Suuradda Al-Imran, aayadda 180

3:180

وَلَا يَحۡسَبَنَّ ٱلَّذِينَ يَبۡخَلُونَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦ هُوَ خَيۡرٗا لَّهُمۖ بَلۡ هُوَ شَرّٞ لَّهُمۡۖ سَيُطَوَّقُونَ مَا بَخِلُواْ بِهِۦ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ وَلِلَّهِ مِيرَٰثُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ ١٨٠

Walā yahsabannal-ladhīna yabkhalūna bimā ātāhumullāhu min fadlihī huwa khayral lahum bal huwa sharrul lahum sayutawwaqūna mā bakhilū bihī yawmal-qiyāmati walillāhi mīrāthus-samāwāti wal-ardi wallāhu bimā ta'malūna khabīr

180. Yey moodin kuwa ku bakhayla bixinta wuxuu Alle siiyey oo Deeqdiisa ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha 39. Alle baana iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.

Faallooyin hoose

39. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Addoonkaan bixin sakada, maalkiisa waxaa laga dhigi Qiyaamaha mas bara leh oo raacaya, markaasuu ka carari oo raacayaa isagoo leh: Waxaan ahay kaydkaagii, markaasuu Aayaddan akhriyey. W.w. Axmad.