يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱصۡبِرُواْ وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ ٢٠٠
Yā'ayyuhal-ladhīna āmanusbirū wasābirū warābitū wattaqullāha la'allakum tuflihūn
200. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Samir yeesha oo ku sarreeya samir yeelashada, oo heegan ahaada sugan 41, Allena ka cabsada aad liibaantaane.
Faallooyin hoose
41. Idinkoo ku sugan rugahiinna oo ka ilaalinaya cadowga dhulka Islaamka, ama ku sugan masaajidda idinkoo sugaya salaadaha. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Naari ma taabato labo indhood, il u oyday cabsi Alle iyo il u soo jeedday ilaalinta xuduudaha Muslimka.