Juz' 4 لن تنالوا

Laga bilaabo Suuradda Al-Imran 3:93 ilaa Suuradda An-Nisa 4:23

Tarjumaad: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Suuradda Al-Imran

۞ كُلُّ ٱلطَّعَامِ كَانَ حِلّٗا لِّبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ إِلَّا مَا حَرَّمَ إِسۡرَٰٓءِيلُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦ مِن قَبۡلِ أَن تُنَزَّلَ ٱلتَّوۡرَىٰةُۚ قُلۡ فَأۡتُواْ بِٱلتَّوۡرَىٰةِ فَٱتۡلُوهَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ٩٣

Kullut-ta'āmi kāna hillal libanī isrā'īla illā mā harrama isrā'īlu 'alā nafsihī min qabli an tunazzalat-tawrātu qul fa tū bit-tawrāti fatlūhā in kuntum sādiqīn

93. Cunto oo dhan xalaal bay u ahayd Ilmahii Israa`iil, wixii uu Israa`iil (Nabi Yacquub) ka xaaraameeyay naftiisa maahee intaan la soo dejin Towraadda 15. Dheh: Keena Tawraadda oo Akhriya, haddaad run sheegaysaan.

فَمَنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ ٩٤

Famaniftarā 'alallāhil-kadhiba mim ba'di dhālika fa ulā'ika humuz-zālimūn

94. Qofkii ka been sheega Alle intaas kaddib, kuwaa weeye kuwa ah daalimiinta.

قُلۡ صَدَقَ ٱللَّهُۗ فَٱتَّبِعُواْ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۖ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ ٩٥

Qul sadaqallāhu fattabi'ū millata ibrāhīma hanīfan wamā kāna minal-mushrikīn

95. Dheh: Run buu sheegay Alle; ee raaca diinta Ibraahiim, toosnihii, kamana mid aheyn mushrikiinta.

إِنَّ أَوَّلَ بَيۡتٖ وُضِعَ لِلنَّاسِ لَلَّذِي بِبَكَّةَ مُبَارَكٗا وَهُدٗى لِّلۡعَٰلَمِينَ ٩٦

Inna awwala baytin wudi'a lin-nāsi lalladhī bibakkata mubārakan wahudal lil-'ālamīn

96. Xaqiiq, Gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) waa midka ku yaal Bakkah 16, barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha 17.

فِيهِ ءَايَٰتُۢ بَيِّنَٰتٞ مَّقَامُ إِبۡرَٰهِيمَۖ وَمَن دَخَلَهُۥ كَانَ ءَامِنٗاۗ وَلِلَّهِ عَلَى ٱلنَّاسِ حِجُّ ٱلۡبَيۡتِ مَنِ ٱسۡتَطَاعَ إِلَيۡهِ سَبِيلٗاۚ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِيٌّ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٩٧

Fīhi āyātu bayyinātum maqāmu ibrāhīma waman dakhalahū kāna āminan walillāhi 'alan-nāsi hijjul-bayti manistatā'a ilayhi sabīlan waman kafara fa innallāha ghaniyyun 'anil-'ālamīn

97. Waxaa ku dhex yaal (Kacbada) calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. U xajinta beytkana (Kacbada) waa xil saaran dadka dar Alle, qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggiisa 18. Qofkii beeniya (faral ahaanta Xajka), hubaal Alle wuu ka kaaftoon yahay uumanka.

قُلۡ يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لِمَ تَكۡفُرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَٱللَّهُ شَهِيدٌ عَلَىٰ مَا تَعۡمَلُونَ ٩٨

Qul yā'ahlal-kitābi lima takfurūna bi'āyātillāhi wallāhu shahīdun 'alā mā ta'malūn

98. Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu gaaloobeysaan Aayadaha Alle, Allena wuu u jeedaa waxaad fashaan?

قُلۡ يَٰٓأَهۡلَ ٱلۡكِتَٰبِ لِمَ تَصُدُّونَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ مَنۡ ءَامَنَ تَبۡغُونَهَا عِوَجٗا وَأَنتُمۡ شُهَدَآءُۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ ٩٩

Qul yā'ahlal-kitābi lima tasuddūna 'an sabīlillāhi man āmana tabghūnahā 'iwajan wa antum shuhadā'u wamallāhu bighāfilin 'ammā ta'malūn

99. Dheh: Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga hor istaagtaan Jidka Alle kan rumeysan, waxaad rabtaan (inaad ka dhigtaan) mid qalloocan, idinkoo marag ka ah? Alle ma mooga waxaad fashaan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تُطِيعُواْ فَرِيقٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ يَرُدُّوكُم بَعۡدَ إِيمَٰنِكُمۡ كَٰفِرِينَ ١٠٠

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū in tutī'ū farīqam minal-ladhīna ūtul-kitāba yaruddūkum ba'da īmānikum kāfirīn

100. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan qaar ka mid ah kuwa la siiyay (hortiin) Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), Waxay dib idiinku celin gaalo ahaan iimankiinna kaddib.

وَكَيۡفَ تَكۡفُرُونَ وَأَنتُمۡ تُتۡلَىٰ عَلَيۡكُمۡ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ وَفِيكُمۡ رَسُولُهُۥۗ وَمَن يَعۡتَصِم بِٱللَّهِ فَقَدۡ هُدِيَ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ ١٠١

Wakayfa takfurūna wa antum tutlā 'alaykum āyātullāhi wafīkum rasūluhū waman ya'tasim billāhi faqad hudiya ilā sirātim mustaqīm

101. Sidee baa se u gaaloobeysaan idinkoo ah kuwa loo akhriyo Aayadaha Alle, oo uu idinku jiro Rasuulkiisa? Qofkii si sugan u qabsada (Kitaabka) Alle (iyo Sunnada Rasuulkiisa), waxaa run ahaan lagu hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka).

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ حَقَّ تُقَاتِهِۦ وَلَا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنتُم مُّسۡلِمُونَ ١٠٢

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanut-taqullāha haqqa tuqātihī walā tamūtunna illā wa antum muslimūn

102. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ka cabsada Alle ka cabsashada xaqa ah uu mudan yahay (oo u dhowra si dhan Amarradiisa), hana dhimannina idinkoo aan aheyn Muslimiin (kuwo u hoggaansan Alle).

وَٱعۡتَصِمُواْ بِحَبۡلِ ٱللَّهِ جَمِيعٗا وَلَا تَفَرَّقُواْۚ وَٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ إِذۡ كُنتُمۡ أَعۡدَآءٗ فَأَلَّفَ بَيۡنَ قُلُوبِكُمۡ فَأَصۡبَحۡتُم بِنِعۡمَتِهِۦٓ إِخۡوَٰنٗا وَكُنتُمۡ عَلَىٰ شَفَا حُفۡرَةٖ مِّنَ ٱلنَّارِ فَأَنقَذَكُم مِّنۡهَاۗ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ ١٠٣

Wa'tasimū bihablillāhi jamī'an walā tafarraqū wadhkurū ni'matallāhi 'alaykum idh kuntum a'dā'an fa allafa bayna qulūbikum fa asbahtum bini'matihī ikhwānan wakuntum 'alā shafā hufratim minan-nāri fa anqadhakum minhā kadhālika yubayyinullāhu lakum āyātihī la'allakum tahtadūn

103. Oo si sugan u qabsada (Xadhiga) Axdiga Alle (Islaamka) dhammaantiin, hana qaybsamina, xusuustana Nicmadda Alle dushiinna, waa tii idinkoo col isu ah, markaa isu furay quluubtiinna, ee aad Nicamaddiisa darteed ku noqoteen walaalo (is jecel); waxaadna qarka u saarnaydeen bohol Naar ah (khilaaf iyo dagaallo sokeeye), markaasuu idinka badbaadshay. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadihiisa, inaad hanuuntaan.

وَلۡتَكُن مِّنكُمۡ أُمَّةٞ يَدۡعُونَ إِلَى ٱلۡخَيۡرِ وَيَأۡمُرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُفۡلِحُونَ ١٠٤

Waltakum minkum ummatun yad'ūna ilal-khayri waya'murūna bil-ma'rūfi wayanhawna 'anil-munkari wa ulā'ika humul-muflihūn

104. Ha idinka mid ahaato koox ku baaqda khayrka, amartana samaha oo reebta xumaha. Kuwaana weeye kuwa liibaani.

وَلَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ تَفَرَّقُواْ وَٱخۡتَلَفُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَهُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُۚ وَأُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ ١٠٥

Walā takūnū kalladhīna tafarraqū wakhtalafū mim ba'di mā jā'ahumul-bayyinātu wa ulā'ika lahum 'adhābun 'azīm

105. Ha noqonnina sida kuwa kala qaybsamay oo iskhilaafay kaddib marka xujooyinka cad ay u yimaadeen. Kuwaana weeye kuwa leh cadaab daran.

يَوۡمَ تَبۡيَضُّ وُجُوهٞ وَتَسۡوَدُّ وُجُوهٞۚ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ٱسۡوَدَّتۡ وُجُوهُهُمۡ أَكَفَرۡتُم بَعۡدَ إِيمَٰنِكُمۡ فَذُوقُواْ ٱلۡعَذَابَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ ١٠٦

Yawma tabyaddu wujūhun wataswaddu wujūhun fa ammal-ladhīnaswaddat wujūhuhum akafartum ba'da īmānikum fadhūqul-'adhāba bimā kuntum takfurūn

106. Maalinta wajiyo (qaar) ay nuurayaan, wejiyona ay madoobaan; kuwa ay wajiyadoodu madoobaadaan (waxaa lagu odhan): Ma waxaad gaalowdeen Iimaankiinnii kaddib? Ee dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darteed.

وَأَمَّا ٱلَّذِينَ ٱبۡيَضَّتۡ وُجُوهُهُمۡ فَفِي رَحۡمَةِ ٱللَّهِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ١٠٧

Wa ammal-ladhīnabyaddat wujūhuhum fafī rahmatillāhi hum fīhā khālidūn

107. Kuwase ay wajiyadoodu nuurayaan, waxay dhex ahaan Naxariista Alle (Jannada) iyagoo ku dhex waari weligood.

تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱللَّهِ نَتۡلُوهَا عَلَيۡكَ بِٱلۡحَقِّۗ وَمَا ٱللَّهُ يُرِيدُ ظُلۡمٗا لِّلۡعَٰلَمِينَ ١٠٨

Tilka āyātullāhi natlūhā 'alayka bil-haqqi wamallāhu yurīdu zulmal lil-'ālamīn

108. Kuwani waa Aayadaha Alle ee aan kuugu akhrinno (Nabi Muxammadow) xaq, Allena lama doono wax dulmi ah uumanka.

وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ ١٠٩

Walillāhi mā fis-samāwāti wamā fil-ardi wa ilallāhi turja'ul-umūr

109. Alle baana leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. xagga Allayna umuurahoo dhan u noqdaan.

كُنتُمۡ خَيۡرَ أُمَّةٍ أُخۡرِجَتۡ لِلنَّاسِ تَأۡمُرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَتَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَتُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِۗ وَلَوۡ ءَامَنَ أَهۡلُ ٱلۡكِتَٰبِ لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۚ مِّنۡهُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ وَأَكۡثَرُهُمُ ٱلۡفَٰسِقُونَ ١١٠

Kuntum khayra ummatin ukhrijat lin-nāsi ta'murūna bil-ma'rūfi watanhawna 'anil-munkari watu'minūna billāhi walaw āmana ahlul-kitābi lakāna khayral lahum minhumul-mu'minūna wa aktharuhumul-fāsiqūn

110. Waxaad tihiin (Muslimiintoy) tan u khayr badan ummadaha ee loo soo saaray dadka; Waxaad amartaan samaha, reebtaanna xumaha, oo rumeysan tihiin Alle. Haddayna ehlul Kitaabku rumeyn lahaayeen (Islaamka), waxay u ahaan laheyd wax u khayr badan iyaga; waxaa ka mid ah qaar mu'miniin ah (oo islaamay), badankooduse waa caasiyaal.

لَن يَضُرُّوكُمۡ إِلَّآ أَذٗىۖ وَإِن يُقَٰتِلُوكُمۡ يُوَلُّوكُمُ ٱلۡأَدۡبَارَ ثُمَّ لَا يُنصَرُونَ ١١١

Lan yadurrūkum illā adhan wa in yuqātilūkum yuwallūkumul-adbāra thumma lā yunsarūn

111. Idiinma geysan karaan waxyeello, dhib yar maahee; oo hadday idin la dagaalla- maan dhabarkay idiin jeedin, loona gargaari maayo.

ضُرِبَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلذِّلَّةُ أَيۡنَ مَا ثُقِفُوٓاْ إِلَّا بِحَبۡلٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَحَبۡلٖ مِّنَ ٱلنَّاسِ وَبَآءُو بِغَضَبٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَضُرِبَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلۡمَسۡكَنَةُۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ كَانُواْ يَكۡفُرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَيَقۡتُلُونَ ٱلۡأَنۢبِيَآءَ بِغَيۡرِ حَقّٖۚ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَواْ وَّكَانُواْ يَعۡتَدُونَ ١١٢

Duribat 'alayhimudh-dhillatu ayna mā thuqifū illā bihablim minallāhi wahablim minan-nāsi wabā'ū bighadabim minallāhi waduribat 'alayhimul-maskanatu dhālika bi annahum kānū yakfurūna bi'āyātillāhi wayaqtulūnal-ambiyā'a bighayri haqqin dhālika bimā 'asaw wwakānū ya'tadūn

112. Dulli baa la raacshay dushooda meel kastoo laga helo (marka ma leh awood iyo magan gelyo), waxaan aheyn markay ku hoos jiraan axdi (magan) xagga Alle ah (iyagoo bixin jizyo), ama axdi (magan) xagga dadka ah, waxayna la noqdaan Cadho xag Alle ah, oo dar xumo baa la saaraay korkooda. Arrinkani waxaa ugu wacan inay diidaan Aayadaha Alle oo ku dilayeen Nabiyadii xaq darro. Arrinkani waxaa ugu wacan inay (Alle ku) caasiyaan oo xadgudbaan.

۞ لَيۡسُواْ سَوَآءٗۗ مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ أُمَّةٞ قَآئِمَةٞ يَتۡلُونَ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ ءَانَآءَ ٱلَّيۡلِ وَهُمۡ يَسۡجُدُونَ ١١٣

Laysū sawā'am min ahlil-kitābi ummatun qā'imatun yatlūna āyātillāhi ānā'al-layli wahum yasjudūn

113. Ma aha isku wada mid; waxaa ka mid ah ehlul Kitaabka koox toosan 19; waxay akhriyaan Aayadaha Alle waqtiyada habeenka oo sujuudaan.

يُؤۡمِنُونَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَيَأۡمُرُونَ بِٱلۡمَعۡرُوفِ وَيَنۡهَوۡنَ عَنِ ٱلۡمُنكَرِ وَيُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡخَيۡرَٰتِۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ ١١٤

Yu'minūna billāhi wal-yawmil-ākhiri waya'murūna bil-ma'rūfi wayanhawna 'anil-munkari wayusāri'ūna fil-khayrāti wa ulā'ika minas-sālihīn

114. Waxay rumeysan yihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro; waxayna amraan samaha oo reebaan xumaha 20; oo iskula tartamaan u degdegidda camallada khayrka, kuwaa waxay ka mid yihiin kuwa wanaagsan.

وَمَا يَفۡعَلُواْ مِنۡ خَيۡرٖ فَلَن يُكۡفَرُوهُۗ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِٱلۡمُتَّقِينَ ١١٥

Wamā yaf'alū min khayrin falan yukfarūhu wallāhu 'alīmu bil-muttaqīn

115. Waxay falaan oo khayr ahna lagama dayrin doono abaalkooda; Alle wuu Og yahay kuwa ka cabsada ee iska jira (xumaha).

إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَن تُغۡنِيَ عَنۡهُمۡ أَمۡوَٰلُهُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُهُم مِّنَ ٱللَّهِ شَيۡـٔٗاۖ وَأُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ ١١٦

Innal-ladhīna kafarū lan tughniya 'anhum amwāluhum walā awlāduhum minallāhi shay'an wa ulā'ika ashābun-nāri hum fīhā khālidūn

116. Hubaal, kuwa gaalooba wax ugama taraan maalkooda iyo awlaaddoodu midna xagga Alle. Waana kuwaa ehlu Naarka, iyagoo ku dhex waari weligood.

مَثَلُ مَا يُنفِقُونَ فِي هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا كَمَثَلِ رِيحٖ فِيهَا صِرٌّ أَصَابَتۡ حَرۡثَ قَوۡمٖ ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَأَهۡلَكَتۡهُۚ وَمَا ظَلَمَهُمُ ٱللَّهُ وَلَٰكِنۡ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ ١١٧

Mathalu mā yunfiqūna fī hādhihil-hayawātid-dunyā kamathali rīhin fīhā sirrun asābat hartha qawmin zalamū anfusahum fa ahlakathu wamā zalamahumullāhu walākin anfusahum yazlimūn

117. Mataalka waxay ku bixiyaan nolosha adduunkan waa sida dabeyl aad u qabow oo ku dhacda abuurka beer qolo gef u geystay nafahooda, oo baabbi’isa. Alle ma uusan dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyey.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ بِطَانَةٗ مِّن دُونِكُمۡ لَا يَأۡلُونَكُمۡ خَبَالٗا وَدُّواْ مَا عَنِتُّمۡ قَدۡ بَدَتِ ٱلۡبَغۡضَآءُ مِنۡ أَفۡوَٰهِهِمۡ وَمَا تُخۡفِي صُدُورُهُمۡ أَكۡبَرُۚ قَدۡ بَيَّنَّا لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِۖ إِن كُنتُمۡ تَعۡقِلُونَ ١١٨

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā tattakhidhū bitānatam min dūnikum lā ya'lūnakum khabālan waddū mā 'anittum qad badatil-baghdā'u min afwāhihim wamā tukhfī sudūruhum akbaru qad bayyannā lakumul-āyāti in kuntum ta'qilūn

118. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka dhigannina saaxiibbo hoose (sokeeyayaal, idinkoo la wadaagaya sirahiinna) kuwo kale aan idinka idin ka mid ahayn (Yuhuudda, Nasaarada iyo munaafiqiinta), oo aan ka gaabinayn inay dhibaato idiin geystaan. Waxay jecel yihiin waxa idin dhiba. Necbaan cad waxay horayba uga soo muuq baxday afafkooda, waxay laabahoodu qarsadaan baana weliba ka sii daran. Waxaan idiin caddeynay Aayadaha haddaad fahmeysaan.

هَٰٓأَنتُمۡ أُوْلَآءِ تُحِبُّونَهُمۡ وَلَا يُحِبُّونَكُمۡ وَتُؤۡمِنُونَ بِٱلۡكِتَٰبِ كُلِّهِۦ وَإِذَا لَقُوكُمۡ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَوۡاْ عَضُّواْ عَلَيۡكُمُ ٱلۡأَنَامِلَ مِنَ ٱلۡغَيۡظِۚ قُلۡ مُوتُواْ بِغَيۡظِكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ ١١٩

Hā'antum ulā'i tuhibbūnahum walā yuhibbūnakum watu'minūna bil-kitābi kullihī wa idhā laqūkum qālū āmannā wa idhā khalaw 'addū 'alaykumul-anāmila minal-ghayzi qul mūtū bighayzikum innallāha 'alīmu bidhātis-sudūr

119. Eeg! Idinka baa jeclaada iyaga (qaraabo iyo deris ahaan darteed iyo muujintooda saaxiibtinnimo dusha ah xaggiinna), halkay iyagu idin jecleyn (oo idinku colaadiyaan diintiinna darteed), waxaadna rumeysan tihiin Kutubta Alle oo dhan (Towraadda, Injiilka, halkay ku gaaloobaan Qur’aanka). Markay idinla kulmaanna waxay yidhaahdaan: Waanu rumeysannahay. Markase ay yihiin keligood, waxay qaniinaan foodaha farahooda ciil ay idiin qabaan awgii. Dheh: U dhinta ciilkiinna. Hubaal, Alle waa Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka).

إِن تَمۡسَسۡكُمۡ حَسَنَةٞ تَسُؤۡهُمۡ وَإِن تُصِبۡكُمۡ سَيِّئَةٞ يَفۡرَحُواْ بِهَاۖ وَإِن تَصۡبِرُواْ وَتَتَّقُواْ لَا يَضُرُّكُمۡ كَيۡدُهُمۡ شَيۡـًٔاۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِمَا يَعۡمَلُونَ مُحِيطٞ ١٢٠

In tamsaskum hasanatun tasu'hum wa in tusibkum sayyi'atun yafrahū bihā wa in tasbirū watattaqū lā yadurrukum kayduhum shay'an innallāha bimā ya'malūna muhīt

120. Hadday idin haleesho samo, waa ay murugo gelisaa (munaafiqiinta), hadday idinku dhacdona xumaani way ku farxaan. Haddiise aad samir yeelataan oo aad iska jirtaan (dhagartooda, Allena u hoggaansan tihiin, iskana ilaalisaan xumaha), tabtooda wax dhib ah haba yaraatee idiin ma geysan doonto. hubaal Alle wuu koobaa waxay fali.

وَإِذۡ غَدَوۡتَ مِنۡ أَهۡلِكَ تُبَوِّئُ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ مَقَٰعِدَ لِلۡقِتَالِۗ وَٱللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ١٢١

Wa idh ghadawta min ahlika tubawwi'ul-mu'minīna maqā'ida lil-qitāli wallāhu samī'un 'alīm

121. (Xusuuso) markaad (Nabiyow) ka kallahday ehelkaaga si aad u dejiso mu’miniinta fariisimo si ay u dagaal galaan 21. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.

إِذۡ هَمَّت طَّآئِفَتَانِ مِنكُمۡ أَن تَفۡشَلَا وَٱللَّهُ وَلِيُّهُمَاۗ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ١٢٢

Idh hammat tā'ifatāni minkum an tafshalā wallāhu waliyyuhumā wa'alallāhi falyatawakkalil-mu'minūn

122. Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan 22, Alle baana ahaa Gargaarahooda. Ee Alle uun ha isku halleeyeen oo tala saarteen mu’miniintu.

وَلَقَدۡ نَصَرَكُمُ ٱللَّهُ بِبَدۡرٖ وَأَنتُمۡ أَذِلَّةٞۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ ١٢٣

Walaqad nasarakumullāhu bibadrin wa antum adhillatun fattaqullāha la'allakum tashkurūn

123. Wuxuu Alle idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee Alle ka cabsada, si aad u mahdisaan.

إِذۡ تَقُولُ لِلۡمُؤۡمِنِينَ أَلَن يَكۡفِيَكُمۡ أَن يُمِدَّكُمۡ رَبُّكُم بِثَلَٰثَةِ ءَالَٰفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ مُنزَلِينَ ١٢٤

Idh taqūlu lil-mu'minīna alan yakfiyakum an yumiddakum rabbukum bithalāthati ālāfim minal-malā'ikati munzalīn

124. (Xusuuso) markaad ku lahayd mu’miniinta: Miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo soo degi?

بَلَىٰٓۚ إِن تَصۡبِرُواْ وَتَتَّقُواْ وَيَأۡتُوكُم مِّن فَوۡرِهِمۡ هَٰذَا يُمۡدِدۡكُمۡ رَبُّكُم بِخَمۡسَةِ ءَالَٰفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ مُسَوِّمِينَ ١٢٥

Balā in tasbirū watattaqū waya'tūkum min fawrihim hādhā yumdidkum rabbukum bikhamsati ālāfim minal-malā'ikati musawwimīn

125. Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan (gaalada) iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri shan kun oo malaa’ig ah oo calaamadeysan.

وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشۡرَىٰ لَكُمۡ وَلِتَطۡمَئِنَّ قُلُوبُكُم بِهِۦۗ وَمَا ٱلنَّصۡرُ إِلَّا مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَكِيمِ ١٢٦

Wamā ja'alahullāhu illā bushrā lakum walitatma'inna qulūbukum bihī waman-nasru illā min 'indillāhil-'azīzil-hakīm

126. Uma yeelinna Alle (arrinkaas) waxaan ahayn bishaaro la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Guusha kama timaaddo waxaan aheyn xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.

لِيَقۡطَعَ طَرَفٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَوۡ يَكۡبِتَهُمۡ فَيَنقَلِبُواْ خَآئِبِينَ ١٢٧

Liyaqta'a tarafam minal-ladhīna kafarū aw yakbitahum fayanqalibū khā'ibīn

127. Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah 23.

لَيۡسَ لَكَ مِنَ ٱلۡأَمۡرِ شَيۡءٌ أَوۡ يَتُوبَ عَلَيۡهِمۡ أَوۡ يُعَذِّبَهُمۡ فَإِنَّهُمۡ ظَٰلِمُونَ ١٢٨

Laysa laka minal-amri shay'un aw yatūba 'alayhim aw yu'addhibahum fa innahum zālimūn

128.Waxba amarka kuma lihid 'Nabiyow' 24, ama wuu ka tawbad aqbali ama wuu ciqaabi, hubaal iyagu waa daalimiin.

وَلِلَّهِ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ يَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ غَفُورٞ رَّحِيمٞ ١٢٩

Walillāhi mā fis-samāwāti wamā fil-ardi yaghfiru liman yashā'u wayu'addhibu man yashā'u wallāhu ghafūrur rahīm

129. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَأۡكُلُواْ ٱلرِّبَوٰٓاْ أَضۡعَٰفٗا مُّضَٰعَفَةٗۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ ١٣٠

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā ta'kulur-ribawā ad'āfam mudā'afatan wattaqullāha la'allakum tuflihūn

130. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii labo laabay, Allena ka cabsada aad liibaantaane.

وَٱتَّقُواْ ٱلنَّارَ ٱلَّتِيٓ أُعِدَّتۡ لِلۡكَٰفِرِينَ ١٣١

Wattaqun-nāral-latī u'iddat lil-kāfirīn

131. Iska jira Naarta loo diyaariyey gaalada.

وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ ١٣٢

Wa atī'ullāha war-rasūla la'allakum turhamūn

132. Adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad) si la idiinku naxariisto.

۞ وَسَارِعُوٓاْ إِلَىٰ مَغۡفِرَةٖ مِّن رَّبِّكُمۡ وَجَنَّةٍ عَرۡضُهَا ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلۡأَرۡضُ أُعِدَّتۡ لِلۡمُتَّقِينَ ١٣٣

Wasāri'ū ilā maghfiratim mir rabbikum wajannatin 'arduhas-samāwātu wal-ardu u'iddat lil-muttaqīn

133. U degdega denbi dhaaf xagga Rabbigiin ah iyo Beer (Janno) ballaceedu le'eg yahay samooyinka iyo arlada, loo diyaariyey kuwa 'ka' dhowrsada 'xumaha'.

ٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ فِي ٱلسَّرَّآءِ وَٱلضَّرَّآءِ وَٱلۡكَٰظِمِينَ ٱلۡغَيۡظَ وَٱلۡعَافِينَ عَنِ ٱلنَّاسِۗ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلۡمُحۡسِنِينَ ١٣٤

Alladhīna yunfiqūna fis-sarrā'i wad-darrā'i wal-kāzimīnal-ghayza wal-'āfīna 'anin-nāsi wallāhu yuhibbul-muhsinīn

134. Ee ah kuwa wax bixiya waqtiga ladnaanta iyo lurnaanta, iyo kuwa liqa cadhadooda, oo iska cafiya dadka. Alle wuu jecel yahay sama falayaasha.

وَٱلَّذِينَ إِذَا فَعَلُواْ فَٰحِشَةً أَوۡ ظَلَمُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ ذَكَرُواْ ٱللَّهَ فَٱسۡتَغۡفَرُواْ لِذُنُوبِهِمۡ وَمَن يَغۡفِرُ ٱلذُّنُوبَ إِلَّا ٱللَّهُ وَلَمۡ يُصِرُّواْ عَلَىٰ مَا فَعَلُواْ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ ١٣٥

Walladhīna idhā fa'alū fāhishatan aw zalamū anfusahum dhakarullāha fastaghfarū lidhunūbihim waman yaghfirudh-dhunūba illallāhu walam yusirrū 'alā mā fa'alū wahum ya'lamūn

135. Kuwa markay falaan xumaan ama dulmiyaan nafahooda 25, xusuusta Alle, weydiistana in laga dhaafo denbiyadooda; yaa dhaafa denbiyada aan Alle aheyn, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxay faleen (oo denbi ah).

أُوْلَٰٓئِكَ جَزَآؤُهُم مَّغۡفِرَةٞ مِّن رَّبِّهِمۡ وَجَنَّٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَنِعۡمَ أَجۡرُ ٱلۡعَٰمِلِينَ ١٣٦

Ulā'ika jazā'uhum maghfiratum mir rabbihim wajannātun tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā wani'ma ajrul-'āmilīn

136. Kuwaa abaalgudkoodu waa denbi dhaaf xagga Rabbigood ah, iyo beero (Jannooyin) ay hoostoodu qulqulaan webiyo oo ay ku dhex waarayaan weligood, wanaagsanaa abaalka kuwa camal san fasha.

قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِكُمۡ سُنَنٞ فَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَٱنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُكَذِّبِينَ ١٣٧

Qad khalat min qablikum sunanun fasīrū fil-ardi fanzurū kayfa kāna 'āqibatul-mukaddhibīn

137. Waxaa jiray tusaalooyin idinka hortiin, ee mara dhulka oo fiirsha siday ku dambeysey cidhibta kuwa (Xaqa) beeniyay.

هَٰذَا بَيَانٞ لِّلنَّاسِ وَهُدٗى وَمَوۡعِظَةٞ لِّلۡمُتَّقِينَ ١٣٨

Hādhā bayānul lin-nāsi wahudan wamaw'izatul lil-muttaqīn

138. Kanu (Qur’aanku) waa hadal u cad dadka, waana u hanuun iyo waano kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha).

وَلَا تَهِنُواْ وَلَا تَحۡزَنُواْ وَأَنتُمُ ٱلۡأَعۡلَوۡنَ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ ١٣٩

Walā tahinū walā tahzanū wa antumul-a'lawna in kuntum mu'minīn

139. Ha tabar yaraannina, hana murugoonnina, idinkaa sarreyn, haddaad tihiin mu’miniin.

إِن يَمۡسَسۡكُمۡ قَرۡحٞ فَقَدۡ مَسَّ ٱلۡقَوۡمَ قَرۡحٞ مِّثۡلُهُۥۚ وَتِلۡكَ ٱلۡأَيَّامُ نُدَاوِلُهَا بَيۡنَ ٱلنَّاسِ وَلِيَعۡلَمَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَيَتَّخِذَ مِنكُمۡ شُهَدَآءَۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ ٱلظَّٰلِمِينَ ١٤٠

In yamsaskum qarhun faqad massal-qawma qarhum mithluhū watilkal-ayyāmu nudāwiluhā baynan-nāsi waliya'lamallāhul-ladhīna āmanū wayattakhidha minkum shuhadā'a wallāhu lā yuhibbuz-zālimīn

140. Hadduu idinku soo gaaray dhaawac (Uxud), waxaa soo gaaray dhaawac la mid ah qoloda (gaalada) ah; waxaana ugu keennaa maalmaha dadka dhexdood si moogaaleysi ah, si uu Alle u muujiyo kuwa rumeysan, idiinkana sameysto shuhado. Alle ma jecla daalimiinta (gar diidka).

وَلِيُمَحِّصَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَيَمۡحَقَ ٱلۡكَٰفِرِينَ ١٤١

Waliyumahhisallāhul-ladhīna āmanū wayamhaqal-kāfirīn

141. Waa si uu Alle u daahiriyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo u baabbi’iyo gaalada.

أَمۡ حَسِبۡتُمۡ أَن تَدۡخُلُواْ ٱلۡجَنَّةَ وَلَمَّا يَعۡلَمِ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ جَٰهَدُواْ مِنكُمۡ وَيَعۡلَمَ ٱلصَّٰبِرِينَ ١٤٢

Am hasibtum an tadkhulul-jannata walammā ya'lamillāhul-ladhīna jāhadū minkum waya'lamas-sābirīn

142. Mise waxaad mooddaan inaad gali jannada isagoon Alle muujin kuwiinna jihaada 26 oo idinka mid ah, oo (sidoo kale) muujin samrayaasha?

وَلَقَدۡ كُنتُمۡ تَمَنَّوۡنَ ٱلۡمَوۡتَ مِن قَبۡلِ أَن تَلۡقَوۡهُ فَقَدۡ رَأَيۡتُمُوهُ وَأَنتُمۡ تَنظُرُونَ ١٤٣

Walaqad kuntum tamannawnal-mawta min qabli an talqawhu faqad ra'aytumūhu wa antum tanzurūn

143. Waxaadna jecleydeen dhimashada (shaiidnimo) ka hor intaydaan la kulmin. waadna aragteen 'geerida' idinkoo eegaya.

وَمَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٞ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِ ٱلرُّسُلُۚ أَفَإِيْن مَّاتَ أَوۡ قُتِلَ ٱنقَلَبۡتُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡۚ وَمَن يَنقَلِبۡ عَلَىٰ عَقِبَيۡهِ فَلَن يَضُرَّ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗاۚ وَسَيَجۡزِي ٱللَّهُ ٱلشَّٰكِرِينَ ١٤٤

Wamā muhammadun illā rasūlun qad khalat min qablihir-rusulu afa'im māta aw qutilanqalabtum 'alā a'qābikum waman yanqalib 'alā 'aqibayhi falan yadurrallāha shay'an wasayajzillāhush-shākirīn

144. Muxammad ma aha waxaan ahayn Rasuul (Alle), Waxaa tagay hortiis Rusul (badan). Ee hadduu dhinto 27 ama la dilo ma waxaad dib ugu gaddooomi lahaydeen cirbihiinna? Qofkii dib ugu gaddooma cirbihiisa, waxba uma dhimayo Alle. Alle waa u abaal gudi kuwa mahdiya.

وَمَا كَانَ لِنَفۡسٍ أَن تَمُوتَ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِ كِتَٰبٗا مُّؤَجَّلٗاۗ وَمَن يُرِدۡ ثَوَابَ ٱلدُّنۡيَا نُؤۡتِهِۦ مِنۡهَا وَمَن يُرِدۡ ثَوَابَ ٱلۡأٓخِرَةِ نُؤۡتِهِۦ مِنۡهَاۚ وَسَنَجۡزِي ٱلشَّٰكِرِينَ ١٤٥

Wamā kāna linafsin an tamūta illā bi idhnillāhi kitābam mu'ajjalan waman yurid thawābad-dunyā nu'tihī minhā waman yurid thawābal-ākhirati nu'tihī minhā wasanajzish-shākirīn

145. Nafna ma dhimato Idanka Alle ma`ahee waqtiga waa la gooyey. Qofkii raba abaalka adduunyadan, wax baan ka siin, qofkii rabana abaalka Aakhirada, wax baan ka siin. Waanu u abaal gudi kuwa (Alle) mahdiya (af, uur, iyo addinba).

وَكَأَيِّن مِّن نَّبِيّٖ قَٰتَلَ مَعَهُۥ رِبِّيُّونَ كَثِيرٞ فَمَا وَهَنُواْ لِمَآ أَصَابَهُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَمَا ضَعُفُواْ وَمَا ٱسۡتَكَانُواْۗ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلصَّٰبِرِينَ ١٤٦

Waka'ayyim min nabiyyin qātala ma'ahū ribbiyyūna kathīrun famā wahanū limā asābahum fī sabīlillāhi wamā da'ufū wamastakānū wallāhu yuhibbus-sābirīn

146. Badanaa inta Nabi oo ay la jireen Rabbi yaqaanno dagaallami oo tiro badan. Marnaba kuma ay qalbi jabin waxa ku soo gaaray jidka Alle, kumana ay jilcin, ismana ay liidin. Alle wuu jecel yahay kuwa samra.

وَمَا كَانَ قَوۡلَهُمۡ إِلَّآ أَن قَالُواْ رَبَّنَا ٱغۡفِرۡ لَنَا ذُنُوبَنَا وَإِسۡرَافَنَا فِيٓ أَمۡرِنَا وَثَبِّتۡ أَقۡدَامَنَا وَٱنصُرۡنَا عَلَى ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡكَٰفِرِينَ ١٤٧

Wamā kāna qawlahum illā an qālū rabbanaghfir lanā dhunūbanā wa isrāfanā fī amrinā wathabbit aqdāmanā wansurnā 'alal-qawmil-kāfirīn

147. Ma ahayn qowlkoodu waxaan aheyn inay yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo dhaaf denbiyadayada, iyo ku xadgudubka arrinkayaga, noo sugna cagahayaga, noogana gargaar qoloda gaalada ah.

فَـَٔاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ ثَوَابَ ٱلدُّنۡيَا وَحُسۡنَ ثَوَابِ ٱلۡأٓخِرَةِۗ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلۡمُحۡسِنِينَ ١٤٨

Fa'ātāhumullāhu thawābad-dunyā wahusna thawābil-ākhirati wallāhu yuhibbul-muhsinīn

148. Markaasuu Alle siiyey abaalka Adduunyadan iyo abaalka wanaagsan ee Akhirada (Janno). Alle wuu jecel yahay sama falayaasha.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تُطِيعُواْ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يَرُدُّوكُمۡ عَلَىٰٓ أَعۡقَٰبِكُمۡ فَتَنقَلِبُواْ خَٰسِرِينَ ١٤٩

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū in tutī'ul-ladhīna kafarū yaruddūkum 'alā a'qābikum fatanqalibū khāsirīn

149. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan gaalada, waxay dib idiinku celin cirbihiinna, markaas waxaad soo guddoomi idinkoo khasaaro ku sugan 28.

بَلِ ٱللَّهُ مَوۡلَىٰكُمۡۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلنَّٰصِرِينَ ١٥٠

Balillāhu mawlākum wahuwa khayrun-nāsirīn

150. Mayee! Alle baa ah Gargaarihiin, Isagaana u wanaagsan gargaarayaasha.

سَنُلۡقِي فِي قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلرُّعۡبَ بِمَآ أَشۡرَكُواْ بِٱللَّهِ مَا لَمۡ يُنَزِّلۡ بِهِۦ سُلۡطَٰنٗاۖ وَمَأۡوَىٰهُمُ ٱلنَّارُۖ وَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلظَّٰلِمِينَ ١٥١

Sanulqī fī qulūbil-ladhīna kafarur-ru'ba bimā ashrakū billāhi mā lam yunazzil bihī sultānan wama'wāhumun-nāru wabi'sa mathwaz-zālimīn

151. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaalooba, sababta la wadaajintooda Alle waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; hoygooduna waa Naar. Xumaa hoyga daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

وَلَقَدۡ صَدَقَكُمُ ٱللَّهُ وَعۡدَهُۥٓ إِذۡ تَحُسُّونَهُم بِإِذۡنِهِۦۖ حَتَّىٰٓ إِذَا فَشِلۡتُمۡ وَتَنَٰزَعۡتُمۡ فِي ٱلۡأَمۡرِ وَعَصَيۡتُم مِّنۢ بَعۡدِ مَآ أَرَىٰكُم مَّا تُحِبُّونَۚ مِنكُم مَّن يُرِيدُ ٱلدُّنۡيَا وَمِنكُم مَّن يُرِيدُ ٱلۡأٓخِرَةَۚ ثُمَّ صَرَفَكُمۡ عَنۡهُمۡ لِيَبۡتَلِيَكُمۡۖ وَلَقَدۡ عَفَا عَنكُمۡۗ وَٱللَّهُ ذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٥٢

Walaqad sadaqakumullāhu wa'dahū idh tahussūnahum bi idhnihī hattā idhā fashiltum watanāza'tum fil-amri wa'asaytum mim ba'di mā arākum mā tuhibbūna minkum man yurīdud-dunyā waminkum man yurīdul-ākhirata thumma sarafakum 'anhum liyabtaliyakum walaqad 'afā 'ankum wallāhu dhū fadlin 'alal-mu'minīn

152. Dhabtii Alle wuu idiin oofiyey Ballankiisii, markaad ku leyseen (cadowgiinna) Idankiisa, ilaa markaad qalbi jabteen oo aad isku qabsateen arrinka, oo aad caasideen 29 kaddib markuu idin tusiyey waxaad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ahaa qaar rabay adduunyadan, waxaana idinka mid ahaa qaar rabay Aakhirada. Markaasuu idinka jeediyey xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Dhabtiina wuu idiin cafiyey. Alle wuu u Roon yahay mu`miniinta.

۞ إِذۡ تُصۡعِدُونَ وَلَا تَلۡوُۥنَ عَلَىٰٓ أَحَدٖ وَٱلرَّسُولُ يَدۡعُوكُمۡ فِيٓ أُخۡرَىٰكُمۡ فَأَثَٰبَكُمۡ غَمَّۢا بِغَمّٖ لِّكَيۡلَا تَحۡزَنُواْ عَلَىٰ مَا فَاتَكُمۡ وَلَا مَآ أَصَٰبَكُمۡۗ وَٱللَّهُ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ ١٥٣

Idh tus'idūna walā talwūna 'alā ahadin war-rasūlu yad'ūkum fī ukhrākum fa athābakum ghammā bighammil likaylā tahzanū 'alā mā fātakum walā mā asābakum wallāhu khabīru bimā ta'malūn

153. Markaad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, Rasuulkuna uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna 30, markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna 31, si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

ثُمَّ أَنزَلَ عَلَيۡكُم مِّنۢ بَعۡدِ ٱلۡغَمِّ أَمَنَةٗ نُّعَاسٗا يَغۡشَىٰ طَآئِفَةٗ مِّنكُمۡۖ وَطَآئِفَةٞ قَدۡ أَهَمَّتۡهُمۡ أَنفُسُهُمۡ يَظُنُّونَ بِٱللَّهِ غَيۡرَ ٱلۡحَقِّ ظَنَّ ٱلۡجَٰهِلِيَّةِۖ يَقُولُونَ هَل لَّنَا مِنَ ٱلۡأَمۡرِ مِن شَيۡءٖۗ قُلۡ إِنَّ ٱلۡأَمۡرَ كُلَّهُۥ لِلَّهِۗ يُخۡفُونَ فِيٓ أَنفُسِهِم مَّا لَا يُبۡدُونَ لَكَۖ يَقُولُونَ لَوۡ كَانَ لَنَا مِنَ ٱلۡأَمۡرِ شَيۡءٞ مَّا قُتِلۡنَا هَٰهُنَاۗ قُل لَّوۡ كُنتُمۡ فِي بُيُوتِكُمۡ لَبَرَزَ ٱلَّذِينَ كُتِبَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقَتۡلُ إِلَىٰ مَضَاجِعِهِمۡۖ وَلِيَبۡتَلِيَ ٱللَّهُ مَا فِي صُدُورِكُمۡ وَلِيُمَحِّصَ مَا فِي قُلُوبِكُمۡۚ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ ١٥٤

Thumma anzala 'alaykum mim ba'dil-ghammi amanatan nu'āsan yaghshā tā'ifatam minkum watā'ifatun qad ahammathum anfusuhum yazunnūna billāhi ghayral-haqqi zannal-jāhiliyyati yaqūlūna hal lanā minal-amri min shay'in qul innal-amra kullahū lillāhi yukhfūna fī anfusihim mā lā yubdūna laka yaqūlūna law kāna lanā minal-amri shay'um mā qutilnā hāhunā qul law kuntum fī buyūtikum labarazal-ladhīna kutiba 'alayhimul-qatlu ilā madāji'ihim waliyabtaliyallāhu mā fī sudūrikum waliyumahhisa mā fī qulūbikum wallāhu 'alīmu bidhātis-sudūr

154. Markaas cidhiidhigaa kaddib wuxuu idinku soo dejiyey nabdooni, lulmo qabaneysa koox idinka mid ah 32, halka koox kale ay nafahooda walaaciyeen 33, waxay ku maleeyeen Alle male xun aan xaq ahayn malihii jaahiliyadda ah. Waxay lahaayeen: Ma aynu ku lihin wax talo ah arrinka. Dheh: Arrin oo dhan waxay ku jiraan (Gacmaha) Alle. Waxay ku qarsadaan nafahooda wax aysan kuu muujinayn 34, iyagoo leh: Haddaan wax talo ah ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkan 35. Dheh: Xitaa haddaad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dilka loo qoray waxay shaki li`i u soo bixi lahaayeen halka lagu dili lahaa, waana si uu Alle u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u daahiriyo waxa ku jira quluubtiinna. Alle wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha.

إِنَّ ٱلَّذِينَ تَوَلَّوۡاْ مِنكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡتَقَى ٱلۡجَمۡعَانِ إِنَّمَا ٱسۡتَزَلَّهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ بِبَعۡضِ مَا كَسَبُواْۖ وَلَقَدۡ عَفَا ٱللَّهُ عَنۡهُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ حَلِيمٞ ١٥٥

Innal-ladhīna tawallaw minkum yawmal-taqal-jam'āni innamastazallahumush-shaytānu biba'di mā kasabū walaqad 'afallāhu 'anhum innallāha ghafūrun halīm

155. Xaqiiq, kuwii idinka midka ahaa ee dhabarka jeediyey maalintii labada col is-heleen (dagaalkii Uxud), Shaydaan uun baa doonay inuu sababo inay simbiriirixdaan waxoogay (denbi) ah oo ay kasbadeen awgeed. Allese wuu cafiyey. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَكُونُواْ كَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَقَالُواْ لِإِخۡوَٰنِهِمۡ إِذَا ضَرَبُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ أَوۡ كَانُواْ غُزّٗى لَّوۡ كَانُواْ عِندَنَا مَا مَاتُواْ وَمَا قُتِلُواْ لِيَجۡعَلَ ٱللَّهُ ذَٰلِكَ حَسۡرَةٗ فِي قُلُوبِهِمۡۗ وَٱللَّهُ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ ١٥٦

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā takūnū kalladhīna kafarū waqālū li ikhwānihim idhā darabū fil-ardi aw kānū ghuzzal law kānū 'indanā mā mātū wamā qutilū liyaj'alallāhu dhālika hasratan fī qulūbihim wallāhu yuhyī wayumītu wallāhu bimā ta'malūna basīr

156. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwa gaalada ah, oo ka yidhaahda walaalahood markay ku socdaalaan dhulka ama duullaan qaadaan: Hadday nala joogi lahaayeen ma dhiman lahayn lamana dili lahayn, waa si uu Alle uga dhigo tani arrin u keenta qoomamo daran quluubtooda. Alle baana bixiya nolol oo sababa dhimasho. Alle wuu arkaa waxaad fashaan.

وَلَئِن قُتِلۡتُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ أَوۡ مُتُّمۡ لَمَغۡفِرَةٞ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَحۡمَةٌ خَيۡرٞ مِّمَّا يَجۡمَعُونَ ١٥٧

Wala'in qutiltum fī sabīlillāhi aw muttum lamaghfiratum minallāhi warahmatun khayrum mimmā yajma'ūn

157. Haddii la idinku dilona Jidka Alle ama aad dhimataan, Denbi dhaaf xagga Alle ah iyo Naxariis baa ka khayr badan waxay urursadaan (oo maal adduunyo ah).

وَلَئِن مُّتُّمۡ أَوۡ قُتِلۡتُمۡ لَإِلَى ٱللَّهِ تُحۡشَرُونَ ١٥٨

Wala'im muttum aw qutiltum la ilallāhi tuhsharūn

158. Haddaad dhimataan ama la idin dilo, hubaal Alle Xaggiisaa la idiin soo kulmin.

فَبِمَا رَحۡمَةٖ مِّنَ ٱللَّهِ لِنتَ لَهُمۡۖ وَلَوۡ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ ٱلۡقَلۡبِ لَٱنفَضُّواْ مِنۡ حَوۡلِكَۖ فَٱعۡفُ عَنۡهُمۡ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لَهُمۡ وَشَاوِرۡهُمۡ فِي ٱلۡأَمۡرِۖ فَإِذَا عَزَمۡتَ فَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُتَوَكِّلِينَ ١٥٩

Fabimā rahmatim minallāhi linta lahum walaw kunta fazzan ghalīzal-qalbi lanfaddū min hawlika fa'fu 'anhum wastaghfir lahum washāwirhum fil-amri fa idhā 'azamta fatawakkal 'alallāhi innallāha yuhibbul-mutawakkilīn

159. Sidaas waa Naxariista Alle darteed inaad ula dhaqanto si nugul, haddaad ahaan laheydna mid qallafsan, qalbi adag, waxay ka kala yaaci lahaayeen hareerahaa- ga; ee iska cafi oo u denbi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, markaad goosato arrinna isku hallee Alle. Alle wuu jecel yahay kuwa isku halleeya oo tala saarta.

إِن يَنصُرۡكُمُ ٱللَّهُ فَلَا غَالِبَ لَكُمۡۖ وَإِن يَخۡذُلۡكُمۡ فَمَن ذَا ٱلَّذِي يَنصُرُكُم مِّنۢ بَعۡدِهِۦۗ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلۡيَتَوَكَّلِ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ١٦٠

In yansurkumullāhu falā ghāliba lakum wa in yakhdhulkum faman dhal-ladhī yansurukum mim ba'dihī wa'alallāhi falyatawakkalil-mu'minūn

160. Hadduu Alle idiin gargaari, markaa ma jiraan wax idinka adkaan kara; hadduu idinka goostona, waa kuma kan idiin gargaari Isaga ka dambow? Alle uun ha isku halleeyeen mu’miniintu oo ha tala saarteen.

وَمَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَن يَغُلَّۚ وَمَن يَغۡلُلۡ يَأۡتِ بِمَا غَلَّ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ ثُمَّ تُوَفَّىٰ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا كَسَبَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ ١٦١

Wamā kāna linabiyyin an yaghulla waman yaghlul ya'ti bimā ghalla yawmal-qiyāmati thumma tuwaffā kullu nafsim mā kasabat wahum lā yuzlamūn

161. Kama suurowda Nabi inuu wax khiyaano (oo booli qaato), qofkiina wax khiyaana (ama booli qaata ha ahaato mid qof leeyahay ama mid qaran) wuxuu keeni waxa uu khiyaanada ku qaatay Maalinta Qiyaamaha 36. Waxaana naf walba loogu oofin si dhan waxay kasbatay iyagoon la dulmineyn.

أَفَمَنِ ٱتَّبَعَ رِضۡوَٰنَ ٱللَّهِ كَمَنۢ بَآءَ بِسَخَطٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَمَأۡوَىٰهُ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ ١٦٢

Afamanit-taba'a ridwānallāhi kamam bā'a bisakhatim minallāhi wama'wāhu jahannamu wabi'sal-masīr

162. Ma mid raaca Raalli gelinta Alle baa la mid ah kan mutaysta Cadhada Alle, hoygiisuna yahay Jahannama, oo u xun meel la ahaado.

هُمۡ دَرَجَٰتٌ عِندَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ ١٦٣

Hum darajātun 'indallāhi wallāhu basīru bimā ya'malūn

163. Waxaa jira darajooyin (kala duwan) Alle agti. Alle wuu arkaa waxay fali.

لَقَدۡ مَنَّ ٱللَّهُ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ إِذۡ بَعَثَ فِيهِمۡ رَسُولٗا مِّنۡ أَنفُسِهِمۡ يَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِهِۦ وَيُزَكِّيهِمۡ وَيُعَلِّمُهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡحِكۡمَةَ وَإِن كَانُواْ مِن قَبۡلُ لَفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ ١٦٤

Laqad mannallāhu 'alal-mu'minīna idh ba'atha fīhim rasūlam min anfusihim yatlū 'alayhim āyātihī wayuzakkīhim wayu'allimuhumul-kitāba wal-hikmata wa in kānū min qablu lafī dalālim mubīn

164. Alle wuxuu ku manneystay (Nicmo Weyn) mu’miniinta markuu ka soo saaray dhexdooda Rasuul ka mid ah (Nabi Muxammad), u akhriyaya Aayadihiisa, daahirinaya, barayana Kitaabka iyo Xikmadda inkastoo taa ka hor ay ku sugnaayeen habow cad.

أَوَلَمَّآ أَصَٰبَتۡكُم مُّصِيبَةٞ قَدۡ أَصَبۡتُم مِّثۡلَيۡهَا قُلۡتُمۡ أَنَّىٰ هَٰذَاۖ قُلۡ هُوَ مِنۡ عِندِ أَنفُسِكُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ ١٦٥

Awalammā asābatkum musībatun qad asabtum mithlayhā qultum annā hādhā qul huwa min 'indi anfusikum innallāha 'alā kulli shay'in qadīr

165. Ma markay idinku dhacday dhibaato, iyadoo idinkuba aad ku dhigteen (gaalada) labo laabkeed ayaad billowdeen inaad tidhaahdaan: Xaggee buu nooga yimid arrinkani? Dheh: Waa xagga nafahiinna. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.

وَمَآ أَصَٰبَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡتَقَى ٱلۡجَمۡعَانِ فَبِإِذۡنِ ٱللَّهِ وَلِيَعۡلَمَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٦٦

Wamā asābakum yawmal-taqal-jam'āni fabi'idhnillāhi waliya'lamal-mu'minīn

166. Waxa idinku dhacay maalintay labada col isku heleen (Uxud), waa Idanka Alle, iyo inuu muujiyo mu’miniinta.

وَلِيَعۡلَمَ ٱلَّذِينَ نَافَقُواْۚ وَقِيلَ لَهُمۡ تَعَالَوۡاْ قَٰتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ أَوِ ٱدۡفَعُواْۖ قَالُواْ لَوۡ نَعۡلَمُ قِتَالٗا لَّٱتَّبَعۡنَٰكُمۡۗ هُمۡ لِلۡكُفۡرِ يَوۡمَئِذٍ أَقۡرَبُ مِنۡهُمۡ لِلۡإِيمَٰنِۚ يَقُولُونَ بِأَفۡوَٰهِهِم مَّا لَيۡسَ فِي قُلُوبِهِمۡۚ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِمَا يَكۡتُمُونَ ١٦٧

Waliya'lamal-ladhīna nāfaqū waqīla lahum ta'ālaw qātilū fī sabīlillāhi awidfa'ū qālū law na'lamu qitālal lattaba'nākum hum lil-kufri yawma'idhin aqrabu minhum lil-īmāni yaqūlūna bi afwāhihim mā laysa fī qulūbihim wallāhu a'lamu bimā yaktumūn

167. Iyo inuu muujiyo munaafiqiinta oo lagu yidhi: Kaalaya, U dagaallama Arrinka Alle amaba difaaca nafahiinna. Waxay yidhaahdeen: Haddaanu naqaan dagaal, waa idin raaci lahayn. Waxay ahaayeen maalintaas, kuwa uga dhow gaalnimo iimaanka. Waxay ka yidhaahdaan afafkooda waxaan ku jirin quluubtooda. Allena wuu Og yahay waxay qarin.

ٱلَّذِينَ قَالُواْ لِإِخۡوَٰنِهِمۡ وَقَعَدُواْ لَوۡ أَطَاعُونَا مَا قُتِلُواْۗ قُلۡ فَٱدۡرَءُواْ عَنۡ أَنفُسِكُمُ ٱلۡمَوۡتَ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ١٦٨

Alladhīna qālū li ikhwānihim waqa'adū law atā'ūnā mā qutilū qul fadra'ū 'an anfusikumul-mawta in kuntum sādiqīn

168. Kuwa ka yidhi walaalahood iyagoo iyagu dib jiray: Hadday na maqli lahaayeen lama dileen. Dheh: Ka dhawra nafahiinna dhimashada, haddaad run sheegaysaan.

وَلَا تَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ قُتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ أَمۡوَٰتَۢاۚ بَلۡ أَحۡيَآءٌ عِندَ رَبِّهِمۡ يُرۡزَقُونَ ١٦٩

Walā tahsabannal-ladhīna qutilū fī sabīlillāhi amwātā bal ahyā'un 'inda rabbihim yurzaqūn

169. Ha moodina kuwa lagu dilay Arrinka Alle meyti, Mayee, way nool yihiin, oo Rabbigood agtiisa lagu arzaaqaa.

فَرِحِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦ وَيَسۡتَبۡشِرُونَ بِٱلَّذِينَ لَمۡ يَلۡحَقُواْ بِهِم مِّنۡ خَلۡفِهِمۡ أَلَّا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ ١٧٠

Farihīna bimā ātāhumullāhu min fadlihī wayastabshirūna billadhīna lam yalhaqū bihim min khalfihim allā khawfun 'alayhim walā hum yahzanūn

170. Iyagoo ku faraxsan waxa uu Alle ka siiyey Fadligiisa, oo u faraxsan dartood kuwa ay kaga soo tageen gadaashood, oo aan weli ku soo biirin 37, inaanay cabsi ahaaneyn dushooda oo aanay murugoonayaan.

۞ يَسۡتَبۡشِرُونَ بِنِعۡمَةٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَضۡلٖ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يُضِيعُ أَجۡرَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ ١٧١

Yastabshirūna bini'matim minallāhi wafadlin wa annallāha lā yudī'u ajral-mu'minīn

171. Waxay ku faraxsan yihiin Nicmad xag Alle ah iyo Deeqdiisa darteed, iyo inaanu Alle dayaceyn ajarka mu’miniinta.

ٱلَّذِينَ ٱسۡتَجَابُواْ لِلَّهِ وَٱلرَّسُولِ مِنۢ بَعۡدِ مَآ أَصَابَهُمُ ٱلۡقَرۡحُۚ لِلَّذِينَ أَحۡسَنُواْ مِنۡهُمۡ وَٱتَّقَوۡاْ أَجۡرٌ عَظِيمٌ ١٧٢

Alladhīnastajābū lillāhi war-rasūli mim ba'di mā asābahumul-qarhu lilladhīna ahsanū minhum wattaqaw ajrun 'azīm

172. Kuwii (ku) ajiibay (Uxud) Alle iyo Rasuulka kaddib intuu soo gaaray dhaawacu; kuwooda ka mid ah ee sama falay oo amarka qaatay, waxay leeyihiin ajar weyn (Janno).

ٱلَّذِينَ قَالَ لَهُمُ ٱلنَّاسُ إِنَّ ٱلنَّاسَ قَدۡ جَمَعُواْ لَكُمۡ فَٱخۡشَوۡهُمۡ فَزَادَهُمۡ إِيمَٰنٗا وَقَالُواْ حَسۡبُنَا ٱللَّهُ وَنِعۡمَ ٱلۡوَكِيلُ ١٧٣

Alladhīna qāla lahumun-nāsu innan-nāsa qad jama'ū lakum fakhshawhum fazādahum īmānan waqālū hasbunallāhu wani'mal-wakīl

173. Kuwii ay dadku ku yidhaahdeen: Hubaal dadkii baa isu soo kiin biirsaday, ee ka baqa. Waxayse u kordhisay Iimaankoo- da, waxayna yidhaahdeen: Alle baa nagu filan, Isagaana u fiican wakiil.

فَٱنقَلَبُواْ بِنِعۡمَةٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَضۡلٖ لَّمۡ يَمۡسَسۡهُمۡ سُوٓءٞ وَٱتَّبَعُواْ رِضۡوَٰنَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ ذُو فَضۡلٍ عَظِيمٍ ١٧٤

Fanqalabū bini'matim minallāhi wafadlil lam yamsashum sū'un wattaba'ū ridwānallāhi wallāhu dhū fadlin 'azīm

174. Markaasay la noqdeen Nicmo xag Alle ah iyo Deeqdiisa, oo ma aanay taaban xumaato waxayna raaceen Raalli gelinta Alle. Alle waa Kan leh Galadda iyo Deeqda aad u weyn.

إِنَّمَا ذَٰلِكُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ يُخَوِّفُ أَوۡلِيَآءَهُۥ فَلَا تَخَافُوهُمۡ وَخَافُونِ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ ١٧٥

Innamā dhālikumush-shaytānu yukhawwifu awliyā'ahū falā takhāfūhum wakhāfūni in kuntum mu'minīn

175. Waa uun Shaydaanka kan idinku bajiya xulafadiisa ee ha ka cabsannina, ee Anigoo Keliya (waa Alle'e) iga cabsada, haddaad tihiin mu’miniin.

وَلَا يَحۡزُنكَ ٱلَّذِينَ يُسَٰرِعُونَ فِي ٱلۡكُفۡرِۚ إِنَّهُمۡ لَن يَضُرُّواْ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗاۚ يُرِيدُ ٱللَّهُ أَلَّا يَجۡعَلَ لَهُمۡ حَظّٗا فِي ٱلۡأٓخِرَةِۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٌ ١٧٦

Walā yahzunkal-ladhīna yusāri'ūna fil-kufri innahum lan yadurrullāha shay'an yurīdullāhu allā yaj'ala lahum hazzan fil-ākhirati walahum 'adhābun 'azīm

176. Oo yey ku murugo gelin kuwa ugu dhaca gaalnimada si degdeg ah 38; hubaal iyagu waxba ma yeeli karaan Alle marnaba. Alle Wuxuu rabaa in aanay ku yeelan wax saami ah Aakhirada, waxayna leeyihiin cadaab daran.

إِنَّ ٱلَّذِينَ ٱشۡتَرَوُاْ ٱلۡكُفۡرَ بِٱلۡإِيمَٰنِ لَن يَضُرُّواْ ٱللَّهَ شَيۡـٔٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ ١٧٧

Innal-ladhīnashtarawul-kufra bil-īmāni lan yadurrullāha shay'an walahum 'adhābun alīm

177. Kuwa siistay gaalnimo qiimaha Iimaanka, waxba kama dhimayaan Alle, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

وَلَا يَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّمَا نُمۡلِي لَهُمۡ خَيۡرٞ لِّأَنفُسِهِمۡۚ إِنَّمَا نُمۡلِي لَهُمۡ لِيَزۡدَادُوٓاْ إِثۡمٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ مُّهِينٞ ١٧٨

Walā yahsabannal-ladhīna kafarū annamā numlī lahum khayrul li anfusihim innamā numlī lahum liyazdādū ithman walahum 'adhābum muhīn

178. Yey gaaladu moodin in u dib dhigiddeyda (Ciqaabka) ay u khayr roon tahay nafahooda. Waxaanu ugu dib dhignaa oo keliya si ay u kororsadaan denbiyo, waxayna leeyihiin cadaab dulleysa.

مَّا كَانَ ٱللَّهُ لِيَذَرَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ عَلَىٰ مَآ أَنتُمۡ عَلَيۡهِ حَتَّىٰ يَمِيزَ ٱلۡخَبِيثَ مِنَ ٱلطَّيِّبِۗ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُطۡلِعَكُمۡ عَلَى ٱلۡغَيۡبِ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَجۡتَبِي مِن رُّسُلِهِۦ مَن يَشَآءُۖ فَـَٔامِنُواْ بِٱللَّهِ وَرُسُلِهِۦۚ وَإِن تُؤۡمِنُواْ وَتَتَّقُواْ فَلَكُمۡ أَجۡرٌ عَظِيمٞ ١٧٩

Mmā kānallāhu liyadharal-mu'minīna 'alā mā antum 'alayhi hattā yamīzal-khabītha minat-tayyibi wamā kānallāhu liyutli'akum 'alal-ghaybi walākinnallāha yajtabī mir rusulihī man yashā'u fa'āminū billāhi warusulihī wa in tu'minū watattaqū falakum ajrun 'azīm

179. Sinnaba Alle ugama tagayo mu’miniinta xaaladdaad ku jirtaan, jeer uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan. Mana aha Alle mid idin tusaya waxa aan muuqan ee Ghaybka ah, wuxuuse Alle ka doortaa Rusushiisa midkii uu doono. Ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa. haddaad rumeysaan oo aad iska ilaalisaan xume waxaad leedihiin ajar aad u weyn (Janno).

وَلَا يَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ يَبۡخَلُونَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦ هُوَ خَيۡرٗا لَّهُمۖ بَلۡ هُوَ شَرّٞ لَّهُمۡۖ سَيُطَوَّقُونَ مَا بَخِلُواْ بِهِۦ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ ١٨٠

Walā yahsabannal-ladhīna yabkhalūna bimā ātāhumullāhu min fadlihī huwa khayral lahum bal huwa sharrul lahum sayutawwaqūna mā bakhilū bihī yawmal-qiyāmati walillāhi mīrāthus-samāwāti wal-ardi wallāhu bimā ta'malūna khabīr

180. Yey moodin kuwa ku bakhayla bixinta wuxuu Alle siiyey oo Deeqdiisa ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha 39. Alle baana iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

لَّقَدۡ سَمِعَ ٱللَّهُ قَوۡلَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ فَقِيرٞ وَنَحۡنُ أَغۡنِيَآءُۘ سَنَكۡتُبُ مَا قَالُواْ وَقَتۡلَهُمُ ٱلۡأَنۢبِيَآءَ بِغَيۡرِ حَقّٖ وَنَقُولُ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡحَرِيقِ ١٨١

Llaqad sami'allāhu qawlal-ladhīna qālū innallāha faqīrun wanahnu aghniyā'u sanaktubu mā qālū waqatlahumul-ambiyā'a bighayri haqqin wanaqūlu dhūqū 'adhābal-harīq

181. Dhab ahaan wuu maqlay Alle odhaahda (Yuhuuddii) yidhi: Alle waa faqiir innagaana hodan ah. Waanu qori waxay yidhaahdeen iyo ku dilkoodii anbiyada gar darro, oo waxaanu odhan: "Dhadhamiya Cadaabka Gubashada."

ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيكُمۡ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَيۡسَ بِظَلَّامٖ لِّلۡعَبِيدِ ١٨٢

Dhālika bimā qaddamat aydīkum wa annallāha laysa bizallāmil lil-'abīd

182. Waxakani waa waxay gacmihiinnu horay u geysteen (oo denbiyo ah) iyo sababta inaanu Alle ahayn mid ku gardarrooda addoomaha.

ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ عَهِدَ إِلَيۡنَآ أَلَّا نُؤۡمِنَ لِرَسُولٍ حَتَّىٰ يَأۡتِيَنَا بِقُرۡبَانٖ تَأۡكُلُهُ ٱلنَّارُۗ قُلۡ قَدۡ جَآءَكُمۡ رُسُلٞ مِّن قَبۡلِي بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَبِٱلَّذِي قُلۡتُمۡ فَلِمَ قَتَلۡتُمُوهُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ ١٨٣

Alladhīna qālū innallāha 'ahida ilaynā allā nu'mina lirasūlin hattā ya'tiyanā biqurbānin ta'kuluhun-nāru qul qad jā'akum rusulum min qablī bil-bayyināti wabilladhī qultum falima qataltumūhum in kuntum sādiqīn

183. (Kuwaas weeye) kuwii yidhi, Alle wuxuu nagula ballantamay inaanaan rumeyn Rasuulna jeer uu noo keeno qurbaan uu dab (cirka ka yimaada) cuno. Dheh: Waxay idiinla yimaadeen Rusullo iga horreeyey xujooyin cad iyo waxaad dalabteenba, ee maxaad u disheen haddaad run sheegaysaan?

فَإِن كَذَّبُوكَ فَقَدۡ كُذِّبَ رُسُلٞ مِّن قَبۡلِكَ جَآءُو بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَٱلزُّبُرِ وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُنِيرِ ١٨٤

Fa in kaddhabūka faqad kuddhiba rusulum min qablika jā'ū bil-bayyināti waz-zuburi wal-kitābil-munīr

184. Hadday ku beeniyaan sidaa oo kale baa loo beeniyey Rusul kaa horraysay, oo la yimid xujooyin cad, Qoraallo iyo kitaab iftiimaya.

كُلُّ نَفۡسٖ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوۡنَ أُجُورَكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۖ فَمَن زُحۡزِحَ عَنِ ٱلنَّارِ وَأُدۡخِلَ ٱلۡجَنَّةَ فَقَدۡ فَازَۗ وَمَا ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَآ إِلَّا مَتَٰعُ ٱلۡغُرُورِ ١٨٥

Kullu nafsin dhā'iqatul-mawti wa innamā tuwaffawna ujūrakum yawmal-qiyāmati faman zuhziha 'anin-nāri wa udkhilal-jannata faqad fāza wamal-hayawātud-dunyā illā matā'ul-ghurūr

185. Naf walba waxay dhadhamin dhimasho, waxaa uun la idiin oofin ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada wuu liibaanay. Ma aha nolosha adduunka waxaan ahayn raaxo lagu dagmo.

۞ لَتُبۡلَوُنَّ فِيٓ أَمۡوَٰلِكُمۡ وَأَنفُسِكُمۡ وَلَتَسۡمَعُنَّ مِنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ مِن قَبۡلِكُمۡ وَمِنَ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُوٓاْ أَذٗى كَثِيرٗاۚ وَإِن تَصۡبِرُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ذَٰلِكَ مِنۡ عَزۡمِ ٱلۡأُمُورِ ١٨٦

Latublawunna fī amwālikum wa anfusikum walatasma'unna minal-ladhīna ūtul-kitāba min qablikum waminal-ladhīna ashrakū adhan kathīran wa in tasbirū watattaqū fa inna dhālika min 'azmil-umūr

186. Waan idinku imtixaami maalkiinna iyo nafahiinnaba, waxaadna xaqiiq ka maqleysaan kuwa la siiyey Kitaabka ee idinka horreeyey (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo xagga kuwa ah mushrikiinta hadal badan oo idin dhiba, haddaad samir yeelataanna oo Alle u hoggaansantaan, hubaal, arrinkaas waa ka mid umuuraha la go’aansado.

وَإِذۡ أَخَذَ ٱللَّهُ مِيثَٰقَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ لَتُبَيِّنُنَّهُۥ لِلنَّاسِ وَلَا تَكۡتُمُونَهُۥ فَنَبَذُوهُ وَرَآءَ ظُهُورِهِمۡ وَٱشۡتَرَوۡاْ بِهِۦ ثَمَنٗا قَلِيلٗاۖ فَبِئۡسَ مَا يَشۡتَرُونَ ١٨٧

Wa idh akhadhallāhu mīthāqal-ladhīna ūtul-kitāba latubayyinunnahū lin-nāsi walā taktumūnahū fanabadhūhu warā'a zuhūrihim washtaraw bihī thamanan qalīlan fabi'sa mā yashtarūn

187. (Xus, Nabiyow) markuu Alle la galay axdi (ku cad Towraadda) kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), inaad u caddeysaan dadka oo aydaan ka qarinnin 'imaanshaha Nabi Muxammad' 40, waxayse ka tuureen dhabarradooda gadaashood, oo ay ku iibsadeen qiimo yar. ee xumaa waxay iibsan.

لَا تَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ يَفۡرَحُونَ بِمَآ أَتَواْ وَّيُحِبُّونَ أَن يُحۡمَدُواْ بِمَا لَمۡ يَفۡعَلُواْ فَلَا تَحۡسَبَنَّهُم بِمَفَازَةٖ مِّنَ ٱلۡعَذَابِۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ ١٨٨

Lā tahsabannal-ladhīna yafrahūna bimā ataw wwayuhibbūna an yuhmadū bimā lam yaf'alū falā tahsabannahum bimafāzatim minal-'adhābi walahum 'adhābun alīm

188. Ha moodina in kuwa ku farxa waxay la yimaadeen, oo jecel in lagu ammaano wax aysan falin - ha moodina inay ka badbaadayaan cadaabka, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

وَلِلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ ١٨٩

Walillāhi mulkus-samāwāti wal-ardi wallāhu 'alā kulli shay'in qadīr

189. Alle baana iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arladaba. Alle wax walba wuu Karaa.

إِنَّ فِي خَلۡقِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ لَأٓيَٰتٖ لِّأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ ١٩٠

Inna fī khalqis-samāwāti wal-ardi wakhtilāfil-layli wan-nahāri la'āyātil li ulil-albāb

190. Xaqiiq, abuurista samooyinka iyo arlada iyo isbeddelka habeenka iyo maalinta, waxaa ugu sugan calaamooyin wax garadka.

ٱلَّذِينَ يَذۡكُرُونَ ٱللَّهَ قِيَٰمٗا وَقُعُودٗا وَعَلَىٰ جُنُوبِهِمۡ وَيَتَفَكَّرُونَ فِي خَلۡقِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ رَبَّنَا مَا خَلَقۡتَ هَٰذَا بَٰطِلٗا سُبۡحَٰنَكَ فَقِنَا عَذَابَ ٱلنَّارِ ١٩١

Alladhīna yadhkurūnallāha qiyāman waqu'ūdan wa'alā junūbihim wayatafakkarūna fī khalqis-samāwāti wal-ardi rabbanā mā khalaqta hādhā bātilan subhānaka faqinā 'adhāban-nār

191. Kuwa xusa Alle joog iyo fadhi iyo iyagoo u jiifa dhinacyadoodaba, kana fekera abuurista samooyinka iyo arlada: Rabbigayow! Uma aadan abuurin waxakani baadil, Adigaa ka hufan (xumaan) oo xurmoo dhan leh, ee naga badbaadi cadaabka Naarta.

رَبَّنَآ إِنَّكَ مَن تُدۡخِلِ ٱلنَّارَ فَقَدۡ أَخۡزَيۡتَهُۥۖ وَمَا لِلظَّٰلِمِينَ مِنۡ أَنصَارٖ ١٩٢

Rabbanā innaka man tudkhilin-nāra faqad akhzaytahū wamā liz-zālimīna min ansār

192. Rabbigayow! Qofkii aad geliso Naar, xaqiiq waa dulleysay, daalimiintuna ma leh (Aakhirada) gargaarayaal (iyo shafeecayaal midna).

رَّبَّنَآ إِنَّنَا سَمِعۡنَا مُنَادِيٗا يُنَادِي لِلۡإِيمَٰنِ أَنۡ ءَامِنُواْ بِرَبِّكُمۡ فَـَٔامَنَّاۚ رَبَّنَا فَٱغۡفِرۡ لَنَا ذُنُوبَنَا وَكَفِّرۡ عَنَّا سَيِّـَٔاتِنَا وَتَوَفَّنَا مَعَ ٱلۡأَبۡرَارِ ١٩٣

Rrabbanā innanā sami'nā munādiyan yunādī lil-īmāni an āminū birabbikum fa'āmannā rabbanā faghfir lanā dhunūbanā wakaffir 'annā sayyi'ātinā watawaffanā ma'al-abrār

193. Rabbigayow! Waxaanu maqallay baaqe (Nabi Muxammad) ku baaqaya Iimaanka (oo leh): Rumeeya Rabbigiin, markaasaan Rumaynay. Rabbigayow! Ee noo dhaaf dunuubtayada,oo noo astur xumayaalkeenna, na oofsana la jirka baarriyiinta.

رَبَّنَا وَءَاتِنَا مَا وَعَدتَّنَا عَلَىٰ رُسُلِكَ وَلَا تُخۡزِنَا يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۖ إِنَّكَ لَا تُخۡلِفُ ٱلۡمِيعَادَ ١٩٤

Rabbanā wa ātinā mā wa'attanā 'alā rusulika walā tukhzinā yawmal-qiyāmati innaka lā tukhliful-mī'ād

194. Rabbigayow! Na sii waxaad noo ballan qaadday ee Rusushaadu na soo gaarsiisay oo hana dulleyn Maalinta Qiyaamaha, Adigu ballanka kama baxdide.

فَٱسۡتَجَابَ لَهُمۡ رَبُّهُمۡ أَنِّي لَآ أُضِيعُ عَمَلَ عَٰمِلٖ مِّنكُم مِّن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰۖ بَعۡضُكُم مِّنۢ بَعۡضٖۖ فَٱلَّذِينَ هَاجَرُواْ وَأُخۡرِجُواْ مِن دِيَٰرِهِمۡ وَأُوذُواْ فِي سَبِيلِي وَقَٰتَلُواْ وَقُتِلُواْ لَأُكَفِّرَنَّ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَلَأُدۡخِلَنَّهُمۡ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ ثَوَابٗا مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ عِندَهُۥ حُسۡنُ ٱلثَّوَابِ ١٩٥

Fastajāba lahum rabbuhum annī lā udī'u 'amala 'āmilim minkum min dhakarin aw unthā ba'dukum mim ba'din falladhīna hājarū wa ukhrijū min diyārihim wa ūdhū fī sabīlī waqātalū waqutilū la ukaffiranna 'anhum sayyi'ātihim wala'udkhilannahum jannātin tajrī min tahtihal-anhāru thawābam min 'indillāhi wallāhu 'indahū husnuth-thawāb

195. Markaasuu Rabbigood ka aqbalay (ducadoodii oo yidhi): Anigu ma dayaco camalka uu mid idinka mid ah falo, ha ahaado lab ama dheddig, midkiin walbaa uu ka ahaaday midka kale, ee kuwa iyagu soo haajiray, ee looga soo saaray guryahooda debedda, ee loogu dhib geystey Arrinkayaga (Islaamka darti), ee dagaallmay ee loo dilay Dartay, Waxaan asturi xumayaalkooda, waxaana gelin beero ay qul-qulaan hoostoodu webiyo; Abaalgud xagga Alle ah, Alle baana haya oo weliba baxsha abaalgud wanaagsan.

لَا يَغُرَّنَّكَ تَقَلُّبُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي ٱلۡبِلَٰدِ ١٩٦

Lā yaghurrannaka taqallubul-ladhīna kafarū fil-bilād

196. Yaanay ku dagin galoo baxa kuwaa gaalada ah magaalooyinka cabsi la’aan.

مَتَٰعٞ قَلِيلٞ ثُمَّ مَأۡوَىٰهُمۡ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمِهَادُ ١٩٧

Matā'un qalīlun thumma ma'wāhum jahannamu wabi'sal-mihād

197. Waa raaxo yar; kaddibna hoygoodu waa Jahannama; oo ugu xun gogol la yeesho.

لَٰكِنِ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ رَبَّهُمۡ لَهُمۡ جَنَّٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَا نُزُلٗا مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِۗ وَمَا عِندَ ٱللَّهِ خَيۡرٞ لِّلۡأَبۡرَارِ ١٩٨

Lākinil-ladhīnat-taqaw rabbahum lahum jannātun tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā nuzulam min 'indillāhi wamā 'indallāhi khayrul lil-abrār

198. Kuwase dhowra (Amarrada) Rabbigood, waxay leeyihiin beero (Jannooyin) ay qul-qulaan hoostooda webiyo, oo ay ku dhex waarayaan weligood, marti qaad uu u fidiyey Alle; waxa Alle agti ah baana u khayr badan kuwa baarriga ah.

وَإِنَّ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ لَمَن يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡكُمۡ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡهِمۡ خَٰشِعِينَ لِلَّهِ لَا يَشۡتَرُونَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ ثَمَنٗا قَلِيلًاۚ أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ ١٩٩

Wa inna min ahlil-kitābi laman yu'minu billāhi wamā unzila ilaykum wamā unzila ilayhim khāshi'īna lillāhi lā yashtarūna bi'āyātillāhi thamanan qalīlan ulā'ika lahum ajruhum 'inda rabbihim innallāha sarī'ul-hisāb

199. Ehlul Kitaabka waxaa ka mid ah kuwo rumeysan Alle, iyo waxa la idiin soo dejiyey oo Waxyi ah (Qur’aanka), iyo waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah (Towraadda iyo Injiilka), una khushuuca Alle, oo aan ku iibsan Aayadaha Alle qiimo yar. Kuwaa waxaa u sugnaaday ajarkooda Rabbigood agtii; hubaal Alle wuu ku Dhaqso Badan yahay xisaabinta.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱصۡبِرُواْ وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ ٢٠٠

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanusbirū wasābirū warābitū wattaqullāha la'allakum tuflihūn

200. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Samir yeesha oo ku sarreeya samir yeelashada, oo heegan ahaada sugan 41, Allena ka cabsada aad liibaantaane.

Suuradda An-Nisa

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

4:1

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُواْ رَبَّكُمُ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفۡسٖ وَٰحِدَةٖ وَخَلَقَ مِنۡهَا زَوۡجَهَا وَبَثَّ مِنۡهُمَا رِجَالٗا كَثِيرٗا وَنِسَآءٗۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ ٱلَّذِي تَسَآءَلُونَ بِهِۦ وَٱلۡأَرۡحَامَۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلَيۡكُمۡ رَقِيبٗا ١

Yā'ayyuhan-nāsut-taqū rabbakumul-ladhī khalaqakum min nafsin wāhidatin wakhalaqa minhā zawjahā wabattha minhumā rijālan kathīran wanisā'an wattaqullāhal-ladhī tasā'alūna bihī wal-arhāma innallāha kāna 'alaykum raqībā

1. Dadow! Ka cabsada Rabbigiin ee idinka abuuray naf keliya (Aadam), ee ka abuuray lammaankeeda (Xawwaa), kana tafiirmay xaggooda rag tiro badan iyo haweenba; oo ka cabsada Alle ee ah Kan aad isku weydiisataan (xuquuqdiinna), (dhowrana xaqa) qaraabada 1. Hubaal Alle waa idin dhowri oo u jeedaa (acmaashiinna oo og yahay).

4:2

وَءَاتُواْ ٱلۡيَتَٰمَىٰٓ أَمۡوَٰلَهُمۡۖ وَلَا تَتَبَدَّلُواْ ٱلۡخَبِيثَ بِٱلطَّيِّبِۖ وَلَا تَأۡكُلُوٓاْ أَمۡوَٰلَهُمۡ إِلَىٰٓ أَمۡوَٰلِكُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ حُوبٗا كَبِيرٗا ٢

Wa ātul-yatāmā amwālahum walā tatabaddalul-khabītha bit-tayyibi walā ta'kulū amwālahum ilā amwālikum innahū kāna hūban kabīrā

2. Siiya agoomaha maalkooda, hana kaga beddelannina (waxyaalo) xun oo liita (aad leedihiin) waxooda wanaagsan; hana ka hunguriyeynina maalkooda (idinkoo ku darsanaya) maalkiinna. Arrinkaa hubaal waa denbi weyn.

4:3

وَإِنۡ خِفۡتُمۡ أَلَّا تُقۡسِطُواْ فِي ٱلۡيَتَٰمَىٰ فَٱنكِحُواْ مَا طَابَ لَكُم مِّنَ ٱلنِّسَآءِ مَثۡنَىٰ وَثُلَٰثَ وَرُبَٰعَۖ فَإِنۡ خِفۡتُمۡ أَلَّا تَعۡدِلُواْ فَوَٰحِدَةً أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡۚ ذَٰلِكَ أَدۡنَىٰٓ أَلَّا تَعُولُواْ ٣

Wa in khiftum allā tuqsitū fil-yatāmā fankihū mā tāba lakum minan-nisā'i mathnā wathulātha warubā'a fa in khiftum allā ta'dilū fawāhidatan aw mā malakat aymānukum dhālika adnā allā ta'ūlū

3. Haddaad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmin si caddaalad ah (gabdhaha) agoomaha ah, markaa guursada haween- kaa (kale) wixii idinla habboonaada, labo, seddex iyo afarba. Haddaadse ka cabsataan inaydaan u caddaalad falin 2 markaa (ku ekaada guursiga) mid keliya 3 ama waxay gacmahiinnu midig hantaan 4. Arrinkaa baa u dhow inaydaan dulmi falin.

4:4

وَءَاتُواْ ٱلنِّسَآءَ صَدُقَٰتِهِنَّ نِحۡلَةٗۚ فَإِن طِبۡنَ لَكُمۡ عَن شَيۡءٖ مِّنۡهُ نَفۡسٗا فَكُلُوهُ هَنِيٓـٔٗا مَّرِيٓـٔٗا ٤

Wa ātun-nisā'a saduqātihinna nihlatan fa in tibna lakum 'an shay'im minhu nafsan fakulūhu hanī'an mmarī'ā

4. Siiya haweenka meherradooda siismo waajib ah idinkoo ku niyad san, hadday se iyaga naf ahaantooda idiinka raalli noqdaan inay idiin daayaan wax ka mid ah (meherka), markaa ku qaata wanaag iyo kal samaan.

4:5

وَلَا تُؤۡتُواْ ٱلسُّفَهَآءَ أَمۡوَٰلَكُمُ ٱلَّتِي جَعَلَ ٱللَّهُ لَكُمۡ قِيَٰمٗا وَٱرۡزُقُوهُمۡ فِيهَا وَٱكۡسُوهُمۡ وَقُولُواْ لَهُمۡ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا ٥

Walā tu'tus-sufahā'a amwālakumul-latī ja'alallāhu lakum qiyāman warzuqūhum fīhā waksūhum waqūlū lahum qawlam ma'rūfā

5. Ha siinnina makasta (aan maamuli karin) maalka uu Alle idiinka dhigay waxaad ku nooshihiin 5, kase quudiya oo uga arrad tira, kulana hadla hadal wanaagsan oo gar ah.

4:6

وَٱبۡتَلُواْ ٱلۡيَتَٰمَىٰ حَتَّىٰٓ إِذَا بَلَغُواْ ٱلنِّكَاحَ فَإِنۡ ءَانَسۡتُم مِّنۡهُمۡ رُشۡدٗا فَٱدۡفَعُوٓاْ إِلَيۡهِمۡ أَمۡوَٰلَهُمۡۖ وَلَا تَأۡكُلُوهَآ إِسۡرَافٗا وَبِدَارًا أَن يَكۡبَرُواْۚ وَمَن كَانَ غَنِيّٗا فَلۡيَسۡتَعۡفِفۡۖ وَمَن كَانَ فَقِيرٗا فَلۡيَأۡكُلۡ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ فَإِذَا دَفَعۡتُمۡ إِلَيۡهِمۡ أَمۡوَٰلَهُمۡ فَأَشۡهِدُواْ عَلَيۡهِمۡۚ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبٗا ٦

Wabtalul-yatāmā hattā idhā balaghun-nikāha fa in ānastum minhum rushdan fadfa'ū ilayhim amwālahum walā ta'kulūhā isrāfan wabidāran an yakbarū waman kāna ghaniyyan falyasta'fif waman kāna faqīran falya'kul bil-ma'rūfi fa idhā dafa'tum ilayhim amwālahum fa ashhidū 'alayhim wakafā billāhi hasībā

6. Imtixaama agoomaha markay gaaraan Guur; haddaad ku aragtaan wax garadnimo, siiya maalkooda, hana u isticmaalina si xadgudub ah iyo ka degdegid intayna weynaan, qofkii hodan ah ha ka dhowrsado dhammaanti, qofkiise fiqiir ah, (wax) ha ka cuno si la garwaaqsan karo. Markaad u dhiibeysaanna maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga; Allena waa ku filan yahay xisaabiye ahaan.

4:7

لِّلرِّجَالِ نَصِيبٞ مِّمَّا تَرَكَ ٱلۡوَٰلِدَانِ وَٱلۡأَقۡرَبُونَ وَلِلنِّسَآءِ نَصِيبٞ مِّمَّا تَرَكَ ٱلۡوَٰلِدَانِ وَٱلۡأَقۡرَبُونَ مِمَّا قَلَّ مِنۡهُ أَوۡ كَثُرَۚ نَصِيبٗا مَّفۡرُوضٗا ٧

Llir-rijāli nasībum mimmā tarakal-wālidāni wal-aqrabūna walin-nisā'i nasībum mimmā tarakal-wālidāni wal-aqrabūna mimmā qalla minhu aw kathura nasībam mafrūdā

7. Ragga waxay saami ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan (oo maal dhaxal ah). Haweenkuna waxay saami ku leeyihiin waxay waalidiintu iyo qaraabadu ka tagaan - ha yaraado ama ha badnaado; qayb cad.

4:8

وَإِذَا حَضَرَ ٱلۡقِسۡمَةَ أُوْلُواْ ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينُ فَٱرۡزُقُوهُم مِّنۡهُ وَقُولُواْ لَهُمۡ قَوۡلٗا مَّعۡرُوفٗا ٨

Wa idhā hadaral-qismata ulul-qurbā wal-yatāmā wal-masākīnu farzuqūhum minhu waqūlū lahum qawlam ma'rūfā

8. Hadday joogaan qaybta qaraabo, agoomo iyo masaakiin (aan dhaxalka wax ku lahayn) wax ka siiya 6, kulana hadla hadal san oo naxiiriis leh.

4:9

وَلۡيَخۡشَ ٱلَّذِينَ لَوۡ تَرَكُواْ مِنۡ خَلۡفِهِمۡ ذُرِّيَّةٗ ضِعَٰفًا خَافُواْ عَلَيۡهِمۡ فَلۡيَتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلۡيَقُولُواْ قَوۡلٗا سَدِيدًا ٩

Walyakhshal-ladhīna law tarakū min khalfihim dhurriyyatan di'āfan khāfū 'alayhim falyattaqullāha walyaqūlū qawlan sadīdā

9. Hana u baqaan (siday tooda ugu baqi lahaayeen) kuwa (wakiillada agoomaha) hadday ka tagi lahaayeen ubad taag yar oo ay u baqaan.Ee ha ka cabsadeen Alle, hana ku hadleen hadal toosan oo abbaar ah.

إِنَّ ٱلَّذِينَ يَأۡكُلُونَ أَمۡوَٰلَ ٱلۡيَتَٰمَىٰ ظُلۡمًا إِنَّمَا يَأۡكُلُونَ فِي بُطُونِهِمۡ نَارٗاۖ وَسَيَصۡلَوۡنَ سَعِيرٗا ١٠

Innal-ladhīna ya'kulūna amwālal-yatāmā zulman innamā ya'kulūna fī butūnihim nāran wasayaslawna sa'īrā

10. Kuwa ku cuna maalka agoomaha xaq darro,waxay uun ku cuni caloolahooda dab, waxayna gali oo ku guban dab huraya.

يُوصِيكُمُ ٱللَّهُ فِيٓ أَوۡلَٰدِكُمۡۖ لِلذَّكَرِ مِثۡلُ حَظِّ ٱلۡأُنثَيَيۡنِۚ فَإِن كُنَّ نِسَآءٗ فَوۡقَ ٱثۡنَتَيۡنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَۖ وَإِن كَانَتۡ وَٰحِدَةٗ فَلَهَا ٱلنِّصۡفُۚ وَلِأَبَوَيۡهِ لِكُلِّ وَٰحِدٖ مِّنۡهُمَا ٱلسُّدُسُ مِمَّا تَرَكَ إِن كَانَ لَهُۥ وَلَدٞۚ فَإِن لَّمۡ يَكُن لَّهُۥ وَلَدٞ وَوَرِثَهُۥٓ أَبَوَاهُ فَلِأُمِّهِ ٱلثُّلُثُۚ فَإِن كَانَ لَهُۥٓ إِخۡوَةٞ فَلِأُمِّهِ ٱلسُّدُسُۚ مِنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ يُوصِي بِهَآ أَوۡ دَيۡنٍۗ ءَابَآؤُكُمۡ وَأَبۡنَآؤُكُمۡ لَا تَدۡرُونَ أَيُّهُمۡ أَقۡرَبُ لَكُمۡ نَفۡعٗاۚ فَرِيضَةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا ١١

Yūsīkumullāhu fī awlādikum lidh-dhakari mithlu hazzil-unthayayni fa in kunna nisā'an fawqathnatayni falahunna thuluthā mā taraka wa in kānat wāhidatan falahan-nisfu wali'abawayhi likulli wāhidim minhumas-sudusu mimmā taraka in kāna lahū waladun fa il lam yakul lahū waladun wawarithahū abawāhu fali'ummihith-thuluthu fa in kāna lahū ikhwatun fali'ummihis-sudusu mim ba'di wasiyyatin yūsī bihā aw daynin ābā'ukum wa abnā'ukum lā tadrūna ayyuhum aqrabu lakum naf'an farīdatam minallāhi innallāha kāna 'alīman hakīmā

11. Alle wuxuu idiin dardaarmi (wanaajinta iyo daryeelka) carruurtiinna, labku wuxuu leeyahay saami u dhigma labo dheddig 7; haddayse yihiin haween labo ka badan, waxay leeyihiin saddex meelood labo meel wuxuu ka tagey mowtanaha ee dhaxal ah; hadday tahay mid keliya, waxay leedahay kala bar oo bar. Labadiisa waalid mid walbaa wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel waxa dhaxal laga tagey, haddii mowtanaha uu leeyahay ilmo, haddaanuse lahayn ilmo – oo ay dhaxlayaan (oo keliya) labadiisa waalid, markaa hooyadu waxay leedahay saddex meeloodoo meel; hadduu se leeyahay walaalo, hooyadi waxay leedahay lix meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka wuxuu ka dardaaramay 8 ama deyn (lagu leeyahay). Ma ogidin aabbayaashiin ama ilmahiinna kooda idiinku dhow waxtar ahaan. Waa faral uu qaddaray Alle 9. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.

۞ وَلَكُمۡ نِصۡفُ مَا تَرَكَ أَزۡوَٰجُكُمۡ إِن لَّمۡ يَكُن لَّهُنَّ وَلَدٞۚ فَإِن كَانَ لَهُنَّ وَلَدٞ فَلَكُمُ ٱلرُّبُعُ مِمَّا تَرَكۡنَۚ مِنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ يُوصِينَ بِهَآ أَوۡ دَيۡنٖۚ وَلَهُنَّ ٱلرُّبُعُ مِمَّا تَرَكۡتُمۡ إِن لَّمۡ يَكُن لَّكُمۡ وَلَدٞۚ فَإِن كَانَ لَكُمۡ وَلَدٞ فَلَهُنَّ ٱلثُّمُنُ مِمَّا تَرَكۡتُمۚ مِّنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ تُوصُونَ بِهَآ أَوۡ دَيۡنٖۗ وَإِن كَانَ رَجُلٞ يُورَثُ كَلَٰلَةً أَوِ ٱمۡرَأَةٞ وَلَهُۥٓ أَخٌ أَوۡ أُخۡتٞ فَلِكُلِّ وَٰحِدٖ مِّنۡهُمَا ٱلسُّدُسُۚ فَإِن كَانُوٓاْ أَكۡثَرَ مِن ذَٰلِكَ فَهُمۡ شُرَكَآءُ فِي ٱلثُّلُثِۚ مِنۢ بَعۡدِ وَصِيَّةٖ يُوصَىٰ بِهَآ أَوۡ دَيۡنٍ غَيۡرَ مُضَآرّٖۚ وَصِيَّةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَلِيمٞ ١٢

Walakum nisfu mā taraka azwājukum il lam yakul lahunna waladun fa in kāna lahunna waladun falakumur-rubu'u mimmā tarakna mim ba'di wasiyyatin yūsīna bihā aw daynin walahunnar-rubu'u mimmā taraktum il lam yakul lakum waladun fa in kāna lakum waladun falahunnath-thumunu mimmā taraktum mim ba'di wasiyyatin tūsūna bihā aw daynin wa in kāna rajulun yūrathu kalālatan awimra'atun walahū akhun aw ukhtun falikulli wāhidim minhumas-sudusu fa in kānū akthara min dhālika fahum shurakā'u fith-thuluthi mim ba'di wasiyyatin yūsā bihā aw daynin ghayra mudārrin wasiyyatam minallāhi wallāhu 'alīmun halīm

12. Waxaad (raggow) leedihiin kala bar oo bar waxay ka tagaan xaasaskiinnu, haddaanay laheyn ilmo. Hadday se ka tagaan ilmo, markaa waxaad leedihiin afar meeloodoo meel waxay ka tagaan, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxay ka dardaarmeen ama deyn. (Xaasaskiinnuna) saamigooda dhaxalka waa afar meeloodoo meel waxaad ka tagtaan haddaydaan laheyn ilmo, haddiise aad ka tagtaan ilmo waxay leeyihiin sidddeed meeloodoo meel waxaad ka tagtaan oo dhaxal ah, kaddib marka laga saaro dhaxalka waxaad ka dardaaranteen ama deyn. Hadduu ninka ama haweenta dhaxalkiisu arrinta taagan tahay uusan laheyn waalidiin iyo carruur midna, ha yeeshee uu ka tagey walaal ama walaalley (xagga hooyada), midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel, haddiise ay intaas ka badan yihiin waxay wadaagi saddex meeloodoo meel. Kaddib marka laga saaro dhaxalka waxa laga dardaarmay ama deyn, iyadoo dardaarankaa aan (cidna) lagu dhibeyn 10. Waa Amar ka yimid Alle. Alle waa wax kasta Oge, Dulqaad badan.

تِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِۚ وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ يُدۡخِلۡهُ جَنَّٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ ١٣

Tilka hudūdullāhi waman yuti'illāha warasūlahū yudkhilhu jannātin tajrī min tahtihal-anhāru khālidīna fīhā wadhālikal-fawzul-'azīm

13. Kuwakani waa xuduudaha Alle, qofkii adeecaa Alle iyo Rasuulkiisa wuxuu gelin beero (Jannooyin) ay qulqulaan hoostoodu webiyo, oo ay ku dhex waari; waana taas liibaanta weyn.

وَمَن يَعۡصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَيَتَعَدَّ حُدُودَهُۥ يُدۡخِلۡهُ نَارًا خَٰلِدٗا فِيهَا وَلَهُۥ عَذَابٞ مُّهِينٞ ١٤

Waman ya'sillāha warasūlahū wayata'adda hudūdahū yudkhilhu nāran khālidan fīhā walahū 'adhābum muhīn

14. Qofkiise ku caasiya Alle iyo Rasuulkiisa oo ka tallaaba xuduuddiisa, Wuxuu gelin Naar isagoo ku dhex waaraya weligi; wuxuuna leeyahay cadaab dulleysa.

وَٱلَّٰتِي يَأۡتِينَ ٱلۡفَٰحِشَةَ مِن نِّسَآئِكُمۡ فَٱسۡتَشۡهِدُواْ عَلَيۡهِنَّ أَرۡبَعَةٗ مِّنكُمۡۖ فَإِن شَهِدُواْ فَأَمۡسِكُوهُنَّ فِي ٱلۡبُيُوتِ حَتَّىٰ يَتَوَفَّىٰهُنَّ ٱلۡمَوۡتُ أَوۡ يَجۡعَلَ ٱللَّهُ لَهُنَّ سَبِيلٗا ١٥

Wallātī ya'tīnal-fāhishata min nisā'ikum fastashhidū 'alayhinna arba'atam minkum fa in shahidū fa amsikūhunna fil-buyūti hattā yatawaffāhunnal-mawtu aw yaj'alallāhu lahunna sabīlā

15. Kuwa la yimaada xumaan (zino) oo ka mid ah haweenkiinna, kaga dhiga marag afar idinka mid ah, hadday ku marag furaan 11, markaa ku haya (haweenkaa zinada la yimid) guryaha ilaa uu mowdku ka oofsado ama uu Alle jid u yeelo 12.

وَٱلَّذَانِ يَأۡتِيَٰنِهَا مِنكُمۡ فَـَٔاذُوهُمَاۖ فَإِن تَابَا وَأَصۡلَحَا فَأَعۡرِضُواْ عَنۡهُمَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ تَوَّابٗا رَّحِيمًا ١٦

Walladhāni ya'tiyānihā minkum fa'ādhūhumā fa in tābā wa aslahā fa a'ridū 'anhumā innallāha kāna tawwābar rahīmā

16. Labadii la yimaada xumaan 13 ee idinka mid ah ciqaaba. Hadday tawbad keenaan oo wanaagsanadaan ka jeesada xaggooda. Hubaal Alle waa Tawbad Aqbal Badane, Naxariis Badan.

إِنَّمَا ٱلتَّوۡبَةُ عَلَى ٱللَّهِ لِلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسُّوٓءَ بِجَهَٰلَةٖ ثُمَّ يَتُوبُونَ مِن قَرِيبٖ فَأُوْلَٰٓئِكَ يَتُوبُ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمٗا ١٧

Innamat-tawbatu 'alallāhi lilladhīna ya'malūnas-sū'a bijahālatin thumma yatūbūna min qarībin fa ulā'ika yatūbullāhu 'alayhim wakānallāhu 'alīman hakīmā

17. Sideedaba Alle wuxuu aqbalaa tawbada kuwa u fala xume aqoon darri 14, ee kolkiiba ka soo laabta, Kuwaana weeye kuwa uu Alle ka tawbad aqbalo. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.

وَلَيۡسَتِ ٱلتَّوۡبَةُ لِلَّذِينَ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ حَتَّىٰٓ إِذَا حَضَرَ أَحَدَهُمُ ٱلۡمَوۡتُ قَالَ إِنِّي تُبۡتُ ٱلۡـَٰٔنَ وَلَا ٱلَّذِينَ يَمُوتُونَ وَهُمۡ كُفَّارٌۚ أُوْلَٰٓئِكَ أَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابًا أَلِيمٗا ١٨

Walaysatit-tawbatu lilladhīna ya'malūnas-sayyi'āti hattā idhā hadara ahadahumul-mawtu qāla innī tubtul-'ana walal-ladhīna yamūtūna wahum kuffārun ulā'ika a'tadnā lahum 'adhāban alīmā

18. Uma furna tawbad kuwa isaga sii socda xume falidda ilaa markay geeri u timaaddo midkood uu yidhaahdo: Hadda ayaan tawbad keen ahay, iyo kuwa dhinta iyagoo gaalo ah midna. Kuwaas waxaan u diyaarinnay cadaab xanuun badan.

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا يَحِلُّ لَكُمۡ أَن تَرِثُواْ ٱلنِّسَآءَ كَرۡهٗاۖ وَلَا تَعۡضُلُوهُنَّ لِتَذۡهَبُواْ بِبَعۡضِ مَآ ءَاتَيۡتُمُوهُنَّ إِلَّآ أَن يَأۡتِينَ بِفَٰحِشَةٖ مُّبَيِّنَةٖۚ وَعَاشِرُوهُنَّ بِٱلۡمَعۡرُوفِۚ فَإِن كَرِهۡتُمُوهُنَّ فَعَسَىٰٓ أَن تَكۡرَهُواْ شَيۡـٔٗا وَيَجۡعَلَ ٱللَّهُ فِيهِ خَيۡرٗا كَثِيرٗا ١٩

Yā'ayyuhal-ladhīna āmanū lā yahillu lakum an tarithun-nisā'a karhan walā ta'dulūhunna litadhhabū biba'di mā ātaytumūhunna illā an ya'tīna bifāhishatim mubayyinatin wa'āshirūhunna bil-ma'rūfi fa in karihtumūhunna fa'asā an takrahū shay'an wayaj'alallāhu fīhi khayran kathīrā

19. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Idiin ma aha xalaal inaad ku qaadataan haweenka dhaxal si khasab ah iyagoo dooneyn 15, hana xayirina si aad uga qaadataan qaar ka mid ah waxaad siiseen inay la yimaadaan xumaan cad maahee. Oo ula dhaqma (xaasaska) si wanaagsan oo jaceyl leh. Haddaad nacdaanna waxaa suurowda inaad nacdaan wax, uu Alle yeeli dhexdiisa khayr badan.

وَإِنۡ أَرَدتُّمُ ٱسۡتِبۡدَالَ زَوۡجٖ مَّكَانَ زَوۡجٖ وَءَاتَيۡتُمۡ إِحۡدَىٰهُنَّ قِنطَارٗا فَلَا تَأۡخُذُواْ مِنۡهُ شَيۡـًٔاۚ أَتَأۡخُذُونَهُۥ بُهۡتَٰنٗا وَإِثۡمٗا مُّبِينٗا ٢٠

Wa in arattumustibdāla zawjim makāna zawjin wa ātaytum ihdāhunna qintāran falā ta'khudhū minhu shay'an ata'khudhūnahū buhtānan wa ithmam mubīnā

20. Haddaad doontaanna inaad ku beddelataan xaas meesheed xaas kale idinkoo siiyey middood buur dahab ah, ha ka qaadannina waxba haba yaraatee oo ka mid ah; ma waxaad ku qaadanaysaan masabbid aad masabbidataan iyo inaad u geysataan gef caddaan ah?

وَكَيۡفَ تَأۡخُذُونَهُۥ وَقَدۡ أَفۡضَىٰ بَعۡضُكُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٖ وَأَخَذۡنَ مِنكُم مِّيثَٰقًا غَلِيظٗا ٢١

Wakayfa ta'khudhūnahū waqad afdā ba'dukum ilā ba'din wa akhadhna minkum mīthāqan ghalīzā

21. Sidee baad uga qaadaneysaan idinkoo isu galmooday, oo ay idinka qaadeen axdi adag?

وَلَا تَنكِحُواْ مَا نَكَحَ ءَابَآؤُكُم مِّنَ ٱلنِّسَآءِ إِلَّا مَا قَدۡ سَلَفَۚ إِنَّهُۥ كَانَ فَٰحِشَةٗ وَمَقۡتٗا وَسَآءَ سَبِيلًا ٢٢

Walā tankihū mā nakaha ābā'ukum minan-nisā'i illā mā qad salafa innahū kāna fāhishatan wamaqtan wasā'a sabīlā

22. Ha guursannina haween ay aabbayaashiin guursadeen wixii horay u tegay ma’ahee. Arrinkani waa xumaan iyo wax aad loo naco, oo u xun jid.

حُرِّمَتۡ عَلَيۡكُمۡ أُمَّهَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُمۡ وَعَمَّٰتُكُمۡ وَخَٰلَٰتُكُمۡ وَبَنَاتُ ٱلۡأَخِ وَبَنَاتُ ٱلۡأُخۡتِ وَأُمَّهَٰتُكُمُ ٱلَّٰتِيٓ أَرۡضَعۡنَكُمۡ وَأَخَوَٰتُكُم مِّنَ ٱلرَّضَٰعَةِ وَأُمَّهَٰتُ نِسَآئِكُمۡ وَرَبَٰٓئِبُكُمُ ٱلَّٰتِي فِي حُجُورِكُم مِّن نِّسَآئِكُمُ ٱلَّٰتِي دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَإِن لَّمۡ تَكُونُواْ دَخَلۡتُم بِهِنَّ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ وَحَلَٰٓئِلُ أَبۡنَآئِكُمُ ٱلَّذِينَ مِنۡ أَصۡلَٰبِكُمۡ وَأَن تَجۡمَعُواْ بَيۡنَ ٱلۡأُخۡتَيۡنِ إِلَّا مَا قَدۡ سَلَفَۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ غَفُورٗا رَّحِيمٗا ٢٣

Hurrimat 'alaykum ummahātukum wabanātukum wa akhawātukum wa'ammātukum wakhālātukum wabanātul-akhi wabanātul-ukhti wa ummahātukumul-lātī arda'nakum wa akhawātukum minar-radā'ati wa ummahātu nisā'ikum warabā'ibukumul-lātī fī hujūrikum min nisā'ikumul-lātī dakhaltum bihinna fa il lam takūnū dakhaltum bihinna falā junāha 'alaykum wahalā'ilu abnā'ikumul-ladhīna min aslābikum wa an tajma'ū baynal-ukhtayni illā mā qad salafa innallāha kāna ghafūrar rahīmā

23. Waxaa idinka xaaraan ah: Hooyooyinkiin 16 iyo gabdhahiinna iyo walaalooyinkiin iyo eeddooyinkiin iyo habar yarihiin iyo gabdhaha walaalihiin iyo gabdhaha walaalooyinkiin iyo hooyooyinka idin nuujiyey iyo walaalooyinkiin idinla naas nuugay, hooyooyinka haweenkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga 17 oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, Haddii aydaan u tagin ma jiro wax eed ah oo saaran korkiinna (inaad guursataan gabdhahooda), iyo xaasaska wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna; iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan 18, wixii horay u tegay ma’ahee; hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan 19.

Su'aalo

Juz' 4 xagee ka bilaabmaa, xageese ku dhammaadaa?

Juz' 4 wuxuu ka bilaabmaa Suuradda Al-Imran 3:93, wuxuuna ku dhammaadaa Suuradda An-Nisa 4:23.

Suuradahee ayaa ku jira Juz' 4?

Juz' 4 waxaa ku jira Al-Imran, An-Nisa.

Waa maxay juz'?

Juz' waa mid ka mid ah 30 qaybood oo dherer isku mid ah. Haddii aad maalin kasta mid akhrido, Qur'aanka waxaad ku dhammaynaysaa bil.