. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ شَٰهِدٗا وَمُبَشِّرٗا وَنَذِيرٗا ٨
Innā arsalnāka shāhidan wamubasshiran wanadhīrā
8. Xaqiiq Annagaa (Alle ah) kuu soo dirnay (Nabi Muxammadow) inaad ahaato markhaati, bishaareeye, iyo digeba.
لِّتُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتُعَزِّرُوهُ وَتُوَقِّرُوهُۚ وَتُسَبِّحُوهُ بُكۡرَةٗ وَأَصِيلًا ٩
Llitu'minū billāhi warasūlihī watu'azzirūhu watuwaqqirūhu watusabbihūhu bukratan wa asīlā
9. Si aad (dadow) u rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa oo ugu gargaartaan oo aad u qaddarisaan, iyo inaad xurmo weyneysaan oo ugu tasbiixsataan subax iyo galabba.
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُبَايِعُونَكَ إِنَّمَا يُبَايِعُونَ ٱللَّهَ يَدُ ٱللَّهِ فَوۡقَ أَيۡدِيهِمۡۚ فَمَن نَّكَثَ فَإِنَّمَا يَنكُثُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ أَوۡفَىٰ بِمَا عَٰهَدَ عَلَيۡهُ ٱللَّهَ فَسَيُؤۡتِيهِ أَجۡرًا عَظِيمٗا ١٠
Innal-ladhīna yubāyi'ūnaka innamā yubāyi'ūnallāha yadullāhi fawqa aydīhim faman nakatha fa innamā yankuthu 'alā nafsihī waman awfā bimā 'āhada 'alayhullāha fasayu'tīhi ajran 'azīmā
10. Hubaal kuwa kugula gala wacad (u hiillinta diinta) Waxay uun Wacad la gali Alle. Gacanta Alle baa ka kor ah gacmahooda 2. Ee qofkii ka baxaa wacadkiisa, wuxuu uun uga baxayaa naftii- sa, qofkii oofiyana wuxuu kula galay Alle ballanka, Wuxuu siin Ajar Weyn (Janno).
سَيَقُولُ لَكَ ٱلۡمُخَلَّفُونَ مِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ شَغَلَتۡنَآ أَمۡوَٰلُنَا وَأَهۡلُونَا فَٱسۡتَغۡفِرۡ لَنَاۚ يَقُولُونَ بِأَلۡسِنَتِهِم مَّا لَيۡسَ فِي قُلُوبِهِمۡۚ قُلۡ فَمَن يَمۡلِكُ لَكُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔا إِنۡ أَرَادَ بِكُمۡ ضَرًّا أَوۡ أَرَادَ بِكُمۡ نَفۡعَۢاۚ بَلۡ كَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرَۢا ١١
Sayaqūlu lakal-mukhallafūna minal-a'rābi shaghalatnā amwālunā wa ahlūnā fastaghfir lanā yaqūlūna bi alsinatihim mā laysa fī qulūbihim qul faman yamliku lakum minallāhi shay'an in arāda bikum darran aw arāda bikum naf'ā bal kānallāhu bimā ta'malūna khabīrā
11. Waxay kugu odhan kuwii ka haray (jihaadka) ee ah reer miyiga (deggan Madiinah hareeraheeda): Waxaa na shuqliyey Maalkayaga iyo ehelkayaga, ee noo denbi dhaaf dalab. Waxay ka yidhaahdaan carrabyadooda waxaan ku jirin quluubtooda. Dheh: Yaa idinka celin Alle hadduu idin la doono dhib ama idin la doono dheef? Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
بَلۡ ظَنَنتُمۡ أَن لَّن يَنقَلِبَ ٱلرَّسُولُ وَٱلۡمُؤۡمِنُونَ إِلَىٰٓ أَهۡلِيهِمۡ أَبَدٗا وَزُيِّنَ ذَٰلِكَ فِي قُلُوبِكُمۡ وَظَنَنتُمۡ ظَنَّ ٱلسَّوۡءِ وَكُنتُمۡ قَوۡمَۢا بُورٗا ١٢
Bal zanantum al lan yanqalibar-rasūlu wal-mu'minūna ilā ahlīhim abadan wazuyyina dhālika fī qulūbikum wazanantum zannas-saw'i wakuntum qawmā būrā
12. Waxaadse u maleyseen in Rasuulka iyo mu’miniintu aysan u soo noqoneyn ehelkooda weligood, sidaasaana loo qurxiyey quluubtiinna, oo maleyseen malooyin xun, waayo waxaad tihin qoon belo ah (aan khayr lahayn).
وَمَن لَّمۡ يُؤۡمِنۢ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ فَإِنَّآ أَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ سَعِيرٗا ١٣
Wamal lam yu'mim billāhi warasūlihī fa innā a'tadnā lil-kāfirīna sa'īrā
13. Qofkaan rumeyn Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal Waxaanu u diyaarinnay gaalada dab huraya.
وَلِلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ يَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ١٤
Walillāhi mulkus-samāwāti wal-ardi yaghfiru liman yashā'u wayu'addhibu man yashā'u wakānallāhu ghafūrar rahīmā
14. Allaah baa iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
سَيَقُولُ ٱلۡمُخَلَّفُونَ إِذَا ٱنطَلَقۡتُمۡ إِلَىٰ مَغَانِمَ لِتَأۡخُذُوهَا ذَرُونَا نَتَّبِعۡكُمۡۖ يُرِيدُونَ أَن يُبَدِّلُواْ كَلَٰمَ ٱللَّهِۚ قُل لَّن تَتَّبِعُونَا كَذَٰلِكُمۡ قَالَ ٱللَّهُ مِن قَبۡلُۖ فَسَيَقُولُونَ بَلۡ تَحۡسُدُونَنَاۚ بَلۡ كَانُواْ لَا يَفۡقَهُونَ إِلَّا قَلِيلٗا ١٥
Sayaqūlul-mukhallafūna idhantalaqtum ilā maghānima lita'khudhūhā dharūnā nattabi'kum yurīdūna an yubaddilū kalāmallāhi qul lan tattabi'ūnā kadhālikum qālallāhu min qablu fasayaqūlūna bal tahsudūnanā bal kānū lā yafqahūna illā qalīlā
15. Waxay kuwaasi ka haray (jihaadka) odhan: Markaad u baxeysaan si aad u soo qaadataan qaniimooyinka (Khaybar): Noo oggolaada inaan idin raacno. Waxay doonayaan inay beddelaan Hadalka Alle. Dheh: Marnaba nama raaceysaan. Sidaasuu Alle horay u yidhi. Markaa waxay odhan: Mayee’ waad na xasdeysaan.Waase kuwo aan wax fahmeyn in yar mooyee 3.
قُل لِّلۡمُخَلَّفِينَ مِنَ ٱلۡأَعۡرَابِ سَتُدۡعَوۡنَ إِلَىٰ قَوۡمٍ أُوْلِي بَأۡسٖ شَدِيدٖ تُقَٰتِلُونَهُمۡ أَوۡ يُسۡلِمُونَۖ فَإِن تُطِيعُواْ يُؤۡتِكُمُ ٱللَّهُ أَجۡرًا حَسَنٗاۖ وَإِن تَتَوَلَّوۡاْ كَمَا تَوَلَّيۡتُم مِّن قَبۡلُ يُعَذِّبۡكُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا ١٦
Qul lil-mukhallafīna minal-a'rābi satud'awna ilā qawmin ulī ba sin shadīdin tuqātilūnahum aw yuslimūna fa in tutī'ū yu'tikumullāhu ajran hasanan wa in tatawallaw kamā tawallaytum min qablu yu'addhibkum 'adhāban alīmā
16. Ku dheh kuwaa reer miyiga ah ee 'ka' hadhay (jihaadka): Waxaa la idiinku yeedhi qolo dagaal aqoon daran leh, waa inaad la dirirtaan intay iska dhiibaan 4, ee haddaad adeecdaan Alle Wuxuu idin siin abaalgud fiican, haddiise aad dhabarka jeedisaan sidaad horeyba ugu jeediseen dhabarka, Wuxuu idinku cadaabi cadaab xanuun badan.
لَّيۡسَ عَلَى ٱلۡأَعۡمَىٰ حَرَجٞ وَلَا عَلَى ٱلۡأَعۡرَجِ حَرَجٞ وَلَا عَلَى ٱلۡمَرِيضِ حَرَجٞۗ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ يُدۡخِلۡهُ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۖ وَمَن يَتَوَلَّ يُعَذِّبۡهُ عَذَابًا أَلِيمٗا ١٧
Llaysa 'alal-a'mā harajun walā 'alal-a'raji harajun walā 'alal-marīdi harajun waman yuti'illāha warasūlahū yudkhilhu jannātin tajrī min tahtihal-anhāru waman yatawalla yu'addhibhu 'adhāban alīmā
17. Ma saarna eed indhoolaha, mana saarna wax eed ahi naafada, oo ma saarna eed bukaanka (haddayan u bixin Jihaadka Jidka Alle). Qofkiise adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa Wuxuu gelin Jannooyin (beero) ay webiyo hoos qul-qulaan, qofkiina dhabarka jeediya wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan.
۞ لَّقَدۡ رَضِيَ ٱللَّهُ عَنِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ إِذۡ يُبَايِعُونَكَ تَحۡتَ ٱلشَّجَرَةِ فَعَلِمَ مَا فِي قُلُوبِهِمۡ فَأَنزَلَ ٱلسَّكِينَةَ عَلَيۡهِمۡ وَأَثَٰبَهُمۡ فَتۡحٗا قَرِيبٗا ١٨
Llaqad radiyallāhu 'anil-mu'minīna idh yubāyi'ūnaka tahtash-shajarati fa'alima mā fī qulūbihim fa anzalas-sakīnata 'alayhim wa athābahum fathan qarībā
18. Alle wuxuu ka raalli noqday mu’miniinta markay wacad u hiillin (diinta ah) ay kugula galeen geedka hoostiisa, Alle wuxuu ogaa waxa ku jiray quluubtooda (oo iimaan iyo daacadnimo ah), markaasuu ku soo dejiyey xasilloooni korkooda, kuna abaal mariyey guul dhow 5.
وَمَغَانِمَ كَثِيرَةٗ يَأۡخُذُونَهَاۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمٗا ١٩
Wamaghānima kathīratan ya'khudhūnahā wakānallāhu 'azīzan hakīmā
19. Iyo qaniimooyin badan oo ay qaadan. Alle waa Adkaade, Xakiim ah.
وَعَدَكُمُ ٱللَّهُ مَغَانِمَ كَثِيرَةٗ تَأۡخُذُونَهَا فَعَجَّلَ لَكُمۡ هَٰذِهِۦ وَكَفَّ أَيۡدِيَ ٱلنَّاسِ عَنكُمۡ وَلِتَكُونَ ءَايَةٗ لِّلۡمُؤۡمِنِينَ وَيَهۡدِيَكُمۡ صِرَٰطٗا مُّسۡتَقِيمٗا ٢٠
Wa'adakumullāhu maghānima kathīratan ta'khudhūnahā fa'ajjala lakum hādhihī wakaffa aydiyan-nāsi 'ankum walitakūna āyatal lil-mu'minīna wayahdiyakum sirātam mustaqīmā
20. Allaah wuxuu idiin ballan qaaday qaniimooyin badan aad qaadaneysaan, markaasuu idiin soo dedejiyey middatan (qaniimada Khaybar), idinkana celiyey gacmihii dadka, si ay ugu ahaato calaamo mu’miniinta, idinkuna hanuuniyo Jid Toosan.
وَأُخۡرَىٰ لَمۡ تَقۡدِرُواْ عَلَيۡهَا قَدۡ أَحَاطَ ٱللَّهُ بِهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٗا ٢١
Wa ukhrā lam taqdirū 'alayhā qad ahātallāhu bihā wakānallāhu 'alā kulli shay'in qadīrā
21. Iyo (qaniimooyin) kale oo aydaan awooddeen 6, Alle baa dhab ahaan koobay. Alle wax walba wuu Karaa.
وَلَوۡ قَٰتَلَكُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوَلَّوُاْ ٱلۡأَدۡبَٰرَ ثُمَّ لَا يَجِدُونَ وَلِيّٗا وَلَا نَصِيرٗا ٢٢
Walaw qātalakumul-ladhīna kafarū lawallawul-adbāra thumma lā yajidūna waliyyan walā nasīrā
22. Hadday kuwa gaalooba idinla daggaalamaan, waxay jeedin dhabarra(dooda) mana helayaan ilaaliye iyo gargaare midna.
سُنَّةَ ٱللَّهِ ٱلَّتِي قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلُۖ وَلَن تَجِدَ لِسُنَّةِ ٱللَّهِ تَبۡدِيلٗا ٢٣
Sunnatallāhil-latī qad khalat min qablu walan tajida lisunnatillāhi tabdīlā
23. Waa Hannaanka Alle ee dhab ahaan uga dhex jirey ummadahii hore ee tegay. Kama heleysid wax isbeddel ah Hannaanka iyo Hab raaca Alle.
وَهُوَ ٱلَّذِي كَفَّ أَيۡدِيَهُمۡ عَنكُمۡ وَأَيۡدِيَكُمۡ عَنۡهُم بِبَطۡنِ مَكَّةَ مِنۢ بَعۡدِ أَنۡ أَظۡفَرَكُمۡ عَلَيۡهِمۡۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرًا ٢٤
Wahuwal-ladhī kaffa aydiyahum 'ankum wa aydiyakum 'anhum bibatni makkata mim ba'di an azfarakum 'alayhim wakānallāhu bimā ta'malūna basīrā
24. Alle waa Kan idinka celiyey gac- mahooda iyo gacmahiinna togga Makkah agti, kaddib markuu idin siiyey guusha oo aad ka adkaateen (kuwii idiin galay cimilka markaad u socoteen Makkah). Alle waa Arkaha waxaad fashaan.
هُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّوكُمۡ عَنِ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ وَٱلۡهَدۡيَ مَعۡكُوفًا أَن يَبۡلُغَ مَحِلَّهُۥۚ وَلَوۡلَا رِجَالٞ مُّؤۡمِنُونَ وَنِسَآءٞ مُّؤۡمِنَٰتٞ لَّمۡ تَعۡلَمُوهُمۡ أَن تَطَـُٔوهُمۡ فَتُصِيبَكُم مِّنۡهُم مَّعَرَّةُۢ بِغَيۡرِ عِلۡمٖۖ لِّيُدۡخِلَ ٱللَّهُ فِي رَحۡمَتِهِۦ مَن يَشَآءُۚ لَوۡ تَزَيَّلُواْ لَعَذَّبۡنَا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡهُمۡ عَذَابًا أَلِيمًا ٢٥
Humul-ladhīna kafarū wasaddūkum 'anil-masjidil-harāmi wal-hadya ma'kūfan an yablugha mahillahū walawlā rijālum mu'minūna wanisā'um mu'minātul lam ta'lamūhum an tata'ūhum fatusībakum minhum ma'arratu bighayri 'ilmil liyudkhilallāhu fī rahmatihī man yashā'u law tazayyalū la'addhabnal-ladhīna kafarū minhum 'adhāban alīmā
25. Waa iyaga kuwa gaaloobay oo idinka celiyey Al-Masjid Al-Xaraam oo (ka xayiray) hadyiga inuu gaaro meeshiisa gawraca 7. Haddii aysan jireen rag mu’miniin ah iyo haween mu’minooyin ah oo aydaan ogeyn, oo laga yaabo inaad wax yeeshaan, taasoo denbi idinka soo gaarayo iyo mashaqo ogaal la’aan darteed (Alle wuu idiin fasaxi lahaa); waa si uu Alle u geliyo Naxariistiisa cidduu doono. Haddii iyagu (mu’miniinta iyo gaalada) kala soocmi lahaayeen, waxaan cadaabi laheyn kuwooda gaaloobay cadaab xanuun badan.
إِذۡ جَعَلَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي قُلُوبِهِمُ ٱلۡحَمِيَّةَ حَمِيَّةَ ٱلۡجَٰهِلِيَّةِ فَأَنزَلَ ٱللَّهُ سَكِينَتَهُۥ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ وَعَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَأَلۡزَمَهُمۡ كَلِمَةَ ٱلتَّقۡوَىٰ وَكَانُوٓاْ أَحَقَّ بِهَا وَأَهۡلَهَاۚ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا ٢٦
Idh ja'alal-ladhīna kafarū fī qulūbihimul-hamiyyata hamiyyatal-jāhiliyyati fa anzalallāhu sakīnatahū 'alā rasūlihī wa'alal-mu'minīna wa alzamahum kalimatat-taqwā wakānū ahaqqa bihā wa ahlahā wakānallāhu bikulli shay'in 'alīmā
26. Markuu Alle yeelay kuwa gaaloobay quluubtooda ficilo - ficiladii waqtigii jaahiliyada - Wuxuuse Alle ku soo dejiyey xasilloonidiisa Rasuulkiisa iyo mu’miniinta, waafajiyeyna ku sugnaanta Ereyga dhowrsashada 8, waxayna ahaayeen kuwo mudan oo ehelkeed ah. Alle wax walba waa Og yahay.
لَّقَدۡ صَدَقَ ٱللَّهُ رَسُولَهُ ٱلرُّءۡيَا بِٱلۡحَقِّۖ لَتَدۡخُلُنَّ ٱلۡمَسۡجِدَ ٱلۡحَرَامَ إِن شَآءَ ٱللَّهُ ءَامِنِينَ مُحَلِّقِينَ رُءُوسَكُمۡ وَمُقَصِّرِينَ لَا تَخَافُونَۖ فَعَلِمَ مَا لَمۡ تَعۡلَمُواْ فَجَعَلَ مِن دُونِ ذَٰلِكَ فَتۡحٗا قَرِيبًا ٢٧
Llaqad sadaqallāhu rasūlahur-ru'yā bil-haqqi latadkhulunnal-masjidal-harāma in shā'allāhu āminīna muhalliqīna ru'ūsakum wamuqassirīna lā takhāfūna fa'alima mā lam ta'lamū faja'ala min dūni dhālika fathan qarībā
27. Alle wuu u rumeeyey Rasuulkiisa riyada si dhab ah: waxaad gali Masjidka Xaramka hadduu Alle idmo idinkoo aamin ah, (qaar) timaha ay xiidhan, (qaar kalena) ay gaabsan idinkoo aan cabsi qabin 9, Wuxuu Og yahay wax aydaan idinku ogeyn, markaasuu (gelitaanka Makka) ka sokow keenay furasho dhow 'Heshiikii Xudaybyah'.
هُوَ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ رَسُولَهُۥ بِٱلۡهُدَىٰ وَدِينِ ٱلۡحَقِّ لِيُظۡهِرَهُۥ عَلَى ٱلدِّينِ كُلِّهِۦۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ شَهِيدٗا ٢٨
Huwal-ladhī arsala rasūlahū bil-hudā wadīnil-haqqi liyuzhirahū 'alad-dīni kullihī wakafā billāhi shahīdā
28. Alle waa Kan la soo diray Rasuulkiisa Hanuun iyo Diin Xaq ah si uu uga sare mariyo diimaha kaloo dhan. Alle ku filan Marag uu ahaado.
مُّحَمَّدٞ رَّسُولُ ٱللَّهِۚ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥٓ أَشِدَّآءُ عَلَى ٱلۡكُفَّارِ رُحَمَآءُ بَيۡنَهُمۡۖ تَرَىٰهُمۡ رُكَّعٗا سُجَّدٗا يَبۡتَغُونَ فَضۡلٗا مِّنَ ٱللَّهِ وَرِضۡوَٰنٗاۖ سِيمَاهُمۡ فِي وُجُوهِهِم مِّنۡ أَثَرِ ٱلسُّجُودِۚ ذَٰلِكَ مَثَلُهُمۡ فِي ٱلتَّوۡرَىٰةِۚ وَمَثَلُهُمۡ فِي ٱلۡإِنجِيلِ كَزَرۡعٍ أَخۡرَجَ شَطۡـَٔهُۥ فَـَٔازَرَهُۥ فَٱسۡتَغۡلَظَ فَٱسۡتَوَىٰ عَلَىٰ سُوقِهِۦ يُعۡجِبُ ٱلزُّرَّاعَ لِيَغِيظَ بِهِمُ ٱلۡكُفَّارَۗ وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِنۡهُم مَّغۡفِرَةٗ وَأَجۡرًا عَظِيمَۢا ٢٩
Mmuhammadur rasūlullāhi walladhīna ma'ahū ashiddā'u 'alal-kuffāri ruhamā'u baynahum tarāhum rukka'an sujjadan yabtaghūna fadlam minallāhi waridwānan sīmāhum fī wujūhihim min atharis-sujūdi dhālika mathaluhum fit-tawrāti wamathaluhum fil-injīli kazar'in akhraja shat'ahū fa'āzarahū fastaghlaza fastawā 'alā sūqihī yu'jibuz-zurrā'a liyaghīza bihimul-kuffāra wa'adallāhul-ladhīna āmanū wa'amilus-sālihāti minhum maghfiratan wa ajran 'azīmā
29. Muxammad waa Rasuulka Alle, kuwa la jirana waa qalbi sugan yihiin lidka gaalada, isu naxariis badan yihiin dhexdooda, waxaad arki iyagoo Rukuucsan, sujuudsan, dalbaya deeqda Alle (iyo) Raallinimodiisa. Astaamahooda waxay ka muuqdaan wejiyadooda raadka sujuuddooda darteed; Taasi waa tilmaantooda ku taal Towraadda. Tilmaantooda ku taalna Injiilka waa sida (abuur) la beeray, soo bixisay fiidda, markaas xoogeysatay oo noqotay gahayr, oo ku istaagtay iyadoo toosan salkeeda, farax geliseyna beeroleyda - si uu Alle ugu ciilo (tilmaamahooda) gaalada. Alle wuxuu u ballan qaaday kuwaa iyaga ah ee xaqa rumeeyey oo samaha falay denbi dhaaf iyo abaal gud weyn 'Janno' 10.
Lambarrada faallooyinka hoose waxay kugu geynayaan bogga aayadda, halkaas oo lagu muujiyey faallooyinka turjumaanka.
Qoraalka Laatiinka waa caawimaad akhris oo Qabas ka qortay Carabiga. Baro xarfaha Carabiga iyo tajwiidka si aad u hesho dhawaaqa saxda ah.
Suuradda Al-Fath waxay leedahay 29 aayadood. Waa suuradda 48 ee Qur'aanka.
Suuradda Al-Fath waa suurad Madani ah.
Suuradda Al-Fath waxay ku jirtaa juz' 26.
Haa. Riix Daar bogga korkiisa, ama ka bilow aayad kasta. Barnaamijka Qabas sidoo kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad soo dejiso si aad internet la'aan u dhageysato.